Ololo Balaadhan Oo Ah Dhanka Nadaafada Caasimada Jigjiga Oo Kadhacay Magaalada

Jigjiga (cakaaranews)Khamiis 17ka August 2017. Sida lawada ogsoon yahay caasimada DDSI ee magaalada jigjiga ayaa 5tii sano ee u danbaysay  si aad xawli u ah u koraysay marka la eego dhinacyada adeegyada aasaasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada islamarkaana kamid noqotay caasimadaha magaalooyinka dalka ee wakhtiyar gudihii isbadalwayn ka sameeyay dhanka jidadka, dhismaha iyo waliba nadaafada iyo cagaarinta caasimada. Iyadoo baryahana ay maamulka magaaladu dadaalbalaadhan ugu jiraan dhanka qurxinta iyo nadaafada magaalada maadaama oo ay sanadkan magaaladu martigalinayso xuska magaalooyinka dalka.

Hadaba, waxaa maanta magaalada jigjiga si wayn uga qabsoomay olole balaadhan oo dhanka nadaafada ah oo ay kasooqaybgaleen masuuliyinta ugu saraysa MMJ oo uu ugu horeeyo Kusimaha Maayorka ahna Maareeyaha MMJ mudane Fadxi Shugri Axmed oo halkaas kula hadlay warbaahinta deegaanka. isagoo sheegay in baryahanba ay ku hawlanyihiin dhanka qurxinta iyo nadaafada maagaalada jigjiga islamarkaana ay maanta si aad u balaadhan u samaynayaan ololo nadaafadeed oo ay wada fulinayaan shaqaalaha MMJ iyo waliba halyay’yada ciidamada Gaarka ah ee Liyuu-boolis. Wuxuuna xusay in maanta  ay nadaafadani kuwajahantahay goobo kamid ah magaalada oo ay islahaayeen waxaa kajira qashin.

Ugudanbayna, kusimaha maayorka ayaa bulshada  kunool caasimada kuladardaarmay in ay kala shaqeeyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda magaalada jigjiga, si wada jira ahna ay ugala qayb-qaataan.

 

 

Kulan Lagusoo Dhawaynayay Maareeyayaasha Cusub Ee Xarumaha Caafimaadka Gobolka Qoraxey

Qabridahare(cakaaranews)Khamiis 17ka August 2017. Waxaa xarunta gobolka qoraxey kaqabsoomay kulan lagusoo dhawaynayay maareeyayaasha cusub ee lagusoo qoray xarumaha caafimaadka gobolka qoraxey islamarkaana ay kasooqaybgaleen gudoomiyaha gobolka qoraxey iyo waliba gudoomiya yaasha iyo madax xafiiseedada caafimaadka degmooyinka gobolka qoraxey.

Hadaba, kulankan soodhawaynta ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in gacmo furan ay kusoodhawaynayaan maareeyayaasha cusub ee xarumaha caafimadka gobolka qoraxey lagu soo qoray. Wuuuna intaa kudaray in maareeyayaashan lagsooqoray 14ka xarumo-caafimaad ee gobolka qoraxey. Wuxuuna xusay gudoomiyuhu in maareeye yaashani ay yihiin gabdho kuwaasoo ah xubnihii ugu kartida badnaa ee lagasoo kalaxulay dhamaan deegaanka islamarkaana tababarka hogaaminta ee xarumaha caafimaadka kusoo qaatay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Wuxuuna tilmaamay gudoomiyuhu in ka maamul ahaan ay garabtaagan yihiin dhankaata oo xaga maamulkooda ah, iyagana looga baahan yahay in xilkooda iyo waajibaadkooaba ay si toosa uga soo baxaan.

ugudanbayna, maareeyayaashii cusbaa oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in xilka waajibaadka ay usoo idmatay xukuumada DDSI ay si wadaniyad leh oo daacadnimo ku dheehanatahay uga soobaxayaan.

 

Kooxda Gobolka Daawa Iyo Kooxda Gobolka Sitti Oo Ugudbay Ciyaarta Finaalka

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 16ka August 2017.  Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka ee kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa bilowday wareega gabagabo islamarkaana ay gobolada Daawa, MM Wajaale,Dollo iyo Sitti ay iskasoo xaadiriyeen wareega 4ta ee loogu gudbayo ciyaarta kamadanbaysta ah ee finaalka.

