Maayorka MMJ Oo Kulan La yeeshay Maamulada 20 ka Xaafadood Ee Gudaha Magaalada

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 16ka July 2018. Maayorka Maamulka Magaalada jigjiga mudane Ibraahim maxamuud mubaarak ayaa shir layeeshay dhamaan maamulada 20ka xaafadood ee kuyaala gudaha magaalada jigjiga. Iyadoo shirkana ujeedadiisu ahayd fududaynta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshadu uga baahantahay  maamulada xaafadaha ee ay kamidka yihiin samaynta aqoonsiyada, xujadaha xaafadaha/guryaha iyo adeegyada kale ee muhiimk ah.

Hadaba, Maayorka MMJ mudane Ibraahim Maxamud Mubaarak ayaa maamulada u soo jeediyay in xaafaduhu ay sidii loogu talagalay ufuliyaan nidaamka adeeg bixinta ee ay bulshada xaafadaha kunooli u baahan yihiin sida samaynta aqoonsyada, xujadaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee ay fuliyaan. Wuxuuna tilmaamay in adeegyadani ay yihiin kuwo markasta bulshadu ubaahantahay islamarkaana loo baahanayahy in aysan wax suaal ah ama cabasho ahi ka imanin.

Maayorka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in adeegyadan aqoonsiga iyo xujadaha guryaha hada kahor lagu bixin jiray halmeel oo ah dawlada hoose si taasi loogu dhibyareeyo muwaadiniintana loo dhaadhiciyay 20 meelood oo ah 20ka xaafadood ee MMJ. Wuxuuna xusay in dawladnimadu ay kabilaabato hoos islamarkaana bulshada adeega ubaahani ay kukala noolyihiin xaafado kaladuwan. Wuxuuna kula dardaarmay maamulada 20ka xaafadood ee kuyaala gudaha MMJ in sidii logu talagalay ay bulshada ugu adeegaan islamarkaana ay fududeeyaan nidaamka iyo wakhtiga  adeegyada kaladuwan ee ay bulshada ufidinayaan..

Ugudanbayna, qaarkamid ah maamulada xaafadaha oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in bulshadu aad ugu faraxsanatahay adeegan aqoonsiaga ee loosoodhaadhicayay xaafadihii ay kunoolaayeen. Waxayna xuseen inta karaankooda ah inay fududaynayaan adeega hadana ay sii dardargalinayaan nidaamka adeegbixinta si bulshadu ay ugu qancaan.