Kalfadhigii Golaha Baarlamaanka Oo Lasoo Gunaanaday

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 13ka, July 2018. Kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ee maalmahanba kasocday xarunta DDSI ee magalaada jigjiga ayaa kadib markii lasoojeediyay dhamaan ajandayaashii iyo warbixinadii kaladuwanaa si habsamileh loosoo gunaanday. iyadoo Ugu horayna uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu halkaas kasoojeediyay warbixintii waxqabadka xukuumada DDSI  ee SM 2010 T.I.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar ayaa si faafaahsan uga warbixiyay dhamaan warbxintii waxqabadka xukuumada DDSI ee dhinacyada horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha, wuxuuna madaxwaynuhu sidookale ka warbixyay waxqabadka jidadka, buundooyinka, shaqo-abuurka, horumarinta magaalooyinka, dhalinyarada iyo haweenka, xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba, sidookale madaxwaynaha ayaa kawarbxiyay guulaha nabadgalyada. Intaas kadibna xildhibaanada ayaa su'aalo kawaydiiyay madaxwaynaha. Iyadoo su'aalahaasna uu madaxwaynuhu si faahfaasan uga jawaabay Kadibna, xildhibaanada ayaa codbiuuxa ku ansixiyay warbixinta xukuumada DDSI.

Sidookale, waxaa iyana lasoojeediyay warbixinada waxqabadka baarlamaanka, maxkamada guud iyo waliba hanti dhawrka guud ee DDSI. Dhagaysi dheer kadibna xildhibaanadu ayaa suaalo iyo talo bxino ka soojeediyay waarbixinadas. Iyadoo masuuliyiintuna ay si waasac ah uga  jawaabeen. kadibna xildhibaanada ayaa cod buuxa ku ansixiyay warbixinadaasi.

Intaasi kadib, ayaa waxaa iyana kalfadhiga la horkeenay miisaaniyada cusub 2011 T.I. iyadoo halkaasna uu kasoojeediyay wasiirka xafiiska horumarinta khayradka biyaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo si habsamileh halkaas uga soo jeediyay miisaaniyada DDSI ee sanadkan 2011.T.I iyadoo wasiirkuna uu soo bandhigay in sanadkan miisaaniyada deegaanku ay dhan tahay 16,871,585,843 Birr (Toban Iyo Lix Billion Sideedboqol Todobaatan Iyo Kow Million, Shan Boqol Sideedtan Iyo Shan Kun, Sideedboqol Afartan Iyo Sadex Birr) kadibna, xildhibaanada ayaa su’aalo kusaabsan miisaaniyada waydiiyay wasiirka, islamarkaana uu wasiirku kabixiyay jawaabo faahfaahsan kadibna, waxay xildhibaanada DDSI ay cod buuxa ku ansixiyeen miisaaniyada cusub ee SM 2011.T.I.

intaasi kadibna, gunaanadkii kalfadhigan 7aad ee Golaha xildhibanaada ayaa wuxuu madaxwaynaha DDSI halkaasi ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Isagoo madaxwaynuhuu sheegay in deegaanku uu gaadhay meel aad u heersaraysa marka la eego horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban islamarkaana aysan si dhibyar ku imanin, oo ay kutimid kago’naansho iyo naf-hurid. Taasoo oo ay xukuumada iyo shacabkuba si wadajir ah usameeyeen. Wuxuuna madaxwaynuhu ilaahay ugu mahadceliyay allah ku garbgalay in nabadgalyadaas iyo horumarkaas aan gaadhno, sidookale madaxwaynaha ayaa carbak kudhuftay in nabadgalyada DDSI ay kutimid kadib markii dadbadani uu ushihiiday oo udhaawacmay kuwaasina ay mudanyihiin in laxasuusto lana ixtiraamo markasta. Wuxuuna xusay in nadabdgalyadaas iyo horumarkaas halgankaas kuyimid ay lagama maarmaan tahay in lasii wado.

Dhankakale, madaxwaynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in horumarkaas lasii balaadhinayo islamarkaana sanadkan xooga la saaridoono horumarinta adeegayada aasaasiga ah, qorshayaasha horumarinta bulshada sida baranaamijka guryaynta, iyo Barnaamijka Baad, biyo, beer, cilmi iyo caafimaad ee (BBC) oo ah barnaamij kor uqaadaya danyarta iyo waliba barnaamijka daynta ee lasiiyo dadka hayntoodu hoosayso. Horumarinta Barashada xirfadaha, waxsoosaarka, iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Wuxuuna hadalkiisa kusoo gunaanaday in ay muhiimtahay in lasii labojibaaro dadaaladaas si bulshada deegaanku ay wakhti dhaw uga baxdo saboolnimada.

Ugudanbayna, kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI  ayaa si habsamileh loo soo gunaanaday iyadoo xildhibaanadu si midaysan isula qaateen in laga midho dhliyo qorshayaasha uyaala guud ahaan hay'adaha DDSI ee dhamaan kuwajahan horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.