Waxayna saaka aroornimadii ciyaar xiisa leh dhexmartay kooxda gobolka Daawa iyo kooxada mm wajaale ciyaartan oo tageero aad utira badan soo buux dhafiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 3-1  oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka daawa , sidaasna ay kooxda gobolka daawa oogu gudbaan ciyaarta finaalka ee ugu danbayasa koobkan gobolada iyo mm deegaanka oo in muda kasocday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Dhanka kale waxay galinkii danbe maanta ciyaar aad uxiisa badan oo lawada sugayay dhexmartay kooxda gobolka Dollo  iyo kooxda gobolka sitti , Ciyaartan oo ay labada kooxba  soo bandhigeen ciyaar wanaag ayaa waxay wakhtigii loo talagalay kusoo dhamaatay barbaro 1-1 ah. Intaas kadibna Waxaa loo dhigay rigoore oo ay guusha ku raacday kooxda gobolka Sitti iskaxaadiriyeena ciyaarta finaalka ee ugu danbaysa koobkan gobolada iyo mm deegaanka islamarkaana ay tartankan kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka ay ciyaarta ugu danbaynta fiinaalka isugu yimaadeen labada kooxood ee gobolka Daawa Iyo Gobolka Sitti.

Sikastaba ha ahaatee tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo islamarkaana ay labada kooxood ee gobolka Daawa iyo Sitti ay wada ciyaari doonaan kulanka kaga danbaysta finaalka.

Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Ka Warbixisay Taaba Galinta Tabaca Wax Soo Saarka Beeraha.

jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 16ka August, 2017. Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixisay guulaha waawayn ee laga soo hooyay qorshihii dhinaca wax soo saarka beeraha ee sanadkii 2009TI.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in xukuumada DDSI  sanadihii ugu danbeeyay  dajisay qorsheyaal cilmiyaysan iyo  istaraatajiyado lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sidoo kalena lagu tir tirayo saboolnimada  iyo shaqo la’aanta taasi oo sal looga dhigay hirgalinta iyo xoojinta nidaamka  wax soo saarka beeraha  oo casriya  iyada oo lagu  hagayo nidaamka warshadaha oo ah tubta  lagu gaadhayo horumar waara joogtaysan oo aan soo noqod lahay, madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in la xoojiyay  awooda fulineed ee geedi socodka  lagu gaadhayo natiijooyinka wax ku ool ka ah.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sharax dheerka bixisay fulinta iyo meelmarinta qorshihii u dajisnaa xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI gaar ahaan nidaamka fidinta wax soo saarka beeraha oo ay qorshaysnayd in sanadka 2009TI  la abuuro dhul beereed dhan 801,481 hector taasi oo lagu guulaystay in la abuuro 709,977 hector taasi oo u dhiganta in qorshihii la fuliyay 88.6%.  sidoo kale waxaa la sameeyay ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku daraasaadyo ku taxa-luqa noocyada carada deegaanka si loo xaqiijiyo nooca wax soo saarka goobkasta ku haboon deegaanka sidoo kale waxaa la qaybiyay lana gaadhsiiyay goobkasta  ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku  noocyada kala duwan ee abuurka wax soo saarka beeraha oo tayada leh iyada oo dhinaca kale tababaro kor loogu qaadayo garaadkooda aqooneed la siiyay xirfadlayaasha fidinta beeraha dhinaca kalena  sanadkii 2009IT la soo iibiyay 5 mishiin oo ah miinada waawayn  ee casriga ah ee lagu gooyo sareenka, sinsinta, galayda iyo calafka xoolaha

Madaxwayne ku xigeenka oo sheegay in dhamaanba qorshayaashii u dajisnaa xafiiska laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u ah fidinta wax soo saarka beeraha. Waxayna  sheegay madaxwayne ku xigeenku  in qorshaha cusub ee 2010TI  diirada lagu saarayo xaqiijinta wax soo saar taya leh  islamarkaana gaashaan u noqda xaalada abaaraha ee keenta cunta yaraada iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka deegaanku hodanka ku yahay sida ka faa’iidaysiga Wabiyada deegaanka, mashaariicaha biyo xidheenada waawayn ee ay xukuumada DDSI hirgalisay iyada oo dhinaca kalena xooga la saaraya sidii loo soo saarilahaa calafka xoolaha . madaxwayne ku xigeenka ayaa intaasi ku dartay in sanadkan la sii xoojindoona soo iibinta iyo qaybinta agabyada casirga ah ee loo adeegsado wax soo saarka beeraha oo ay ka mid yihiin cagaf-cagafyadu kuwaasi oo la gaadhsiindoono degmooyinka deegaanka.

