Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo Sanadka Cusub 2008TI

Jigjiga(CN) Jamce, 11kii September 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kuhadlaya magaciisa, magaca xukuumada DDSI iyo magaca XDSHSI ayaa shacab-waynaha Itoobiya guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka DDSI meel kasta oo ay caalaamka kajoogaan ugu hambalyaynaya farxada sanadka cusub ee 2008TI. Wuxuuna madaxwaynuhu ilaahay ka baryayaa inuu sanadkan inooga dhigo sanad barwaaqo, horumar, rayn-rayn iyo wanaag leh. Isagoo umadda reer itoobiyana ilaahay uga rajaynaya caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo inuu nagu gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa.