Inaalilaahi Wa Inaa ilayhi Raajicuun Gudoomiyihii Hore ee Degmada Dhuxun oo Geeriyooday.

Dhuxun(CakaaraTacsi) sabti August 24,2013.Madaxweynaha Xukuumada DDSI,capinetka DDSI,Xarunta Dhexe ee XDSHSI,Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii,ehelkii iyo qaraabadiii uu ka geeriyooday marxuum macalin carab Maxamuud cabi oo ahaa Nin halgamaa ah wax badana ka soo shaqeeyay hawlaha N/galyada,Horumarka iyo Maamulka Suuban lehna waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu Ilaahay samir iyo iimaan inaga wada siiyo marxuumkana naxariistii jano ka waraabiyo aamiin aamiin aamiin.

Kulan-Wadareed Diirada lagu saarayay tayaynta Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Jigjiga oo ay Isugu yimaadeen Qaar ka mida Xafiisyada Heer-Deegaan iyo Hay’ada Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce August 23,2013.Kulankan oo ay soo diyaarisay hay’ada lagu magacaabo Hay’ada horumarinta iyo iskaashiga Swiss-agency development and cooperation (SDC) oo ah hay’ad heer caalami oo laga leeyahay wadanka Switzerland kana hawlgasha Dalka itoobiya,islamarkaana xarunteeda ugu wayn ku taalo magaalada Adis ababa. Hadaba Hay’adan oo Dhawaan ku soo biirtay hay’adaha Deeqda Bixiya ee ka hawlgala Deegaanka Soomaalida ayaa waxay kulan la yeelatay masuuliyiin ka kala socday qaarka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo Maamulka Magaalada Jigjiga kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xafiiska madaxtooyada DDSI,xafiiska khayraadka Horumarinta biyaya DDSI, xafiiska caafimaadka DDSI,xafiiska maamulka magaalada jigjiga iyo wakaalada illaalinta deegaanka iyo khayraadka DDSI.

Kulan-wadareedkan ayaa ay ujeedada ugu way nee looga gol-lahaa ahayd sidii looga wada xaajoon lahaa hirgalinta Qorshaha daraasaad lagu sameeyay Magaalada jigjiga habka loo maareeyo Qashinka Qoyan iyo qalalan ee magaalada jigjiga si iyadoo la adeegsanayo Qalab casri ah Goobo Cayiman loogu samayn lahaa. Gole-wadareedkan ayaa ay ku sugnaayeen wasiir ku-xigeenka xafiiska Horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Fuaad Bashiir,la taliyaha madaxwaynaha DDSI mudane Ilyaas cumar iyo maareeyaha ismaamulka magaalada jigjiga mudane Cabdi Shugri iyo Madaxda ugu saraysa Hay’ada SDC.

ugu horayntii kulankaasiayaa waxaa furay maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane cabdi shugri oo u mahad celiyay masuuliyiinta ha’yada SDC oo ah hay’ada fulinaysa soona qaabaysay Daraasaadka iyo Fulinta Qorshaha kor loogu soo qaadayo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Jigjiga.

Maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa tibaaxay In Bilicda Magaalada Jigjiga Sanadihii ugu danbeeyay kor u kacay si xawli ah iyadoona Xukuumada Maanta talada deegaanka haysaa ay Ahmiyad gaara siisay Tayaynta Quruxda iyo Bilicda Jigjiga,sidoo kalana Madaxweynaha DDSI,masuuliyiinta ismaamulka magaalada jigjiga,qanacsadada iyo shacabkeeduba yihiin kuwo markasta ku baraarugsan kor u qaadida iyo qurxinta magaalada jijiga,islamarkaana Diyaar u yihiin si farxadeed in ay hay’adan gacan wayn ku siiyaan hirgalinta Qorshaha ay kor ugu qaadayso Bilicda iyo maaraynta qashinka magaalada jigjiga.

La-taliyaha madaxwaynaha DDSI mudane ilyaas cumar oo ka hadlay furintaakii kulankaasi ayaa waxa uu siwayn u soo dhaweeyay qorshaha ay soo bandhigeen haayadaasi oo ah mid siwayn ay xukuumada iyo hay’aduba daraasaad ugu sameeyeen wuxuna sheegay in ay ka xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaa qorshe kasta oo kala qayb qaadanaya xukuumda horumarinta caasimada jijiga iyo guud ahaan deegaankaba wuxuuna masuuliyiinta hay’ada iyo dhamaan xafiisyada ay khuseeyo qorshahaniba ku booriyay in ay u meel mariyeen sidii loogu tala galay gacana uga siin lahaayeen SDC.