Ugu danbayntii madaxwayne ku xigeenka DDSI ayaa fariin u dirta qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka taasi oo ah in xooga la saaro wax soo saarka beeraha islamarkaana laga faa'iidaysto khayraadka deegaankeenu hodanka ku yahay  si  uu iskaashigeenu u noqdo mid lagu hirgaliyo qorshaha ay xukuumada DDSI sanadkan dajisay ee ah waan soo ceshan karaa inku filnaanshaheenii.

Gudoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Belgium Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jigjiga

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 16ka August , 2017. Waxaa  lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal airport ee magaalada jigjiga gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka Belgium   ahna mulkiilaha shabakada wararka ee Raasonews mudane Maxamed Badri Macalin

waxaana, si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada Arimaha  xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf iyo maareeye ku xigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi (dhagalaab).

Soo dhawayn ka dib gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka belgium mudane Maxamed Badri macalinayaa qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta deegaanka  isaga oo  siwayn ugu mahad celiyay soo dhawaynta meeqaamka sare ah ee ay xukuumada DDSI ugu soo dhawaysay deegaanka  wuxuuna ku amaanay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka guulaha laga soo hooyay dhinacyad horumarka nabadgalyada hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta xidhiidhka saraxka tiran ee ay xukuumada DDSI la leedahay qurba joogta DDSI. 

Ugu danbayntii gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee Belgium ahna mulkiilaha shabakada Raasonews ayaa ah  ah xubin xubin qurba joog ah fir-fircoon islamarkaana    kaalin mug leh ka qaata hirgalinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinaca warbaahinta deegaanka,  gudbinta iyo  soo bandhiga xogaha horumarineed ee deegaanka.  

Kulan Lagaga Hadlayay Mashruuca Dabargoynta Cudurka susanka Oo ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 15ka August, 2017. Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah  ee garaad wiil-waal lagu soo dhaweeyay masuuliyiin heer faderaal ah oo ay hogaaminayso wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluunka  JDFI marwo Dr Misraq Mokonen iyada oo ay si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid tahay wasiir ka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud.

Soo dhawayn ka dib waftigan  heer faderaal ee ay hogaaminayo wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada  xoolaha  iyo horumarinta  kaluumaysiga JFDI marwo Dr misraaq mokonen ayaa   ka  qaybgalay  furitaanka kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay  waxqabadka iyo jihooyinka mashruuca dabar-gaynta cudurka suusanka / kalidii cunaha dhiiga xoolaha islamarkaana ah cudur ku dhaca xoolaha waana cudur caqabad ku keeni kara horumarinta khayraadka xoolaha. kulankan ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI oo ay ugu horayso wasiirka xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, masuuliyiin ka socday hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI iyo madax xafiiseedyada xafiisyada xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga ee 30 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Waxaa, furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirka xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ka warbixisay istaraatajiyadaha  jihooyinka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo xoolaha dalka iyo khayraadkooda  gaar ahaan deegaanada xoolo dhaqatada kaasi oo uu ugu  horeeyo deegaanka somalida itoobiya oo ah deegaan hodan ku ah dhinaca khayraadka xoolaha wasiirka ayaa sheegtay in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada bulshadeena taasi oo ay deegaanka somalida itoobiya xoolaha toos uga faa’iidaystaan  inka badan 85%. Wasiirka ayaa sheegtay in wakhtiyadii hore aan sidii loogu talagalay looga faa’iidaysan khayraadka xoolaha balse sanadihii ugu danbeeyay dalkeena itoobiya iyo deegaankuba xooga saareen sidii loo horumarin lahaa nidaamka dhaqashada xoolaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadkooda iyada oo la adeegsanayo farsamooyin kala duwan ee casriya islamarkaana xooga la saarayo sidi looga hortagilahaa cudurada faafa ee ku dhaqa xoolaha . wasiirka ayaa intaasi ku dartay in si loo xaqiijiyo tayada caafimaad qabka xoolaha ta dajiyay taba iyo xeeladu lagu dabar-goynayo cudurada ku dhaca xoolaha  kuwaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca  dabargaynta   cudurka suusanka ee ku dhaca xoolaha gaar ahaan adhiga kulankana yahay mid lagaga hadlayo sidii loo xoojinlahaa waxqabadka mashruucan.

