Ethiopia vs Sao Tome and principe

waxaad halkan ka dheehataan ciyaartii kubada cagta ee xulka qaranka kubada cagta itoobiya oo isreereebkii koobka aduunka kaga badiyay 3-0 xulka jasiirada sao tome principe

 


 

tartankii baaskiilka

waxaa caasimada DDSI ee magaalada jijiga laguqabtay tartanka baaskiilka 80km

Munaasabad loo Qabtay Ciyaartoyadii Olympicada Itoobiya oo ay Kamid Ahaayen Ciyaartoyga DDS oo Guulo lagu Amaanay Usoo Hoyay Deegaanka March 24, 2010

altAdis-Ababa (CakaaraNews) Warkan oo aanu khadka taleefanka ku waraysanay, Dr Cali Xasan Siciid oo dhanka cafimaadkooga ka caawinayay ciyaartoyada DDS ee uga qaybgalayay Tartankaa Ciyaaraha  Qaranka Itoobiya.


Munaasabadan casho sharafeedka ah oo loo qabtay dhalinyaradii ciyaaraha olompicada  Itoobiya ayaa kadhacday Hoolka Milliniumka A.A, munaasabadaas oo ay kasoo qayb galeen ciyaaryahanada 9 ka D/deegaan oo dhalinyarada wacdaraha ka muujiyay tartanadii kala duwanaa ee Sportiga ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha Itoobiya Girma Waldha Gorgis.

Waxaana ka hadlay munaasabadaas Wasiirada Sportiga iyo Dhalinyarada Fadaralka Itoobiya Marwo Aster Mamo,oo sheegtay in ay sii laba jibaarayaan dadaaladaas arimaha isboortiga lagu horumarinayo,waxayna umahad celisay raysal wasaaraha itoobiya Atoo Malaz Zenaawi.


Ugu danbayntiina waxay masuuliyiintii abaal marino siiyeen deegaanadii guulaha kala duwan ku gulaaystay oo uualt deegaankeenu ka mid yahay ayaa abaal gudyo loogu qaybiyay iyo loona soo jeediyay mahad celino balaadhan ciyaartoyadaa munaasabada loo qabtay iyo masuuliyiintii,tobabaradii ka qayb qaatay ama sida wanaagsan usoo ababulay, oo ay hogaaminaysay Ciyaartoyada kasocday Caasimada Adis-ababa.

Hadaba waxaa lafilayaa Ciyaartoyadii kasocday DDS in ay maalinta Axada soogadhaan magaalada jigjiga.

CakaaraNews

Ethiopia to benefit from Nigeria’s suspension

Addis Ababa (CakaaraNews) Nigerian President Goodluck Jonathan has suspended the national soccer team for two years from international competition. The disappointed President said that the country needs young talent to generate a new and energetic football team.

If this decision is accepted by the country’s football governing body it will be a great opportunity for the Ethiopian soccer team who are in the same group with Nigeria for the qualification of the next African Nations Cup. FIFA doesn’t accept the interference of the government in the sphere of football.

Nigeria lost its first two World Cup group stage matches but still came just one goal short of advancing with their draw against South Korea. As one of the more heavily favored African nations, the early elimination was certainly a disappointment. So how is Nigeria handling that disappointment?

Ethiopia to benefit from Nigeria’s suspension

Nigeria’s president has suspended his nation’s football team from international competition for two years after a poor showing at the World Cup.Special presidential adviser Ima Niboro told reporters the decision by Goodluck Jonathan will “enable Nigeria to reorganize its football.”

He said: “This directive became necessary following Nigeria’s poor performance in the ongoing World Cup.” Of course. How do you improve an underachieving team? Ban it from competing for two whole years. Spur them on to playing better by not allowing them to play at all. Maybe England should try that. Now, FIFA probably won’t like this given its distaste for government meddling in the national team, so maybe Nigeria should try suspending FIFA, too.

CakaaraNews

Qaabka aas-aasiga ah ee ciyaartoyga loo xulo

SportGuud ahaan dhalinyarada ciyaaraha ciyaarta  waxay u kala baxaan labo qaybood

A) Qof jecel ciyaaraha oo u ciyaara hiwaayad (Hobby) iyo

B) Qof u ciyaara naadi (Professional player).

Hadaba mawduucan waxaan ku qaadaa dhigaynaa qaabka loo xulo ciyartooyga gaar ahaan Kubbada cagta oon isleehay faa’iido weyn bay u tahayn tababarayaasha da’da yar soo koraya.

