9 Shuftada UBO ah oo Lagu Dilay Godey

Godey (CakaaraNews) Wariyaha Shabakada ee Gobolka Godey ayaa sheegay in dagaal ay maalintii shalay ahayd ay qaadeen ciidamada Maleeshiyada ee Degmada Godey ay tuulada la yidhaahdo Laab oo ka tirsan Godey una jirta 90 Km ay ku dileen tiro dablay ka tirsan budhcada UBO.

Wararku waxay intaa ku darayaan in maleeshiyadu ay budhcada UBO ka dishay 9 isla-markaana ka dhaawacday 4 kale. Sidoo kale waxay maleeshiyadu budhcada UBO ka furatay 11 qori iyo saanad kala duwan.Dhaawaca budhcada UBO ayaa haatan la sheegayaa inay gacanta ku hayaan maleeshiyada Degmada Godey oo u fidiyay adeegii caafimaadka ahaa ee deg-dega ahaa, waxaa la filayaa inay u soo gudbiyaan caasimada Jigjiga ee Dawlad Degaanka Soomaalida.

Wararku waxay kaloo tibaaxayaan in dhinaca Maleeshiyada Degmada Godey ay ka shiideen 4 xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyada.

Wararku waxay ilaa haatan sheegayaan in budhcada shuftada ah ee UBO ee la dilay ay ka mid yihiin:-

Nin la yidhaahdo Sheekh Yuusuf iyo
Nin kale oo magaciisa lagu sheegay Arbe

Inkastoo ay CakaaraNews wali isku dayayso inay hesho haybta iyo magacyada budhcada la dilay iyo kuwa la dhaaway, waxaan akhristayaashena u sheegaynaa inay naga sugaan wixii tafaasiil dheeraad ah ee arrintan ka soo kordha, kalana socdaan CakaaraNews

CakaaraNews