Qurbo Joogta Scandanavianka: Mahadnaq‏ Ku Socota Dawlad Degaanka Soomaalida

Dadku hadalka duunyaduna urta ayeey isku afgarataan wa maahmaah da’weyn oo Soomaaliyeed macnaheeduna ma aha mid daahan ama sarbeeb ah ee waxay ka dhigan tahay in aadamuhu isku fahmo odhaahda qeexan iyo ereyada sida fiican u cabira dhacdada, rabitaanka iyo ra’yigaba.

Sidaa la ajligeed, waxaan si weyn ugu mahad celineynaa maamulka suuban ee ka curtey Dawlad Degaaneed keena Soomaalida Ethiopia sida wacana ula jaan qaadey aragtida dimuqraadiyada casriga ah hadey tahay xidhiidhka wanaagsan iyo wadaaga talada iyo aqoon isweydaarsiga dadkiisa ee ay sida hal-doornima iyo deeqsinimada leh u maamulku iridaha ugu furey iyada oo ay taas waliba dheer tahay abuurida kalsoonida shacabka fulinta axdiga ay balan qaadaanba.

Waxaan leenahay anaga oo ku hadleyna afka qurbejoogta ku dhaqan Skandenevian  ee ka soo jeeda dad ka iyo dalkeena hooyo madaxda iyo maamulka Dawlad Degaaneed keena Soomaalida Ethiopia runtii aad iyo aad baad ugu amaanantihiin talaabooyinka cusub ee aad qaadeen hadey  tahays isbadalka dhaqan iyo dhaqaale  tahay kan xoriyada cabirka ra’yiga iyo kan xidhiidhka dadweyneba.

Waana mid runtii taariikhdu xusi doonto oo noqon doona marjac iyo meel loo laabto marka loo baahdo raad raaca isbadal ee bulshadeena iyo baradeena alle inasiiyeyba waxay noqon doontaa mid da’yarta iyo dadd ka inaga danbeeyaa ay ku faani doonaan o u noqon doonta afgoyn tii baahida dhaqaale, dhaqan iyo aqooneedba waa mid sidoo kale u noqon doonta madihii u dhaxeeyey cabsida, colaada, iyo axdi jabinta mudda dheer soo daashatey dad keena iyo dalkeenaba sidoo kale maa mid idinka iyo maamulka aad hormoodka u tihiinba u noqon doonta fal iyo ficil an ku faanaan oo taariikhdu u diwaan galineyso.

Waxaa mudan iyana in si gooni ah aan u xusno shabakada internetka ee CakaaraNews waxqabadkeeda warbaahineed ee ay ku dheehan tahay dadaalka wadaninimo iyo tan wargeysnimoba. iyo waliba sida habsamida leh ay ugu soo gudbiyaan waxqabad madaxda kan maamulka iyo kan shacabkaba hadey tahay halganka ay ugu jiraan horumarka maamulka suuban, kan xidhiidh wanaang, kan dhaqan dhaqaale iyo aqoomeedba.

Waxaan ugu danbeystii u hambal yeey neynaa guud ahaan shacabka deegaan keena iyo gaar ahaan madaxda, maamulka saxaafada iyo bulshada inta bilicda iyo barwaaqada daddkooda iyo dalkooda la jecel waxaanan alle ugga baryeynaa inay noqdaan ku kuwo ku guuleysta wanaaga iyo waxqabadka ay dadkooda iyo dalkooda u hayaan AAAMMIIN !!!

QURBO JOOGTA SCANDANAVIANKA

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.