Dhankeeda waxaa furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo  horumarinta kaluunka  JDFI marwo Dr Misraaq Mokonen oo sheegtay in dalkeena itoobiya ka mid yahay wadamada geeska Africa ugu xoolaha badan, deegaanka soomalida itoobiyana yahay deegaanada ugu xoolaha badan dalkeena itoobiya  sidaasi darteedna sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga gaadhay  xaqiijiyo tayada xoolaha iyo khayraadkooda   iyada oo  sameeyay qorshayaal lagu tayaynayo horumarinta xoolaha nool iyo ka faa'iidaysiga , khayraadkooda gaar ahaan suuqgayntooda.

Kulankan ayaa waxa inta u socdo lagu soo bandhigayaa daraasaad lagu sameeyay sidii loo Xaqiijin lahaa tayada xoolaha loogana hortigilahaa cudurada faafa ee ku dhaca xoolaha gaar ahaan cudurka susanka  iyo guud ahaanb jihooyinka casriga ah ee lagu horumarinayo xoolaha nool iyo khayraadkooda.

More Articles...

  1. Mashruuca Balaadhinta Biyo-xidheenka Hadhaawe Oo Meel Fiican Maraya
  2. Wasiir Ku Xigeenka Waxbarshada DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Tayaynta Waxbarashada Deegaanka.
  3. Kulan Balaadhan Oo Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM Qabridahar Ayaa Ka Furmay Magaalada Qabridahar
  4. Kulan Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM dh/buur Oo Ka Furmay Dhagaxbuur.
  5. Kooxaha Gobolka Dollo Iyo MM Wajaale Oo Ugudbay Wareega 8da
  6. Kulan Balaadhan Oo Loo Qabtay Macalimiinta Xiliga Xagaaga Waxkabarata Jaamacada Jigjiga iyo Kuliyada TTC
  7. Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun
  8. Munaasabad Ku Saabsan Yaraynta Shilalka Gawaadhida Oo Ka Qobsoontay Xarunta Deegaanka
  9. Kooxaha Gobolka Daawa Iyo Sitti Oo Iska Xaadiriyay Wareega 4ta
  10. Dhalinyarta Sookoraysa Ee Deegaanka Oo U Ambabaxay Tartanka 5aad Ee Heer Qaran Ee Dhalinta Sookoraysa
  11. Tababar Lagu Baranayo Xirfadaha Isku Xidhka Tuunbooyinka Casriga Ah Ee Biyaha Oo Ka Furmay Jigjiga.
  12. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Iibka iyo Shuruucdooda Oo Lasoo Gabagabeeyay
  13. Kulan Lagaga Hadlayay Kaalinta Ay Bangiyadu Ku Leeyihiin Hirgalinta Nidaamka Warshadaha Oo Ka Dhacay Jigjiga
  14. 28 Mooto Oo Ah Nooca Loo Yaqaano ZUZUKIda Ayaa Lagu Wareejiyay Degmooyinka
  15. Gobolka Daawa Oo Ku Guulaystay Tartankii Ciyaarta Laliska Ee Gobolada Iyo MM deegaanka
  16. Kulan Kusaabsan Habraaca Maaraynta Kiisaska Caruurta Oo Kadhacay Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI
  17. Kulan Lagu Ansixinayay Miisaaniyada Mashruuca PCDP Oo Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada jigjiga.
  18. WAR DEG-DEG AH
  19. Shaqaalaysiinta Ardayda Soo Qalinjabisay Oo Documenti Xarayntoodu Si Habsamileh U Socoto
  20. Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo mm Deegaanka Oo Loo Gudbay Wareega 8da
  21. Tababar kusaabsan kaqaybgalinta bulshada ee dhinaca qorshe-samaynta ayaa ka furmay magaalada Jigjiga
  22. Mas’uuliyiinta Xafiiska Golaha Sare Ee Arrimaha Islaamka DDSI Oo Kulan dardaaran Ah La yeeshay Xujaajta Deegaanka
  23. Tartankii Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo MM Deegaanka Oo Loo Gudbayo Wareega 8da
  24. Inaa-lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Allah Ha U Naxariistee Waxaa Aas Qaran Loogu Sameeyay jigjiga Marxuun Sheekh Cabdilaahi Xasan.
  25. MW CMC OO TACSI UDIRAY SHACABKA DEEGAANKA
  26. Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo MM Deegaanka Oo Meel Fiican Maraya
  27. Dufcadii 1aad Ee Heerka Degree 1aad Oo Ka Qalinjabiyay Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI.
  28. Waftigii Qurba joogta Ka Soo jeeday Gobolka Jarar Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.
  29. Shir Lagu Qiimaynayay Barnaamijka Dajinta Oo Kaqabsoomay Magaalada jigjiga
