48 Xubnood Oo Kamid Ah Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyay

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 28ka July 2018.Tababar ay si wada jir ah usoo agaasimeen mashruuca horumarinta bulshada reerguuraaga ah iyo xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraga islamarkaana in mudo ah u socday 48 xubnood oo kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka xoolah deegaanka, kana kala yimid 24 degmo oo deegaanka ah ayaa loogu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga.

Hadaba, tababarkan oo socday mudo 21 cisho ah ayaa xirfadlayaasha lagu barayay casharo laxidhiidha cilmiga iyo daawaynta xoolah iyadoo casharaantana lagu siinayay  Faltusmeeyo kaladuwan oo isugujira mid qoraal ah iyo mid ficil ah( theary and paractical). Waxaan tababarkan warbaahinta uga waramay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Oo Ah Madaxa Adeeg Bixiya-yaasha adeegyada uu wakiilka kayahay Mashruuca PCDP. Wuxuuna sheegay in maanta si habasami leh loo soo xidhay tababarkii mudada 21 cisho ah u socday xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha oo tiradoodu dhantahay 48 xirfadle islamarkaana laga soo kala xulay 24 degmo oo deegaanka ah. Wxuuuna intaas kudray in tababarkan xirfadlyaasha lagu siinayay casharo kor looguqaadayo aqoontooda kuaadan caafimaadka iyo daawaynta xoolaha. Islamarkaana uu tababarkani waxwayn kusoo kordhinayo dhanka cilmigooda kuaadan xoolaha. Waxuuna hadalkiisii kusoogunaanaday in sidookale xirfadlyaashan ay maanta gudoonsiiyeen shahoodooyinkii tababarka iyo waliba agabkii iyo daawooyinkii xoolaha. Wuxuna kuladardarmay in sida ugu quruxda badan ay bulshadooda ugu adeegaan

Sidookale, dhakhaatiirta xoolaha iyo xirfadlayaasha tabaabrka kujiray ayaa iyan dareenkooda kahadlay waxayna dhakhaatiirta xooluhi sheegeen in si hagar la;aan ah loo siiyay casharada islamarkaana ay siiyeen dhamaan casharadii ugu muhiimsanaa ee lasiin lahaa xirfadlayaasha xoolaha. Sidookalana xirfadlayaasha tababarka qadanaysay ayaa aad ugu mahadceliayay sida wanaagsan ee kagonaanshaha leh ee casharada tababarlka loosiinayay. Waxayna xusen in cashro aad umihiim ah ay barteen islamarkaaan ay balan qaadayaan in ay sidaacad ah bulshadooda ugu adeegayaan.

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa waxaa laga filayaa in uu waxwayn kataro dhanka daawaynta iyo caafimaadka xoolaha islamarkaana ay kudiirsan doonaan bulshada xoolo dhaqatada ah ee degmooyinkaasi.