Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Bishaaro Bishaaro Bishaaro

Waxaa dhamaan bulshawaynta gaar ahaan ganacsatada iyo cidii rabta inay ganacsi samayso  loogu bishaaraynayaa  in magaalada Jigjiga laga dhisayo Mole ka ugu wayn bariga itoobiya  oo loogu magacdaray Kali-Mole islamarkaana wakhti xaadirkan laga bilaabayo magaalada gaar ahaan badhtamaha magaalada jigjiga goobtii laga dumiyay Tiwankii hore oo kufadhiya baaxad dhan 4400 kaaramiter oo aysan kujirin barking baabuurta loogu talagalay.

Sikastaba ha ahaate dhismahan Kaali mole ayaa wuxxuu yeelanayaa  169 goobood oo loogu talagalay ganacsiga iyo  72 tukaan oo ah tukaamada yarayar

Sidookale waxa uu yeelanaya supper-market ka ugu wayn bariga Itoobiya waxaa kale oo uu moolkani yeelanaya qaybaha caruurta lagu ciyaarsiiyo hutelo, bangiyo, cilincyo farmasiyo Genta rag iyo dumarba rayslayaal cafaterias, buug store iyo waliba meelaha dumarka laguqurxiyo,

Hadaba marlabaad waxaa loogu bishaaraynayaa dhamaan ganacsatada iyo cidii rabta inay ganacsato ay ka iibsankarto cabirka uu rabo haday tahay dabaqa xagiisa hoose iyo haday tahay xaga koreba.

Cidii danaynaysaa waxay  laxidhiidhi kartaa wakaalada hormarinta guryaha DDSI

Kala xidhiidh Numbaradan  hoosta ku qoran:

+251252780792 +251933456666     Wakaalada Hormarinta Guryaynt DDSI 


 

Xayaysiiso Ganacsigaaga Ama Wax Soo Saarkaaga

F.G: shabakada Cakaranews.com waxay ogaysiinaysaa  dhaman bulshada DDSI in page xayasiis ah lagu daray website ka kaasoo laguugu xayaysiinayo ganacsigaaga , maalgalintaada iyo waliba waxsoosaarkaaga.

hadaba shabakada cakaara waxay kabalan qaadaysa cidii danaynaysa in loo xaysiiyo waxsoosaarkiisa loo fidin adeeg taya leh oo uu ku qancayo

Waxaana lagala xidhiidhi karaa  lanbaradan iyo ciwaanadan hoosta kuqoran

0915010271,  0928165623, This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 

 

 

 

kulan sadex geesood ah oo lagaga hadlayay hormarinta macalimiinta

Kulan sadex geesood ah ayaa ka dhacay xarunta Mac'hadka Maaraynta ee DDSI Jigjiga. Kulankan ayaa dhex maray xafiiska waxbarashada DDSI Geedisocodkiisa Hormarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarashada, Kulliyada macalimiinta ee Qabridahar iyo Kulliyada Macalimiinta ee Dr. Cabdimajid  kaasoo ahaa mid lagu qaadaa dhigayay hormarinta tayada macalimiinta,iyo nidaamkii barayaasha cusub loogusoo  xulan lahaa, looguna soo xarayn lahaa kulliyadaha macalimiinta ee deegaaanka ka jira.


Gabagabadii ayaa waxaa kulankan ka hadlay Gadh-wadeenka Geedi-socodka Hormarinta Macalimiinta iyo Hog. Waxbarasha Mudane Farxaan Cabdi Makhtal isagoo ka hadlay sidii loo dabooli lahaa baahida bare ee deegaanka ka jirta, dhiirigalina usoo jeediyay Macalimiintii Kulliyadaha ee kulankan kasoo qaybgalay..

18 Mashaaricood oo Laga Fuliyay Laba Dagmo oo ka Tirsan Gobolka Shiniile oo Xadhiga Laga Jaray

altGobolka Shiniile (CakaaraNews) Mashaariicdaasi ayaa waxaa maal galiyay Mashruuca Xoolo Dhaqatada ee PCDP.

