President CMC and Delegation continue BBC Journey of Launching Long Boreholes at Ciid Area

Danod(Cakaaranews) Sunday 24thSeptember 2017. ESRS president mr. Abdi Mohamoud Omar and delegation who last night slept at Marsin woredas are continuing their Journey named BBC of launching second round range land water supply project of Birqod, Gunagado, Dig,Marsin,Danood and Gashamo. Regarding to this, his excellence President Mr. CMC and delegation launched three boreholes drilled in high level elevation area of Ciid. These new boreholes are contained one borehole drilled at Marsin woreda, one CeelBaxay Kebele of Gashamo woreda and the other borehole constructed inside Gashamo woreda. During drilling and construction of these boreholes more than 11 million Birr of budget was expended to finish the work of the boreholes. However, this is first time in history that ever drilled long boreholes at Ciid area.

So the president and delegation marked the official commencement of the construction of supply water at Ceelbaxay,Gashamo and Balijano or an area of 150 KM. it has been allocated 200 million Birr to implement this water supply project and complete with in two years of this project life span.  Finally, the delegation remained to sleep Danod woreda where they are expecting to launch 600 M long borehole tomorrow.

 

 

Xubno laga Soo Kala Xulay 93 Degmo Oo Tababar ’TOT’ah Loogu Soo Gabagabeeyay Kuliyada Xirfadaha iyo Tababarada Ee Magaalada Godey

Godey(cakaaranews)Axad 24ka September 2017.Tababarka tababarayaasha ee afka qalaad lagu yidhaahdo (TOT) kuna qotama culuumta kaladuwan ee waxsoosaarka xoolaha iyo beeraha  islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno laga soo kala xulay 93 degmo oo deegaanka ah ayaa si habsami leh loogu soo gabagabeeyay kuliyada xirfadaha iyo tababarada ee magalada godey.

Hadaba, tababarkan TOT ah ayaa waxaa xidhitaankiis kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun  oo sheegay in ujeedada tababrkani yahay mid kamid ah talaabooyinka lagu fulinayo qorshaha 2010 ee ah ‘’Iskufilaan sheheenii Waan Soo ceshan karaa’’ islamarkaana lagaga baxayo saboolnimada. iyadoo Kaqaygalayaashanina ay yihiin dadkii bartay culuumta beeraha iyo xoolaha lagana soo kala xulay dhamaan degmooyinka deegaanka loona baahanyahay in degmooyinkii ay kakala yimaadeen ay uga faaiideeyaan si tacabka iyo wasoosaarkeenu u noqda mid wax ku’ool ah. Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay in si wanaagsan  ay u sii gaadhsiiyaan degmooyinkii ay kakala ymaadeen.

Sidookale, Kusimaha Maareeyaha Kuliyada Xirfadaha iyo Tababarada ee Magaalada Godey mudane Cabdiqaadir Maxamed Cali  oo isna dhankiisa kahadlay xidhitaankii tababarkan ayaa sheegay in xukuumada deegaanku ay xooga saartay horumarinta Waxsoosarrka xoolaha  iyo beeraha maadaama oo ay arintaasina tahay tubta ugu toosan ee saboolnimada lagaga baxayo islamrkaana lagu xaqiijinayo dabaanada cunada ee deegaankeena. Wuxuuna intaa kudaray in deegaanku u guntaday sidii si toos ah loogaga faaiidaysan lahaa khayraadka dhulkeena iyo xoolaheena ee uu ilaahay kumanaastay. Wuxuuna kuladardaarmay kasooqaybgalayaashii in casharadan ay barteen ay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehan tahay uga faa’iideeyeen bulshadii ay kakala yimaadeen islamarkaana uusan qofna kagaabinin.

