Aadan Boolis oo Ciidan Hubaysan oo Nabad-Diid ah La Soo Galay Gobolka Qoraxeey & Wada Hadalo Nabadeed oo Socda

altQabri-Dahar (CakaaraNews) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabri-Dahare ee Gobolka Qoraxeey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsanaan jiray nabad-diidka ONLF ay maanta wada hadal ku yimaadeen Gobolka Qoraxeey.

Wararka waxay intaa ku darayaan in nin la yidhaahdo Aadan Axmed oo ku magac dheeraa Aadan Boolis oo ka mid ahaa hogaamiyaasha ururka ONLF ee ka dhaqdhaqaaqa Gobolka Qoraxeey oo wata ciidan nabad-diid ah oo tiradoodu ka badan tahay 80 xubnood ay wada hadalka heshiiska awgeeed ku yimaadeen meesha la yidhaahdo Shawli oo ka tirsan Gobolka Qoraxeey. Wararku waxay sheegayaan in Aadan Boolis uu la soo galay 15 ka mid ah ciidamada uu watay, balse intii kale uu kaga yimid degaanada ku xeersan Shawli, isla markaana uu sugayo amarka uga imanaya dhanka masuuliyiinta ka saraysa.

Isa soo dhiibista nabad-diidkan ayaa ka danbaysay kadib markii Ururka ONLF ee uu horkacayo Saalaxudiin Cabdiraxmaan Macoow ay wadahadal nabadeed u bilowday iyaga iyo dawlada Itoobiya.

Kulan wada hadal oo 12kii & 13kii bishan June Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ku dhex maray masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka ee Itoobiya, Dawlada Degaanka Soomaalida & ururka onlf ayaa ku soo gabagaboobay is af garad, iyadoo lagu heshiiyay dhamaan gogol xaadhka wadahadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.

Sida la wada ogsoon yahay, dawlada Itoobiya ayaa horaantii bishan sheegay in wadahadalo heshiis nabadeed ah uu dhex socdo iyaga & Ururka ONLF. Sida aan ka helnay illo xog ogaal ah oo xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya ay dhawaanan dalka Jarmalka u dirtay Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo ka kooban Wasaarada Gaashaandhiga, Wasaarada Arrimaha Dibada, Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, & Degaanka Soomaalida oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. Sida dadka badankii ay sheegayaan arrimahan ciidamada isa soo dhiibaya & wadahadalada nabadeed ee dhawaanahan socda ayaa ah ummuur cusub oo ka bilaabantay Degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale, wararka haatan ka soo baxaya Ciidamada uu watay Aadan Boolis ayaa sheegaya in Aadan uu markii hore fariimo u soo dirsaday odayaal dhaqameed, kuwaas oo fariimaha ciidanka Aadan Boolis soo gaadhsiiyay Ciidamada ay ka mid yihiin Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee ku sugan Galadiid ama Qabri Jeeraar ninba sida uu u yaqaan.

Sida wararka ay sheegayaan Hogaamiyaha ciidankaa Aadan Axmed (aadan Boolis) oo wata 15 xubnood oo ciidamadiisa ka tirsan oo ilaalo u ahaa ayaa haatan soo gaadhay Galadiid, iyadoo in ka badan 70 kale oo ciidankiisa ka tirsan ay ku sugayaan meesha la yidhaahdo Shawli.

Waxaa uu Aadan Boolis uu sheegay in uu haatan ka war sugayo Gudoomiyaha ONLF Saalaxudiin Macoow. Waxaa wararku ay intaa ku darayaan in markii uu Aadan Boolis soo gaadhay Galadiid uu taleefanka Satelitka kula xidhiidhay Hogaanka Maamulka cadaalada & nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Mudane Aadan Boolis wuxuu uu Hogaanka nabadgalyada u sheegay in ciidankiisu ay qaateen go'aankii heshiiska wada hadalka oo ay haatan ku soo galeen iyagoo ka anbaqaadaya amar ay ka heleen masuuliyiinta ka saraysa.

Wararku waxay intaa ku darayaan in markii Aadan Boolis iyo ilaaladiisu ay soo gaadheen Galadiid ay taakulo ka heleen Ciidmada Liyuu Booliska. Taliyaha Regimentiga 3aad ee Ciidamada Liyuu Booliska & Aadan Boolis ayaa mar danbe maanta booqday ciidamada kale ee nabad-diidka ku jiray ee ku hadhsan aagga Shawli, waxayna halkaas ugu geeyeen taakulo cunto iyo ah.

