MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Unba Baxay Xarunta Dalka Ee A.A

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 13ka, July 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u anba baxay xarunta dalka ee magaalada Adhisababa. Iyadoo madaxwaynuhu uu bari hadii alle idmo uu si wada jir ah Raiysal-wasaaraha dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed ula soo dhawyn doono madaxwaynaha dalka Eretria mudane Esaias Afwerki. 

hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar oo ay waheliyaan hogaaminta ugu saraysa dalka oo uu ugu horeeyo RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed ayaa lafilayaa in maalinka bari ah ay si diiran usoo dhaweeyaan Madaxwaynaha Dalka Eriteria mudane Eseas Afwerki. taasoo ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee uu madaxwaynaha eriteria booqasho ku yimoodo dalkeenan itoobiya. maadaama oo ay labada dal dhaxtaalay khilaaf iyo kala qoqobnaan mudo kabadan 24 sano islamarkaana wakhti xaadirkan dib loosoo celiyay heshiiskii iyo walaaltinimadii labada dal.

ugudanbayn, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta dalka ee magaalada adhisababa.