Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kooxda gobolka af dheer oo ku guulaysatay tartankii kubada cagta ee 9ka gobol iyo 4ta maamul magaalo

 


Jigjiga (CN) Sabti,Nov 14 2015,Tartankan oo socday in muda ah ayaa waxaa iskusoo hadhay labada kooxod eek ala ah kooxda G/af dheer vs G/ shabeele.Ciyaartan ayaa ahyad mid kooxda gobolka af dheer  soo ban dhigeen ciyaar wanaag balse wax gool ah aan lakala dhashan galinkii hore ee ciyaarta,hadaba markii la iskusoo noqday galinkii danbe ee ciyaarta iyadow kooxda gobolka af dheer  ay sii wateen weerar koodii balse kooxda g/ shabeele ay adkaysatay difaaceeda.Gabagabdii  ciyaarta ayaa 90 kii daqiiqo ee loogu talagalay ku dhamaatay barbaro 0-0 ah iyadoo sidii sharciga ahaydna loo dhigay rigoodhe.

Rigoodhe yaashan ayaa ahaa kuwa cajaa ib ah kadib markay labada kooxodba ismari waayeen mid kastana laatay 11 kii ciyaartoy ee goreenka kujirtay ayaa si cusub loo laatay tasoo kooxda g/ af dheer  ay ka qabteen fursadoodiina ay dhashadeen guushii koobkana ay ku raacday kooxda g/ af dheer,kooxdan ayaa ah kooxda kali ah  ee laba sano oo isku xigta qaaday tartanka 9ka gobol iyo 4ta maamul magaalo.

Kooxda M/Qabridahar Oo Ku Guulasatay Kaalinta 3aad Ee Tartanka Kubada Cagta

 

Jigjiga (CN) Arbaco,Nov 11 2015, Taratanka 5aad ee kubada cagta  9ka Gobol iyo 4ta Maamul magaalo ayaa ah mid gabagabo ah.


 

Hadaba waxaa kaalinta 3aad ee tartanka iskugu yimid labada koxood ee kala ah kooxda M/Qabridahar  vs  G/Liibaan.  Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u xiisa badan iyadoo labada kooxodba ay soo ban dhigeen ciyaaar aad u qurux badan ayay weerar iyo weerar celis  ahayd galinkii hore ee ciyaarta iyadoo kooxda G/ liibaan ayaa la horeysay goshii koobaad ee ciyaarta balse kooxda M/qabridahar ayaa isla galinkii horaba ka jawaabay iyagoo layimid gooshii barbarada. Hadaba galinkii danbe ciyaarta ayaa ahyd mid labada kooxodba sameyeen iskuday  gool balse aan u suura galin . Hase yeeshee, 90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.  Waxaase sidii sharciga ahayd loo dhigay rigoodhe, kooxda M/Qabridahar ayaase dhashatay 5todii gool halka kooxda G/Liibaan ay ka dhashdeen 4 gool tasoo keentay inay kooxda M/Qabridahar ku guulaysato kaalinta 3aad ee tartanka,

 

Koxda M/Qabridahar Ayaa Ku Badiyay Golashii Ugu Badnaa Intii Uu Koobku Socday

Jigjiga ,(CN) Jimce, Nov, 06, 2015 Nasiibka ciyaaraha ayaa isku aadiyay labada kooxod ee isku gobalka kasoo jeeda ee kala ah kooxda Gobolka Qoraxey Vs M/Qabridahar .Ciyaartan ayaa ahayd mid galinkii horee ciyaarta iska daganayd iyodoo lagu kala baxay 1-0 waxaa goosha farxada la horeeyay kooxda M/Qabridahar, hadaba galinkii danbee ciyaarta ayay kooxda M/Qabridahar  lasoo galeen ciyaar wanaag ay la socdaan goolal 6 ah mesha kooxda Gobolka Qoraxey ay ka dhashadeen 4 halkaas oy ciyaartu ku dhamaatay 7-4- kooxda M/Qabridaharna ugu gudbeen wareega 3aad ee ciyaaraha.