Dhinaca kale, Xafiiska Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada oo shir degdeg ah isugu yimid maanta galinkii danbe ayaa bogaaadiyay talaabada uu qaatay AAdan Boolis. Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in shacabka Degaanku ay aad ugu farxayaan talaabada geesinimada leh ee ay qaateen ciidamadaas iska soo dhiibay Qoraxeey. Sidoo kale, in ka badan 600 oo oday oo ku shiray Magaalada Jigjiga ayaa soo dhaweeyay talaabadan uu qaatay Aadan Boolis iyo heshiiska wada hadalka nabadeed ee u dhexeeya ururka ONLF iyo dawlada Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in 15 xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka oo ku sugan gobolka Fiiq inay warqad soo dirsadeen, iyagoo la soo xidhiidhay oadayaal dhaqameed una sheegay inay ayidsan yihiin heshiiska wada hadalka ee Ururka ONLF & dawlada Itoobiya dhex socda oo ay ka war sugayaan go'aanka ay kuwa ka sareeya soo gaadhaan.

CakaaraNews

60 Ka Tirsanaa Nabad-Diidka UBO oo Isa Soo Dhiibay

Qabri-Dahar (CakaaraNews) Warar aanu ka helnay wariyayaasha shabakada CakaaraNews ee Gobolka Qoraxeey ayaa sheegaya in 60 ka mid ah nabad-diidka UBO ay isku soo dhiibeen ciidamada dawlada ee ku sugan Gobo0lka Qoraxeey.

Wararku waxay intaa ku darayaan in 60 ka mid ah nabad-diidka ubo ee isa soo dhiibay ay iskood isku soo dhiibeen kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada ay shacabka ku hayeen.

Wariyaha CakaaraNews ee Gobolka Qoraxeey oo la kulmay qaar ka mid ah nabad-diidka soo xerooday ayaa noo sheegay in nabad-diidku ay cid u soo dirsadeen dawlada iyagoo hubkooda wata isla markaana ay go'aansadeen inay soo galaan.

Mid ka mid ah nabad-diidka soo xerooday oo hogaaminayay kooxda nabad-diidka ee isa soo dhiibtay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiramaan Muuse (Cabdi Dheere) ayaa wariyahayaga u sheegay in sababta ugu wayn ee uu u soo xerooday inay tahay kadib markii lagu amray inuu dad shacab ah laayo oo isaguna uu qaadan kari waayay.

"Waxaa amar la igi siiyay inaan si dhuumaalaysi ah aan ku tago qabalee, isla markaana aan rasaas ku furo shacabka maalinta Axada ee soo socota codka bixinaya" ayuu yidhi Cabdi Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Cabdi Dheere sheegay inay qaadan waa ku noqotay inuu dad shacab ah oo masaakiin ah oo aan waxba galabsan uu u laayo xoriyada dimuqraadiga ah ee ay cosobsanayaan awgeed, "Hadii dadku ay wax dooranayaan waa xoriyad dimuqraadi ah, dadka wax dooranaya iyo kuwa la dooranayaba ma aha dad meel kale ka yimid ee dadkii aan la dhalanay ee Degaanka" ayuu Cabdi Dheere yidhi.

Wuxuu Cabdi Dheere sheegay in markii uu go'aansaday inuuna wax xabad ah ku ridin dad shacab ah oo safaf dhaadheer kaga jira qabalee ay ka qaadanayeen kaarsha cod bixinta, uu hadana u noqon wayday inuu ku noqdo nabad-diidkii uu ka tirsanaan jiray oo uu ka baqay inuu shacabka uu ka baaqsaday dilkooda awgeed ay u dilaan.

Si kastaba ha ahaatee, tani waxay muujinaysaa in maanta xataa nabad-diidkii ugu damiirka xumaa ee ubo ay qaarkood gar waaqsadeen in laynta shacabka lagu hayo, iyo ka hor istaagida horumarka iyo xaqa shacabka ay u leeyihiin inay cosobsadaan xuquuqdooda dimuqraadiga ay tahay danno lagu curyaaminayo qawmiyada Degaanka Soomaalida.

CakaaraNews

Barwaaqada Degaanka Ka Dilaacday Waa Amar Eebbe, Heshiiska Ethiopia & UWSLF Waa Amar Alla

Jigjiga (CakaaaraNews) Sida la wada ogsoon yahay, waxaa ka soo wareegtay muddo bil ah xilligii uu bilaaabmay wadahadalka nabada ee u dhexeeya dawlada Itoobiya & Ururka UWSLF.

Hadaba intii ka danbeeysay waxaa degaanka Soomaalida lagu arkay ummuuro badan oo muujinaya muwaafaqada iyo wanaaga ay leedahay nabada iyo wada noolaashaanhaha shacabka. Roobabkii bilaabmay maalintaas ayaa ilaa haata ka daya Degaanka Soomaalida.