Dhankakale kaooqaybgalyaashii oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin tababarkan TOT ah islamarkaana ay balanqaadayaan in sida ugu wanaagsan ay uga faa’iidanayaan bulshadii iyo degmooyinkii ay kakala yimaadeen xoolo dhaqatada iyo beeralayda labada

Iskusoowada duuboo, tababarkan TOT ah oo socday mudo 21 maalmood ah ayaa ahaa mid kaqaybgalaaysha lagu barayay waxsoosaarka noocyada kaladuwan ee beeraha iyo waliba waxsoosaarka xoolaha oo ay kamidyihiin Geela, Lo’ada, Adhiga, Digaagaiyo waliba dhaqashada Shinida, waxaana laga filayaa in natiijo wax ku ool ahi kasoobaxdo kadib markay kulaabtaan degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Ee Kujiray Socdaalkii BBC Oo Xadhiga Kajaray Ceelasha Dhaadheer Ee Laga Fuliyay Dhulka Ciid

Danood(Cakaaranews) Axad 24ka September 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku guda jira socdaalkii BBC ee xadhiga lagaga jarayay mashruuca balaadhan ee biyo-galinta wajiga labaad ee Birqod, Gunagado, Dig,Marsin,Danood iyo gaashaamo oo xalay uhoyday degmada marsin ayaa kasakow xadhig kajarka biyo-galinta mashaariicahaas sidoo kale maanta xadhiga kajaray 3 ceel oo ah ceelasha dhaadheer ee laga qodey dhulka ciid ee uu joogoodu sareeyo oo ay kamid yihiin ceelka laga qodey degmada marsin oo kamid gobolka qoraxey, ceelka laga qodeyTuulada Ceel baxay ee degmada gaashaamo oo ay ku baxday miisaaniyad dhan 11 milyan oo birr iyo ceelka laga fuliyay degmada gaashaamo ee gobolka jarar. Mashaariicaha Ceelashan dhaadheer  ee laga fuliyay dhulka ciid ayaa ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee ceealal noocan ah laga fuliyay dhulka ciid.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa sidoo kale dhagax dhigay mashruuca biyo-galinta banka dheer ee xaguuga oo ah biyo-galinta ceelbaxay,gaashaamo balijano oo ay ku baxayso aduun lacageed oodhan 200 oo milyan oo soconaya masaafo dhan 150 km islamarkaana lagusoo gabagabayn doono in kayar 2 sano. Dhagaxdhig kadibna Waxay waftigu usoo hoydeen degmada danood ee gobolka Dollo. Iyagoo halkaas maalinta bari ah xadhiga lagaga jari doono ceel dheerarkiisu dhanyahay 600m.

Faahfaahinta warkan kalasoco www.cakaaranews.com

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Dhamaan Gobolada Deegaanka U kala diray Kooxaha Abaabulka iyo Diwaangalinta Caruurta Da’da Waxbarashada Gaadhay.

Jigjiga(cakaaranews)Axad 24ka September 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI oo kaduulaya qorshayaasha u yaala ayaa dhamaan gobolada, degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka deegaanka udiray kooxo loogu talagalay hirglinta qorshaha abaabulka iyo wacyigalinta diwaangalinta ardyda ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I.

Hadaba, wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in xafiisku uu dadaal ugujiro kamidho dhalinta qorshayaasha uyaala bahda waxbarashada deegaanka islamarkaana uu kooxo iskudhaf ah u diray dhamaan gobolada deegaanka kuwaasoo ujeedadoodu tahay abaabulka diwaangalinta iyo wacyigalinta dhamaan caruurta da’da waxabarashada gaadhay, diwaangalinta waxbarashada dadka waawayn iyo waliba diwaangalinta dadka waxbarashada baahida gaarka ah qaba. Wuxuuna tilmaamay in kooxahani sidookale ay u kuurgalayaan caqabadihii dhanka waxbarashada ee sanadkii dhamaaday si ayna mardanbe u dhicin

Ugudanbayna wasiirka ayaa dardaaran u soojeediyay kooxaha shaqadan abaabulka baxaya, dhamaan maamulada heerarkooda kaladuwan iyo waliba waalidiinta caruurta, isagoo sheegay in sifiican oo iskuduubni ah looga qaybqaato wacyigalinta iyo abaabulka waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I si deegaanku uga baxo jahliga yo saboolnimada.

