Hambalyo ku socota Madaxwaynaha iyo Dawladda
Ku : Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida
Ku : Maamulka Degmada Xarshin.
Salaama Calaykum Waraxmatulaahi Wa Barakaatu. Qurbajooga
jaalliyada degaanka Xarshin waxay mahadnaq,hambalyo iyo taageeraba u
soo dirayaan maamulka Dawladda Degaanka Soomaalida, Xisbiga haya
maamulka iyo maamulka Degaanka Xarshin.
Haddii aanu nahay
qorbajooga reer Harshin aad ayaanu ugu faraxsanahay sida dawladda ugu
dadaalayso horumarinta adeegyada bulshada Harshineed iyo qorshaha
horumered ee kabashada dib u dhacii ku habsaday degaanka oo ahaan jiray
hormoodka jiida.Waxaanu ka war haynaa inay Dawladdu hore ugu dirtay
degaanka ”baabuur ambulance”ah oo u adeega bulshada, mustaqbalka dhawna
la wado qorshihii biyo soo saarka, sidu noo sheegay Gudoomiyaha Xisbigu
Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. Mudanayaal adingoo mahadsan naga
gudooma hambalyada
Bulshada reer Xarshin haddii aanu nahay qorbajoogiina waxaanu idin faraynaa:-
1.
”Rag goggoshii waa nabad” Nabaduna waa hormoodka noolosha,nolon fiicana
waa dhismaha iyo quruxda dadka iyo dalka.Waxaanu idinka codsanaynaa
inaad nabadiina eebbe idinku manaystay inaad ilaashataan,dawladana
gacan ku siisanaa, iskana soo qabataan nabad diidka.Waxaanu idin
leenahay dawladiina u hogaansama.Dawladda xaqiina distooriga ah ka
raadsada,dawladdana xaqeeda distooriga ah siiya oo sharciga dalka u
yaalla la ixtiraamo dawladana lagu taageero hirgelintiisa.
2.
Tacab iyo wax wadaqabsi ayaa horumar lagu higsadaa ee hal ku dhagiinu
ha ahaado waar maxaa inoo dan ah.(Dalkan Sweden ee ka midka ah
dawladaha hodanka ayaa taarikhdiisa lagu bartaa in dalka lagu
hormariyey wax-wadaqabsi , kala danbayn iyo sharciga oo qofkastaa
ixtiraamo).
3. Dadka sida xun u ceesha ee degaanka
nabaadguurinaya iska qabta. Dadka kula taliya inuu qofkast meesha uu
deganyahay ka beero laba geed.
4. Dadkii deggaanka uga barakacay adeeg la'aan ku dadaallo inay dib ugu soo noqdaan.
Haddii
aan nahay qorbajooga hadaan baraarugnay oo heegan u nahay inaan
horumarinta degmada Harshin meel kasta oy tahay idin kala qayb
galno.Labada bilood ee soo socda waxaa imanayaa dad soo darsa baahida
degmada ,waxay soo arkaan dib ugula soo noqonaya jaaliyadda qorbajooga
ah.
Alla Mahad Leh
Cabdillahi Fidaar Siciid
Af-hayaha ku meel gaadhka ah
E-mail:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.