Sidoo kale waxaa isaguna ka hadlay kulankaasi wasiir ku-xigeenka xafiiska horumarina khayraadka biyaha DDSI mudane fu,aad bashiir isaga oo si qoto dheer uga waramay ahmiyada uu qorshahani u leeyahay horumarinta caasimada jigjiga wuxuna shegay in ay ka xafiis ahaan si hufuna ula shaqayn doonaa hirgalinta qorshahaasi.

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada hay’ada Swiss-agency development and cooperation (SDC) ayaa waxay sheegeen in maadaama oo ay magaalada caasimada deegaanka ee jijiga tahay magaalo ku socota xaweere-horumarineed oo aad u dheeraynayay labadii sano ee ugu danbaysay islamarkaana aan ku ogaanay tartan aanu u qanbanay magaalooyin badan oo dalka ku yaala kuna qiimaynaynay dhinaca horumarka ka socda Deegaanada DFI ayaa waxaa ku guulaysatay in aan qorshan ka fulino xarunta deegaanka ee jijiga waxayna sheegeen in ay sidii uu ahaa u fulin doonaan mudo aad u gaabana ku fulin doonaan qorshahaasi hirgalintiisa

Geeri Arooskeed:- Aas Qaran oo Maanta Ka Dhacay Xabaalaha Sheekh Nuur Ciise ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraTacsi) Jimce August 23,2013.Waxaa maanta si heer Qaran ah Geeri-Arooskeed Loogu aasay Xabaalaha Sheekh Nuur Ciise ee Magaalada Jigjiga Marxuum Saleebaan Axmed Xasan(Sanay) oo aan loo kala hadhin. Aaskan Heer Qaran ayaanan loo kala hadhin haday ahaan lahayd madaxda ugu sarsaraysa Xukuumada,XDSHSI,Capinetka,Wasiirada,Golaha Baarlamaanka DDSI,Culumaaudiinka,Ganacsatada,Madaxda Golaha Federationka DFI,Ururada Asxaabta Bahwadaagta,Qurbajoog,Ehelka,Ururada Bulshada iyo Aabihii dhalay MArxuumka Mudane Axmed Xasan(saney).

Gudoomiyaha XDSHSI ahna Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq oo ka hadlay Xabaasha Dusheeda ayaa ugu horayn uga tacsiyeeyay Xisbiga,Aabihii Dhalay,Xukuumada iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuumku balanqaadayna in xisbiga talada deegaanka haya iyo Xukuumaduba gacanqaban doonaan Qoyskii iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuum Saleeban Axmed yidhina"Samir iyo iimaan ilaahay ha inaga wada siiyo Marxuumkana naxariistii janatul fardawsa ilaahay ha ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna ku-simaha Madaxwaynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa u tacsiyeeyay aabaha Dhalay marxuumka,Qoyskii,Caruurtii,XDSHSI,Xukuumada DDSI iyo Shacabka Deegaankaba,xukuumad ahaana balanqaaday in ay kafaala qaadi doonaan daryeelka Nolosha Caruurtii iyo qoyskii uu ka tagay marxuumku.

Dhanka kale aabaha dhalay Marxuumka Axmed Xasan (Sanay) ayaa mar ay xabaasha dusheeda ugu tacsiyaynayeen Gud,XDSHSI ahna Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq,Madaxwayne ku-xigeenka ahna siihayaha Xafiiska Madaxwaynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Madaxwayne ku-xigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Madaxwayne-kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo H/guud Mudane C/xakiin Cigaal Cumar,Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax kale ayaa uu Aabe Axmed Sheegay in uu ku samrayba sida Weyn ee Qiimaha badan ay xukuumada iyo Xisbiguba uga qayb qaateen Aaska Wiilkiisa yidhina"Waxaanba ku samray sida Qaran ee lagu aasay wiilkayga iyadoonan Qadarka Eebe aan la Baajin karin Qornaydna".

