Tacsi Tiiraanyo Leh

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 26ka July 2018. Hogaaminta sare ee XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha kabineega deegaanka, golaha wasiirada, odayaal dhaqameedka deegaanka, hogaaminta gobolada, hogaaminta degmooyinka, culumo-awdiinka deegaanka, ururka dhalinta kacaanka gaamurey ee heego iyo dhamaanba shacabwaynaha DDSI ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan guud ahaanba shacabwaynaha reer itoobiya dal iyo dibadba gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay engineer Simayow Beqele oo ahaa engineerkii  gacanta ku hayay mashruuca biyoxidheenka dibucurashada wabiga ABAY islamarkaana hada ka hor dalka kasoo dhisay mashaariico biyo xidheeno kala duwan oo waawayn.

Ugu danbayn engineer Simayow Beqele ayaa dhashay 1957EC- islamarkaana geeriyooday sanadan 2010EC.