Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin iyo Daawo Isugujira Gaadhsiiyay Bulshada Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Dhaawa.

Leeyi(Cakaaranews) Isniin 17ka July 2017.Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shabacabka nabadiidka ahaa ee ubbo islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida baaragaha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa.

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka dhaawa sida hudhat iyo mooyaale islamarkaana ay deeqadn ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Wuxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taagdarantaahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ,u dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka dhaawa.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen, islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkiisa kasoo jaray.

Sikastaba ha ahaatee deeqda ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada deegaanka ayaan ahayn midi ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu ka koobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Ma,eyso Oo Lasoo Gabagabeeyay.

Ma,eyso(Cakaaranews) Axad 16ka July 2017. Waxaa lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool  Degmada ma,eyso  iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti kasocdey, Kasoo bulshadu Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen islamarkaana Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda ee  gobolka siti iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday  adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay  islamarkaana loo adeegay bulsha dhan 715 qof oo isugu jira 313 oo qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 121 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, halka 281 qofna lasiiyay muraayadaha indhaha, Wuxuuna intaa kudaray ay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada afdem ee isla gobolka siti.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada ma,eyso  iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

Munaasabad Heer Qaran Ah Oo Lagu Daahfurayay Barnaamijka Xaqiijinta Nafaqada 1000ka Maalmood Ee Ugu Horaysa Nolosha Aadamaha Ayaa Ka Qabsoomay Caasimada Jigjiga.

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 15ka July 2017. Munaasabad balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay barnaamijka xaqiijinta nafaqada caruurta ee 1000ka maalmood ee nolosha bini-aadamka ugu horaysa ayaa ka dhacday caasimada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kaali2.

Hadaba Munaasabadan oo ah mid heer qaran ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmaed Faarax, masuuliyiinta heer federaal ah oo ay hogaaminasay marwada 1aad ee dalka marwo Roman Tesfaye iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan daah-furka ah Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo salaan kadib ka warbixiyay dhibaatooyinka ka jiray dhinaca nafaqada caruurta kaasi oo sababi jiray dhimasho badan oo soo food saarta dhalaanka. madaxwaynaha ayaana sheegay ka dib markii ay JDFI iyo deegaanada dalku sanadihii ugu danbeeyay dajisteen jihooyin iyo istaraatiijiyado lagu xaqiijinayo nafaqada caruurta uu guulo wax ku aal ah laga soo hooyay barnaamijka 2aad ee naqafaqada caruurta 1000ka maalmood ee ugu horaysa nolosha aadamaha iyo guud ahaan cudurada faafa.

Wuxuuna  Madaxwaynuhu xusay  dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin lahaa guud ahaanba adeegyada caafimaadka ee DDSI taasi oo xooga lagu saarayo soo saaritaanka bulsho caafimaad qabta. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray in xukuumada DDSI ay sii dar-dargalinayso sii xoojinta iyo joogtaynta dadaalka lagu xaqiijinayo barmaamijka nafaqaynta kunka maalmood ee ugu horaysa nolosha aadamaha.

Dhankeeda marwada 1aad ee dalkeena itoobiya marwo Roman tesfaye oo ka hadashay furitaankii munaasabadan ayaa ugu horayntii si qoto dheer ugu mahad naqday mas’uuliyiinta xukuumada DDSI sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo marti galinta barmaamijkan nafaqada kunka maalmood ee ugu horaysa nolosha aadamaha. ayaa sheegtay in guud ahaana dalkeena itoobiya fiiro gaar ah la siiyay sidii kor loogu qaadilahaa barnaamijka nafaqada 1000ka maalmeed ee ugu horaysa nolosha aadamaha marwada ayaa tilmaantay in deegaanka soomalida itoobiya ka mid yahay deegaanada guulaha waawayn ka soo hooyay xaqiijinta barnaamijkan nafaqada iyo guud ahaanba adeegyada caafimaadka gaar ahaan kuwa Intii ay socoday munaasabadani waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku salaysan soonyaalkii taariikheed ee barnaamijka nafaqada kunka maalmood oo ugu horaysa noloshada aadamaha dhibaatooyinkii caafimaad ee uu ku hayn jiray caruurta dalkeena wakhtiyadii hore iyo guulaha maanta laga soo hooyay xaqiijintiisa iyo waliba jihooyinka lagu soo joogtaynayo.