Salaadii Jinaasada ayaa lagu tukaday Masaajidka ugu wayn Jigjiga oo ahayd Salaadii Jimcaha iimaamkuna sheegay in marxuumku ehelu jano yahay marka loo eego maalinta,khalqiga ku tukaday,culumada ku kulantay iyo Xukuumadii iyo Xisbigii oon qof ka hadhin Aaska Marxuumka allena uga baryay Naxariistii jano in uu ilaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Shabakada War-tebinta ee CakaaraNews oo Tacsi Tiiraanyo Leh Diraysa

World-Xaadir(Cakaaratacsi) Khamiis August 22,2013.Hogaaminta mareegta warlaliska Daafaha Caalamka ee CakaaraNews.com,Wariyayaasha,iskudubaridayaasha Barnaamijyada iyo Turxaanbixinta,Filimqaadayaasha iyo Shaqaalaha ayaa jamac ahaan tacsi tiiraanyo leh u Diraya XDSHSI ee talada Deegaanka haya,Xukuumada DDSI,Qoyskii,Caruurtii,Ehelkii iyo Shacabweynaha DDSI ee uu ka geeriyooday Marxuum Saleebaan axmed Xasan(Saney) oo ahaa madaxa Arimaha Siyaasada Xarunta Dhexe ee XDSHSI islamarkaana si lama filaana maanta Shil baabuur ku geeriyooday Magaalada Mojo oo ah Duleedka Magaalada Addis-ababa lehna waxaanu ilaahay ka baryaynaa in uu wadar ahaanteen samir iyo iimaan inaga wada siiyo marxuumkana Naxariistii Janatul-fardawsa ilaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin.

Hogaaminta Ururka Dhalinyarada SEDYO Minniapolise oo Tacsi Diraya.

Minniapolise(Cakaaratacsi) Khamiis August 22,2013.Hogaaminta Ururka Dhalinyarada SEDYO ee fadhigiisu yahay Minniapolise oo khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa tacsi tiiraanyo leh u Diraya XDSHSI,Xukuumada DDSI,Qoyskii,Caruurtii,Ehelkii iyo Shacabweynaha DDSI ee ka geeriyooday

Marxuum Sulaymaan axmed Xasan(saney) oo Shil baabuur ku geeriyooday Magaalada Mojo oo ah Duleedka Magaalada Addis-ababa lehna waxaanu ilaahay ka baryaynaa in uu wadar ahaanteen samir iyo iimaan inaga wada siiyo marxuumkana Naxariistii Janatul-fardawsa ilaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin.

Dukaanka Dharka iyo Uduga London(Haradigeed Fashion Store) oo Sponsor-Gareeyay”Soo Abaabulay” Barnaamij Loogu Yaboohayay tabarucaad Caruurta Agoonta ah ee Magaalada Jigjiga.

London(CakaaraNews) Khamiis August 22,2013.Waxaa uu Dukaanka Haro-digeed Fashion Store ee Ku yaala London Uk uu soo abaabulay(Sponsored) Barnaamij loogu yaboohayay Tabarucaad Caruurta ay waalidtireen Nabad-didka eek u Xaraysan Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada ee Jigjiga. Barnaamijkan Tabarucaadka loogu aruuriyay Caruurta Agoonta ah ayaa ay ka Qaybqaadanayeen soona agaasimeen Mulkiilaha Dukaanka Dharka iyo Uduga eek u yaal London(UK) Haro-digeed fashion  sacdiya Raabi,Fardowsa Maxamuud haybe,Baarliin M,Nuur,Kowsar Dakar,Filsan Maxamed Cali iyo dumar kale.

Barnaamijkan Yabooha Agoonrta Dugsiga caruurta ay Waalidtireen Nabad-diidka eek u yaala Jigjiga ee ka dhacay London ayaa ay Dumarka qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan London ay iskaga soo aruuriyeen sida naloo sheegay lacag Cadaan ah oo ay Duuduub ahaan Lacgtii oo Kaash ah ugu soo dhiibeen fardawsa Suldaan Maxamuud haybe oo ku soo fool leh Jigjiga maalmahan si ay halkan wax ugaga iibiso ardayda.

Mulkiilaha Haradigeed Fashion Store Sacdiya Raabi oo ka mid ahayd Qurbajoogtii sanadkii tegay Booqatay Gobolka Jarar ayaa noo sheegtay in ay Dumarka Qurbajoogta DDSI eek u Dhaqan Cariga Ingiriisku ay u Guntadeen sidii ay Doorkooda uga qaadan lahaayeen Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo ladagaalanka Saboolnimada.