Dhamaan Degaanka Soomaalida waxaa laga wada dareemay barwaaqada qayrul caadiga ah ee maanta laga arkayo dhulka oo idil. Waxaa dadka qaarkii ay sheegayaan in barwaaqadan aan dhawaanahan muddadii 30ka sanno ahayd ee u danbaysay aan lagu arkin degaanka Soomaalida.

Wadahadalka Nabada ee u dhexeeya dawlada Itoobiya & Ururka UWSLF wuxuu maanta furay bog cusub oo leh rajo iyo yididiilo san oo laga qabo mustaqbalka Degaanka Soomaalida.

CakaaraNews

22 Shuftay oo Lagu Dilay Dagaal Liyuu Boolisku Ku Qaadeen Nabad-Diidka Agagaarka Garoonka

altNus-Dariiq (CakaaraNews) Warar degdeg ah oo naga soo gaadhay Nus Dariiq ayaa sheegaya in Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay maanta agagaarka meesha la yidhaahdo Garoonka oo ku taala Dhulka Ciid ay ku dileen 22 nabad-diidka ubo ka tirsan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidanka Liyuu Boolisku ay nabad-diidka ka furteen hub tiradiisu gaadhayso 17 qori, iyagoo nolol ku qabtay 4 shuftay oo ka tirsanaa nabad-diidka ubo.

altWararka oo aan ka helnay xidhiidh toos ah oo aan la yeelanay Shaalaqaha hogaaminaya Ciidanka Liyuu Booliska ee fadhigiisu yahay Nus Dariiq ayaa waxay sheegayaan in afarta nolosha lagu qabtay ay bad qabaan oo dhawaan waraysi lala yeelan doono. Dhinaca kale, shacabka Nus-Dariiq iyo degaanka Ciid ayaa laga soo sheegayaa inay farxad la damaashaadayaan maadaama guushaas ay soo hooyeen ciidanka Liyuu Booliska

Waxaan akhristayaasha ku wargalin doonaa in aanu waraysiyadaa oo muuqaal video ah aan idiin soo baahin doono.

CakaaraNews

75 Xubnood oo XDSHS Umatalaya Golaha Xildhibaanada Maamulka M/Jigjiga ayaa Shacabka Lasoo Hor Dhigay.

altJigjiga (CakaaraNews) Doorashooyinka wareega 4aad kadhici doona dalka ayaa Xisbiga Dumuquraadiga Shacbiga Soomaalidu usoo xulay 75 xubnood oo matalaya Golaha Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa maanta bulshada loosoo ban dhigay.

Shirkan oo gudoominayay Duqa Maamulka Magaalada jigjiga Mudane C/salaan Axmad oo dadwaynaha horteeda lasoo hor istaajiyay 75 tan Xubnood ee XDSHS umatalaya Golaha Wakiilada Magaalada jigjiga.
Xubnahan oo 25% ay yihiin Haween lagu soo xushay aqoontooda anshaxooda iyo fikirkooda,halka 65% ay yihiin da'yar dhalinyaro ah, heerar kooda waxbarashana ay kalayihiin BSC,BA iyo MASTER,kooga ugu hooseeyaana uu heer kiisa waxbarasho yahay 12th  taas oo ka marag kacaysa in xubnahani tusaale uyihiin isbadalka horumarineed ee Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Soomaalidu gaadhay isbadal wayn oo horumarineed.

altWaxaa 75 tan kan xubnood loo bandhigay shacabkii ay matalayeen in ay fikiraddooda iyo doodo kayeeshaan xubnahan taas oo gabi ahaanba 100% ay cod buuxa oo kalsooni siin ah  ku taageereen kuna tilmaameen dadkii shirkaani kasoo qaybgalay in ay tahay markii uhoraysay ee sidan oo kale bulshada loosoo ban dhigo cidii matali lahayd oo waliba ay soo xusheen dad da'yar ah.

Dhinaca kale haweenkii halkaasi kahadlay ayaa xubnahani tirada badan ee haweenka utartamaya Golaha Xildhibaanada Ismaamulka jigjiga ay utahay waa cusub oo usoo baxay xaq iyo xuquuqdoodii ka qayb galka haweenka ee dhinaca siyaasada iyo horumarka Deegaanka.

