Komishinka Booliska DDS oo Maanta Dhoolu Tus u Sameeyay Qurbo Joogta ku Sugan Jigjiga

Jigjiga (CakaaraNews) Komishinka Booliska ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta dhoolo tus u sameeyay Wafdigii qurbo joogta ahayd ee ka socotay Jigjiga TV. Dhoolutuskan oo lagu qabtay Xarunta Lomishinka Booliska ee DDS ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan saraakiisha Booliska ee Degaanka.

Sida uu sheegay Komishinerka Booliska ee DDS Mudane Yuusuf Maxamed (Jalaale) oo munaasabada ka hadlay, ujeedada dhoolutuskani waxay ahayd inay xubnaha qurbo jooga iyo saraakiisha Booliska ee Degaanka Soomaalida ay is bartaan.

Saraakiisha goob jooga ka ahaa kulankan ayaa isugu jiray saraakiishii hore iyo kuwa cusub ee haatan tababarka qaatay. Dhoolutuskan waxaa fanka ciyaaraha difaaca nafsiyeed soo bandhigay dhalinyaro ka tirsan ciidamada Booliska ee ka Hortaga Rabshadaha & Banaanbaxyada oo ku qalabysan dhamaan hugga difaaca jidhka iyo qoryaha laga rido qiiqa dadka kaga ilmaysiiya ee lagu kala eryo shaqaaqooyinka.

Waxaa kaloo dhoolu tuskan la keenay wiil yar oo dhawaan ciidamada Booliska ee Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay ka soo qabteen budhcada ubo.

Wiilkaa yar oo raamihii shufatada wali sii leh ayaa ka sheekeeyay sida xun ee ay ula dhaqmaan shacabka. Waxaa kale oo goobta ka hadashay gabadh hore uga tirsanaan jirtay budhcada ubo oo iska soo dhoobtay haatana ka tirsan ciidamada maleeshiyada.

Inta ay labadaa qof hadlayeen waxaa hortooda joogay wiil yar oo labada lugood ay goysay bam ay budhcada ubo ku tuurtay xuskii munaasabadii maalintii Ginbood 20 ee sannadkii 2007 ka dhacday magaalada Jigjiga.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.