Dumarkan Deeqda u soo aruuriyay Agoonta Jigjiga Boarding School ayaa noo sheegay in aynan talaabadani noqonayn tii ugu danbaysay ee ay caruurta agoonta ah ee nabaddiidku waalidtireen ee k u dhaqan DDSI u soo diraan,balse ay jiri doonaan Deeqo iyo tabarucaad ay Caruurta agoonta Deegaanka ku soo caawin doonaan.

More Articles...

  1. Deg-Deg:-Inaalilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun Geeri Naxdin Leh Madaxii Arimaha Siyaasada Xarunta Dhexe ee XDSHSI oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday.
  2. Xuska Geerida Sanad-jirsatay ee raysal-wasaarihii Odoraska Aragtida Dheeraa oo Ay jaamacada Jigjiga Astaan Ma-Guuraana Uga Dhigeen Dhir-Beeris Lagu Abqaalay Gudaha jaamacada.
  3. Fanaankii Reer Jigjiga ee Caanka Ahaa Eyob-Mokonen oo 37jir ahaa Kuna Geeriyooday Nairobi.
  4. Kulan balaadhan oo lagu gorfaynayey dar dargalinta hawlaha horumarka iyo sii ambaqaadida himilooyinkii uu jeexay muhandiskii yididiilada Kobaca Dhaqaale Raysal-Wasaarihii hore ato Males Zinaawi oo ka dhacay hoolka shirarka ee SMCX.
  5. Tartan orad ah oo lagu xusayay sanad guuraddii 1aad ee ka Soo Wareegtay Geeridii raysel-wasaarihii aragtida dheeraa ee Males-Zenawi oo maanta ka Dhacday Magaalada Jigjiga.
  6. Isku soo bax balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Geeridii Raysil Wasaarihii hore ee dalka ato males zinawi oo ka dhacday xarunta deegaanka ee Magaalada jigjiga.
  7. Ila Qosol:- Dhacdooyinka Da'da Qurbaha oo Dhexmartay Wiil iyo Aabihiis.
  8. jalliyada DDSI ee Melbourne-dalka Australia oo ku boorinaysa Guud Ahaan Shucuubta DFI gaar ahaan shacabka DDSI inay halkii kasii wadaan himiloyinki iyo Qorshayaashii Kobaca-Dhaqaale ee halyaygi aragtida dhera ato males zenawi.
  9. Kulan Lagu Gorfaynayay Mashaariicaha ay Ku Caawiso Waxbarashada Hay'ada UNICEF iyo Diyaargarawga Hirgelinta Qorshaha sanadkan 2006.T.I ayaa Ka Dhacay Hoolka Shirarka Xaf,waxb,DDSI.
  10. Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI oo Tababar La Xidhiidha dayactirka iyo Ciladaha Ceelasha(ELECTRO MECHANICAL) u Qabtay Xirfadlayaasha xafiisyada Biyaha 10 Degmo.
  11. Inaa-lilaahi Wa Inaa ilayhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh Garaadka Beesha Absame iyo Adeerkood iyo Guurtidiisa Oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii uu Ka Geeriyooday Ugaaska Beesha Galimays.
  12. Nidaamka Hogaamineed iyo Hirgalka Dimoqraadiyadeed ee Maamulka Xukuumada DDSI waxaa Daliil u Ah Hogaaminta Shirka Qiimaynta iyo isla Xisaabtanka Gobolada DDSI iyo Xafiisyada Horumarinta Heer Deegaan.
  13. Qiimayntii Heer-Federal ee 4ta Deegaan ee Hore Loo Odhan Jiray Deegaanada Dibu-dhacay Dhanka Waxqabadka oo Ay Xuk,DDSI ku Xaqiijisay In aynan Ka sii Mid ahaan Doonin Heehaabanaysana Deegaanada safka Hore Kga Jira Horumarka.
  14. Ogaysiis: Gudiga Qaban Qaabada Shirka Beesha ReerAmaadinTaageerada Socdaaladaii Madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisii Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo Rajorumays oo Maalinta Axada Ka Dhici Doona Hotel-Nogob M-Jigjiga.
  15. madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Kusimaha Xafiiska Madaxwaynaha oo Galabta ku Qaabilay Madaxtooyada Qurbajoog Ka Timid Dalka Finland(Immediate Vice-President)
