Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Qorshayaasha 2010Ti Ee Hospitalada Deegaanka Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Godey

Godey(Cakaaranews) Arbaco, 18ka July, 2018. Waxaa hoolka shirarka ee hospitalka magaalada godey si rasmi ah uga furmay shirkii qiimaynta waxqabadka qorshayaasha sanadkan dhamaadey ee 2010TI ee guud ahaanba 10ka hospital ee gobolada deegaanka.

Hadaba kulankan qiimaynta  waxqabadka hospitalada deegaanka ee sanadkan dhamaadey ee 2010TI oo ay kasoo qaygaleen dhamaan maareeyeyaasha hospitalada gobolada deegaanka iyo agaasinka daawaynta iyo daryeelka caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sida loo hirgaliyay qorshayaashii uyaalay hospitalada gobolada deegaanka  iyo waliba sidii kor loogusii qaadi lahaa islamarkaana loosii dardargalin lahaa adeegbixinta caafimaad ee hospitaalada deegaanka iyo sidii loo helilahaa dawo tayaysan oo waxtar uleh bukaanka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah maareeyayaasha hospitalada deegaanka oo sheegay inuu kulankani yahay mid 6dii biloodba mar loo qabto guud ahaanba hospitalada deegaanka islamarkaana lagusoo jeediyo qorshayaasha waxqabadka hospitalada gobolada deegaanka, waxaa kale oo kulan lagu wadaagaa khibradaha ay kula horeeyaan hospitaladu taasoo midba mid kale ka korodhsado, iyadoo kulankan lagusii adkeeyo wada shaqaynta ka dhexeysa hospitalada deegaanka.