Xafiiska kahortaga iyo xakamaynta Cudurka HIV/AIDS oo Tababar u Qabtay Hawlwadeenada 4 Isbitaal iyo 6 Xarun Caafimaad.

Jigjiga(cakaaraNews) Khamiis June 27,2013.Xafiiskan kor ku xusan ayaa tababar ku saabsan Habka loola macaamiloodo Dadka la Nool Cudurka Hiv/Aids bulshadana aan looga dhex Takoorin u Qabtay Hawlwadeena Dhinaca Caafimaaadka ee ka hawlgala 4 ka mida Isbitaalada Deegaanka iyo 6 Xarun Caafimaada. Sidoo kale Tababarkan ayaa ay ka mid ahayd ujedadiisu sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo maamulka hawlwadeenada Caafimaadku ee dhinaca dawada lagula tacaalo dadka lanool cudurka HIV/Aids ka.

Tababarkan ayaa uu soo diryaariyay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS ee DDSI oo la kaashaday xafiiska caafimaadka DDSI,sla markaana lagu dardargalinayo habka dawada loo siinayo Xubnaha la nool cudurka si aynan uga kala go'in dawadu,mashruucan dadka la nool viruska Hiv/aids ayaa ay maalgalisaa hay'ada WFP. tababrtayaasha ayaa waxaa lagu barayay casharo la xidhiidha sidii ay u maarayn lahayeen islamarkaana kor uguqaadi lahaayeen adeega daawooyinka lasiiyo dadka lanool cudurka HIV/AIDS ee loo yaqaano ART iyo Sidii aan looga takoori lahayn Bulshada dhexdeeda loona tusi lahaa waji waaagsan oo aan argaax lahayn.

furitaankii Tababarkan oo socon doona muda 3 maalmooda ayaa waxa ugu horeyntii ka hadlay gadh-wadeenka geedi socodka qorshaynta ee xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS ee DDSI Mudane Axmad-deeq oo sheegay in kor uqaadida iyo maaraynta adeega ART gu uu yahay mid u fududaynaya dadka lanool cudurkani in ay sidii loogu talogaly u qaataan Dawooyinka islamarkaana ka helaan faaiidadii logu talo galy taasoo ah mid bilaash lagu siinayo.

Masuulaka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in adeegayadan si aada loogaga baahayahay dadka ku dhaqan degmooyinka fogfog ee deegaanka lagana wacyigaliyo halista cudurkan uu u leeyahay Bulshada la iskagana ilaalin lahaa.

Wakaalada Dakhliga oo Tababar u Qabatay Canshuur-bixiyayaasha Idman Ama Ganacsatada Magaalada Jigjiga.

jigjiga(cakaaranews) Arbaco june 26,2013.Tababarkan Ayaa Waxaa Soo Agaasimantay Wakaalada Dakhliga Ee DDSI islamarkaana Ay Ka soo Qaybgaleen Cashuur-Bixiyayaasha ka Ganacsatada Badeecadaha kala duduwan ee leh shatiyada Ganacsiga ee Ku Dhaqan Magalada Jigjiga,iyadoona Ay Ujeedada Tobabarkani Ay Ahayd Habka Loo Samaysto Buuga Diwan-gelinta “Book Keeping” iyo Habka Loo Yaqaan Odhaahda Xisabaadka “ Financial Statement” taasoo ay ganacsatadu kula soconayso Diiwaanada Kharashka iyo Badeecadahaba Gelid iyo Bixid amaba inventory List Si Uu Cashuur Bixiyuhu Sanad Walba U Ogaado Xisaabta Raasamaalka iyo badeecadaha Islamarkaana Wax Uga Barto Cashuurta Ku Waajibta.

Tababarkan ayaa Ay Casharada Bixinayen Khabiiro Ka Hawlgala Wakaalada Dakhliga Ee DDSI iyadoona uuFuritankii Tobabarkani uu Ka Hadlay Mareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga Ee DDSI Mudane: Cali Ugaas Isago Kula Dardaarmay Ka Soo Qaybgalayaasha oo ahaa Cashuur-Bixiyayaasha amaba ganacsatada magaalada jigjiga In Ay Ka Faideystaan Macluumaadka la siin doono Islamarkaasina Ay Ku Dhaqmaan Cashara Ay Ku Qadanayeen Ee Ku Saabsanaa Sidii Cashuur Bixiyhu U Xisaabxidhkiisa Sanadwalba Uu U Ogaanlahaa .

Ugu Danbeyntii Tababarkani Ay Qadanayeen Cashuur Bixiyayaasha Ka ganacsatada Magaalada Jigjiga ayaa Ahaa Mid Ay Ku fahan buuxa ka qaateen casharadii Habka Loo Samaysto Buuga Diwaangelinta iyo Qulqulka Xisaab-xidhka lacagaha taasoo wax wayn ka tari doonta Si Ay U Ogadaan Xisaabta Ay Sanad Walba Soo Saraan Khasaaraha,Faaiidada iyo Saamiyada Dhigaalka,Islamarkaana Ay Wax Uga Bartaan Cashuurta Ku Waajibta mid ka mida ganacsatadii Tababrkan qaadatay Ayaa Waxa Ay Tilmamay In Ay Aqoon badan ka faaiidaysteen kuna dhaqmi doonaan.