  16. Abdulqadir Jiilaani oo Qoray Faalo ku saabsan booqashadii Madax weyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee Degmada Raaso iyo sidey umuuqatey.
  17. Maareeyaha wakaalada Qurba Joogta DDSI oo uu Wehelinayay Maareeye Ku-xigeenkiisa ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Dhalinyarada SEDYO ee dalka Sweden.
  18. Waxaa Ka Dhacay Hotel-Sheraton ee Minniapolis Shir Balaadhan oo Lagu Taageerayay Socdaalada Madaxweynha DDSI ee Lagu Diirsaday Siiba Socdaalkii Iftiin iyo Ilays-Nolol iyo Rajo-rumays oo ay Soo Abaabuleen Beesha Rer-Amadin ee G/Nogob.
  19. Tartankii kubada cagta Ee Degmooyinka Gobolka Jarar ayaa Si habsami leh Lagu soo gabagabeeyay garoonka Kubada cagta Ee Gobolkaasi Jarar
  20. Madaxweynaha DDSI iyo wafti Balaadhan oo u Ambabaxay Magaalada Addis-ababa Kana qaybgali Doona Shirka Qiimaynta MDG.
  21. Jarmalka oo uu ka dhacay Shir lagu Taageerayay Socdaalkii Iftiin.Ilays.Nolol. Rajo rumays,Kulan safaarada & Qaar aaminsanaa Aragtida N/diidka oo Tubta Nabada iyo Horumarka Qaatay.
  22. Breakingnews:-Iskushaandhayn lagu sameeyay Golihii Wasiirada,Maareeyayaashii Iyo Qaar Gud Degmooyinka.
  23. Waxaa Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga Hooyadii Fanka Khadra Daahir iyo Cabdi Qays Halkudhegna Looga Dhigay " Isma Huri Karnoo Hilbo Wada-Dhashiyo Hayb Qudhaynu Nahay".
  24. Awaare oo Isticmaalka aalada Mobileka Heshay “Hello Waan Ku Maqlaa”.
  25. Shir aad ubalaadhan oo lagu tageerayo wabiga Abay iyo Waxqabadka Xukuumada DDSI ayaa laguqabtay magalada Edmonton ee Goboolka Alberta ee Canada
  26. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Saraakiil sarsare oo Ciidamada Federalka ah OO Ka degay Magaalada Qabridahar.
  27. Madaxwaynaha DDSI oo xafiiskiisa ku qaabilay Saaka wafti Wasiiro u badan oo ka socday jamhuuriyada Somaliland.
  28. Ogaysiis:-Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob Gaar ahaan Beesha Reer-Amaadin ee Ku Dhaqan Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigiisda Ka Soo Qaybgalka Shir Lagu Taageerayo Socdaalkii Madaxweynaha ee Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo Rajo-rumays
  29. Deg-Deg Diyaarad Ay Ethiopia leedahay oo ka mida Amison oo cidlad farsamo ugu burburtay Muqdisho.
  30. Dhamaanba Ururka Dhalinyarada Sedyo-Sweden oo Tahniyada Ciida u Diraya Dhamaanba Musliimta Caalamka,Itoobiya iyo Shacabka DDSI.
  31. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo tahniyada ciidul – fitriga udiraya Guud ahaan muslimiinta dunida,Itoobiya iyo Gaar ahaan Muslimiinta DDSI
  32. Maanta oo Si Weyn Looga Ciiday DDSI,Madaxweynaha DDSI oo Khudbad Xeel-dheer Ka Soo Jeediyay Cafisna u Fidiyay Maxaabiista u Xidhan Falal Nabad-diid.
  33. Qurbajoogta W/ameerika ee Deg-Araarso oo Hambalyo iyo Taageero u Soo Diray M/w DDSI iyo Xukuumadiisa Uguna Baaqay Dhamaan Qurbajoogta Ka Soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI in ay U Guntadaan Badhigantaalida iyo Garab Istaagida Xukuumada iyo Ciidamada.
  34. Ciid-Mubaarak Kulucam Wa Antum Bikheyr Madaxweynaha DDSI oo Dhambaal Tahniyada Ciidul-Fitriga U Diraya Dhamaan Muslimiinta Gaar Ahaana Muslimiinta Itoobiya.
  35. Garsoore Ciyaar Socotay Qadar Joojiyay Si uu u Afuro(Qadar Waajibaadka Soonka).
