CIID MUBAARAK



 

      

Man United Oo Garaacday Arsenal

Jijiga ( cakaaranews ) axad, Feb 28, 2016, waxay garoonka ciyaaraha ee man united ee Old traford ay ciyaar aad u xiisabadan ku dhexmartey labada kooxood ee man united iyo Arsenal.


ciyaartan oo ahayd mid ku bilaabatay si caadi ah ayay kooxda man united weerar ku qaaday kooxda arsenal iyagoo daqiiqadii 29aad layimid goshii 1aad uuna dhaliyay weeraryahanka kooxda man united Rashford. isagoo hadana isla daqiiqadii 33aad goshii 2aad dhaliyay.


hadaba kooxda arsenal ayaa layimid isbadal ciyareed iyagoo daqiiqadii 40aad layimid goshii 1aad oo uu dhaliyay ciyaaryahanka kooxda arsenal ee Welback halkaas oo galinkii hore ciyaarta lagu kala baxay 2-1.


sikastaba ha ahaatee ciyaartan ayaa ahayd mid kooxda man united ay galinka danbe lasoo galeen ciyaar wanaag tasoo u suura galisay inay daqiiqadii 65 la yimaadaan goshii 3aad. halka kooxda arsenal ay daqiiqadii 69aad la yimaadeen goshii 2aad uuna dhaliyay ciyaaryahanka kooxda arsenal ee Ozil. ciyaartiina ku dhamatey 3-2 guushiina ku raacday kooxda Man United