Dhanka kale waa nidaam sahlan oo hadii ay Ganacsatadu ku dhaqanto habkan ay xafiiska Dakhligu si sahlan ugala socon karaan hadba Canshuurta Dakhliga lagu leeyahay Diiwaanka Gelida iyo Bixida.

Odoyaal-Dhaqameedka iyo Qaybaha Bulshada ee Beesha maalin-Guur ooShir Balaadhan Ku Yeeshay Nairobi Kuna Baaqay In Tiir Adag Loo Noqdo Ka Qayb qaadashada Horumarka iyo N/galyada Ka Tabogaly DDDI lagana Feejignaado 4ta Beenquute ee kaliya Ka

Nairobi(CakaaraNews) Talaado June 24,2013.Waxaa shir balaadhan ku qabtay magaalada nairobi Ugaas Axmed Yusuf habane,Mahdi ayuub iyo waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Qaybaha Bulshada ee ka soo jeeda Gobolka Nogob Gaar ahaan Beesha Maalinguur,kuwaasoo Baaq ay u midaysn yihiin ka soo saaray kuna taageeray horumarka,n/galyada iyo Maamulka suuban ee ay Mudo gaaban ku dhaqan galisay Xukuumada uu Hogaanka u Hayo Madaxweyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa hubaal ah in aan la iska indho tiri Karin Hormarka, Nabad-galyada iyo Isbadalka dhaqaale ee ka hana qaaday DDSI, kaas oo ku socda Xawli, runtiina maraya meel uu horay uga sii socdo mooye uunan dib uga naqon Karin. Hadaba shirkan ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, oo ay hogaaminayeen, Ugaaska Beesha Ugaas Axmed Yusuf, Iyo Duq Mahdi Ayuub, dhalinyaro Qurba joog ah, ayaa waxay Beeshu kaga tashanaysay Sidii ay Horumarka DDSI,N/galyada iyo Maamulka Suuban Deeganka iyo Degmooyinka ay Beeshu dagto uga qayb qaadan lahaayeen Siiba dhinaca Maalgashiga, iyo Isbadalka Horumarineed eek a socda Deegaanka.

Kulankan waxaa Sidoo kale looga tashanayay sidii dhalinyarada Beesha ka soo jeeda ee ay UBBO khaladay kana dhigatay Bullet proof ama Xabada iskaga dhigaan,Qaxootigana ku ah Wadankan sidii ay wadankooda ugu soo noqon lahayaan, ulana noolaan lahaayeen ehelkoodii Baalna ka Raacaan Horumarka iyo N/galyada Deegaanka.. Hadaba shir ay Yeehsan Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqonyahanka, Ururuda Haweenka, Dhalinyarada iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ee ku kala nool 5 ta qaradood ee aduunka ayaa waxay ka Soo Saareen Baaq Isugu Jira Canbaarayn iyo Bogaadin Maanta ooy Taariikhdu Tahay 22/6/2013.

Baaq:- Kadib markii ay tashi dheer ka galeen beesha Malingur ee ku kala nool 5 ta qaradood ee aduunka, ogaatayna dhibka ay ku Hayso UBBO shacaybwaynaha Maalinguur Siiba Dhalinyarada Anfici lahaa Waalidkood iyo Dalkooda, Runtiina ay ka hor istaageen Hormarka ka hana qaaday Gobalada kale ee Deegaanka meelna kaga dhaceen, taariikhdii Beeshu ay ku la’hayd Deegaanka, ayay shir balaadhan ku qabteen magalada Nairobi shirkaasoo looga gol lahaa in beesha hada waxii ka danbeeya aynan marna u noqon dooni Xaabo ay shitaan 4 afar Awrkiraale oo UBBO ah Naf la caari ahna, ee gabalkoodii dhacay. hadaba waxaa lagama marmaan noqotay in besha inteeda samaha jecel ee wax garadka ah iyo hogan-dhaqameedkeeda isugu yimadan si ay uga hortagaan Majarahabaabinta Dhaan Dabangaale ee Beenquutayaasha la cidhib tiray Cudud ahaan,Dhaqaale ahaan iyo Jiritaankoodiiba.

Canbarayn: 1-Waxay Beesha si kulul u Canbaraynaysaa 4ta Qawlaysatada UBBO oo runtii Gabood falo u Gaystay Beesha 2-Waxay Sidoo kale Beesha halkan ka Canbareyn uga Jeedin Heynaa shakhsiyaadka ay ku adeegato UBBO ee sheegta Magaca Beesha.