  36. Shir Balaadan oo Lagu dardargalinayay Adeeg-bixinta iyo Kudhaqanka Saaynta Sharciga Ayaa Loogu Qabtay Magaalada Jigjiga Dhamaanba Garsoorayaasha Maxkamadaha Deegaanka.
  37. Markii Deegaanka Soomaalida Itoobiya Helay Hogaamiye Aragti Dheer Waxaa Xawli Uga Hirgalay Horumar,Dhaqan-Dhaqaale oo Soo Jiitay Indhaha Caalamka.
  38. Shir Heer Qaran ah oo lagu Qiimaynayo Waxqabadka barnaamijka Ololaha Cudurka Dabaysha(Polio) ee Qaar ka Mida Deegaanada oo Lagu qabtay Maanta Magaalada Jigjiga.
  39. Ogeysiis Dhamaan Jaaliyada DDSi ee Germalka Shir ka dhicidoona 10/08/2013
  40. TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH EE ARDAYDA GOBOLKA FAAFAN AYAA LAGU SOO GABAGABEEYEY MASJID JAAMACA WEYN EE MAGAALADA JIGJIGA.
  41. fanaanka Caanka ah Xasan maxamed C/raxmaan(aarmaanta) oo Maanta Booqday Isbitaalka Karamardha oo uu Ku Dhashay.
  42. Deg-Deg:- Shimbiro Xambaarsan Virus oo Ku Sii Fidaya Gobolka Jartar.
  43. Shirkii Golaha Dhexe ee XDSHSI oo Ka Furmay Galabta Xarunta Xisbiga Magaalada Jigjiga.
  44. Degmada Xarshin oo Khaati Ka Taagan Shimbiro Sumaysan oo Berkadaha Biyaha raxan-raxan ugu Dhimaya.
  45. Maareeyaha Wakaalada Naqshadeynta, Daraasaadka iyo Dabagalka oo Ka Warbixiyay Heerka Ay Marayaan Mashaariicaha Biyaha ee Laga Wado Gobolada Sitti iyo Jarar
  46. Xukuumada DDSI oo munasabad afur-sharafeed ah u samaysay dhamaan qurba-joogta DDSI ee ku sugan magaalada jijiga.
  47. Kooxda Man-City oo fasaxday Ciyaartoygeedii Khadka Dhexe C/Salaan Cadaay oo Waayadan Deyn ahaan Ugu Maqnaa Koox Norway ah.
  48. Warbixintii Waxqabadka Habka Fulinta Qorshesanadeedkii 2005 ee Xarunta Dhexe XDSHSI
  49. Fursadaha Shaqo-Abuurka Horumarineed ee Shacabka oo Buurta Sandaxiile Fananaya +(Sawiro).
  50. EU lauds Ethiopia's peace building role in Sudan
  51. Shir Balaadhan oo Lagu dardargalinayay Adeeg-bixinta Shaqo ee Shaqaalaha Qaabdhismeedyada Dawlada Degmada Ma’ayso ee Gobolka Siti.
  52. Xulka Kubada Cagta ee Dumarka Dalka jarmalkaoo Markii 6aad Hantay Koobka Haweenka Aduunka.
  53. Fanaanka Caanka ah ee Xasan Maxamed C/rahmaan (Aar-maanta) oo Maanta Gagida Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal international Airport si wayn loogu soo Dhaweeyay.
  54. Warbixinta Waxqabadka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Sanadkii Tegay 2005 T.I.
  55. Fanaanka Caanka Ah ee Aar-maanta oo Beri Si Weyn Loogu soo dhawayn doono Gagida Caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal International Airport(Jigjiga).
  56. Wakaalada Naqshadaynta,Daraasaadka iyo Dabagalka oo Durba u Dhaqaaqday Fulinta balanqaadkii Bulshada Madaxweynha Dhanka Biyaha Socdaalkii Nolol iyo rajo-Rumays
  57. Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo Maalintii 2aad lagu Ansaxiyay Miisaaniyada Guud ee Xukuumada sanadka 2006 ii ugu Badnayd Abid,iyo Bayaano Doora Lana Soo Gunaanaday.
  58. Arday dhameystirtay waxbarasho jaamacadeed oo xaflad Qalin-jabin ah loogu sameeyay Harar Harar.
  59. Warbixintii Waxqabadka Xukuumada DDSI ee Sanadkii Tegay 2005.T.I oo uu Madaxweynaha DDSI Saaka Ka Soo Jeediyay Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo Si Wayn Loogu Qushuucay.
  60. Kalfadhigii 7aad ee Golaha Xildhibaana DDSI oo Maanta si Rasmi Ah Uga Furmay Hoolka Shirarka ee SMCX iyo Arimo Badan oo Lagu Ansaxiyay.
