Hambalyo & Bogaadin ku Saabsan Magacaabida Warfaafinta

Tan iyo intii Shabakada CakaaraNews lagu daabacay magacaabista Xafiiska Warfaafinta ee loo magacaabay Mudane Guuleed casoowe waxaa shabakada CakaaraNews soo gaadhaya Record number emails loo soo diro tan iyo intii la aasaasay. Fariimaha emailada ku qoran oo aad u fara badnaa waxay xambaarsanaayeen fariimo tahniyad & hambalyo isugu jira. Fariimaha oo buux dhaafiyay inboxka shabakada & boggaga ay CakaaraNews ku leedahay Facebook, Twitter, Digg, iyo YouTubeka oo loo soo marinayay fariimahaas ayaan waxaan door bidnay inaan idiin soo qaadno qaar ka mid ah fariimahaas oo aan hoos idiinku soo bandhignay

Hambalyo...  Hambalyo

waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa guleed casowe jagadii loo magacaabay oo ah mid uu aad iyo aad wax badan ugu badali karo waxna ugu qaban karo horumarka warfaafinta DDS  iyadoo maanta aad loogu baahan raga guleed oo kale oo aqoon wanaagsan u leh horumarinta wacyi gelinta iyo la socodsiinta horumarinta DDS    ta waxaana guleed u rajeynayaa inuu ilaah la garab galo xilkaan loo magacaabay.     wabilaahi towfiiq    ahlasunawaljameecaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

Ahmed Omar
UK

Hambalyo...  Hambalyo

anoo ah qurbajoogta udhalatay dds ookunoolwadanka sweden
waxaan halkan ugahanbalyay nayaa wasiirka cusub guuleedcasoowe iyowalibana dawlada habsami usocodkeeda waxaanan rajaynayaa inay noqoto tii horumar gaadha iyo himilo

Geele
Sweden

Hambalyo...  Hambalyo

Annaga oo ah dhammaan shaqaalaha Radio Jigjiga, Idaacadda Codka Nabadda iyo Horumarinta Degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaan hambalyo iyo bogaadin aan u diraynaa wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka Degaanka Soomaalida, mudane Guuleed Casoowe. Haddaba haddii aannu nahay shaqaalaha Radio Jigjiga waxaannu leenahay hambalyo. Waxaannuna wasiirka cusub kula talinaynaa inuu sii wado tubta toosan ee ay ku socdaan hoggaanka degaanka Soomaalidu.
 
Dhammaan Shaqaalaha Radio Jigjiga oo ay kamid yihiin.

1. Cabdi Mula
2. Cabdiraxmaan Sheekh
3. Najiib Khaliif

Hambalyo...  Hambalyo

waxaan halkan uga hambalyeynaayaa guled casaawe ,waxaanan illaahay uga rajeynaayaa in uu xilkaas ku asturo

Guled Abdullahi (Guyo Malabo)

Hambalyo...  Hambalyo

Guleed casoowe waxaan kuugu hanbalyanayaa hawsha karaamada leh ee lagu magacaabay waxaan filidoonaan inaad ka soo dhalaali doonto laguguna abaal marin doono. waa sxb danab ugaas kanada ila soo xidhiidh.

Danab Ugaas
Canada

Hambalyo...  Hambalyo

"Guled: aad baan ugu kalsoonayahay inaad ka soo baxayso xilka laguu magacaabay. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo shaqada. AAMIIN"

Sheck Adan (Via FaceBook)

Hambalyo...  Hambalyo

"Woow dadaalka uu sameeyay Mudane Guuleed ayaa u sabab ah in wasiir loo magacaabo waxaa sharaf u ah kililka in dad badan ay guuleed ku dayan doonaa misena ay garawsan doonaan natiijadoodu inay noqon doonto meel sare...
Guuleed Ilaahay hakugu asturo xilka laguu dhiibay waxaaban aaminsanahay kan inuu kugu yar yahaye"

Ahmed Mohamed (Via FaceBook)

Hambalyo...  Hambalyo

"man  sha allaaah   wisiir  GULEED,, waad  mutaysatay  xilka  in lagu dhiibo  waa nad  uqwalantaaa  waxaaana  aaminsanahay  inaaad  siday tahay  uga  sobixii in sha allaaaah  ilaaahayna  hakula garabqabto,, qofkasta  oo wadani ahna  xaqbuu uleeyahay  inuu  wax kasta  uu  aqoon uleeyahay  inuu  xilkeeda  qabto  like Guuleeed  "

Shabcaan Abdinur (Via FaceBook)

Hambalyo...  Hambalyo

Dear Mudane Guuleed,
Aad baan ugu farxay akhbaartan cusub iyo xilka laguu xushay inaad xilkiisa dhabarka u ridato, waxaanna aaminsanahay inaad aad tahay right person ka ka soo bixi karo xaaladan aan ku jirno iminka bulshadana wax weyn aad u qaban karto.
 
Naga guddoon salaan badan iyo farxad iyo weliba sawiradeenna ka qoys ahaan haddii aan nahay reer Cabdi.
Waxaan ku leenahay ku ciid sanad wanaagsan.
 
Cabdi/Meqdes iyo Keyd iyo Magan Cabdi
Addis Ababa

Hambalyo  Hambalyo.
 
