Lax Gaawracani Geed Kama Leexato"UBBO oo Qaadan-waa Ay Ku Noqotay Habsami u Qabsoomida Munaasabada Qarniga Hidar 29 iyo London Si Weyn Looga Xusay.

Lodon(CakaaraNews) Waxaa Hubaala in Xididada looga siibay Dal iyo Dibadba Dhalanteedkii UBBO ka dib markii ay Xukuumadda DDSI, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Odoyaal-Dhaqameedku ay Gamaha isqabsadeen Sal-mugiina ugaga wadaxaajoodeen Sidii Amsaxa Looga dhigi lahaa UBBO iyo Dibindaabyadeedii taasooy ka dhalatay Fikirkii ugu horeeyay ee Lagu aas-aasay Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-police.

Dhanka kale waxaa Iyana Qayb mugleh ka qaadatay Tirtiridii UBBO ka sakow Liyuu-police Qurbajoogta DDSI ee ku baahsan dacalada Dunida oo Guntiga u xidhay in UBBO iyo Qaraw-beenaadkii ay Dibadaha la dhexmeerayeen Xididada ugaga Siibaan kana samatobixiyaan Maatida iyo Caruurta Beenquutayaasha iyadoona ay Qurbaha ka Askumeen Ururo Dhalinyaro isugu tagay oo Kacdoono Qadhaadh kula galay sidii UBBO looga Dhexsaari lahaa shacabka loogana go'doomin lahaa Qaadhaankii. Dhalinyaraada Daahfurka Xaqiiqda iyo Waaqica Dhanta ah ee Deegaanka ku baahiyay Daafaha dunida ayaa ay ka mid ahaayeen Ururka Dhalinyarada SEDYO Minniapolise,Ururka Dhalinyarada Silent-cry.

Hadaba UBBO oo Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice ay Ka suuliyeen Deegaaanka Cudud ahaan,Shacab ahaan iyo dhaqaale ahaanba ayaa 3dii awrkiraale ay Miciin bideen in ay sii xoojiyaan Qaraw-beenaadkii ay ku hafin jreen maatida iyo Caruurta ku nool Qurbaha si aynan hakad u galin Maaraynta Nolol-maalmeedka Caruurtooda oo ku Tiirsanayd Qaadhaanka.

  Shaki Kuma Jiro in Qorshan oo u ahaa 3dii Awrkiraale Plan B oo ku wajahnaa Qurbajoogta ayaa noqday Hal Abeer ah oo aan Noqon Gundhiga iyo Nuxurka ayaa Ku Qotoma in ay UBBO oo xanuun aan Daawolahayn ka qaaday Horumarka Deegaanka,Maamulka Suuban,Qulqulka Qurbajoogta iyo Nbadgalyada salka Dhigtay ayaa ay ugu Biirtay Munaasabadii Xuska Taariikhiga ah ee ka dhacay Jigjiga isuguna yimaadeen Madaxda ugu saraysa DFI uguna horeeyo raysal-wasaaraha, Madaxweynayaasha Igad iyo Wakiiladooda,QM,safaaradaha iyo Ururka Midowga Afrika waana ta sababtay in ay UBBO khal-khal iyo Walaahow ku Dhaco.

Horaa loo Yidhi Lax Gawracani Geed kama Leexatee Dhawrka Fara kutiriska ah ee UBBO ka jooga London ayaa ku Anfariiray Munaasabadii Taariikhiga ahayd ee ka Dhacday Jigjiga laguna Yaqiinsaday Isbedelada Xawliga ah ee ka Taabogalay Deegaanka kadib Markii UBBO laga Suuliyay ayaa Sida la sheegay Nin aanu Xiskiisu dhanayn oo lagu Magacaabo Daahir Cabdulahi Xasan Tamuje Talo-Xume oo Ay UBO dhowaan u magacawday abaabulka Dawarsiga iyo arimaha Qaadhaanka Awrkiraalayaasha Isla sanadkan dhexdiisana lagu daray Mala-awaalka gola-dhexe kusheega UBO ayaa go'aan saday inuu taayiro u sameeyo gaadhigii banjaray ee UBO ee Ay dadkii Saaraa ka kala tageen beentiina u socon wayday.

Talo-Xume iyo Koox Gangs ah oo Qof isqarinayaa soo adeegsaday ayaa isku dayay Shirqool lagu waxyeeleeyo Mr C/laahi Maxamuud Maxamed Balse waa uu ka Dhicisoobay oo Booliska UK ayaa Gacanta ku Dhigay iyagoona ku raadjooga Shaqsigii soo adeegsaday. Tamuuje tala-xume ayaa Weerar cad ku qaaday oo Af iyo hanjabaada ku bartilmaan saday Cabdulahi maxamuud maxamed oo ku magac dheer cabdulaahi Yare isku magaalana Ay ka soo wada jeedaan si ay u khaarijiyaan iyaga oo ugu soo gabanaya wadankii baad tagtay,Daba qoodhi baad tahay,Qurbajoogtii London ayaad gacmahayaga ka saartay,Jadiinkii Qaadhaanka ayaad Naga jarteen,Waad na Cayday iyo Munaasabada Xuskii Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta ee aanu Muraara-Dilaaca ka Qaadnay ayaad London Noogu soo Safriseen.

Mudane C/laahi Maxamuud ayaa ka mid ahaa Dhalinyaradii ugu Horaysay ee Booqashadii Daahfurka Xaqiiqda iyo Waaqica Dhabta ah ee Deegaanka ku yimid islamarkaana halgan xoogana Been-Quutayaashii UBBO kula Galeen UK kagana xoreeyeen Guud ahaan Jaaliyada,Qurbajoogta iyo Dhalinyaradu cariga ingiriiska Tuke Cambaar lehna kaga Dhigeen.