QODOBKA 1AAD: Sahanka kooxda iyo tababaraha

Naadiyadu badankoodu waxay jecelyihiin inay helaan ciyaartooyo tayo leh oo kor u qaada sumcada kooxda, sidaa darteed ayay maamuladoodu u sameeyaan wado tashi  iyo sahan dheer siday u heli lahaayeen ciyaartooy cusub, taas oo lagu jaangoynayo tartamada kooxdu rabto inay ka qaybgasho guulna ka soo hoyso waxayna kooxdu is waydiisaa dhowr su’aalood ooy ka midyihiin :-

1. Waa maxay sobobta kooxdu ay ugu baahantahay Ciyaartooyga cusub?

2. Goorma ayay kooxdu u baahantahay Ciyaartoyga cusub?

3. Goobtee ayay (position)  kooxdu rabtaa inuu  buuxiyo ciyaartoyga cusub?

4. Muddo intee le’eg bay kooxdu u baahnantahay ciyartooyga cusub?
 
QODOBKA 2AAD: U kuurgalka Ciyaartoyga

Hadii maamulka isku waafaqaan su’aalahaas jawaabahooga kooxaha qaarkood waxay la gorgootamaan ciyaartoyga iyo Naadigii uu ciyaartooygu ka tirsanaa, kooxaha qarkoodna waxayba u magacaabaan guddi gaara inay soo indho-indheeyaan ciyaartooyo u qalma kooxda.hadaba sahanka kooxda iyo hawsha tababaruhu intaas oo kaliya  kuma ekaanayso ee waxay raad-raacaan ciyaartoyga iyagoo ka fogaanaya inay faro galiyaan wixii taabananysa ciyaartoyga shaksiyadiisa ee ka baxsan danta ay kooxdu leeydahay ,raadraacaasna waxaa ugu muhiimsan  qodobadan hoos ku xusan:-

1.caafimaadka guud ee ciyartoyga ( jidhka iyo maskaxda )

2.Tixraaca taariikhda ciyaartoyga  (Taxamo) afka qalaadna loo yaqaan (CV)

waxaa kale oo looga baahanyahay Cadayn markhaatiya oo qoran (reference letter) hadii loo baahdo

QODOBKA 3aad : Qiimeeynta ciyaartoyga

Qaabka qiimaynta ciyaartoygu  waa mid tababarayaasha khibrade leh  ay ku kala saaraan faraqa u dhaxeeya ciyaartooy iyo ciyaaryahan (sports man and player) qof jecel ciyaaraha inuu ciyaaro iyo ciyaartoyga xirfada wanaagsan, Ma qof bartaybaa kubbada, mise waa qof u dhashay hanaankeeda?

Ma yahay ciyartooy la tababari karo?

Ma yahay ciyartooy xirfadiisu ayna joogin ooy socoto?

Arinta kowaad ee ugu muhiimsana waa adaabta iyo asluubta ciyaartoyga, tababaruhuna  kuma deg-dego go’aankiisa ee wakhti buu siiyaa ciyaartoyga inuu isbedel sameeyn karo. inkastoo ciyaartoyadu ay ku kala duwanyihiin tababarka iyo tartamada, sababtoo ah ciyaartoyada qaarkood kuma wanaagsana tababarka ,oo way xishoodan laakiin waxay ku wanaagsanyihiin tartamada oo xamaasada ayaa gasha, Qaarkoodna waa kuwo ku wanaagsan tartamada ,tababarkana ku liita, oo niyad ma siiyaan wixii aan ahayn tartamo, qaarkoodna labadaba way ku fiicanyihiin.

QODOBKA 4AAD: Diiwaan galinta ciyartooyga

Diiwaanka kooxdu wuxuu u kala  baxaa 2 qaybood oo kala ah:-

1).Diiwaanka hay’ada kooxda ama magaca kooxdu deegaanka kaga diiwaan gashantahay

2).Diiwaanka guud ee maamulka iyo maaraynta kooxda ee tirada  magacda  shaqaalaha iyo ciyaartooyga

Intaa ka dib maalinta la diiwaangasho ciyartooyga waxaa la siiyaa warbixin iyo qoraal ku saabsan heshiishkiisa, taariikhda kooxda, sharciga kooxda, jawdalka tababarka iyo isku–aadka ciyaaraha waxaana si bayaana loogu kala saaraa wuxuu xaq u leeyahay iyo wixii ku waajiba. Sidoo kalena waxaa lagu booriyaa inuu fuliyo sharciga kooxda xafidana sirta kooxda kana aadkaado saacada.

Intaa dabadeed tababaruhui wuxuu ku darayaa ciyartoyga diiwaankiisa u khaaska ah ee loo yaqaano diiwaanka farsamada ( technical list), ee ciyaartoyga kooxda iyo xulka kooxda (team players & selection team ) kaas oo  go'aankeeda iyo sirteeda uu leeyahay tababarahu ciyaartoyga safanaya, kuwa kaydka ah  iyo ciyaartoyga la laylinayo ee mustaqbalka kooxda iwm.

Digniin: Ciyaartoyga dabeecada xun waxaa ka xun ciyartoyga daaha badan.