Ugu danbayntii waxay marwada 1aad ee dalku gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar shahaado sharaf ah muujinaysa guulaha ay xukuumada DDSI ka soo hooysay xaqiijinta nafaqada kunka maalmood ee nolosha aadamaha ugu horaysa taasi oo tilmaamasay in uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar noqday safiirka nafaqada deegaanka.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Ma,eyso

Ma,eyso(Cakaaranews) Sabti 15ka July 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee  Degmada ma,eyso  ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti. Oo uu qorshuhu yahay in looga faaiideeyo dhamaanba bulshada ku dhaqan nawaaxigaas ee wax ka qaba indhaha.

Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada ma,eyso  islamarkaana looga faaiidayn doono bulsha aad tira badan oo isugu jira qaliin, daawayn iyo muraayado. Iyadoo wakhti xaadirkana lagu jiro tijaabadii hore ee qof walba sida uu wax ooga qabo lagu ogaan lahaa. Waxuuna intaa ku daray inuu adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah uu maalmahan kasii socon doono degmada ma,eyso ee gobolka siti.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada loo samaynayo adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay xukuumadu ufilisay. Waxayna intaa ku dareen inay aad oogu mahadsanyihiin XDSHSI iyo Xukuumada keentay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadiidka Mootooyinka U Qaybiyay 28 Degmo

Jigjiga(cakaaranews) jumce,14ka July , 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa maanta u qaybiyay gaadiidka  mootooyinka ee loo yaqaano zuzukida u qaybiyay 28 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka gaar ahaan xafiisyada waxbarashada degmooyinkaasi.

Haddaba, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo goobtan  lagula kala wareegayay gaadiidkan ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka loo siinayo degmooyinka iyo shaqooyinka lagu qabanayo mootooyinkan wasiirka ayaa sheegay in 28ka mooto lagu wareejinayo masuuliyiinta ka socoto 28 degmo oo ah kuwa  uu ka  hawlago mashruuca loo yaqaano wash one program. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa masuuliyiinta mootooyinka lagu wareejinayay kula dar-daarmay in gaadiidkan xilwayn iska saaraan ilaalintiisa iyo daryeelkooda islamarkaana u adeegsadaan oo kaliya shaqadii loogu talagalay si ay uga midho dhaliyaan shaqooyinka loogu talagalay u adeegsiga gaadiidkan.

Ugu danbayntiina masuuliyiinta ka socday degmooyinka ee lagu wareejiyay mootooyinkan ayaa sheegay in ay gaadiidkani kaalin mug leh ka qaadanayaan dar-dargalinta shaqooyinka ku saabsan dhinaca adeega waxbarashada waxayna  balan qaateen  in ay sidii loogu talagalay u ilaalinayaan daryeelka  gaadiidkan.

MW CMC Ayaa Marwada 1aad Ee Dalka kusoo Dhaweeyay Gagida Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Cakaaranews) Jumce 14ka July 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal kusoo dhaweeyay marwada 1aad ee dalka marwo Roman Tesfaye.

Hadaba booqashada socdaalka marwada 1aad  ayaa ujeedadiisu yahay islamarkaana ay ka qaybqaadanaysaa  daahfurka mashruuca barnaamijka 2aad ee nafaqada heer qaran iyo 1000ka maalmood ee nolosha bina ,aadamka ugu horaysa. waxayna soo dhawayn kadib waftigu usoo kicitameen dhanka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

More Articles...

  1. Tababar Ku Saabsan Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo Ka Furmay Jigjiga
  2. kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  3. Tababar Kusaabsan Nidaamka Tababaranimo Oo Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Deegaanka
  4. Kal-Fadhigii 5aad Ee Golaha 5,aad Ee Xildhibaanada DDSI Oo Furmay
  5. MMJ Oo 56 Iskaashato Oo Dhalinyaro Ah Kuwareejiyay Dhul
  6. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Hadhagaale Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  7. Xukuumada DDSI Oo Xaflad Heersare ah U qabatay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Magaalada Adhisababa
  8. Kulan Kusaabsan Arrimaha Dakhliga iyo waliba Bayaanada Cusub Ee Dakhliga Oo Loo qabtay Ganacsatada Deegaanka
  9. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia Oo Gudoomiye Cusub Doortay
  10. Tababar Loo Qabtay Afhayeenada Xildhibaanada Baarlamanka Degmooyinka Iyo MM Deegaanka Ayaa Kafurmay Magaalada Godey
  11. Godey Iyo Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Shabeele
  12. MW CMC Oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Qorshihii Biyo Galinta MM Jigjiga
  13. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Hadhagaala
  14. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Faafan Oo Lasoo Gabagabeeyay
  15. Degmada Shaykoosh Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolka Qoraxey
  16. Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayay Hirgalinta Qorshaha Sanadka 2010TI Oo Ka Furmay Jigjiga.
  17. Ogaysiis Muhiim Ah Xubnaha Golaha Xildhibaanada DDSI,
  18. Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Wadayaasha Gaadiidka Oo ka furmay jigjiga
  19. MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga U Fadhiya Dalkeena Itoobiya.
  20. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Qoraxey Iyo Doolo
  21. Safiirka DalkaTurkiga u fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagusoo Dhaweeyay Jigjiga.
  22. Shir Wada Tashi Ah Oo Kadhacay Xarunta Gobolka Dhaawa Ee Leeyi
  23. Ciidanka Booliska DDSI Oo Deeq Lacageeed Oo Dhan 1,683,734. Birr Ku Wareejiyay Gudiga Abaaraha Deegaanka
  24. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Xarumaha Caafimaad Ee Deegaanka
  25. Shirwaynihii 5aad Ee Ururka Macalimiinta DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  26. 192 Xubnood Oo Xirfadlayaasha Caafimaadka-Xoolaha Iyo Beeraha Ah Ayaa Loo Furay Tababar
  27. Tababar Iyo Soo Jeedin qorshe Oo Ku Saabsan Tacadiyada Dumarka Ayaa Lasoo Gabagabeeyay.
  28. Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Degmooyinka Gobolka Qoraxey Oo Furmay
  29. MW Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Madbacada Cusub Ee Somali Print Press.
  30. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Qoraxey oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Jaamacada Qaridahar
  31. Xuska 7aadka Adeega-shacabka Oo Si Heer Sare Ah looga Xusay Magaalada Jigjiga
  32. Tababar Loo Qabtay Xubno Kasocday 33 Degmo Oo Deegaanka Ah Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  33. Xukuumada DDSI Oo Hadhimo Sharafeed Usamaysay Waftigii Uu Hogaaminayay MW Jubaland.
  34. Jaamacada Jigjiga Oo Ay Dufcadii 9aad Ka Qalinjabiyeen Arday Dhan 4,738.
  35. Gobolka Nogob iyo Ciyaarihii Kubada Cagta Oo Kabilowday Degmada Garbo
  36. MW CMC Oo Kulan Wadatashiya La Yeeshay Qaybaha Kala duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Caasimada jigjiga.
  37. MW CMC Oo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Garaad Wiil Waal Ku Soo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo MW Jubaland.
  38. Tababar Ku Aadan Kobcinta Garaadka Aqoomeed Ee Kooxaha Horumarka Ee goobaha Dajinta Ayaa Lagawadaa Degmooyin Kamid ah Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa
  39. Kulan Lagu Soo Bandhigayay Daraasaad Laga Soo Sameeyay Degmooyinka Deegaanka.
  40. Ogaysiis-Ogaysiis
  41. Hay’ada MCDO Oo Deeq Agab Ah U Qaybisay Arday Isugu Jirta Agoon Iyo Danyar.
  42. MW CMC Iyo Golaha Kaabineega DDSI Oo Qaabilay Wafti Heer Federal Ah Oo Kasocday Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JDFI
  43. Tartanka Kubada Cagta Oo kasocday MM Dhagaxbuur Oo Soo Gabagaboobay
  44. Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Jidadka DDSI Oo Ka Warbixiyay Taaba Galinta Hawlaha Jidadka.
  45. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Idaacada Dhagaysiga SW Ee DDSI
  46. Munaasabadii Salaada Ciidul Fidriga Oo Si Meeqaam Sare Ah Looga Ciiday Jigjiga.
  47. MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Kaabineega Iyo Odayaal Dhaqameedka DDSI
  48. MW CMC Oo Munaasabada Ciidul Fidrida Tahniyad Hambalyo Udiray Muslimiinta Caalamka
  49. Komoshineerka Komishinka Booliska DDSI Oo ka warbixiyay diyaar-garowga Munaasabada Ciidal Fidrida.
