Jigjiga
(CakaaraNews) Wafdigii ka socday jaaliyadaha u dhalatay ee Degaanka
Soomaalida ee ku sugan cariga USA ayaa wali ku sii jira booqashadoodii
ay ku kala bixinayeen goobo ka mid ah Degaanka Soomaalida, iyagoo haatan
ku sugan Caasimada Jigjiga.
Wafdigan booqasho ku timid DDS oo uu fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa ka koobnaa Somali Ethiopia Community Association & Ethiopia Community Service, oo uu wehelinayo Television ka cusub ee ka hawl gala dalka Maraykanka (Jigjiga TV) waxay shalay kulan la yeesheen Ku Sii Simaha Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida ahna Hogaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Ku Sii Simaha Madaxwaynaha & wafdiga waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Dedaalka horumarka & wacyigalinta jaaliyada Degaanka Soomaalida ee ku nool dalalka Waqooyiga Ameerika.
Wafdigaa oo ka koobnaa Badri Yuusuf Ciise, Maxamuud Sheekh, Garaad Cumar Dool, Maxamuud Cabdi Cali & Bashiir Garaad, waa kadib soo dhawayntii ay wafdiga Somali community & Jigjiga TV, Minnesota, warbixin guud Xukuumada Degaanka Soomaalida ka siiyeen wax qabadikii xubnaha ee Jig-Jiga Tv news.
Ku sii Simaha
Madaxwaynaha ayaa isaguna dhankiisa wafdiga ka xog siiyay Degaanka guud
ahaantii, sida xalada nabadgaliyada iyo horumarka deegaanka.
Wafdigu waxay ku sii simaha Madaxwaynaha Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay gudoonsiiyeen hadiyad ay uga sideen Somali Ethiopia Association & Ethiopian Somali Community Service.
Sidoo kale, waxaa wafdigu uu kulan la yeeshay XDSHS, halkaasoo uu xarunta Dhexe ee XDSHS uu kula kulmay Madaxa Arrimaha Xisbiga Mudane Ilyaas Cumar.
Waftigan qurbo joogta ah ee uu hogaaminayay Mudane Max’uud Sheekh Axmed oo kamida qurbo joogta ku nool dalka maraykanka, ayaa u sheegay in ujeedada ugu wayn ee socdaalkani yahay u kurgalida iyo soo indha indhaynta mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay Degaanka & nabadgalyada ka hana qaaday Degaanka Soomaalida.
Wuxuuna sheegay masuulku mudada ay ku sugnaayeen qurbaha in ay qabteen hawlo horumarineed &wacyi galinta siyaasadeed & tan horumaineed ee u dhalatay D.D.S, guulo wax ku oolana ka soo hooyeen abaabulka horumarineed ee shacabka qurbo joogta ah ee u dhalatay Degaanka Soomaalida.
Sidoo kale wariyaha Jigjiga TVee xaruntiisu
tahay dalka maraykanka Mudane Bashiir Yousuf Ciise ayaa sheegay in TV 5
xubnood oo ka tirsan Somali Ethiopia Association & Ethiopian Somali
Community Service ay iskood u aas aaseen sanadkii 2006. Lana hawl
galiyay 2007.
Ujeedada ugu wayn ee loo aasaasay TV ay tahay in sida xaqiiqada dhabta ah ee horumarineed & tan nabadgalyo ee ka jirta Degaanka Soomalida loona fahansiiyo qurbo joogta ku nool dalka dibadiisa.
Sidoo kale mar uu wargaysku la yeeshay waraysi Mudane Bashiir Garaad Faarax ayaa sheegay in ay gudiyadani ay si hagar la’aana Degaanka Soomaalida & Fedeeral kaba ay ugala shaqeeyaan hawlaha wacyi galinta ee horumarineed & nabadgalyada dalka & deegaanka labada, wuxuuna mudanuhu sheegay in Somali Community West Service laga furay 2006 west Washington ee dalka U.SA.
Mudanuhu wuxuu sheegay in qarniga 21 ee haatan lagu jiro uu dagaalkii aduunku isu badalay mid dhaqaale & mid horumarineed oo la isu adeegsanayo MEDIA sidaas darteedna uu community xooga saaray abaabulka & kobcinta MEDIA.
CakaaraNews