3- Sidoo kale waxay Beeshu Canbaareyn Haysaa Websiteyada sida khaldan wax u faafiyo, Beeshan ka dhigtay Biibida ama Buufinta Curuurtu ku ciyaarto 4. Waxan sidoo kale oo aanu si adag Beeshu Ucanbaareynaysaa kuwa kasoo horjeeda Horumarka,Maamulka Suuban iyo Nabada ka hana qaaday DDSI.. 5- Ugu danbayntii waxaan leenahay dhamaan waxii ka soo Jeeda beesha In aynan UBBO danbe xaabo u noqonin, Shakhsiyaadka Meelahaa ka hadlayana ka waantoobaan kana feejignaadaan Mala awaalka 4ta Noloshoodu ku tiirsan tahay Dhiiga Dadka ee laga faquuqay Dalka iyo Dibadaba Bogaadin: 1-Waxay Beeshu Bogaadin iyo Taageeraba u Diraysaa madaxweynaha DDSI Mudane CMC iyo Xukuumadiisa oo mudo Gaaban isbedel la taaban karo oo xawli ah ka taabogalisay Guud ahaan Deegaanka gaar ahaan Gobolka Nogob(Fiiq Laydhka 24ka,saac,Buundooyinka,wadada iyo kaabayaasha dhaqaale). 2-Waxay Beeshu Bogaadinaysaa Dhamaan Bulsho waynta Jaceyl Nabada, Horumarka iyo xasiloonida ka hanaqaaday DDSI. 3-Waxay Sidoo kale beeshu bogaadinaysaa Odayaashii isxilqaamay, iyo Cid kasta oo soo abaabulay Shirwaynahan, hada kadibna halka lagasii wado.

4-Waxay beeshu bogaadinayasaa hawlaha iyo qorshayaasha Hormarineed ee ay Xukuumada DDSI ka Taabogalisay Guud ahaan Deegaanka si siman, Sidoo kale Beeshu waxay boogaadinayasaa Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumer ayna leeyihiin Illaahay hakula garab galo. 5-Sidoo kale Waxay beeshu bogaadinaysaa isfahanka wanaagsan eek a soo baxay Shirkii Nairobi, iyo,baraarugga Guud ahaanba Shacabka DDSI iyo gaar ahaan ka beeshu ka soo Jeedo.

5.ugu danbayn Waxaanu balanqaadaynaa in aanu Si midaysan Xoogayaga,Maskaxdayada,Wakhtigayaga iyo Dhaqaalahayagaba kaga Qaybqaadan doono Doorka Nagaga aadan Hawlaha Horumarka,Maalgashiga,N/galyada,Maamulka Suuban iyo iskaashiga walaalnimo ee Guud ahaan Shacabweynaha Soomaalida Itoobiya gaar ahaan kuwa aanu Deegaanka iyo Daaqsinkaba wadaagno.

Tababar Ku Saabsanaa Maamulka Qorshaha Qoyska oo uu Xafiiska Caafimaadka Gobolka Shabeele u Qabtay Qaab-dhismeedyada Dawlada.

Godey(CakaaraNews) talaado June 25,2013.Xafiiska Caafimaadka ayaa u Qabtay Shaqaalaha qaabdhismeedyda Dawlada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeele tababar looga gol lahaa Barashada Nidaamka Maamulka Nolosha Qoyska iyo Qorshayntiisa kaasoo socday mudo labo cisho ah.

Furitaankii tababarka Maamulka Qorshaha Qoyska ayaa uu hadal ka soo jeediyay kusimaha Moyorka Magaalada Godey Mudane Xuseen Cali warfaa ayaa tababartayaasha ku booriyay in ay ka faaiidaystaan casharada habka ugu Haboon ee Loo qorsheeyo Nolosha Qoyska ee lagu siin doono taasoo wax wayn ka tari doonta ayuu yidhi Qorshe la'aanta Qoysaska(Mis Managing Family).

Masuulkan ayaa Sheegay in Nolosha Qoyska oo la maareeyaa loona sameeyaa Qorshe ay tahay Arin aad u Muhiima oo wax wayn ka taraysa Koritaanka iyo Mustaqbalka Qoyska sida maaraynta Caafimaadka Qoyska,Waxbarashada Qoyska iyo Dhaqaalaha Qoyska. Tababarkan ayaa ay iska kaashadeen Fulintiisa Xafiiska Caafimaadka laantiisa barnaamijka qoyska,fayo dhawrka iyo dhalaanka,XDSHSI iyo Xafiiska Haweenka G/shabeele.

Xidhitaankii Tababarka oo ay ka hadashay iskuduwaha barnaamijka qoyska,fayo dhawrka iyo dhalaanka ee xafiiska Caafimaadka Marwo Ayaan Cabdi Shukri ayaa Tibaaxday in Xafiiska Cafimadka oo kaa shanaya xukuumada DDSI in uu Wado Diyaargarow Balaadhan iyo Qorshayaal uu gacan kaga siinayo Dhamaanba Deegaanka Kor u qaadida Fayo Dhawrka Bulshada si loo helo Bulsho Caafimaad qabta.

Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii uu Ka Geeriyooday Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse.

Jigjiga(cakaaraNews) talaado June 25,2013.Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Golihiisa Capinetka(Fulinta) ayaa tacsi Tiiraanyo leh u Diraya Qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse lehna Waxaan ilaahay ka Baryaynaa in uu samir iyo iimaan Inaga Siiyo Marxuumkana naxariistii Jano ka Waraabiyo Aamii,Aamiin,Aamiin.

Marxuumka ayaa waayadanba ku jiray isbitaal ku yaala dalka finland oo caafimaadkiisa lagula tacaalayay Balse Qadarka eebe ayaan la baajin karine ku timid Marxuumka Geeridii Alle. للهم اغفر له وارحمه ، وعافه واعف عنه ، لقِّه الأمن والبشرى والكرامة والزلفى ، اللهم إن كان محسناً فزد في حسناته ، وإن كان مسيئاً فتجاوز عن إساءته ، اللهم اغسله بالماء والثلج والبرد ، نقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، أبدله أهلاً خيراً من أهله ، وداراً خيراً من داره ، وجيراناً خيراً من جيرانه ، اللهم لا تحرمنا أجره ، ولا تفتنا بعده ، واغفر لنا وله

TACSI:Dhamaan Garaadka Guud,Ugaasyada,Suldaanada,wabarada iyo Guurtida Odoyaal-Dhaqameedka DDSI oo Tacsi u Diraya Qoyskii yo Ehelkuu uu Ka Geeriyooday Marxuum Boqor C/laai Boqor Muuse.

(Cakaaranews.com) Talaado June 25,2013.Guud Ahaan Guurtida Odoyaasha DDSI ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u Diraya Qoyskii,Ehelkii iyo Qaraabadii uu Ka Geeriyooday Marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse lehna waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu Samir iyo iimaan wadar ahaanteen inaga siiyo Marxuumkana Naxariistii jano ka waraabiyo aamiin aamiin aamiin.

اللهم اغفر له وارحمه ، وعافه واعف عنه ، لقِّه الأمن والبشرى والكرامة والزلفى ، اللهم إن كان محسناً فزد في حسناته ، وإن كان مسيئاً فتجاوز عن إساءته ، اللهم اغسله بالماء والثلج والبرد ، نقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، أبدله أهلاً خيراً من أهله ، وداراً

خيراً من داره ، وجيراناً خيراً من جيرانه ، اللهم لا تحرمنا أجره ، ولا تفتنا بعده ، واغفر لنا وله

 

Rabbi ha u naxaristee waxaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2013 ku geeriyoodey dalka Finland Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse. Boqor Cabdullaahi ayaa muddo bil ah ku jirey Isbitaal ku yaala dalka Finland, kadib markii Dhiiga maskaxdu xirmey (Stroke), kadib waxa uu galay Koomo.

More Articles...