Waxaan hambalyo hawada usoo marinayaa bahda saxaafada deegaanka soomaalida oo aan leeyahay waad hesheen wasiirkiinii oo ah nin ujajaban dhinaca warbaahinta,

Mudane Guuled Maxamed Maxamuud Casoowe  waxa uu muddo dheer si mutadawacnimo ah ugu soo dhex jiray hawlaha baahinta wararka deegaanka la xiriira dhinacyada horumarka iyo nabad galyada sido kale waxa uu qayb  laxaadleh ka qaatay filmka murtida xambaarsan ee dhari agoomeed-

Guuleed Casoowe waxa aan leehay sxb maanta maadan noqon wasiirka warfaafinta ee horay ayaad u ahayd iskaa wasaarad iyo qalabkeedii waxana ilaahay kaaga baryaynaa inaad xilkan ugudato sida xilkasnimada ah ee lagugu yiqiin aniga oo sida kale  uhambalyaynaya masuuliyiinta haatan garatay in waajibaadkaas laguu  magacaabo oo aan leehay Guuleed horay ayuu u istaahilay ee waan soo dhawaynaynaa hadii aad haatan garateen,
Xukumadu qofka waxqabadkiisa haku qiimayso sida uu Guuleed yare iskii umuujiyay  mudada dheer shaqada mutadawacnimada ah isaga oo dhaawacay nabad-diidka xanuun tiiraanyo ku reebayna ugaystay

Talk The Fact
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.


Hambalyo DDS

waxaan aad ugu faraxanahay magacaabida loo mbadmaagacaabay  saaxiibkan guuleed casaawe xilkan cusub hadaan nahay jaaliyada degan uk,sababta ooah waxaanu ognahay inuu waxbadan kabadalaayo xaga warbaahinta anagoo ku naqaan firfircooni inuu kasoobixi karo sidaa uu runtii uu uhantay war baahinta dowlada deegaanka runtiiwaxaanu ku faanaa wararka aan ka aqrisano cakaara oo iyadana dad badan indhahooda ku soo jiidanay raga warxuma tashiilkana  aan kaga guulaysanay markaanu hor dhignay horumarka kililka  taasna waxaa inoo sahlay guuleed iyo cakaara waad mahadsan tihiin  

Mowliid Gafoofe
Jaaliyada UK, London

Salaan & Tahniyad

Waxaan u hambalyeynaya mudane GUULEED CASOOWE xilka cusub ee loo dhiibay, runtii waxaan rajo weyn kaqabaa inaad isbadel balaadhan ka  keeni doonto doorka aad ka u liita ee saxaafadda ay kulahayd soo bandhigista horumarka balaadhan ee kasocda DDS iyo dhaqanka bulshadeena. Waxaan kuu rajaynayaa inuu ilaahay kugu asturro xilka

Wali Cali
Bangkok,Thailand.
Via FaceBook


Tahniyad


Waxaan u hambalyaynaynaa Xukuumada Degaanka Soomaalida magacaabista Madaxa Xafiiska Warfaafinta wxaanu leenahay Mudane  Guled Casoowe waxaanan rajaynayaa in Allah kugu asturo xilkaasi laguu dhiibay, adiguna inaad isku daydo inaad noqoto mid xilkaasi si daacada u guta, Amen

Muhydin Ali Biyo
Via FaceBook

Hambalyo Hambalyo

Hadaanu nahay Shacabka Degaanka Soomaalida waxaan xukuumada Degaanka ugu hanbalyaynaynaa magaaacista Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee loo magacaabay guuleed casoowe waan oogu ham bal yayn hayaa waxaana lee yahay sxb mawaadin mooyaane qof kale xil looma dhiibayo"

Shaahid Cali
Via Twitter

Hambalyo
 
Waxan Hambalyo Diiran u dirayaa Wasiirka Cusub Mudane Guled Casoowe.Waxan leeyahay Xilka maanta laguu magacaabay waa xil aad mutaysatay.

Runtii Si diiran ayaad horumar uga gaysatay Dhinaca Saxaafada iyo Waliba Wacyi galinta Qurba Joogta oo aad si toosa ugu soo tabin jirtay umuuraha aalaaba ka dhacaya Dawlad Deegaanka Somalida.

Mudane Wasiir,Hawshaada si Wadaninimo u gudo,Dhagna ha u dhigin Qolyahan dhagar qabayaasha ee Qiilka waayay,UBO Waa Habar Nolosha Nacday,Wiil School-kiisii ka saaqiday,Iyo Kuwa Nolosha ka dhacay intaba.... See More

Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Mudane Daud Maxamed Cali Waxan isna ugu Hambalyaynayaa Magacaabida uu Dadka Aqoonta iyo Wadaninimadu ku dheehantahay u magacaabayo Jagooyinka ay ku hamboonyihiin.

Waxan isagana Marna la ilaawi Karin HOgaanka Nabad Galyada iyo Cadaalada Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo si Geesinimo iyo Wadaninimo habeen iyo Maalinba ugu taagan Sidiii ay Dadkiisu Nabad ugu noolaan lahaayeen.Mudane Hogaan Waxqabadkaaga Dhinaca Amniga iyo kala dambaynta ee hufan Si wanaagsan ayay taariikhdu kuu xusi.
Aristotle Moha
Via FaceBook
 
Hambalyo
Congra Mr.Guled we hope we c change in warfaafinta Dadaal Khadar Abiib (Via FaceBook)
 
Hambalyo
hambalyo guled casowe salan sare sxb ilaahay hakugu asturo sxb xilkaa laguu dhiibo aad baan kuslamaya. Admash Sheikh (Via FaceBook)
 
Hambalyo
Asc mudane wasiir guleed hambalyo, sacaadatu wasiir waxaan ku rajaynayaa in xilkaa lagu magacabay ilahay kugu asturo aamin aamin aamin .... Abdirahman Caalam (Via FaceBook)
 
Hambalyo 
Hambalyo guuleed asowe kii umadiisa anfaca qerbaan kuu rajeynayaa allana hakuu fududeyo hanbalyo hanbalyo Saiid Abdi Amin (Via FaceBook)

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.