Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Ra'yiga Muwaadinka:- Waa ii Farxad In aan Arko idhahayga-Dhalka Fikirkayga.

Waxaan aad ugu faraxsanahay talo kamid ah talooyinkii aan soo jeediyay inaan arko iyadoo hirgashay. Taladaas oo ah wadooyinka Magaalada Jigjiga oo magacyo loo bixiyo. waxaanan umahad celinayaa maamulka Cakaara oo sahlay inuu ra'ayigaygu gaadho meesha looga baahan yahay taasoo igu sii Dhiirigalisay in aan Doorkayga ka qaato hawlaha Dalka ka socda.

hadana waxaan rabaa inaan talo kale ku darsado horumarka ka socda DDS, Taladaydu wali waxay abaaraysaa xaga wadooyinka.

waxaan jeclaan lahaa, ama fiicnaan lahayd-noqona lahayd mid aan kaga horayno deegaanada kale ee Ethiopia ee aaminsan inuu dib udhac ka jiro DDS. Si aan utusno inaanaan waxa ay sameeyaan uun aanaan ka daba samayn ee leenahay dad wax abuura ama (creative ah).

Talada maantu waxay tahay-Maadaama aan leenahay Sagaal Gobol oo uu ka koobanyahay DDS.

Wadooyinka waa wayn in magacyo loo bixiyo magacyadaas oo Lambaro ah; tusaale ahaan Wadada herar ka timaada ilaa Dhagaxbuur meesha kala badha oo loo bixiyo 501(oo ka turjimaysa inay wadadu tagto Kililka 5 aad Gobolkiisa koobaad- 5=kililka 5aad, 1=Gobolka kobaad, iyo eberka=gobolada mustaqbalka; tusaale ahaan wadada gobolka 11 waxay noqon doontaa 511; Qofkii accounting bartay ayaa fahmaya eberka waxa loogu talo galay. Tusaale ahaan hadii boardkan oo kale lagu dhajiyo baabili wada ka timaada 200 meter ka hor meesha ay ku kala baxaan wadada tagta xaga Fiiq iyo tan xaga Magaalada Jigjiga.

Dhanka bidixa meesha 407 ku qorantahay waxaa lagu qori 501 meesha ETR ku qorantahayna Jigjiga xaga ka hoosaysa ey ku qorantahay Express Toll Route iyana waxaa lagu qori Bambaas oo ah magaalada baabili ugu xigta( markasta xaga sare waxaa lagu qori magaalo madaxda Gobolka lagu sii socdo xaga hoosane tuulada ama magaalada ugu sokaysa) markaasna waxay ka turjumaysaa wadada bidixdu waxay tagaysaa Jigjiga waxaana kuugu sokeeya Magaalada Bambaas.

Dhanka midigta meesha 403 ku qorantahay waxaa lagu 502 xaga Toronto ku qorantahayna Nogob(magaca magaalada madaxda gobolka fiiq) meesha Niagara ku qorantahayna waxaa lagu qori tuulada ama magaalada ugu sokaysa marka xagaas loo socdo.

Sidoo kale hadii boardkan ama tabeelahan oo kale lagu dhajiyo 100 meter ka hor meesha ay ku kala leexdaan wadada tagta xaga Wajaale iyo tan xaga Magaalada Dhagaxbuur.

Dhanka bidixa meesha 407 ku qorantahay waxaa lagu qori 501 meesha ETR ku qorantahayna Wajaale xaga ka hoosaysa ey ku qorantahay Express Toll Route iyana waxaa lagu qori Hororays oo ah Tuulada Jigjiga ugu xigta(xaga hoosa waxaa lagu qori marba tuulada ugu sokaysa ilaa inta laga gaadhayo Wajaale) markaasna waxay ka turjumaysaa wadada bidixdu waxay tagaysaa Wajaale waxaana kuugu sokeeya Tuulada Hororays. Dhanka midigta meesha 403 ku qorantahay waxaa lagu 503 xaga Toronto ku qorantahayna Dhagaxbuur meesha Niagara ku qorantahayna Wiil-Waal International Airport(kadibna waxaa lagu badali marba tuulada ama magaalada ugu sokaysa ilaa Dhagaxbuur inta laga gaadhayo).

Arinkan aan ku soo sharax waxuu wax wayn ka tarayaa hanaan isu socodka gobolada iyo deegaanka oo sahlanaada.

waxaa kaluu caawinayaa gurmadka xaga nabadgalyada ama taakulada arimaha dagdag ah inay si dhibyar utagaan meesha ay rabaan inay gaadhaan iyagoon kaxaysan qof dhulyaqaan ah, wax walbana Nidaam ayuu ku socondoonaa. waxaa kaloo sahlanaanaysa haday damcaan inay; dad dalxiis uyimaadaan deegaanka inay ku dhex lumin ooy farxad iyo horumarka ku soo biiriyaan deegaanka.

Waad mahadsantihiin maamulka cakaara oo noo ogolaaday inaan ra'ayi ka dhiibano Horumarka DDS. Jaamac Jeeri Dabcasar