 

 

 

Socdaalkii BBC Iyo MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo Galinta Masaafada-Dheer wajigiisa 2aad Ee Birqod, Gunagado, Danood, Dig, Marsin iyo Gaashaamo

Marsin(cakaaranews)Sabti 23 September 2017.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee maalmahanba kugudajiray socdaalkii lamagacbaxay Biyo, Baad, Beer Cilmi iyo Caafimaad (BBC) oo habeenimadii xalay ahayd u hooyday degmada Dig ee Gobolka Jarar ayaa saaka si rasmi ah xadhiga uga jaray  mashruuca wayn ee biyo-galinta masaafada-dheer wajigiisa 2aad ee laga hirgaliyay dhul-daaqsimeedka degmooyinka Birqod, Gunagado, Danood, Dig , Marsin iyo Gaashaamo, kaasoo ah mashruucii ugu horeeyay oo noocan ah oo laga hirgaliyo deegaanka.

Hadaba, Mashruucan ayaa waxa uu kufadhiyaa dhul dheerarkiisu dhanyahay 160 km iyadoo marka lagudaro leexleexadka meelaha ay marayaan tuumbooyinka biyaha ee mashruucu ay masaafo ahaan noqonayso 215km2 taasoo u dhaxaysa degmooyinka kala ah Birqod, Gunagado, Danood, Dig , Marsin iyo Gaashaamo islamarkaana ay kawada faa'iidaysanayaan

Sidookale mashruucan biyogalinta wajiga 2aad ayaa waxuu leeyahay 36 water point, 24 dararka xooluha kacabaan ah iyo wliba 13 kayd-biyood islamarkaana ay kafaaiidaysanayaan bulsho kabadan 154 kun oo qoys  iyo waliba xoolo kabadan halmilyan iyo badh

Dhanka kale, mashruucan ayaa waxaa iskudar kubaxday aduun lacageed oo dhan 390 milion oo bir waxaana xusid mudan in tuumbooyinka mashruucan loo isticmaalay dhanka biyogalinta  ay yihiin nooc casri ah oo tayo oo ah nooca looyaqaano HDPE.

Iskusoowada duuboo, waftigan Balaadhan ee uu Hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa caawa KU dheelmaday Degmada Marsin ee Gobolka Qoraxey iyadoo bulshada kudhaqan tuulooyinka iyo degmooyinka uu mashruucani maro ay aad u bogaadiyeen islamarkaana qaadan waa kunoqtay biyaha laga keenay degmada Birqod ee ay kacabayaan dadka iyo duunyada kunool degmooyinka Gunagado, Dig, Danood, Marsin iyo Gaashaamo. Waxayna mahadcelin balaadhan u soojeediyeen xukuumada DDSI iyo XDSHSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Iyo Maaraynta Cudurka jadeecada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews),Sabti, 23ka, September, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo loo qabtay xirfadlayaasha caafimaadka ee dhamaan xarumaha caafimaadka iyo cusbitaalada deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee nogob huteel.

Tababarkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa xirfadlayaasha caafimaadka ee  xarumaha iyo cusbitaalada deegaanka ka hortaga, tir tirida, xakamaynta iyo daawaynta cudurka jadeecada/duumada  ayaa waxaa soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudana Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiyay tabaha iyo xeeladaha lagu tir tiro cudurka jadeecada/duumada  iyo waliba dadaalka ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska caafimaadku ugu jiro sidii loo tir-tirilahaa cudurka jadeecada wasiirka ayaa sheegay qorshaha la qaatay dalkeena iyo deegaankuba yahay in guud ahaanba dalka lagaga  tir tiro  cudurka duumada/jadeecada taasi oo guulo waawayn laga gaadhay balse loo baahan yahay in la sii xoojiyo qorshayaasha lagaga hortagayo laguna tir-tirayo cudurka jadeecada wasiirka yaa ku booriyay xirfadlayaasha caafimaadka ee loo soo xidhay tababarka in sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan fahankii ay ka qaateen cashiradii ay barteen mudadii uu socday tababarku,

 

Dhankooda qaarka mid ah xirfadlayaashii caafimaad ee qaatay tababarkan ayaa sheegay in mudadii uu socday tababarku fahan buuxa ka qaateen  istaraatajiyadaha , tabaha iyo xeeladaha looga hortaga laguna tir tiro iyo sida adeeg deg deg oo daawayn ah loo siiyo qofka uu ku dhacdo jadeecadu . waxayna hoosta ka xariiqeen in marka ay ku noqdaan goobtii shaqada ay sidii loogu talagalay u meelmarinayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan si loo gaadho natiijada lagu tir tirayo jadeecada. Tababarkan ayaa socday muddo 4 maalmood ah waxaana cashiridiisa bixinayay khabiiro ka socday xafiiska caafimaadka DDSI. 

