Maamulka Magaalada Qabridahar Oo 135 Qoys oo Danyar Ah Kuwareejiyay Guryihii Dajinta Iyo Agabkii Kale Ee Baranaamijka BBC

Qabridahar(cakaaranews)Sabti, 21ka July 2018. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka qoraxay oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka qoraxay iyo masuuliyiinta maamulka magaalada Qabridahar ayaa si habasami leh ugu wareejiyay qoysaskii danyarta ahaa ee dajinta loo samaynayay islamarkaana  looga faa’iidaynayay barnaamijka BBC ee magaalada qabridahar. Iyadoo 135 qoys oo danyar ah lagu wareeiyay 135 guri oo ka kooban 2 qol, 25neef oo adhi ah, 5 neef oo lo’a ah, agabkii cuntada, agabkii jiifka  iyo raashinkii oo dhamaystiran.

Hadaba, maamulka magaalada qabridahar oo ugu horeeyo Mooyorka Magaalada Qabridahar mudane Yuusuf Xasan Cali oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in maanta ay xadhiga kajareen 135 guri oo ah guryihii dajinta loogu talagalay islamarkaana ay si habsami leh ugu wareejiyeen 135 qoys oo danyar ah oo laga soo kala xulay xaafadaha magaalada. Waxuuna xusay maayorku in sida uu qorshuhu ahaa qoys kasta lagu wareejiyay 25neef oo adhi ah, 5 neef oo lo’a ah oo irmaan ah, agabkii cuntada, agabkii jiifka iyo waliba raashinkii oo dhamaystiran oo ah biil 6 bilood ay isticmaalayaan. Wuxuuna tilmaamay in si fiican ay ugu guulaysteen fulinta qorshihii xukuumada ee sanadkan 2010 T.I gaar ahaan barnaamijka Biyo, Baad, Beer Cilmi iyo Caafimaad (BBC).

Dhankakale, qaar kamid ah bulshadii danyarta ahaa ee lagu wareejiyay guryaha iyo agabka kale oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maanta aysan farxadooda qiyaasi Karin islamarkaana gacanta laga saaray dhamaan adeegyadii uu qofka baniaadanka ahi ubaahnaa sida guriyihii, xoolihii, raashinkii, agabkii cuntada iyo waliba agabyadii guriga iyo jiifka oo dhamaystiran.

Iskusoowad duuboo, barnaamijkan BBC oo magaciisa laga soogaabiyay baad, biyo, beer, cilmi iyo caafimaad ayaa ah qorshaha xukuumada DDSI qaadatay sanakan 2010 T.I. islamarkaana ah mid kasocda dhamaan 93 degmo iyo 6maamul magaalo ee deegaanka. Waxaana xusid mudan in qorshahan ay bulshada deegaanku si balaadhan u soodhawaysay. Waana mid kamid ah qorshayaasha lagu tirtirayo saboolnimada.