Kulan Lagu Soo bandhigayay Daraasaad kuqotama Saamayntii Ay Kuyeesheen Roobabkii Gugu Bulshada Deegaanka

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 25ka July 2018. Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI oo kaashanaya hay’adaha bahwadaagta la ah uu u diray dhamaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka kooxo daraasaad kasoosameeya kaasoo ah saamaynta ay roobabkii gugu kuyeesheen bulshada deegaanka. Sidaasdarteedna Waxaa maanta xarunta deegaanka kaqabsoomay kulan lagu soobandhigayay  natiijada daraasaadkaasi iyo waliba xaalada gargaarka bani-aadanimo ee kuaadan iyadoo kulankana ay kasooqaybgaleen dhamaan kooxihii loo diray gobolada iyo Degmooyinka

Hadaba, kulankana ayaa waxaa kahadlay Wasiir-kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka mudane Anwar Cali oo sheegay in dhamaaanba deegaanka laga soo sameeyay daraasaad lagu eegayay saamaynta ay roobabkii gugu kuyeesheen bulshada deegaanka ee kuaadan dhamaan noloshooda. Wuxuuna intaas kudray in kulankani yhay mid lagu soobandhigayo xaalada ama qorshaha udiyaargaarwga bani aadanimo.

Iskusoowada duboo, kulankan oo socon doono mudo 2 cisho ah ayaa waxaa lagu soobandhigi doonaa saamaynta  faaiidooyinkii, iyo  khasaarihii ay kadhaxashay  bulshada deegaanku  roobabkii gugga. Iyo waliba dhamaan xaalada iyo qorshaha udiyaargarwga baniaadanimo ee kuaadan.