More Articles...

  1. BBC Journey and President CMC Launching 2nd Round Water Supply Project at Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood and Gashaamo.
  2. Socdaalkii Lamagacbaxay BBC Iyo MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo-galinta Wajiga 2aad Ee Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood Iyo Gashaamo
  3. Kulan Lagaga Hadlayay Fulinta Qorshayaasha Gar-gaarka Bini-aadantinimada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Jigjiga.
  4. በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት ፕሬዝደንት የሚመራ የክልሉ ከፈተኛ አመራር ልዑካን ቡዱን ወደ ቀይ አፈር የተቆፈሩት የውሃ ፖሮጀክቶች አመሩ፡፡
  5. President CMC Traveled to Eid (Ciid) Area
  6. Munaasabado Lagu Taageerayo Hawlaha Horumarka Iyo Nabadgalyada DDSI Oo Ka Dhacday Qaaradaha Aduunka.
  7. MW CMC Oo U Ambabaxay Dhanka Dhulka Ciid
  8. Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshaaal Kor Loogu Qaadayo Dhaqanka Iyo Dalxiiska Deegaanka.
  9. Qalabka 'ICT'ga Oo Lagaadhsiiyay Qaarkamid Ah Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka DDSI
  10. Tababar Ku Saabsan U Adkaysiga Dhibaatooyinka Dabiiciga ah Oo Ka Furmay Jigjiga.
  11. Ogaysiis :Ganacsatada Iyo Qurba-joogta Deegaanka
  12. Horumarinta Magaalooyinka Dalka iyo Dadaalada Ku Aadan
  13. Tababar Loo Furay Macalimiinta Iyo Shaqaalaha Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.
  14. Kulan kusaabsan Xalinta Khilaafkii Kadhashay Xuduudka Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada Oo Kadhacay Caasimada Adhisababa
  15. President CMC Returned Back To The ESRS Capital Jigjiga
  16. Kulan Ku Saabsan Abaabulka Waxbarashada Sanad dugsiyeedka 2010TI Oo Ka Qabsoomay MM DH/buur
  17. MW CMC Oo Dib Ugusoo Laabtay Caasimada Deegaanka
  18. MW CMC Oo U kicitimay Dhanka Xarunta Dalka..
  19. Qiimayn Loo Qabtay Maamulada 229 Dugsi Oo Ah Dugsiyada Quudinta Leh
  20. Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii somalida ahaa ee Lagu Xasuuqay Awaday.
  21. Notice on Awaday Khat is Poisened
  22. Magacaabis Cusub ..
  23. በኣወዳይ ጫት ላይ የወጣ አሠቹኳይ ማሳሰቢያ!!
  24. ማስታወቅያ
  25. የኢትዮጲያ ሶማሌ ክልል መንግሰት በኣወዳይ የተገደሉት ንፁሃን ዜጎች የተሰማቸውን ጥልቅ ሀዘን ገልፀዋል፡፡
  26. Ogaysiis Dhamaan Shacabwaynaha DDSI Meelkasta Oo Ay Joogaan
  27. Jaadka Awadayga Ah Oo La Sheegay In La Suneeyay Oo Ay Dad Ku Dhinteen Qaarna Hospitaalada Uyaalaan
  28. Xukuumada Oo Tacsi Tiiraanyo Leh Udiraysa Shacabwaynaha Deegaanka
  29. OGAYSIIS :
  30. Darawalada iyo Mulkiilayaasha Gaadiidka Yaryar Ee MM Dh/buur iyo MM Q/Dahar Oo Soo Dhaweeyay Bixinta Taarikada Cusub Ee lasoo Gaadhsiiyay
  31. Shirwaynihii 9aad Ee Waxbarashada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  32. MW CMC Oo Sheegay In Sanadkii Tagay Lagu Sagootiyay Horumar Sanadka Cusubna Lagu Soo Dhawaynayo Horumar
  33. Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Oo Talaalka Xoolaha Kafulisay Duleedka Magaalada Jigjiga
  34. MW CMC Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka.,
  35. Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Agabka Aaladaha Casriga ah u Raray Qaarka Mid ah Degmooyinka..