  1. Bangiga Nib-International Bank oo Laan Cusub Ka Furtay Magaalada Awbare ee Gobolka Faafan.
  2. Madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Xaf,Horumarinta,Magaloyinka,Dhism iyo warshadaha oo Xadhiga Ka jaray Warshad Nooca Daqiiqda oo Ay ku Bahoobeen Dhismaheeda Maalqabeeno Ka Soo Jeeda Gobolka Sitti.
  3. Dufcadii 3aad oo Ay Maanta Ka Qalinjabiyeen Kuliyada Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay ee Nur International College.
  4. Madaxda Booliska,W/ganacsiga iyo Taraafikada 4ta Deegaanada Bariga Itoobiya iyo Ismaamulka Diredawa oo markii 2aad ka Shiray Xakamaynta Shilalka Baabuurta iyo Busaska Guura Habeenkii.
  5. Dawlada Federaalka oo Xuk-DDSI ku Amaantay Taabogalinta Isbedelada Xawliga Horumarineed iyo Shirka Gudiga Fulinta Meles Foundation oo Ka Dhacaya A.A Kana qaybgalayo Madaxweynaha DDSI.
  6. Kuliyada Farsamada,Xirfadaha iyo Cilmiga Biyaha ee M.jijiga ayaa Waxa Ka Qalinjabisay Laamaheeda Waxbarashada Dufcadii 12aad oo Tiradoodu Dhan Tahay 515 Arday
  7. Awooda Rabbi:- Wiil Yar oo Dalka Canada Dhashay Isagoo Bilaa Calool Ah+(Sawir)
  8. Habeenkii Masraxa Hodan C/Raxmaan iyo Wacdaraheedii Bandhig-faneedkeedii Xalay Ka Dhacay Magaalada Jigjiga oo Buux Dhaafiyay Hoolka SMCX.+(Sawiro)
  9. Wadooyinka Xaafadaha Magaalada Jigjiga oo Ay Dhismayaal Dhinaca Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) ay Ka Socdaan iyo Dhismayaal Kale oo Kor u Sii qaday Bilicda Magaalada.
  10. Inaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun Xasn Ismaacil Subeer(Xasan Waal) oo Ku Geeriyooday Ijtimaacii Islaamka Oo Ka Dhacayay Hargaysa.
  11. Xafiiska Caafimaadka Degmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay oo 17 Tuulo ka Fuliyay Talaalka Teetanada Haweenka.
  12. Maamulka Gobolka Sitti oo Ku Hawlan Diiwaan-galinta 4kun oo Qoys oo Dibudejin Loogu Samaynayo Harawa iyo Gaabi oo Ka Kala Tirsan Degmooyinka Shiniile iyo Hadhagaale.
  13. Ololaha Talaalka Cudurka Teetanada Haweenka ay Da'doodu u Dhaxayso 15 ilaa 45 oo ka socda Magaalada Qabridahare.
  14. Xulka Qaranka Spain oo Lagu Dhacay Mid Ka Mida Hoteelada Dalka Brasil Mar ay ka Maqnaayeen Hotelka.
  15. Man-United oo Qarka u saaran inay kala soo wareegaan Thiago Alcantara Kooxda barcelona.
  16. Mashaariicda Horumarineed ee Qaybta PSNP Degmada Afdem oo La Soo Gunaanaday Hirgalinta Mashaariicahii u Qorshaysnaa Sanadkan 2005.T.I.
  17. Mayorka Maamulka Magaalada Dh/buur oo Saxaafada u Soo Bandhigay Heerka Ay Marayaan mashaariicaha Horumarineed ee Laga Hirgaliyay magaalada Dh/buur.
  18. Madaxweynaha DDSI oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI Gaar ahaan gobolka Shabeelle.
  19. Komishinka Anshaxa iyo Ka Hortaga Musuqa oo Tababar Ku Saabsan Wacyagelin iyo Digniinaha Musuqa u Qabtay Gudiyada La Dagaalanka Musuqa ee Dhawaan Laga Abuuray Xafiisyada Heer Deegaan.
  20. Ha u Daymo La'aan Jaleecida Qabridahare Restaurant And Supermarket Adigaanba Ka Xiiso Dhacayne Magaalada Jigjiga.
  21. Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada Tulli-Guuleed Cabdi C/laahi oo Waraysi Siiyay Shabakada CakaaraNews Kana warbixiyay Heerka canshuuraaka Dakhliga.
  22. Shirkii Qiimaynta Waxqabadka 11ka Bilood ee Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta maamul magaalooyinka oo galay maalintii 2aad.
  23. Shir Lagu Qiimanayo Waxqabadkii 11ka Bilood ee Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta Ismaamul Magaalo oo Maanta Ka Furmay Hoolka Shirarka(SMCX).
  24. Waxgaradka,Odoyaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Beesha Bartire oo Tilmaamay Farqiga Jigjigadii Hore iyo Ta Maanta iyo Taageerada Maalgashiga iyo Xukuumada DDSI.
  25. Xulka Kubada Cagta Dalka Itoobiya oo Ku Durduriyay Xulka Dalka Koonfur Adrica Kagana Badisay 2-1.
  26. Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland State oo Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addisababa(Bole International Airport) Kana Soo Kicitimay Gagida Diyaaradaha Kismaayo.+(SAWIRO)
