kulan sadex geesood ah oo lagaga hadlayay hormarinta macalimiinta

Kulan sadex geesood ah ayaa ka dhacay xarunta Mac'hadka Maaraynta ee DDSI Jigjiga. Kulankan ayaa dhex maray xafiiska waxbarashada DDSI Geedisocodkiisa Hormarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarashada, Kulliyada macalimiinta ee Qabridahar iyo Kulliyada Macalimiinta ee Dr. Cabdimajid  kaasoo ahaa mid lagu qaadaa dhigayay hormarinta tayada macalimiinta,iyo nidaamkii barayaasha cusub loogusoo  xulan lahaa, looguna soo xarayn lahaa kulliyadaha macalimiinta ee deegaaanka ka jira.


Gabagabadii ayaa waxaa kulankan ka hadlay Gadh-wadeenka Geedi-socodka Hormarinta Macalimiinta iyo Hog. Waxbarasha Mudane Farxaan Cabdi Makhtal isagoo ka hadlay sidii loo dabooli lahaa baahida bare ee deegaanka ka jirta, dhiirigalina usoo jeediyay Macalimiintii Kulliyadaha ee kulankan kasoo qaybgalay..

 ዜና 12_08_2010


 ዜና 11_08_2010



ዜና 10_08_2010


 ዜና 09_08_2010



ዜና 07_08_2010


 ዜና 06_08_2010



 

ዜና 05_08_2010