Bulshada Kudhaqan Degmada Xamaro Oo Si wayn Usoo Dhaweeyay Biyo Galinta Lasoo Gaadhsiiyay

Xamaro(cakaaranews)Jumce, 27ka July 2018. Xukuumada DDSI oo sanadihii udanbeeyay qorshaha waxqabadka mudnaan waynsiisay biyaha islamarkaana qorshaha 1aad ilaa 5aad u qaadatay gaadhsiinta biyo nadiif ah guud ahaan bulshada DDSI. Iyadoo adeegsanayasa xeelada kaladuwan oo ay kamid yhiin qodista ceelasha dhaadheer, uruurinta iyo qabashada biyaha  roobka iyo togaga iyo waliba macaanaynta biyihii ceelasha ee khadaadhaa. Sidaasdarteed Mashruuca biyo galinta mugwayn oo biyihiisa laga soojiiday buuraha erereed islamarkaana loogu talagalay inay kafaa’iidaysteen bulsho farabadan oo kudhaqan gobolkaasi erer ayaa si rasmi loo soo gaadhsiiyay degmada xamaro islamarkaana ay bulshada degmadaasi si balaadhan usoodhawaysay.

Hadaba, mashruucan biyo galinta oo biyihiisa laga soo jiiday buuraha dhaadheer ee erer hoostooda ayaa lasoo mariyay xarunta gobolka erer ee fiiq iyadoo loo sii gudbiyay degmada xamaro islamarkaana lasii mariyay dhamaan tuulooyinka iyo qabaleeyada udhaxeeya degmooyinka fiiq iyo xamaro. Sidaasdarteed qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada xamaro oo kafaaiidaysanaya biyogalintan masaafadadheer looga soojiiday oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ardaagoodii loogu keenay biyo nadiif ah oo aad umacaan. Waxayna bulshadu xuseen in hada kahor ay dhibaato kahaystay dhanka biyaha islamarkaana uu dhib wayn umarayay qofkii aan gaadiid haysanin. Waxayna bulshadau aad ugu mahadceliyeen islamarkaana u duceeyeen xukuumada DDSI ee uu hogaamiyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidookale, mashruucan biyo galinta ayaa ah mid loosii wadi doono centerka gasaangas. Waxaana loogu yeedha mashruuca biyo galinta mugwayn fiiq xamaro iyo gasaangas. Waxaana kawada faaiidaysanaya dadka iyo duunyada kudhaqan aagaasi iyo waliba tuulooyinka udhaxeeya.

Iskusoowada duuboo, xukuumada DDSI ayaa fulinta qorshayaasheeda  horumarineed mudnaan balaadhan siisay dhanka gaadhsiinta biyaha nadiifta ah ee bulshada kudhaqan guud ahaan deegaanka. Kadib markii ay xukuumadu daraasaad kusamaysay baahiyaha bulshada kuwa ugu muhiimsan islamarkaana baahiyaha bulshada deegaanka ugu daran ay noqotay dhanka biyaha sidaasdarteedna loo siiyay mudnaanta.