H.E. Ambasador Dini Mufti Dini oo Gudoomay Shahaado Sharfeed Ka Socota Shacabka Degaanka Soomaalida

Stockholm (CakaaraNews) Safiirka Dawlada Itoobiya u fadhiya dalalka Scandinavianga ee fadhigiisu yahay caasimada cariga Sweden ee Stockholm H.E. Ambasador Dina Mufti ayaa gudoomay hadiyado & shahaado sharaf ka socota Shacabka dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Shahaada Sharaftan 7 Hadiyadan oo ay safaarada Itoobiya ee dalka Sweden ay gaadhsiiyeen Gollaha Horumarinta & Nabada ee Degaanka Soomaalida oouu hor kacayay Gudoomiyaha GHNDS Mudane Suldaan Cabdi Jaamac & oday ka mid ah cuqaasha jaaliyada Degaanka Soomaalida Mudane Xaaji Xiis Xaaji Cusmaan.

Sidoo kale, waxaa Hogaaminta GHNDS & cuqaasha Degaanka Soomaalida ay Safiirka gudoonsiiyeen dharka Hidaha & Dhaqanka ee shacabka Degaanka Soomaalida, hadiyadahaas oo ay kamid ahaayeen go' shaal ah, macaawis iwm.

Safaarada Itoobiya ee dalka Sweden oo wakiil ka ah dhamaan wadamada Scandinavianka ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay hadiyada & aqoonsiga dedaalka ay Safaarada Stockholm ka gaysatay adeega ay u fidinayso jaaliyada ka soo jeeda Degaanka soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa shahaado sharafta mid la mid ah la gaadhsiiyay Safaarada dawlada Itoobiya ay ku leedahay cariga Ingiriiska.

Sidoo kale, waxaa Dawlada Degaanka ay shahaado sharaf & hadiyado kala duwan u direen dhamaan jaaliyaadkii & ururadii shacabka ee ka qayb galay kulamdii ay wafdiga ka socday Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida & Dowlad Degaanka Soomaalida ay sannadkii hore ku qabteen dalalka Sweden & Ingiriiska.

Mar uu ka hadlay hadiyadan & Shahaado sharafta wuxuu Amassador Dina sheegay inay safaaraddan ku shaqeyso guud ahaan jaaliyadaha reer Itoobiya, iyadoo gacan ka geysaneysa inay caawiso ciddii dooneysa inay ka qeyb qaadato isku dayga horumarineed ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.