  30. Ol-ole Nadaafadeed Oo Balaadhan Iyo Dhir Beeris Ka Qabsoontay Xarunta Deegaanka
  31. Maanta iyo Ciyaarihii Kubada Cagta Ee DDSI
  32. Maareeyaha Wakaalada dakhliga DDSI oo Ka Warbixiyay guulaha Laga Gaadhay Dhinaca kor u qaadida Dakhliga Deegaanka.
  33. Maareeyaha Wakaalada Dhismaha, Iibka Iyo Adeega Gaarka Ah Ee Booliska DDSI Oo Kawarbixiyay Mashaariicaha Ay Wakaaladu Wado
  34. Ogaysiis: Shaqaalaysiin Cusub
  35. Wafti Qurba Joog Ah Oo Socdaal Booqasho Ah Ku Maraya Qaarka Mid Ah Degmooyinka Gobolada Jarar Iyo Qoraxay.
  36. Wafti Ka Socday Qaramada Midoobay Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Wardheer.
  37. Qurba joog U Dhalatay DDSI Oo Siwayn loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Deegaanka ee Jigjiga.
  38. Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Musuqa Oo loo qabtay barayaasha Deegaanka Ayaa Ka Furmay Jigjiga
  39. Mashaariico Dhinaca Dalxiiska Ah Oo Laga Dhisayo Masaajidka Taariikhiga ah Axmed Najaad
  40. Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Si Habsami Leh U Socda
  41. Daahfurka Ol,olaha Talaalka Cudurka Jadeecada Iyo Adeegyada Gaarka ah ee Sahanka Cabirka Nafaqo- darada Oo Kafurmay Magaalada jigjiga
  42. Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Heer Deegaan Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga
  43. Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MM Jigjiga Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal kor Loogu Qaadayo Bilicda MMJ
  44. Safiirka Dalka Spain U Fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada jigjiga
  45. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku Gudajira Qaybintii Deeqdii Isugu Jirtay Raashinka Iyo Dawooyinka Ee Ay U Qaybinayeen Bulshada Gobolka Daawa.
  46. Wafti-Sare Oo Deeq Bixiyayaal Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga
  47. Kulan Doodcilmiyeed Oo Lagaga Hadlayay Horumarinta Khayraadka Xoolaha Ayaa Ka Furmay Jigjiga
  48. Komishineerka Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Ka hortaga Musuqa.
  49. Qadaaduma Iyo Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku guda Jira Socdaalkoodii Ay Ku Qaybinayeen Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Dawooyin
  50. Shir Lagu Qiimaynayo Cusbitaalada Deegaanka Oo Bilawday
  51. Calafka Xoolaha Oo La gaadhsiiyay Degmoyinka Gobolka Doolo
  52. Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Kooxda Caafimaadka Wareega Oo Ka Furmay Jigjiga
  53. Masuuliyiinta MM jigjiga Oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan MM jigjiga.
  54. Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah U Sameeyay Qaarka Mid ah Qurba joogta DDSI.
  55. Gudoomiyaha Dhalinyarada Jaaliyada DDSI Ee Waqooyiga America Oo Jigjiga Lagu Soo Dhaweeyay
  56. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin Iyo Daawooyin Isugu Jira Gaadhsiiyay Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Daawa .
  57. Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo 225 Dhalinyara Ah Ka Shaqaalaysiiyay Barnaamijka Gurmadka Caafimaadka
  58. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Cusbitaalka Gootaa-biki
  59. Qurba Joogta Ka Soo Jeeda Gobolka Jarar Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Loogu Sameeyay City Crown.
  60. Xafiiska Shaqaalaha Iyo Arimaha Bulshada DDSI Ayaa 40 Xubnood Oo Naafo Ah Ku Wareejiyay baaskiilo ay ku socdaan
  61. Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo Sameeyay Qurba Joogta DDSI Ayaa ka Dhacday jigjiga.
  62. Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo La Soo Gabagabeeyay.
  63. Afdam Iyo 413 Qof Oo Dib Uhelay Aragoodii Indhaha.
  64. Inaa-lilaahi Wa inaa-Ilayhi Raajicuun.
