Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kooxda M/Qabridahar Oo Goolashii Ugu Badnaa Kaga Badiyay G/ Dollo.

Jigjiga (CN) Arbaco, Nov, 04, 2015, Ciyaartii ugu xiisaha iyo goolalka badnayd ayaa saaka ka dhacday gooranka kubada gacta ee caasimada Jigjiga, ciyaartan ayaa ahyad mid kooxda M/Qabridaha  weerar aan kala istaag lahayn ay ku hayeen kooxda G/  Dollo oy waliba la socdaan goolal 5 ah iyadoon wali lagu kala badinin goolal intaa la eg, goolashan ayaa ahaa kuwa kooxda M/Qabridahar ay dhashadeen galinkii hore ee ciyaarta iyadoy kooxda G/Doollo ay dhashadeen hal gool oo kali ah. Halkaasoo galinkii hore ee ciyaarta lagu kala baxay 5-1. Hadaba galinkii danbee ciyaarta ayaa ahayd mid dagan oon wax weerar ah oo badan lahayn wax gool ahna aan laka dhalin,gabagabadii ciyaartuna ku dhamaatay 5-1, Kooxda M/ Qabridaharna ugu gudbeen wareega labaad ee ciyaaraha.

Waxaa sidoo kale wada ciyaaray  kooxda G/ Jarar Vs G/ Shabeele. Waxaa galinkii hore iskamaa mulanayay ciyaarta kooxda G/ Jarar , kadib markii ay dhashadeen gooshii kobaad ee ciyaarta, balse kooxda G/ Shabeele ayaa la wareegtay ciyaartii iyadoo durba la timid goshii barbarada,iyagoo weerarkoodiina siiwatay tasoo u suura galisay inay dhashadeen goshii labaad ee guusha, ciyaartiina ku dhamaatay2-1. Halkaas ooy kooxda G/Shabeele ugu gudbeen wareega labaad ee ciyaaraha.

Kooxda G/ Qoraxey ayaa iyaguna u gudbay tartanka wareega labaad ee ciyaaraha, kadib markii ay barbaro la galeen kooxda G/ Sitti. Ciyaartan ayaa ahayd mid kooxda G/Sitti ku gacan sareeyeen galinkii hore ee ciyaarta iyagoo ku hogaaminayay 1-0. Balse kooxda G/Qoraxeey  oo ka rajo dhawayd kooxda G/Sitti, ayaa ku dadaashay say ku heli lahaayeen goosha barbarada si ay ugu gudbaan wareega labaad ee ciyaaraha waxayna gabagabadii ciyaarta heleen goshii barbarada, halkaasooy ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1-1,  laakiin kooxda G/Qoraxeey u gudbeen wareega labaad ee ciyaaraha.