Mashaariicdan oo kamida mashaaricaha kala duwan ee deegaanka sida dardarta leh uga socda  ee lagu horu marinayo Buslsho waynta deegaanka ku dhaqan,hadaba Mashruucan horu marineed ayaa waxaa laga fuliyay Dagmooyinka Errar iyo Shiniile oo katirsan Gobolka Shiniile Mashaariicdaasi ayaa waxaa maal galiyay Mashruuca Xoolo Dhaqatada ee PCDP ayaa waxa ay Mashaariicdabi isugu jiraan Dugsiyo Waxbarasho, Goobo Cafimaad iyo Kanaalo  loo sameeyay Dooxoyinka Biyaha leh si ay ugu manfacaad sadaan biyaahaas maraya dooxooyinka isla markaana baahida waxsoosaarka dhanka beeraha dagmooyinkaas wax wayn ka tari doona.


Munaasabadan xadhiga looga jarayay Mashaariicdaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socday Heer Fadaraal iyo Heer Deegaan, Maareeyaha Mashruuca  Xoolo Dhaqatada  PCDP ee  DDS, Mudane C/laahi Maxamad ayaa wuxuu halkaasi ka sheegay Dhismaha Mashaariicdani in ay ku baxday lacag dhan 10Malyuun oo Birr 29 Mashaariic oo laga hir galiyay labadaa Dagmo ayaa waxaa la dhamays tiray  8aad kamida.

 

 

Hadaba waxaa looga fadhiyaa Maamulka Dagmooyinkaas in ay udhamays tiraan Qalabkii iyo  xirfadlayaasha goobaahas ka hawl gali lahaa.alt
Ugu danbayntiina maamulka Dagmooyinkaasi waxa ay balan qadeen in ay udhamays tirayaan Qalabkii iyo shaqaalihii sida ugu dhakhsaha badan isla markaasna uga bilaabi lahayeen adeegbixinta labadaasi xarumod.

 

CakaaraNews

war dag dag ah sulub iyo cali dheer oo lakala garan-layahay in ay isa soo dhiibeen iyo in laqabtay


waxaa goordhaweyd ku soo dhacay khaanada wararka ee cakaarannews in sulub iyo calidheer oo ah rag ubo ah oo ku canbaxay gumaadaka shacabka ddsi gaar-ahaan waxaa dadka ddsi dal iyo dibad ay og-yihiin in xataa ninka lagu magacaabo cali dheer in uu jidhkiisu aad u googay ama uu eebe uu calaamad ka muujiyey markuu dad ad u badn oo hurda uu ku diley gacantiisa sidoo kale sulub ayaa can ku ahaa leynta shacbka sida ay dadku ku yaqaanaan

Normal 0 false false false EN-US JA X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:12.0pt; font-family:Cambria; mso-ascii-font-family:Cambria; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Cambria; mso-hansi-theme-font:minor-latin;}

kasakow xaladahaas sare ku xusan ayaa waxaa jir dad qaarkii in ay ku wareersan yihiin sida ay xaaladu tahay waayo waxaa jir dad arinta ku turjumay arin cusub oon horey u dhicin marka la eego sida xaal-yahay taaso ay micnaheedu tahay in ubo ay isa sooxareyneyso wixii ka soo kordha dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa inshaallaa

Aadan Boolis oo Ciidan Hubaysan oo Nabad-Diid ah La Soo Galay Gobolka Qoraxeey & Wada Hadalo Nabadeed oo Socda

altQabri-Dahar (CakaaraNews) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabri-Dahare ee Gobolka Qoraxeey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsanaan jiray nabad-diidka ONLF ay maanta wada hadal ku yimaadeen Gobolka Qoraxeey.

Wararka waxay intaa ku darayaan in nin la yidhaahdo Aadan Axmed oo ku magac dheeraa Aadan Boolis oo ka mid ahaa hogaamiyaasha ururka ONLF ee ka dhaqdhaqaaqa Gobolka Qoraxeey oo wata ciidan nabad-diid ah oo tiradoodu ka badan tahay 80 xubnood ay wada hadalka heshiiska awgeeed ku yimaadeen meesha la yidhaahdo Shawli oo ka tirsan Gobolka Qoraxeey. Wararku waxay sheegayaan in Aadan Boolis uu la soo galay 15 ka mid ah ciidamada uu watay, balse intii kale uu kaga yimid degaanada ku xeersan Shawli, isla markaana uu sugayo amarka uga imanaya dhanka masuuliyiinta ka saraysa.