  65. Shir Qiimayn Ah Oo Kusaabsan Mashruuca UPSNP Oo Kadhacay Xaf-Maaliyada iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI
  66. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin Iyo Daawooyin Isugu Jira Gaadhsiiyay Bulshada Ku Dhaqan Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Dhaawa
  67. Kulan Lagu Dar-dargalinayay fulinta Qorshaha Dakhliga Deegaanka Oo Ka Dhacay Jigjiga.
  68. Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Ee Degmooyinka 3 Gobol Oo Loo Soo Xidhay Tababar U Socday 20 Cisho
  69. Xafiiska Maaliyada Iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI Oo Computero Gudoonsiiyay 31 Degmo Oo Deegaanka Ah
  70. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Degmada Afdam Ee Gobolka Sitti.
  71. Wasiirka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Miisaaniyadaha.
  72. Tababar Ku Saabsan Cilad Bixinta Matoorada Ceelasha Biyaha Oo La Soo Gabagabeeyay.
  73. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin iyo Daawo Isugujira Gaadhsiiyay Bulshada Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Dhaawa.
  74. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Ma,eyso Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  75. Munaasabad Heer Qaran Ah Oo Lagu Daahfurayay Barnaamijka Xaqiijinta Nafaqada 1000ka Maalmood Ee Ugu Horaysa Nolosha Aadamaha Ayaa Ka Qabsoomay Caasimada Jigjiga.
  76. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Ma,eyso
  77. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadiidka Mootooyinka U Qaybiyay 28 Degmo
  78. MW CMC Ayaa Marwada 1aad Ee Dalka kusoo Dhaweeyay Gagida Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Magaalada Jigjiga
  79. Tababar Ku Saabsan Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo Ka Furmay Jigjiga
  80. kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  81. Tababar Kusaabsan Nidaamka Tababaranimo Oo Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Deegaanka
  82. Kal-Fadhigii 5aad Ee Golaha 5,aad Ee Xildhibaanada DDSI Oo Furmay
  83. MMJ Oo 56 Iskaashato Oo Dhalinyaro Ah Kuwareejiyay Dhul
  84. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Hadhagaale Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  85. Xukuumada DDSI Oo Xaflad Heersare ah U qabatay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Magaalada Adhisababa
  86. Kulan Kusaabsan Arrimaha Dakhliga iyo waliba Bayaanada Cusub Ee Dakhliga Oo Loo qabtay Ganacsatada Deegaanka
  87. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia Oo Gudoomiye Cusub Doortay
  88. Tababar Loo Qabtay Afhayeenada Xildhibaanada Baarlamanka Degmooyinka Iyo MM Deegaanka Ayaa Kafurmay Magaalada Godey
  89. Godey Iyo Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Shabeele
  90. MW CMC Oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Qorshihii Biyo Galinta MM Jigjiga
  91. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Hadhagaala
  92. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Faafan Oo Lasoo Gabagabeeyay
  93. Degmada Shaykoosh Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolka Qoraxey
  94. Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayay Hirgalinta Qorshaha Sanadka 2010TI Oo Ka Furmay Jigjiga.
  95. Ogaysiis Muhiim Ah Xubnaha Golaha Xildhibaanada DDSI,
  96. Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Wadayaasha Gaadiidka Oo ka furmay jigjiga
  97. MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga U Fadhiya Dalkeena Itoobiya.
  98. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Qoraxey Iyo Doolo
  99. Safiirka DalkaTurkiga u fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagusoo Dhaweeyay Jigjiga.
  100. Shir Wada Tashi Ah Oo Kadhacay Xarunta Gobolka Dhaawa Ee Leeyi