  61. Kulan ay Isugu Yimaadeen Madaxda Xafiisyada horumarinta,haya’daha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO) ayaa ka dhacay hotel Xamda (BoFED Go NGO Forum Meeting)
  62. Kalfadhigii Baarlamaanka DDSI ee Bilawga Sanadka Cusub ee 2006.T.I oo Beri Si Rasmi Ah Uga Furmi Doona Jigjiga.
  63. Madaxweynaha DDSI oo Galabta Xadhiga Ka Jaray Wadooyin Nooca Dhagaxa Qoran La Goglo (Cobble Stone)
  64. Baarnaamij Kor loogu Qaadayo Taariikhda iyo Dhaqanka Soomaalida Itoobiya(DDSI) oo Lagu Qaban Doono Magaalada Addis-Ababa.
  65. Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Socdaalkoodii Dheeraa ku Soo Afjaray Gobolka Liibaan Kuna Soo Noqday Caasimada Deegaanka.
  66. Maxaa sababay In uu Ciyaartoyga Kevin Constant uu Ka Baxo garoonka Ciyaartii oo Socota? Bal Hoos Qooraanso.
  67. Horumarka ay Ku talaabsatay Dawlad-degaanka Somalida Ethiopia iyo Saameynta ay ku yeelatay Wadamada Dariska!
  68. Gabadh madaxa isu gelisay Dalka Norway iyo Imaaraadka-Carabta ayaa maanta la sii-daayay,iyadoo Maxkamadda-Dubai ay ka noqotay xukunkii Gabdhan oo sida la sheegay Dubai lagu kufsaday laguna xukumay 16-ka bilood.
  69. Shacabka Addis-ababa oo Khaati ka Soo Istaagay"Fadlan Lama Heli Karo eega" iyo Shirkada Isgaadhsiinta DFI oo Sheegtay In Loo Heli Doono Mudo Dhaw Xal Waara Ciladaha Networkiga Cidhiidhiga galay.
  70. Tababare Caan ku ah Kubada Kolayga oo Maanta Si wayn loogu soo Dhaweeyay Garaad wiil-waal International-airport
  71. Kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu ahay isku xidhka bulshada iyo booliska looguna diyaar garoobayay xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha oo ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka ee magaalada jigjiga.
  72. Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada DDSI oo afur-sharafeed u sameeyay qurba joogta ka soo jeeda gobolka Doolo.
  73. Fari kama Qodna Socdaalka Dheer Nolol io Rajo-rumays ee Lugta ay maaxweynaha DDSI iyo Waftigiisu Ku Marayaan Gobolka Afdheer iyo Caasimada Hargeele oo Si aan Caadi Ahayn loogu soo dhaweeyay.
  74. Tababarihii Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona oo Is Casilay,Maxay Tahay Sababtu?
  75. Orodyahanka Reer-Sweden ee Asalkiisu Ka Soo Jeedo Qurbajoogta DDSI oo Ku Guulaystay Orodka Kaalinta 2aad Tartan Dhex Maray 16 Wadan.
  76. Koxda Haysata Horyaalka Faransiiska Ah ee PSG oo Cavani ku Soo iibsatay Aduun Gaaraya 84-Malyan oo Doolar
  77. Bulshada Ceelkari oo Madaxweynaha iyo Waftigiisa Si Heer Sare ah ugu Soo galbisay Soo Dhawayn Magaalada iyo Waftiga oo Booqday Buurta Ceelkari ee Antenada Isgaadhsiinta ugu Dheer.
  78. Wasirka Xafiiska Caafimaada DDSI Ahna Madaxweyne Kuxigeenka DDSI oo Saxaafada u Sheegay Ka Faaiidaysiga Ololaha Wajiga 2aad ee Talaalka Cudurka Dabaysha.
  79. Iskashatada wax-soosarka Beeraha Raamale ee Degmada Xarshin oo Sheegtay Kor u Qaadida Suuqgaynta Wax soo-saarkeeda.
  80. Madaxweyne Ku-xigeenka DDSI oo Afur-sharafeed u Sameeyay Qurbajoogta Gobolka Nogob Ugana Mahadceliyay Baaq-wadareedkii ay Ku Soo Saareen Magaalada Nairobi.
  81. Ethiopia's special police seek to build trust after rights abuse claims
