Madaxweynaha DDSI oo Hambalyeeyay Kuna Tilmaamay Shir Taariikhi ah Shirkii Beesha Jidwaaq ee Ka Dhacay Minniapolise.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin Dec 02,2013. Madaxweynaha DDSI Mudane abdi Maxamuud Cumar ayaa mar uu Saaka ka Hadlayay Shir Heer Capinet ah oo ay Xukuumadu kaga arinsanaysay Qaabilaada martida iyo Wufuuda Xuska Hidar 29 ka soo Qaybgali doonta ayaa uu Hadal wakhti dheer Qaatay kaga hadlay Shirweynihii Beesha Jidwaaq ay ku yeesheen Minniapolise.

Madaxweynaha ayaa aad u soo Dhaweeyay Shirweynaha ay Beesha Jidwaaq ku taageerayeen Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee ka Dhacay Magaalada Minniapolise kuna tilmaamay in uu ahaa Go'aan Geesinimo leh,Taariikhi ah Xaqiijiyayna Sharafta Beesha Jidwaaq iyo jacaylka ay Xukuumadooda u qabaan.

Mar aanu galabta la xidhiidhnay Madaxweynaha oo Xafiiska ku jira ayaa uu Noo sheegay in uu Si Weyn ugu farxay Go'aankii Geesinimada lahaa ee ay Beeshu Qaadatay kuna muujiyeen taageerada ay u hayaan Xukuumadooda,islamarkaana ugu Baaqay Dhamaanba Qubajoogta gaar ahaan Qurbajoogta ka soo jeeda Jidwaaq in ay dalkooda Maalgashadaan,Dhistaan oo Doorkooda ka qaataan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban iyadoona ay Xukuumadu gacan Buuxda ku siin doonto Fududeynta Maalgashigooda iyo hawlaha ay uga baahan yihiin in ay Gacan ka siiso Xukuumadu.

Madaxweynaha iyo Xukuumada DDSI ayaa aad ugu amaanay Hogaaminta Dhaqanka,masuuliyiinta Qaab-dhismeedka Dawlada iyo Dhamaanba Beesha-Jidwaaq Dadaalkooda ku wajahan Badhigantaalida Xukuumada, Horumarka, N/galyada, Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba tilmaamayna in Xukuumada lagula xisaabtamo Heerka Waxqabadkeeda Dhanka Horumarinta Guud ahaan deegaanka gaar ahaana Magaalada Jigjiga.

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay Shirkii ay Dhawaan Xukuumada iyo Odoyaasha Beesha Jidwaaq Addis-ababa ku yeesheen ayaa uu Tibaaxay in uu Shirkaasi Isfahan Buuxa ku soo dhamaaday iyadoona ay Xukuumadu 100% qaadatay wax ka qabashada cabashooyinkii jiray iyo sixitaankoodaba. Dhanka kale madaxweynaha ayaa Sheegay in Xuska Hidaar 29 ka dib in ay Xukuumada iyo Hogaaminta Dhaqanka ee Beesha Jidwaaq ay Si Heer sare ah u qabanqaabin Doonaan Munaasabad aad u balaadhan oo lagu Caleemo Saari Doono Wiilkii uu Dhalay Suldaan Buzeri Suldan Nimcaan oo Lagu magacaabo Suldaan Maxamed Suldaan Busayri Suldaan Nimcaan Sheekh Xasan .

Madaxweynaha oo sii watay hadalkiisa ayaa Carabaaby In ay Xukuumadu ku qaban Doonto Shirweyne aad u Balaadhan Magaalada qabribayax taasoo ay Xukuumada iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada ee ka soo Jeeda Beesha Jidwaaq ku Wada Arinsan Dooaan.

 

 

Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiia ayaa aad u Bogaadiyay Qurbajoogta ka soo Jeeda Beesha Jidwaaq ee Aragtida Fiican ee wadaniyadu ku dheehan tahay kana Madax banaan Mabaadiida Madhalayska ah ama raadka ay kaga Tageen Qawlaysatadii Gabalkoodu Dhacay ee UBBO kuwaasoo isugu Jira Dadkii Qaban-qaabada Qabsoomida Shirkan lahaa ee Xidhiidhka Wanaagsan xukuumada,hogaaminta Dhaqanka iyo Shacabka Beesha la lahaa Xukuumaduna Mahadcelin balaadhan iyo Soo dhawayna ugu baaqday.
Sidoo kale Xukuumada DDSI ayaa Amaan iyo Bogaadin Sare u soo jeedinaysa Cuqaasha,Aqoonyahanka iyo waxgaradka Beesha Jidwaaq ee Muujiyay kartidooda iyo Dareenkooda wadaniyadu ku dheeha tahay.

Dhanka Kale Xukuumada ayaa Bogaadisay Guud ahaan Dareenka wadaniyadeed ee ay Muujiyeen Dhamaan Beesha Jidwaaq ee Minnesota gaar ahaan Dadaalkii Hagar la'aaneed ee ay Muujiyeen Cali yusuf aw cumar oo Ka Yimid Atlanta,Bashiir Garaad iyo Suldaan Maxamed Suldaan Bade


Isku Soo wada Duuboo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ayaa u Mahadceliyay Dhamaanba Dadkii ka soo shaqeeyay qabsoomida Shirkii Geesinimada lahaa ee ay Beesha Jidwaaq ku yeelatay minniapolise