Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Khayraadka Kaymaha

Khayraadka Kaymaha - Forest Resources

Deegaanka soomaalidu wuxuu u badan yahay kaymo laga helo dhir iyo xayawaan noocyo badan  (bio-diversity).  Dabeecadda noocaas ah ee dalka, 25% waxa laga helaa deeegaanka Soomaalida. 18% ka mid ah noocyadaas waxay si siman ugu caan yihiin deegaanka Soomaalida. Guud ahaana  waxa deegaanku caan ku yahay 135 bah-dhireed (plant families) iyo 626 nooc oo dhir ah (genera and species). Sidoo kale waxa deegaanka ku sugan qaybaha ugu mihiimsan ee xayawaan

Kaymaha dabiiciga ah (natural vegetation) ayaa ah kuwo nooc ahaan iyo tiro ahaanba aad u badan - Boswellia and Chomiphera species.

Kaymahaasi waa aasaaska nolosha xayawaanka duur joogta ah sida libaax, haramcad, shabeel,Dhurwaa, dameer-dibadeed, iyo kuwo kale oo aad u badan

Waxa xusid gaar ah mudan geedaha ama dhirta faraha badan oo laga sameeyo ama laga samyn karo dawo-dhaqameedyada kala duwan.

Deegaanku wuxuu aad ugu caan baxay beeyada, xabkaha, fooxa, malmalka iyo noocyo kale oo la xidhiidha oo aad u badan.

 

 

Waxa diyaariyey

Xafiiska Maalgalinta

Dawladda Deegaanka Soomaalida

P.O. Box  237

+251 (025) 775 2026/2038

+251 (025) 775 2026

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

July 2009, Jijiga 

Kaymaha jiqda ah ee ugu mihiimsan waxa loo kala qaybiyaa

Kaymaha jiqda ah ee ugu mihiimsan waxa loo kala qaybiyaa

Acacia - bussel open woodland,

Accacia - commiphora bushland,

Ever-green/semi-ever-green scrubland,

Semi-desert Acacia bussel scrab land, and

Riparian forests.

“Waxa xusid mudan in khayraadka kaymaha ee deegaanku yihiin daaqsinta xoolaha nool, tamarta dhuxusha, qalabka dhismaha, dawo-dhaqameedka, fooxa ama xabkaha kala duwan”.

 

Waxa diyaariyey

Xafiiska Maalgalinta

Dawladda Deegaanka Soomaalida

P.O. Box  237

+251 (025) 775 2026/2038

+251 (025) 775 2026

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

July 2009, Jijiga 

Suuq-geynta wax-soo-saarka beeraha

Suuq-geynta waxsoosaarka beeraha

Dawladda deegaanka soomaalidu waxay tixgalin siisay sidii loo dhiiragalin lahaa isla markaana loo sugi lahaa suuqyada  dalagga beeraha, khudradda iwm.

Dawladdu waxay si gaar ah u fududaysay in la adeegsan karo dakadaha wadamada jaarka ah.

“ Waxa xusid mudan baaxadda midhaha beeraha ee degmada Erer oo ka tirsan gobolka Shiniile , gaar ahaan liinta macaan – taasoo loo dhoofiyo wadadamada jaarka ah sida waddanka djibouti

 

 

 

 

Waxa diyaariyey

Xafiiska Maalgalinta

Dawladda Deegaanka Soomaalida

P.O. Box  237

+251 (025) 775 2026/2038

+251 (025) 775 2026

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

July 2009, Jijiga 

Khayraadka Beeraha

Khayraadka Beeraha

Deegaanka Soomaalidu wuxuu leeyahay dhul aad u ballaadhan oo ku habboon ama u diyaarsan beerashada, hese yeeshee waxa laga beertaa dhul aad u yar..

Xaaladda dabeecad-beereedka deegaanka somaalidu waa mid oggolaanaya in laga beero noocyo kaladuwan oo ah dalagg aad u fara badan oo kubixi kara roob-xilayeedka ama waraab caadi ah..

Noocyada ugu mihiimsan ee deegaanka ka bixi kara waxa ka mid ah  kuwa soo socda::-

Dallaga midhaha - Cereal crops (hadhuudh, masago, sareen, qamadi  iwm),

Midhaha saliida laga miiro - Oil crops (laws, sisin iwm),

Midhaha loo yaqaan “Pulses” (pigeon pea, chick pea and mung bean),

Midhaha warshadaha (Cudbi, qasabka sonkorta, tobaakada, iwm)

Khudaarta kala duwan - Vegetables and fruits (muus, cambe, liin, tufaax iwm),

Noocyada ubaxa - Flowers,

Geedaha laga sameeyo sunta xaywaanka - Insecticide plants,

Kaymaha  kala duwan - Agroforestry.

 

 

Waxa diyaariyey

Xafiiska Maalgalinta

Dawladda Deegaanka Soomaalida

P.O. Box  237

+251 (025) 775 2026/2038

+251 (025) 775 2026

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

July 2009, Jijiga 

Khayraadka Macdanta

Khayraadka Macdanta - Mineral Resources

Various exploration works conducted in the past revealed the existence of various major and minor mineral occurrences in the Somali Region.  The major mineral occurrences and deposits identified in the region include salt, gold, feldspar, mica and natural gas.  There are also minor occurrences such as graphite, kaolin, magnetite, talc, phosphoric and gemstone.

Major salt occurrences are identified in three localities of the region. Afder, Boji-dol and El-dere.  Minor occurrences are also reported at Dolo-Odo, Melka-Softu, Sede and Kenere localities in Liben and Afder zones.

Deegaanka Soomaalida waxa ku yaal dhul caan ku ah kayd aad u wayn oo ah macaadin kaladuwan. Dagmada Mooyaale waxa ku yaal dhul uu ku kaydsan yahay dahab; dhulkaasoo leh ballac dhan 15-50 km oo dhinac kasta ah una dhaxeeya tulooyinka Haramsam iyo Dukisso.

Arrinta muhiimka ah oo ah khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah waxaa ilaa hadda shirkado kaladuwan ay daraasado kawadaan kaydka loo yaqaan “Ogaden Basin”iyadoo Kaydkaas gaaska dabiiciga ah lagu qiyaasay 271 TCF or 76 Bm3.

Shirkadahaas oo ka shaqaynaya sidii loo soo saari lahaa gaaska dabiiciga ah sida (Urea & NH3 ), quwadda korontada, wax-soo-saarka batroolka iyo kimikada kala duwan

Deegaanka waxa kale oo laga helaa macdan-warshadeed kala duwan sida : graphite, kaolin, talc, phosphate etc. kuwaasoo loo adeegsan karo warshado kala duwan.

Sidu u samaysan yahay heerarka kala duwan ee dhulka degaanku, waxa la caddeeyey in degaanku hodon ku yahay  qalabka aasaasiga ah ee loo adeegsado dhismaha kala duwan iyadoo si gaar ah looga helo gobolada Qorraxey, Liban iyo Shinile

 

 

Waxa diyaariyey

Xafiiska Maalgalinta

Dawladda Deegaanka Soomaalida

P.O. Box  237

+251 (025) 775 2026/2038

+251 (025) 775 2026

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

July 2009, Jijiga