  27. Kalfadhigii 19aad ee ay Yeeshaan Golaha Fulinta Xukuumada DDSI oo Ka Dhacay Maanta Qolka Shirarka Madaxtooyada
  28. TACSI: Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Tacsi Diraya
  29. Weeraryahanka Reer Argentine Messi iyo aabihiis Jorge ayaa qarka u saaran in Loo Taxaabo Xukun Xabsi Dhan 4-sanno,kadib markii waaxda canshuuraha ee Dalka Spain ay ku eedeysay inay musuq-maasuqeen in ka badan 5-Milyan oo Doolar.
  30. JICA Waa Hay'ad Laga Leeyahay Dalka Japan oo Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ku Caawisay 7 Baabuur oo ay Ka Mid yihiin Noocyada B/buurta lagu dayactiro ceelasha Biyaha iyo Qalabkoodii(Mobile-Workshop Truck).
  31. Nin Soomaali Ah oo 3 Qof oo Soomaali ah Ku Dilay Xarun Caafimaad oo Ku Taala Magaalada St-Lous ee Gobolka Missouri Maraykanka.
  32. Ethiopia endorses Nile Basin Cooperative Framework Agreement (2)
  33. Shirkada Xaaji-Nuur Import And Export oo Xafiiska Nabadgelyada iyo Cadaalada DDSI u Soo Iibisay Noocyo Baabuur Isugu Jira Toyota Land-Crusier,Booyado iyo Ampulance.
  34. Ardayda Dugsiga Sare ee Fasalada 9aad iyo 11aad ee Magaalada Jigjiga oo Isu Abaabulay Dhiigooda In ay Ugu Deeqaan Bankiga Kaydka Dhiiga Si Bukaanka Loogu Daryeelo.
  35. Wafti balaadhan oo qurba-joog Ka Soo Jeeda Gobolka Shabeele oo uu Hogaaminayay Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed qani oo ay Maanta Si Heer Sare ah ugu Soo Dhaweeyeen Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Wiil-Waal Qaar Ka MIda Masuuliyiinta Xukuumada DDSI.
  36. munaasabad xadhiga lagaga jarayay mashaariic Dhismayaasha baraagaha biyo ururinta ah(Kaydka Biyaha) ee Degmada Gunagado oo Ka dhacday Degmada Gunagado Ee Gobolka Jarar
  37. Socdaalkii waftigii Iskudhafka ahaa iskuguna jiray heer-fadaraal iyo heer deegaan oo jawi wanaagsan ku soo gabagaboobay Ismaamulka Diredawa.
  38. Munaasabad lagu Soo Bandhigay Mashiino Cusub oo Soo Saari Doona Iodinet Cusbada La Falgasha oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Masuuliyiin Isugu Jirtay Heer Federal,Heer Deegaan iyo Hay'adaha Ka Hawlgala Gobolka Afdheer.
  39. Waftigii iskugu jiray heer fadaraal iyo heer deegaan oo saaka ka ambabaxay magaalada Harar ee deegaanka hararida oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Ismaamulka diridhaba.
  40. Xuska 7aadka Hay'adaha Garsoorka Cadaalada DDSI oo Maanta Si wayn Looga Xusay Magaalada Jigjiga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Hog,N/galyada iyo Cadaalada DDSI oo Khudbad Saraynta Sharciga ka soo Jeediyay.
  41. Munaasabad aad loosoo abaabuley oo aan lookala hadhin oo loogu dabaal dagayey sanad guuradii 22aad ee ginbod 20 ayaa kadhacdey magaalada columbus ohio.
  42. Nin Soomaali Ah Laguna Magacaabo Cabdi Xakiin Xaaji Xuseen Oo Duhurnimadii Maanta Lagu Dilay Koonfur Afrika.
  43. Wafti Balaadhan oo ay Horkacayeen Gudoomiyaha Golaha Federationka DFI oo Ka Kooban madaxda 9ka Deegaan ee DFI,Hobolada,Wariyayaasha,farshaxaniistayaasha,wariyayaasha iyo Majaajiliistayaasha ugu Caansan Itoobiya oo ayaa Si aan Caadi ahayn U Bogaadiyay Ho
  44. Arsenal oo udhaqaaqday Mario Mandzukic
  45. Ciidamada Maamulka JLS oo Gabi Ahaanba La Wareegay Gacan Ku Haynta Amaanka Magaalada Kismaayo iyo Rag La Sheegay In Ay Alshabaab Yihiin oo Gacanta Lagu Dhigay.
  46. Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Axmed Cabdi Cumar(Axmed Dhegawayne) oo Ku Geeriyooday Dalka Jarmalka.
  47. Horumarku Waa Aayaha Mustaqbalka Bulshda halkay Ganacsatada DDSI kaga Jiraan Horumrka Ka Socda Deegaanka.
  48. Dagaal Ay Ka Qayb Qaadanayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Lugta ee Maamulka Jubaland State iyo Ciidamada AMISOM ee Kenya oo Lagu Qabtay Saldhig wayn oo Ay Waayadan Alshabaab Isugu Habar-Wacatay Deganka Gelaf Tiro Alshabaab ahna Indhaha loogu Shiday iyo Qa
  49. Todobaadkan oo Ay Waji Ka Waji ku Kulmi Doonaan Wayne Rooney iyo Tababare David Moyes
