MW CMC Oo Kaqaybgalay Xaflad Lagu Soo Xidhayay Tababarkii Hogaaminta Dhexe Uga Socday Kuliyada M&A.SH DDSI

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 28ka July 2018. Waxaa caawa hoolka qaryaan dhoodaan lagu qabtay xaflad heersare ah taasoo lagu soo xidhayay tababarkii mudada 45 cisho ah hogaaminta dhexe uga socday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka. Waxaana kasooqaybgalay xafladan hoogaaminta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, wasiirada iyo waliba dhamaan hogaaminta dhexe ee tababarka qaadanaysay kuwaasoo tiradoodu dhantahay 600 oo xubnood.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xafladan kalasooqaybgalo hogaaminta dhexe ee DDSI ee inta mudada ah tababarka hogaaminta dhexe qaadanaysay.wuxuuna madaxwaynuhu usoojeediyay hogaaminta mahdcelin. Wuxuuna si wayn u bogaadiyay nidaamka aqoonta iyo anshaxa hogaaminta iyo waliba sida wanaagsan ee quruxdabdan ee laisudhaxgalay cilmi iyo khibradna looka faaiidaystay.

Ugu danbayna Madaxwaynaha ayaa hogaaminta gudoonsiiyay bilad sharafyo kaladuwan islamarkaana kula dardaarmay marka ay kunoqdaan degmooyinkii iyo xafiisyadii ay ka kala yimaadeen in cilmiga iyo casharadan hogaaminta dhexe ee ay barteen ay sidaacad ah oo wadaniyad iyo kagonaanshaba kudheehan tahay ugu adeegaan bulshadii ay kakala yimaadeen islamarkaana ay casharada usiigudbiyaan khabiirada iyo xirfadlayaasha kala hawgala degmooyinkaas.