Ugu danbayntiina waxay bulshadani taageertay 75 kan xubnood ayaa ugu baaqay kana altcodsaday in marka lasoo doorto ay xilkii loo doortay gutaan una adeegaan bulshada soo dooratay kana shaqeeyaan sidii magaladani horu mar waara oo dhinaca bilicdeeda isbadal ugu keeni lahaayeen.
hadaba xubnahan 75 ka ah ayaa waxa ay magacyadoodu kala yihiin sida tan:-

  1. Xasan Muxumad Xasan
  2. Maxamad Yuusuf C/wahaab
  3. Kulmiye Maxamad Dool
  4. Ilyaas Cumar Ibraahin
  5. Hibo Sh/Axmad Habane
  6. ---------Faysal Warfaa
  7. Foosiya Maxamuud Are
  8. Nasradiin Cusmaan
  9. Axmad Cumar Dimacade
  10. Jamaal Cusmaan
  11. Mukhtaar Cali
  12. Cali Yuusuf Aadanalt
  13. Maxamad Shugri
  14. C/laahi Cusmaan
  15. Xasan Maxamad Adan
  16. C/risaaq
  17. C/xakiin
  18. Nimcaan Cusmaan
  19. Ugaab faras
  20.  Kayse Xasan
  21. C/salaan Yuusuf
  22. Maxamad C/laahi
  23. Ifraax Cabdi
  24. Muntaha Carab
  25. C/fataax Maxamud Xuseen
  26. Xasan Bile C/samad
  27. Yuusuf Xasan
  28. Xamda Sh/cabdilaahi
  29. Deeqa Daahir
  30. Sacaada Cali alt
  31. Ayaan Xasan Maxamad
  32. Maxamuud Maxamad Ciise
  33. Muxumad Colaad
  34. C/wahaab Rashiid
  35. Jacfar Muxumad Axmad
  36. Ismaciil Saleebaan
  37. Axmad Maxamad Habane
  38. Hodan Maxamad
  39. Dayib Maxamad Jibriil
  40. Faarax Maxamad
  41. Xuseen Maxamad
  42. Jamaal Dayib
  43. Muxuyadiin Maxamad
  44. Faadumo Maxamad
  45. Badri Sh/cabdi
  46. Maxamad Haybe
  47. Fu'aad Axmad
  48. Jamaal Cusmaan
  49. Maxamad Cabdi Digaale
  50. Axmad Nuur Maxamad
  51. Axmad Saleebaan
  52. Nimco Aadan
  53. Nimco Axmad
  54. Abaadir Mahdi
  55. Guleed -------
  56. Mukhtaar Axmad
  57. Hibo Cabdi C/laahi
  58. C/risaaq Bulbul
  59. Safiya Maxamad Xaajialt
  60. Bishaaro Cumar
  61. Ayaan Cali
  62. Guleed Cali Yaanbo
  63. Maxamad Aw-aadan
  64. Cali Aadan
  65. Cali Maxamad
  66. Cali ----   -------
  67. Maxamad Carab
  68. Maxamuud ----
  69. Ilyaas Abiib
  70. Cali Nuur Xuseen
  71. Maxamad Axmad Carab
  72. C/xakiin Maxamad Cali
  73. Cumar Ibrahim
  74. Xaashi C/laahi Shide
  75. -------------------------

Raligalin akhristayaasha ka codsanaynaa wixii naga altqaldama ee magacda ah ama aan katagno magacdoo sadexan iyo halka qofee aanu magaciisa ananu helin

Waxaa sidoo kale madasha shirkaasi lagaga dhawaaqay laguna soo ban dhigay xubnaha utar tami doona xildhibaanada heer Degaan iyo heer Fadaraal ee Dagmadani jigjiga oo kala ah sida tan:-

  1. Cumar Xaaji (Madaxa xafiiska maaliyada DDS)aqoontisuna Mastarayt, Heer Deegaan
  2. Xaaji     Yuusuf  (k/xigeenka Duqa M.Magaalada jigjiga) Heer Deegaan
  3. Cabdi jaamac      H.DEEGAAN
  4. Bashiir    Cali Mahdi Heer Federal jigjiga qaybta 1aad
  5. C/laahi  Maxamed  (Gisile) Heer Federal jigjiga qaybta 2aad
  6. A/Deeq  Maxamed Qabyo (aqoonta B.A Degree) shaqada jj University H.DEEGAAN
  7. Cabdi Maxamed  (pcdp) Masterayt  H.DEEGAAN
  8. Guuleed   Aw Cali  (Madaxa xafiiska x/jaaliyadaha DDS) H.DEEGAAN
  9. Xirsi  Maxamed Dool (Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jigjiga) H.DEEGAAN  
  10. Dr.Nimcaan  Xamaro (Xafiiska cilmi baadhista Shaqaale Katirsan) H.DEEGAAN

Waxaa iyaguna malinta bari ah lasoo hor joojin doonaa xubnaha utartamaya Golaha Xildhibaanada Heer Qabalee ee Magaaladani Jigjiga.


CakaaraNews

Amharic News 20_10_10


Amharic News 19_10_10


Amharic News 17_10_10



Amharic News 16_10_10



Amharic News 15_10_10


Amharic News 14_10_10


Amharic News 13_10_10



Amharic News 12_10_10



Amharic News 11_10_10