  50. Qaar Ka Mida Jaaliyada DDSI ee Melbourne iyo Dr C/wali Cali Gaas oo Bogaadiyay isbedelada Horumarineed iyo Kobaca Dhaqan Dhaqaale ee ay Ku Talaabsatay Xukuumada DDSI.
  51. Wasiirka Xafiiska Cadaalada iyo Xeer-ilaalinta Guud ee DDSI oo Ka Waramay Diyaargarawga Todobaadka Cadaalada oo Laga Xusi Doono DDSI.
  52. Sanadguurada Xuska 40aad ee Maalinta Deegaanka Aduunka oo Si Balaadhan Looga Xusay Caasimada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.
  53. Welcome to Stamford-Bridge:Mourinho oo 6-sano kadib Ku Soo Rogaal Celiyay Kooxda Chelsea Una Noqday Tababare.
  54. Ogaysiis: Dhamaanba Qurbajoogta Ku Dhaqan Gobolka Ohio Xaflad Loogu Dabaaldagayo Sanguuradii 22aad ee Xuska Maalinta Ginboot oo Lagu Qaban Doono.
  55. Qurbajoogta Ka soo Jeeda Degmada Feerfeer ee Gobolka Shabeele ee Ku Dhaqan Sweden ayaa Bogaadisay Waxqabadka Xukuumada Iyo Isbedelada Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban ee Ka Taabo Galay DDSI.
  56. Summer Restaurant oo Ay Maanta Ku Wada Qadeeyeen wasiirka Jidadka,Suldan C/raxman Bade,Sheekh Muxiyadiin iYo Xaaji Maxamed Buraale.
  57. Xaaji Ramadaan Sawahji, waxa uu u dhashay Dalka Masar,Isagoona u muuqaal eg Madaxweynaha Dalka Masar Mohamed Mursi Kuna Jira Mawjado walbahaar Xambaarsan.
  58. Madaxweynaha dowlad-Goboleedka Jubaland State Sheekh Ahmed Mohamed Islam(Axmed Madoobe) oo maanta u Kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
  59. Xaflada Xidhitaanka Dufcadii 3aad ee Hogaaminta Dhexe oo Dhan 255 iyo Madaxweynaha DDSI oo Soo Xidhay
  60. Hashu Markay Halkaa Maraysay yax Lahaydaa Dibindaabyada loo Maleegayo Jubaland State Muunad Nabadeed mise Saan Saan Colaadeed.Mase u Noqon Kartaa Ifafaalo Nabadeed Baaqii Beesha Caalamka
  61. Dr Rashiid A.Wali Kasim Waa Dhakhtarka Caruurta iyo Haweenka oo Leh Khibrad Dhan 30 Sano.
  62. Kenya celebrates 50th anniversary of independence
  63. Tartanka Orodada Oregon oo uu Kenenisa Baqale Ku Guulaystay Bilada Dahabka 10,000m Mo Farahna uu Ku Guul daraystay Orodka 5,000m.
  64. Tababare Jose Mourinho oo Iska Soo Xaadiriyay Dalka Ingiriiska Hogaankana u Qaban Doona Kooxda Chelsea
  65. Gabadh Dhagool Ah Waalan oo Hadana Tuurin Dharkii Kana yaabsatay Kumanaan raga Imaaraadka Carabta ah(Maxay Tahay sababtu).
  66. Gudoomiyaha gobolka jarar oo Kormeer Ku Tagay Degmada Dh/madow Wadajirna Isaga iyo Maamulka Degmada Dh/madow u Kormeereen Mashaariicaha Horumarineed ee laga Hirgaliyay Degmada.
  67. Nin Ganacsadayaasha Soomaalida Koonfur Afrika Ah oo Si Arxan Daro ah Loogu Dilay Dhagax Isagoo Qaawan Laamiga Dhexdiisa Kuna Qaylinayay i Badbaadiyaay.
  68. Kalfadhigii 18aad ee Golaha Fulinta DDSI(Capinet) oo Maanta Lagu ansaxiyo Qodobo Muhiim Ah iyo Madaxweynaha DDSI oo Hogaaminayay.
  69. Cabdi Xiinle oo Ka Yaabay Jeebka iyo Waxbixinta Maamulada Degmooyoinka ee Dibucurashada Loogu soo Dhaadhaciyay magaalada Jigjiga Qaylo-dhaana u Diray masuuliyiintii Hore ee Degmooyinka Kale Loo Badalay.
  70. Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo Hay'ada UNICEF oo Kulan(Seminar) Ku Saabsan Gorfaynta Heerka Waxqabadka Kooxaha Caafimaadka Wareega"Mobile Health Team" ugu Qabtay Magaalada Jigjiga.
  71. KULAN WADATASHI AH OO LAGAGA ARINSANAYEY HORUMARINTA SPORTGA IYO KAALINTA AY KU LEEYIHIIN GANACSATADA DEGAANKU AYAA LAGU QABTAY MAGAALADA JIGJIGA
  72. Komishineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI oo waraysi siiyay shabakada wararka ee cakaaranews.
  73. Jaaliyada DDSI ee SAndiego oo Tacsi u Diraysa Qoyskii iyo Eheladii uu Ka Geeriyooday marxuum Cali-Aar.
  74. Cesc Fabregas oo u Hanqal Taagaya in uu Ku Biiro Kooxda Horyaalka Ingiriiska ee Manchester United.
  75. Doorka Qurbajoogta Kaga aadan Horumarka Ganacsato Qurbajoog Ka Soo Jeeda DDSI oo Raba In Ay Kaalin Mug Leh Ka Qaataan Dhismayaasha Mashaariicaha Horumarineed ee Ka Socda Dalka iyo Deegaanka DSI.
  76. Shir Lagu Dardargalinayay Isgaadhsiinta Aalada Mobile-kaIsku Xidhka Miyiga iyo MagaalooyinkaCRural Connectivity) oo Ka Dhacay Maanta Xarunta Dhexe ee XDSHSI.
