MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta DDSI

jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 18ka July 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ee maalmahanba kusugnaa xarunta dalka ee magaalada adhisababa ayaa dib ugu soo laabtay  xarunta deegaanka ee magaalada  jigjiga, kadib markay u soo dhamaadeen hawlihii shaqo ee muhiimka ahaa ee ay ka midka ahaayeen  soo dhawayntii madaxwaynaha dalka eretria mudane Esaias Afwerki iyo waliba shirarkii hawlaha dalka khuseeyay.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaamnayay ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta DDSI ee magalaada jigjiga.