  36. Kulan Waynihii 9aad Ee Waxabarashada Deegaanka Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka
  37. የኢ.ሶ.ክ.መ. ውሃን እንደፓትሮሊየም መቆጠሩ ምን ይመስላል!!
  38. Tartanka Kubada-cagta Ee Hay’adaha Dawliga Ah DDSI Oo Furmay
  39. Dufcadii 22aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Macalimiinta Dr cabdinajiib Xuseen.
  40. Maamulka Degmada Qalaafo Iyo Bulshada Kudhaqan Degmada Oo Si Wada Jir ah Uga Shaqaynaya u Diyaargarawga Beerashada Casriga ah
  41. MW CMC Oo U Kicitimay Dhanka Xarunta Dalka
  42. Tababar Kusaabsan Nidaamka Hantidhawrka Oo Loo Qabtay Hanti-Dhawrayaasha
  43. Shir Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Hawlaha Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay Filtu
  44. Degmada Elele iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele Oo Khibrad Wadaag U tagay
  45. Ogaysiis: Qurbo-joogta DDSI
  46. Wafti Ukala Baxaya Wadamada Maraykanka, Europe Iyo Carabaha
  47. MW CMC Oo Xafiiskiisa Waraysi Kusiiyay Warbaahinta Deegaanka
  48. Odayaal Dhaqameedka Deegaanka Oo Yeeshay Kulan Ay Kaga Hadlayeen Fikirada Cidhiidhyoon Ee Soomaaliwayn Iyo Arrinta Danbiile Qalbi Dhagax
  49. 600 Oo Maxbuus Oo Xukuumadu Cafis U Fidisay Fadliga Ciidul-Adxa
  50. 525 Macalin Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Macalimiinta Ee Magaalada Qabridahar
  51. Dufcadii 8aad Ee Waxbarashada Xiliyada Xagaaga Jaamacada jigjiga Oo Maanta Qalin Jabisay
  52. Ogaysiis: Qurba-joogta DDSI
  53. Qurba-joog U Dhalatay Deegaanka Oo Soo Kormeertay Mashaariicaha Degmada Qabridahar
  54. Gobolka Liibaan Oo Munaasabada Salaada Ciidul Adxa Si Balaadhan Looga tukaday.
  55. Munaasabada Salaada ciidul Adxa oo si meeqaam sare ah loogu tukaday Garoonka Caasimada Deegaanka ee Jigjiga
  56. Raisal-Wasaaraha JDFI Oo Soo Xidhay Tababarkii Hogaaminta Sare
  57. Oohintiisa Oohin baa Kahoraysay, Diyaaradii Keentay Cabdikariina Waxaa Ka Horaysay Diyaaradii Qaaday 114ka Qof
  58. Wafti Balaadhan Oo Heer Caalami Ah Oo Lagu Soodhaweeyay Magaalada Jigjiga
  59. MW CMC Oo Hambalyeeyay Dhamaan Muslimiinta Caalamka
  60. MW CMC Iyo Mas’uuliyiin Heer Deegaan Ah Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaanka
  61. Dhibaatadii Ay Nabadiidka UBBO Ugaysatay Shacabka Deegaanka
  62. Qawlaysatada UBBO Ee Diasporaha Oo SHeegay Inay Xaalada Qalbi-dhiriq Maliiqnayd
  63. Xafiiska Waxbarshada DDSI Oo Shaaciyay Natiijayada Imtixaanka fasalka 8aadka
  64. Filtu Iyo Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada
  65. Tababar Kuqotama Barnaamijka JEG Oo kafurmay Magaalada Jigjiga
  66. Tababar Ku Saabsan Xirfadaha Dhiig Joojinta Saboolnimada Oo Ka Furmay Jigjiga
  67. Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada Ee Gobolka Afdheer
  68. Koobka 15 Jirada Dalka Ee COCACOLA CUP Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka
  69. Kulan Wadatashi ah Oo Lagaga Hadlayay Nidaamka Maamulka Maaliyada Oo Kaqabsoomay Magaalada jigjiga
  70. Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada Gobolka Doolo Oo Ka Furmay Wardheer.