  50. 1,116 Dhalinyaro MMJ Ah Oo Shaqo Abuur Loogu Sameeyay 60 Millyan Oo birr.
  51. MM Tog Wajaale Oo Deeq Agab Caafimaad iyo Daawooyin Ku Wareejiyay Mas’uuliyiinta Degmada Wajaale Ee somaliland
  52. Daraasaad Kusaabsan Dhanka Dalagyada Kaladuwan Ee ku Haboon Cimilada Deegaanka Oo Lagawado Beercaano
  53. Carwo Bandhigeed Heer Qaran Ah Oo Xadhiga Laga Jaray.
  54. Qurba-joog U Dhalatay Deegaanka Oo Kormeer Indho Indhayn ah Ku Tagay Gobolka Qoraxey iyo Doolo
  55. 238 Arday Oo Ka qalinjabisay Kuliyada Godey Poly-technic
  56. Tababar Kusaabsan Xanaanada Hooyada Iyo Caruurta Oo Lasoo Gabagabeeyay
  57. 296 Arday oo Ka Qalinjabiyay Jigjiga Polytechnic
  58. MW CMC Oo Afur Sharafeed U sameeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Diredawa Iyo Mas'uuliyiinta Deegaanka Hararida
  59. MW CMC Oo Ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadii 21aad Ee Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr Cabdulmajiid Xussen
  60. Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi.
  61. Imtixaankii Fasalka 8aad Ee Heer Deegaan Oo La Soo Gabagabeeyay.
  62. Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Iyo darajaynta Nidaamka Maaliyada Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka dhacay jigjiga.
  63. Inaa lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun
  64. Imtaxaankii Fasalka 8aad Oo Si Habsami leh Uga Bilawday Dhamaan Deegaanka
  65. Tababar Ku Saabsan Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta Oo Ka Furmay jigjiga.
  66. Degmada Erer Iyo Imtaxaankii Fasalka 8aad Oo Si Habsami leh U Bilawday
  67. Kulan Lagaga Hadlayay Waxqabadka Mashruuca One Wash Oo Ka Dhacay Jigjiga.
  68. Tababar Ku Saabsan Hogaaminta Iyo Maaraynta Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.
  69. Raysil Wasaaraha Dalka Soomaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Caalamiga Ah Ee Bole Air port
  70. Kulan Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Hawlaha Nabadgalyada Oo Ka Dhacay Jigjiga.
  71. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay
  72. Wafti Ka Socday Deeq Bixiyayaasha Caalamka Oo Lagusoo Dhaweeyay Wardheer
  73. Qiimayntii Waxqabadka Dakhliga Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka Furmay Jigjiga.
  74. Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Erer Oo Kawarbixiyay Imtaxaanaadkii Heer Qaran Ee Ka Dhacay Erer
  75. Kulan Lagu Qiimaynayay Mashaariicaha Laydhgalinta DDSI Oo Ka Furmay jigjiga.
  76. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Degmada Erar
  77. Imtixaankii Heer Qaran Ee Ardayda Fasalka 12aadka Oo Si Rasmi Ah U Dhamaaday
  78. Tababar Kusaabsanaa Nidaamka Gudiga Kobcinta Awooda Ee PSNP Oo Lasoo Gabagabeeyay
  79. Kulan Lagu Qiimaynayay Adeega Caafimaadka Oo Ka Furmay Jigjiga.
  80. Jidadka Waawayn Ee MMJ Oo 12 Laydhasha Casriga Ah Lagaliyay
  81. Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 12aad Oo Si Rasmi Ah U Bilowday
  82. Ololaha Talaalka Cudurka Jadeecada Iyo Daawaynta Cudurada Iskudhafka Ah Oo Ka Bilowday Guud Ahaan Deegaanka
  83. Shirkii Gudiga Fulinta Oo Qabsoomay Iyo Go'aamada Kasoo Baxay
  84. Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 10aad Oo Soo Gabagaboobmay Iyo Imtixaankii fasalka 8aad Ee Heer Qaran Oo Ka Ambabaxay Xarunta Deegaanka.
  85. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Dhambal
  86. Ololihii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Ayshica Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  87. Qiimayntii Maaliyadaha Heer Degmo Oo Lasoo Gabagabeeyay
  88. Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada iyo Maamulka Suuban Oo Ka Furmay Jigjiga.
  89. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashaka Ahaa Ee Ayshica Oo Galay Maalintii 2aad
  90. MW CMC Oo Soo Kormeeray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Wado MMJ
  91. Dufcadii 12Aad Oo Ka Qalin Jabisay Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.
  92. Ololihii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Degmada Ayshica
  93. MW CMC Oo Afur Usameeyay Maamulada Gobolada Iyo Kabineega Degmooyinka
  94. Sanad guurada 26jirsatay Ee 20ka Ginbood Oo Si Balaadhan Looga Xusay Jigjiga
  95. Shir Isugujira Tababar Iyo khibrad-Wadaag Oo Lasoo Gabagabeeyay
  96. Shaqaalaha Wakaalada Jibriga Laanteeda Jigjiga Oo 139,000 Ugu Deeqay Bulshadii Abaartu Saamaysay
  97. MW CMC Oo Guud Ahaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaan Muslimiinta Itoobiya Ugu Bishaareeyay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan
  98. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Switzerland Oo Hambalyo Taageero Ah U Diray Dr Tedros Adhanom
  99. Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Mashruuca RIF Oo La Soo Gabagabeeyay.
  100. MW CMC Oo Kawaramay Midhihii Guusha 20-ka Ginbood Hambalyana Udiray Dhamaan Shacabwaynaha Reer Itoobiya.