  82. Xawaaraha Safarka Dheer Nolol iyo Rajo-Rumays ee ay Lugta Ku Marayaan Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa oo Caawa Ku Sugan Iimey-Galbeed ee Goblka Afdheer.
  83. Ugaas C/laahi Cabdi Aar Laba-Qayd oo bogaadiyay socdaalada Taxanaha iyo taariikhiga ah ee madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisu ku marayaan Lugta Qaar ka Mida Gobolada Looguna Magac daray Nolol iyo Rajo-Rumays.
  84. Xidiga-Fabregas Uma Socdo Kooxda Man-United:Tababare Tito Oo Ka Shakiga Ka Saaray Taageerayaasha Barcelona
  85. Madaxweynaha iyo Waftigiisii oo Digri iyo Caleemo Qoyan ay Ku soo Dhaweeyeen Shacabweynaha iyo Culumada Degmada Raaso
  86. Hogaaminta hay'ada Gargaarka SEWD oo Si Kal iyo Laaba Uga maqsuuday Socdaalada taxanaha Ah ee madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa Looguna Magac Daray Nolol iyo Rajo-rumays.
  87. Qalabkii Ugu Badnaa Abid ee Dhanka Dhismayaasha Wadooyinka iyo Buundooyinka oo uu Kusi-maha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Idmay in Loo Daad-Gureeyo Gobolka Nogob Xaruna Looga Dhigo Degmada Xamaro.
  88. Fari kama Qodna Himilooyinka iyo Saadaasha Socdaalka Nolol iyo rajo-Rumays Caawana waxaa lagu Furay Degmada Iimay- Bari.
  89. Ka Bogo Silsiladii Socdaalka Taariikhiga M/Waynaha ee ILAYS & IFTIIN iyo NOLOL & RAJO_RUMEYS.
  90. Gabadh uu Tababare u Yahay Cabdi Bile Oo Bilad Dahab Ah Ku Guulaysatay Iyo Dawladda Imaaraadka Carabta Oo U Riyaaqday.
  91. Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade(Calan Saxa) oo Guud Ahaan Musliminta Gaar Ahaaa Shacabka DDSI ugu Bishaaraynaysa Bisha Barakaysan ee Ramadaan Ka Faaiideysigeeda.
  92. Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii Oo saaka Tegay Degmada Cusub ee Ceel-Wayne Kuna Soo Noqday Caawa Magaalada Godey.
  93. Shirkada ACE oo Aalada ka faaiidaysiga Tamarta Dabiiciga ee Biyaha Soo Tuura Ka Hirgalisay Tuulada Qudhac Mataan ee Degmada Gursum.
  94. Socdaalkii Madaxweynaha iyo waftigiisa ee Socdaalka Nolol iyo Rajo-rumaynta isu-socodka Dadka,Duunyada iyo Gaadiidka ee Bulshada oo Ku Sugan Xarunta Degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele(Sawiro)
  95. Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Beesha Bahgari ee Ku Dhaqan Sweden oo Bogaadisay Socdaalka Madaxweynaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee Ka Askumay DDSI.
  96. Qaar ka mid qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Faafan oo Dhagax Dhigay Dhismaha Jaamacad Laga Hirgalin Doono Magaalada Qabri-bayax Booqdayna Degmooyin iyo Tuulooyin ka Tirsan Gobolada Faafan iyo Jarar.
  97. Socdaalkii Madaxweynaha DDSIee La Magac Baxay Ilays iyo Iftiin oo Galay Maalintii 5aad iyo Xarunta Degmada Garbo oo Caawa Ku Sugan Yihiin.
  98. Socdaalkii Ilays iyo Iftiin ee Madaxweynaha DDSI oo oo Galay Maalintiisii 3aad iyo Barmiil,dhuxun iyo Xamaro.
  99. Xafiiska Gaadiidka,Ganacsiga iyo warshadaha DDSI iyo Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Kaashanaya Shirkada Raashinka Alla-Aamin Oo Qiime Dhis Ugu Sameeyay raashinka dadka Danyarta Ah fadliga Bisha Ramadaan Awgeed.
  100. Qurbajoogta Waqooyiga America ee Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob oo BAAQ,HANBALYO IYO BOOGAADIN U Soo Diray Socdaalka Loogu Magac daray ILAYS IYO IFTIN EE Maxweynuhu Ku Tegay Gobolka Nogob.