  71. Tababar ku Saabsan Siyaasadaha Iyo Istaraatijiyadaha Horumarinta Warshadaha Oo Ka Furmay Jigjiga
  72. Masuuliyiin Sare Oo Soo Kormeeray Xarumaha Ganacsiga iyo Wax Soo saarka Iskaashatooyinka Dhalinyarada MM jigjiga.
  73. Tababar Ku Saabsan Kobcinta Awooda Fulineed Ee Hay’adaha Cadaalada Oo Ka Furmay Jigjiga.
  74. Kulan Ku Saabsanaa Hogaaminta Sare Ee Maaraynta Caafimaadka Oo Lasoo Gabagabeeyay
  75. Qurba Joog U Dhalatay DDSI Oo Agab Caafimaad Ku Wareejiyay Xafiiska Caafimaadka DDSI
  76. MM Qabridahar Iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada
  77. MW JDFI Dr Mulatu Teshome Oo Xuska Maalinta Ciidanka Booliska Dalka Abaalmarin Gudoonsiiyay Ciidanka Booliska DDSI
  78. Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha DDSI Oo Kulan La Yeeshay Kooxda Kubada Cagta Ee Warbaahinta Deegaanka Iyo Kooxda Kubada Cagta Ee Kooxaha Fanka DDSI
  79. Wakaalada Hor- Khay- Biyaha Ee MM Qabridahar Oo Haamaha Yaryar Ee Biyaha Nadiifiya U Qaybiyay 600 Oo qoys
  80. Maareeyaha kuliyada Waxbarashada Macalimiinta ee MM Qabridahar Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Kuliyada
  81. Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Dib U Dajinta Bulshada.
  82. Dhalinyarada MM Godey Oo Lagu Wareejiyay Lacag Dhan 40 Milyan Oo Birr
  83. Meles-Park Iyo Ololo Balaadhan Oo Dhir Beeris Ah Oo Kadhacay
  84. Kooxda Gobolka Sitti Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo MM Deegaanka.
  85. Saraakiisha Ciidamada Booliska Oo Dhir Beeris Ku Sameeyay kuliyada Tababarka ciidanka Ee Shaalaqe Mahad Soofe
  86. Kooxda Kubada Cagta Ee Gobolka Dollo Oo Gashay Kaalinta 3aad
  87. Munaasabada Xuska 14aad Ee Maalinta Dhalinyarada Dalkeena Oo Laga Xusay Jigjiga.
  88. Ololo Balaadhan Oo Ah Dhanka Nadaafada Caasimada Jigjiga Oo Kadhacay Magaalada
  89. Kulan Lagusoo Dhawaynayay Maareeyayaasha Cusub Ee Xarumaha Caafimaadka Gobolka Qoraxey
  90. Kooxda Gobolka Daawa Iyo Kooxda Gobolka Sitti Oo Ugudbay Ciyaarta Finaalka
  91. Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Ka Warbixisay Taaba Galinta Tabaca Wax Soo Saarka Beeraha.
  92. Gudoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Belgium Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jigjiga
  93. Kulan Lagaga Hadlayay Mashruuca Dabargoynta Cudurka susanka Oo ka Furmay Jigjiga.
  94. Mashruuca Balaadhinta Biyo-xidheenka Hadhaawe Oo Meel Fiican Maraya
  95. Wasiir Ku Xigeenka Waxbarshada DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Tayaynta Waxbarashada Deegaanka.
  96. Kulan Balaadhan Oo Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM Qabridahar Ayaa Ka Furmay Magaalada Qabridahar
  97. Kulan Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM dh/buur Oo Ka Furmay Dhagaxbuur.
  98. Kooxaha Gobolka Dollo Iyo MM Wajaale Oo Ugudbay Wareega 8da
  99. Kulan Balaadhan Oo Loo Qabtay Macalimiinta Xiliga Xagaaga Waxkabarata Jaamacada Jigjiga iyo Kuliyada TTC
  100. Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun