Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Ku Saabsan Hirgalinta Xidhmaha Horumarinta Dhalinyarada Oo Ka Dhacay MM Wajaale

Wajaale(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee maamulka magaalada tog wajaale kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xidhmaha horumarinta dhalinyarada maamulka magaalada tog wajaale.

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan ururada kala duwan ee dhalinyarada maamulka magaalada tog wajaale ayaa waxaa furitaankiisii ka hadaly maayorka maamulka magaalada tog wajaale Mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo ka warbixiyay ahmiyada kulankan uu leeyahay wuxuuna sheegay in dhalinyaradu tahay lafdhabarta hirgalinyasa hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban loona baahan yahay in ay dhalinyaradu ka faa’iidaystaan fursadaha horumarka ee ka jira deegaanka gaar ahaan maamulka magaalada tog wajaale, Wuxuuna maayirku tilmaamay in ujeedada kulankani tahay sidii loo xoojin lahaa xidhmaha horumarka dhalinyarada iyo sidii ay dhalinyaradu uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha shaqo abuurka ee loo samaynayo islamarkaana natiijo wax ka ool ah ka keenaan.

Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 4aad

Filtu(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa Maalintii 4aad Galay Ololahii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Kaasoo Kasocday Hospitalka Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan Oo Looga Faaiidaynayay Bulshada Kunool Guud Ahaan degmooyinka uu ka koobanyahay Gobolka Liibaan.

Hadaba qalniinkan iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah ee kasocda xarunta gobolka liibaan ee filtu ayaa maraya maalintii 4aad iyadoo indhaha loo qalay bulsho dhan 266 halka indhaha laga daweeyay dad dhan 962 oo wadartoodu tahay 1,228 qof oo isugu jira qaliin iyo daawayn.

Hadaba qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku sugnaa goobta qalitaanku ka socday oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

Ugu danbayn adeegan qalniinka iyo daawaynta bilaashka ee ka socda degmada filtu ee xarunta gobolka liibaan ayaa maalmahan kasii socon doonaa halkaas.

 

Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada.

Dooloadow(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa degmada doolo adow ka qabsoomay tababar, Wacyigalin iyo aqoon iswaydaarsiga isku jira ee mashruuca (DRDIP) oo ujeedadiisu ahaa sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa mashruuca cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu, kasoo ka shaqayn doono saamaynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada iyo saamaynta uu ku reebay.

Haddaba khabiirka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo khabiirka habnololeedka  xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdi Cismaan ahna howlwadeenada mashruuca cusub ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu (DRDIP) Oo ugu horayn furay tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii bulshada fahan buuxa loogasiin lahaa mashruucan cusub  ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu iyo waliba saamynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada, Waxa kaloo masuulku intaa ku daray inay bulshada looga baahan yahay inay fahmaan waxqabadka uu mashruucan ka caawin doono islamarkaana ay ka qaybqaataan howlaha shaqo uu mashruucu qabanayo kana faaiidaystaan.

Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulankan ayaa sheegay inuu kulankan ahaa mid muhiim ah islamarkaaana ay kaafaaidaysan doonaan mashruucan cusub, Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay oola shaqayn doonaan mashruucan, maadaama uu yahay mid ka jawaabaya baahida shacabka ee dhanka saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshada.

Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culumo Owdiinka MMJ

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 18ka April 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay kaso qaybgaleen boqolaal culumo owdiinka maasaajidada 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa xanuunka shuban biyoodka ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Haddaba kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in loo baahan yahay in bulashada lawacyi galiyo maadaama uu xanuunkani ku yimaado nadaafad daro islamarkaana ay nadaafadu tahay iimaanka badhkeed, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in loo baahanyahay sidii bulshada looga wacyi galinlahaa xanuunkan xiliyada salaada la isugu yimaado iyo inuu qof walba wacyigaliyo xaafadiisa kadibna u gudbo bulshada kale. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in mudada uu tababarku socdo fahanbuuxa la idinka siindoono sida looga hortago xanuunkan.

Dhankooda waxaa iyana ka hadlay qaar mid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay bulshada ka wacyigalin doonaan xanuunkan islamarkaana ay usheegi doonaan inay ku dadaalaan nadaafada oo ah mida kali ah ee xanuunkan lagu afjari karo.

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada (PFM) Oo Loo Qabtay Xubnaha Anshaxa Degmooyinka Deegaanka.

Jigjiga(cakaaranews), talaado, 18ka April, 2017. Tababar  uu soo diyaariyay Komishinka Anshaxa iyo La Dagaalanka Musuqa DDSI oo kaashanaya Bangiga aduunta ayaa  loo qabtay xubnaha anshaxa  oo ka kala socday 54 degmo oo ka mid ah degmooyinka DDSI iyo 6 maamul magaalo ee DDSI.

Haddaba,  tababarkan  oo ah  mid la xidhiidhka nidaamka maamulka maaliyada (PFM)  ayaa waxay u  ujeedadiisu tahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa xubnahan  nidaamka shaqo  ee la xidhiidhka anshaxa iyo sidii  kor loogu qaadilahaa nidaamka maamulka maaliyada ee barnaamiyada ay fuliyaan hay'adaha dawlada iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ee  dhinaca anshaxa 

Waxaana, furitaankii tababarkan ka hadlay   Gadhwadeenka Geedi socodka ka hortaga dan-biyada ka dhanka ah musuga ee Komishinka Anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI  mudane Daahir Cilmi Goohe  oo  sheegay in ahmiyada tababarkani tahay  sidii kor loogu qaadilahaa nidaamyada maamulka maaliyada gaar ahaan ilaalinta anshaxa maaliyada lagu fulinayo  barnaamijyada horumarineed ee hirgaliyaan hay’daha  dawlada iyo deeqbixiyayaasha caalamku. wuxuna intaasi ku daray  in mudada tababarkan socdo  xubnahan loo qabtay tababarku ku qaadan-doonaan cashiro kala duwan oo ku taxa-luqa  nidaamka maamulka maaliyadaha  gaar ahaan dhinaca anshaxa.

Tababarkan oo ah markii 2aad ee noociisan oo kale la qabto  ayaa waxa uu noqonayaa mid lagu adkaynayo  hanaanka maamulka  maaliyada (PFM) gaar ahaan  xoojinta barnaamijyada horumarineed ee ay fuliyaan hay’adaha dawlada iyo deeq- bixiyayaasha caalamku. waxaana mudada uu socdo tababarkani cashiradiisa bixin-doona khabiiro ka socda komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI

Ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 2aad

Filtu(Cakaaranews) Isniin 17ka April 2017. Bulshada Kunool 7da Degmo Ee Gobolkani Liibaan oo Kafaaiidaysanaya adeegani qalniinka ayaa Bogaadiyay Adeegani Kaasoo Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa maalintii 2aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmooyinka gobolka liibaan ee ay xarunta utahay degmada filtu,iyadoo maalintii shalay ahayd laga daah furay adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba adeegani qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ayaa maraya hubsadashada sida uu qofwalba wax ooga qabo indhaha islamarkaana loo qali ama looga daawayn doono. Iyadoo adeegani Kasii Socondoono Hospitalka Wayn Ee Degmada Filtu Ee xarunta Gobolka Liibaan.

More Articles...

  1. Tartan Aqoomeed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada MMJ
  2. Filtu Oo Uu Ka Bilowday Ololaha Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ah
  3. Hogaaminta XDSHSI Ee Diri-dhabe Oo Lacag 800,000 ah Ugu Deeqay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay
  4. MMJ iyo Kal-fadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada
  5. Cuspitaalka MM Godey Oo Ay Ka Qalinjabiyeen 20 Umuliso Dhaqameed
  6. Tababar Kusaabsan Wacyigalinta Guurka Degdega Ah
  7. Gobolka Siti Oo Bilaabay Goynta Calafka Xoolaha Oo Ay Ugu Deeqayaan Gobolada Ay Saamaysay Abaartu
  8. Degmada Hudhet Oo Lagusoo Gabagabeeyay Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa.
  9. MW CMC Oo U Duulay Xarunta Dalka Ee Addisababa
  10. MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan Iyo Odayaasha
  11. Munaasabad Lagu Sagootinayay Dhakhaatiirtii Deegaanka Axmaaradu U Soo Diray DDSI.
  12. Mas’uuliyiinta Degmada Hudhet Oo Kawarbixiyay Faaiidooyinka Laga Helay Dibudajinta
  13. Qiimaynta SM 2009 T.I Oo Kabilaabatay MMJ
  14. MM Godey Iyo Tababar Kusaabanaa Tacadiyada Kadhanka Ah Ee Jinsiga
  15. Hudhet Oo Uu Qalitaankii Iyo Daawayntii Indhaha Maalintii 2aad Galay.
  16. Imtixaanka Tijaabada Ah (Model Exam) Oo Ka bilawday Dugsiyada Sare Ee Deegaanka
  17. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo KuSoo Laabtay Xarunta Deegaanka.
  18. Qaliinka iyo Daawaynta Indhaha Oo Degmada Hudhat Si Rasmi Ah Uga Socota
  19. Dawlad Deegaanka Axmaarada oo Deeq Raashin Ah soo gaadhsiiyay DDSI
  20. Mashruucyadii Waa waynaa Oo Gabagaboobay iyo Political leaderskii Dhamaystiray Oo ay Xukuumadu Amaan Usoo Jeedisay
  21. MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Korucelis
  22. MM Jigjiga Oo Talaalka Iyo Daawaynta Xoolaha Ka Fuliyay Tuulooyinka Hoosyimaada.
  23. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ceel-biyoodkii 7aad Xadhiga Ka Jaray
  24. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Deeqo Raashin Ah Gaadhsiiyay Bulshada Gosoolalay.
  25. Mooyaale Iyo Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Oo Lasoo Gabagabeeyay
  26. Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI iyo Doorasho ay ku Dooranayeen Gudiyada Dib-umeelaynta Shaqaalaha.
  27. MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Dhanaan
  28. Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka MMJ Oo Beeralayda Ugu Baaqay In Laga Faa’iidaysto Roobabka
  29. Mooyaale Iyo 1,095 Ruux Oo Aragoodii Indhaha Dib Uhelay
  30. MW CMC Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Dhalinyarada Ku Dhaqan Qabridahar.
  31. Xubnihii Ka Socday Midawga Axsaabta siyaasadeed ee dalka Oo kulan la Yeeshay Xukuumada DDSI.
  32. Wafti Kasocday Safaarada Maraykanka Iyo Hay’ada USAID Ayaa Kulan Laqaatay MW CMC
  33. Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada Koonfurta Jigjiga Oo Ku Boorisay Shacabka In Ay Ka Faa’iidaysaan Xili-Roobaadka.
  34. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed.
  35. Shir Lagu Qiimaynayo Mashruuca PCDP Oo Kadhacay Degmada Hargeele
  36. MW CMC Oo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalka Germany Ku Soo Dhaweeyay Qabridahar.
  37. Dood Cilmiyeed Kusaabsan Geedka Garanwaaga Ah Oo Kadhacay Magalada Jigjiga
  38. Qabridahar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.
  39. Kulan Lagaga Hadlayay Xoojinta Hawlaha Horumarka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.
  40. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Awaare
  41. Gaashaamo Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.
  42. Kulan Kusaabsan Ganacsiga Sharcidarada Ah Oo Loo Qabtay Ganacsatada MM Wajaale
  43. Gudiyada Dib U Meelaynta Shaqaalaha Xafiisyada Heer Deegaan Oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyay.
  44. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Marsin
  45. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada Oo Loo Qabtay Qaarka Mid Ah Shaqaalaha Xafiisyada heer deegaan.
  46. Shir balaadhan Oo loo Qabtay Ururada Federtionka Ee Dhalinyarada Koonfurta jigjiga
  47. Tababar Kor Loogu Qaadayo Awooda Fulineed Ee Fudaydiyayaasha ABE yada
  48. Danood Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC
  49. Wasiirka Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Kulan dar-daaran ah la yeelatay kooxo loo dirayey gobolada deegaanka.
  50. Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka Oo Booqasho Kutagay Qaar kamid ah Degmooyinka Deegaanka Iyo Mashaariicaha Waawayn
  51. Dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee inooga timid deeganka amxaarada
  52. MW Kuxigeenka DDSI Oo Bulshada Deegaanka Ugu Baaqday Ka Faa'iidaysiga Xili Roobaadka
  53. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Wardheer.
  54. Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca Oo Ay Siteen Wafti heer Deegaan Ah Oo Dawooyin iyo Nafaqada Caruurta Gaadhsiiyay Degmooyin Kaladuwan Oo Deegaanka ah.
  55. MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Ku Sugan Caleen
  56. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia
  57. Wafti Ka Socday Dalka Jabuuti Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed Ee DDSI
  58. MW CMC iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Qabridahar.
  59. MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka.
  60. K/S Maayorka MMJ Oo Xadhiga Kajaray Huteel Cusub
  61. MW CMC Iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Darsaya Xaalada Abaarta
  62. MW Kuxigeenka DDSI Oo Dib Ugusoo Laabatay Xarunta Deegaanka
  63. Kulan Wadatashi Ah Oo Lala Yeeshay Maamulayaasha, Iyo Kormeerayaasha MM Jigjiga
  64. Shir Wacyigalinta Nadaafada Ah Oo kadhacay Degmada Doolo-Bay
  65. MM Tog-Wajaale Oo Deeq raashin Ah U Qaybiyay Bulshada Danyarta Ah.
  66. Tababar Ku Saabsanaa Fayadhawrka Dugsiyada Deegaanka Oo Lasoo Gabagabeeyay
  67. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Degaanka.
  68. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Qiimaynta Iyo Darajasiinta Shaqada Oo La Soo Gabagabeeyay.
  69. Tababar Ku Saabsan Daraasaadka Nidaamka Baris Barasho Ee Deegaanka
  70. Deegaanka Canfarta Oo 26 gaadhi Oo Calafka Xoolaha ah Soo Gaadhsiiyay DDSI
  71. Mas’uuliyiin Kasocday Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah (DFID) UK Oo Kulan La yeeshay Xafiiska Waxbarashada DDSI
  72. MW CMC Oo U Duulay Dhanka Xarunta Dalka.
  73. MW CMC Oo Kulan Wada Tashi Ah La Yeeshay Shaqaalaha Iyo Odayaasha Deegaanka
  74. Mas’uuliyiin kasocotay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah (DFID) Oo Soo Booqday Xafiiska Caafimaadka DDSI
  75. Munaasbad Loogu Dabaal Dagayay Sanad-guurada 19aad Ee XDSHSI Iyo MW Ku Xigeenka DDSI Oo Ka Qaybgashay.
  76. Senterka Caleen Iyo Deeqihii Kala Duwanaa Ee Bulshada La gaadhsiiyay
  77. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood Ee Kuliyadaha Deegaanka Oo Ka Furmay Jigjiga
  78. MW CMC Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Mas’uuliyiin Kasocday Hay’ada UNICEF
  79. Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Oo Deeq Kaladuwan Gaadhsiiyay Bulshada Kudhaqan Senterka Garloogubay iyo Yucub
  80. Wafti Isku Dhaf ah Oo Kormeer Hawleed Ku Tagay Degmada Fiiq
  81. Xukuumada DDSI Oo 2 Milion Oo Birr Ugu Deeqday Qoysaska Dadkii ku Dhintay Dhacdadii qashin Dunka Ee Qooshe Caasimada AA.
  82. Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka MMj Ayaa Sheegay In Uu Bilaabay Dardargalin Cusub Oo Gaadiidka ah
  83. Soo Dhawayntii Minneapolis Ee Madaxwayne Kuxigeenka DDSI Oon Loo Kala Hadhin
  84. Tababar Loo Qabtay Madax Xafiiseedyada Xafiisyada Ganacsiga Gobolada iyo Degmooyinka DDSI Oo Ka Furmay Jigjiga.
  85. Mas’uuliyiinta Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Wacyigalin Ah La Yeeshay Ardayda Dugsiga Hoyiga Agoonta Ee MM Jigjiga
  86. Masuuliyiin Ka Socday Hay’ada Qaramada Midoobay Oo Soo Gaadhay Jigjiga.
  87. Kulan Lagaga Hadlayay Socdaalka Sharcidarada ah iyo dhibaatooyinkiisa
  88. Kulanka Qiimaynta Qotada Dheer Oo U Bilaabmay Barayaasha Iyo Hawlwadeenada Jaamacada Jigjga
  89. Kulan Lagaga Hadlayay Xaaladaha Abaaraha Oo Ka Dhacay Jigjiga.
  90. Maareeye yaasha Senterada Degmada Qalaafe Oo Tababar Loo Qabtay
  91. Kulan Loogu Diyaar Garoobayay Xuska 7aadka Maagaalooyinka Dalka
  92. MM Godey Iyo 600 oo Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta
  93. MM Qabridahar Iyo 526 Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta
  94. MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiin Kasocday Qaramada Midoobay
  95. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaankka
  96. Deeqaha Xukuumada DDSI Gaadhsiinayso Shacabka Abaaruhu Saameeyeen.
  97. Nidaamka Rimay Gacmeedka Oo Tababar Lagu Siiyay Macalimiinta Kuliyada TVET ka Ee MM Godey
  98. Socdaalka Gurmadka Abaaraha Iyo Doolo.
  99. Kulan Ay Yeesheen Xafiiska Beeraha DDSI, Kooxo Ka Socday Wasaarada Beeraha Ee Heer Federal Iyo Koox Ka Socday Hay’adaha Deeqbixiyayaasha Ah.
  100. Socdaalo Deeqo Lagu Gaadhsiinayo Bulshada Abaaruhu Saameeyeen.