  77. Xaflad Lagu Soo Xidhayay Qiimayn Saraakiil Badan Lagu Dalacsiiyay oo Maalmahan u Socotay Ciidamada GeesiyiintaLiyuuPolice oo Caawa Lau Qabtay Hoolka Shirarka ee SMCX
  78. Malabkuba Dad Buu Dacar u Dhadhamaa Caafimaad ahaana Ku Kiciyaa Xasaasiyad, Maamulka Jubaland-State oo u Guntaday Isku Duubnida Shacabweynaha Codkooda Ku Dhistay ee Dega Juba iyo Gedo iyo Dibindaabyo Wali loo Soohayo.
  79. Imtaxaanadkii Shahaadiga Heer Qaran ee Fasalka 10aad oo Ardaydu u Fadhiisatay Maanta iyo Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada DDSI oo Kormeer ku soo Maray Dugsiyada Sare.
  80. Ururka Dhailinyarada SEDYO Laanta Sweden oo Bogaadisay Xuska 22 Jirsaday ee 20ka Ginboot.
  81. Duuliye Sare Asli Xasan Nuur Cabaade(Calan Saxa) oo Hambalyaysay Xuska 22aad ee 20ka Ginboot
  82. Wafti balaadhan oo qurba joog ah kana kala socday wadamada maraykanka,yurub,imaaraadka Carabta Kenya oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international airport
  83. Xaflad Lagu Taageerayo DDSI & Xuska Sanad Guuradii 22aad 20ka Ginbood oo Ka Dhacday London
  84. Xafiiska Beeraha Xoolaha iyo Horumarinta Reer-miyiga DDSI iyo Wakaalada Dakhliga DDSI oo Munaasabda Sanad guurada 22aad ee 20ka Ginbood ku Xusay in ay Ku Beeraan Buurta Kaaramardha in ka Badan 3500 oo Geed (dhir).
  85. Xuska 22jirsaday ee 20ka Ginboot oo Maanta Guud Ahaan Dalka Gaar Ahaana DDSI Si Weyn Looga XUsay iyo Madaxweynaha DDSI oo Khudbad Taariikhi ah Ka Soo Jeediyay.
  86. Deg Deg: Suldaan C/raxmaan Bade oo Ka Soo Noqday Socdaalkii Booqashada Kuna Sugan Gurigiisa Magaalada Jigjiga.
  87. Shambal Xasan Kayd Dheeg Waa Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliska Gaarka(Liyuu-police) oo Door Biday in uu Kaalintiisa Ka Qaato Bilicda Magaalada Jigjiga.
  88. Fanaanada Caanka ah ee Hodan C/rahmaan oo Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal international airport siwayn loogu soo dhaweeyay.
  89. Xafiiska Beeraha Xoolaha iyo Horumarinta Reermiyiga DDSI oo kaashanaya Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Ciidanka Gaar ka ah ee Liyuu booliska DDSI oo talaal iyo Daawayn Dhinaca xoolaha ka wada tuulada ceelxaar ee degmada birqoda ee gobolka jarar.
  90. Inaalilaahi Wa Inaa ilayhi Raajicuun Cali Mataan Ashkir(Cali-aar) oo Ku Geeriyooday Isbitaal Ku Yaala Magaalada Addis-Ababa Caawa.
  91. Baroordiiq Loogu Baroor Diiqayay Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo Ka Dhacday Maanta Magaalada Melbourne ee Dalka Austalralia.
  92. Waxaa Maanta Kulan Balaadhan Isugu Yimid M-Jigjiga Ugaaska,Waxgaradkaiyo Qrbajoogta ka soo Jeeda Beesha Gacanwayne Kuna Muujiyay Dardargalinta Doorka Reer Yucub Kaga Aadan Horumarka,N/galyada iyo Taageerada Xukuumada DDSI.
  93. Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI Ahna Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada oo Qaabilay Maalgashadayaal Ajanabi ah oo Ay Hogaaminayeen Qubajoog u Dhalatay DDSI.
  94. Jaamac C/laahi Buulle oo maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil Waal International airport si Heer sare ah loogu soo dhaweeyay.
  95. Dhamaan 10ka Xaafadood ee Maamulka Magaalada Jijiga oo ay ka Socoto u Diyaargarow Balaadhan oo Loogu jiro xuska munaasabada 20 ka ginbood.
  96. Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Dool Garaad Xirsi oo Si Kulul Ula Hadlay Dadka Quuta Garaamada Qaxootinimada Dalalka Dibada ee Hoosaasinaya Beelaha Bartire,Abaskuul iyo Yabaree.
  97. General Maxamed-Qayo oo aanu Ka waraysanay Arimaha Nabadgelyada Deegaanka Si Xeeldheerna Uga Faalooday.
  98. Ugaas C/laahi Cabdi Aar laba-qayd oo Maanta Ka Duulay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal Airport Jigjiga.
  99. Xafiiska Beeraha Xoolaha iyo Horumarinta Reermiyiga oo shir u qabtay madax xafiiseedyada beeraha ee degmooyinka deegaanka
  100. Duufaano Xoogan oo Ku socday 200mph (320km/h oo Ka Kacay Gobolka Oklahoma ee Cariga Maraykanka Ayaa ku Dishay Dad lagu Qiyaasay 24 Ruux.