Isa soo dhiibista nabad-diidkan ayaa ka danbaysay kadib markii Ururka ONLF ee uu horkacayo Saalaxudiin Cabdiraxmaan Macoow ay wadahadal nabadeed u bilowday iyaga iyo dawlada Itoobiya.

Kulan wada hadal oo 12kii & 13kii bishan June Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ku dhex maray masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka ee Itoobiya, Dawlada Degaanka Soomaalida & ururka onlf ayaa ku soo gabagaboobay is af garad, iyadoo lagu heshiiyay dhamaan gogol xaadhka wadahadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.

Sida la wada ogsoon yahay, dawlada Itoobiya ayaa horaantii bishan sheegay in wadahadalo heshiis nabadeed ah uu dhex socdo iyaga & Ururka ONLF. Sida aan ka helnay illo xog ogaal ah oo xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya ay dhawaanan dalka Jarmalka u dirtay Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo ka kooban Wasaarada Gaashaandhiga, Wasaarada Arrimaha Dibada, Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, & Degaanka Soomaalida oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. Sida dadka badankii ay sheegayaan arrimahan ciidamada isa soo dhiibaya & wadahadalada nabadeed ee dhawaanahan socda ayaa ah ummuur cusub oo ka bilaabantay Degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale, wararka haatan ka soo baxaya Ciidamada uu watay Aadan Boolis ayaa sheegaya in Aadan uu markii hore fariimo u soo dirsaday odayaal dhaqameed, kuwaas oo fariimaha ciidanka Aadan Boolis soo gaadhsiiyay Ciidamada ay ka mid yihiin Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee ku sugan Galadiid ama Qabri Jeeraar ninba sida uu u yaqaan.

Sida wararka ay sheegayaan Hogaamiyaha ciidankaa Aadan Axmed (aadan Boolis) oo wata 15 xubnood oo ciidamadiisa ka tirsan oo ilaalo u ahaa ayaa haatan soo gaadhay Galadiid, iyadoo in ka badan 70 kale oo ciidankiisa ka tirsan ay ku sugayaan meesha la yidhaahdo Shawli.

Waxaa uu Aadan Boolis uu sheegay in uu haatan ka war sugayo Gudoomiyaha ONLF Saalaxudiin Macoow. Waxaa wararku ay intaa ku darayaan in markii uu Aadan Boolis soo gaadhay Galadiid uu taleefanka Satelitka kula xidhiidhay Hogaanka Maamulka cadaalada & nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Mudane Aadan Boolis wuxuu uu Hogaanka nabadgalyada u sheegay in ciidankiisu ay qaateen go'aankii heshiiska wada hadalka oo ay haatan ku soo galeen iyagoo ka anbaqaadaya amar ay ka heleen masuuliyiinta ka saraysa.

Wararku waxay intaa ku darayaan in markii Aadan Boolis iyo ilaaladiisu ay soo gaadheen Galadiid ay taakulo ka heleen Ciidmada Liyuu Booliska. Taliyaha Regimentiga 3aad ee Ciidamada Liyuu Booliska & Aadan Boolis ayaa mar danbe maanta booqday ciidamada kale ee nabad-diidka ku jiray ee ku hadhsan aagga Shawli, waxayna halkaas ugu geeyeen taakulo cunto iyo ah.

Dhinaca kale, Xafiiska Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada oo shir degdeg ah isugu yimid maanta galinkii danbe ayaa bogaaadiyay talaabada uu qaatay AAdan Boolis. Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in shacabka Degaanku ay aad ugu farxayaan talaabada geesinimada leh ee ay qaateen ciidamadaas iska soo dhiibay Qoraxeey. Sidoo kale, in ka badan 600 oo oday oo ku shiray Magaalada Jigjiga ayaa soo dhaweeyay talaabadan uu qaatay Aadan Boolis iyo heshiiska wada hadalka nabadeed ee u dhexeeya ururka ONLF iyo dawlada Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in 15 xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka oo ku sugan gobolka Fiiq inay warqad soo dirsadeen, iyagoo la soo xidhiidhay oadayaal dhaqameed una sheegay inay ayidsan yihiin heshiiska wada hadalka ee Ururka ONLF & dawlada Itoobiya dhex socda oo ay ka war sugayaan go'aanka ay kuwa ka sareeya soo gaadhaan.

CakaaraNews