Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafladdii Qoomiyadaha Ethiopia oo si Weyn Looga Xusay Australia – Qeybtii Labaad

Melbourne (Australia): Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia si weyn looga xusay xafladda qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya ee lagu magacaabo Hidar 29. Xafaladan ayaa sanadkan lahayd qiimo dheeraad ah maadaama sanadkanu uu ahaa markii ugu horeeyey ee lagu qabto dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI).

Xafladan oo ay soo qaban-qaabiyeen xubnaha kala duwan ee Jaaliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ee ku dhaqan magaalada Melbourne ayaa ku soo dhammaatay si guul iyo habsami wanaag ah.

Guddigii isku soo duba-riday xafladan qiimaha badnayd ee ka dhacday Melbourne oo aad u badnaa lana odhan karin marka loo eego Sidii iskuduubnida ahayd ee Qof kastaa Doorkiisa uga aadanayay hadana inkastoon la soo wada koobi karin waxaan ka xusi karnaa

 

1.Yusuf Suldan Muxumed Haybe

2.Axmed Rooble

3.Faysal Ibraahim Cabdi

4.Ibraahim Aadan Yare

5.Yuusuf Haybe

6.Umul Khayr Dalmar

7.Shaafici Darwiish

Waxaa Xusid Mudan Mudane Yusuf Suldan Muxumed Haybe oo ah Aabihii Askumay Abuurida Xoog jaaliyadeed oo Kaalin xoogan ka qaata hawlaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban Kuwaasoo Xididada Uga Siibay Taksiilayaashii Umulo-gaadka ahaa ee UBBO,iyadoona uu Suldaanku Xididada u Taagay Isku-xidhka Australia iyo DDSI kaalin baaxad wayna ka qaatay Qabsoomida Munaasabadan loogu damaashaadayay Hidar 29 ee ka dhacday Melbourne.

Xagga madadaalada iyo maaweelinta, waxaa diyaar ku ahaa madasha kooxdii caanka ahayd ee Somali OZBanad. Fanaaniintan waxaa laga xusi karaa: Iidle faarax Gaas, C/Xakiin Xaashi (Raaxeeye), Sahra Caydiid iyo SamSam, Maxamuud Warsame iyo abwaankii Cismaan Bulaale oo lahaa midhaha heestii goobta laga qaaday.

Waxaa iyaguna talooyin iyo tusaalooyin ku dhisan waayo aragnimo ku soo kordhiyey xafladan siyaasiga Khadar Aadan Yare iyo Faadumo Shaafici oo labaduba ka mid ah tiirarka lafdhabarka u ah Jaaliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Australia.