Jaaliyada DDSI ee Dalka Yemen oo Hambalyaysay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland State.

Yemen(cakaaraNews) Sabti May 18,2013.waxaa email ay ugu hambalyaynayeen Shacabka Jubooyinka iyo Gedo Doorashada Madaxweynaha Jubaland Ste iyo Madaxweyne Kuxigeenka hogaaminta Jaaliyada DDSI ee ku dhaqan Dalka Yemen.

jaaliyada ayaa ugu hambalyaysay Rabitaanka iyo Midnimada shacabweynaha Jubooyinka iyo Gedo ay ku doorteen Madaxweynaha Jubaland State Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Sh Axmada Madoobe) iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland State General Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag.

Guurtida DDSI Waqooyiga Amkerica iyo Jaaliyada ee Gobolka MN(USA)Taageero Doorashada Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland state.

Minniapolise(CakaaraNews) Jimce May 17,2013. Dhamaan Jaaliyada somalida ethiopia ee kudhaqan waqooyiga America gaar ahaan gobolka MN waxaanu soo dhawaynaynaa Doorashadii Madaxweynaha Maamulka Jubaland state Mudane Ahmed mohamed islaan (Ahmed Madoobe) waxaana u rajaynayaa inuu noqdo Masuul kasoo Baxa waajibaadka saaran kana dhabeeya himilada Shacabka iyo hirgalinta shuruucda Jubaland state,Waxaan marna la illaawi doonin hawshii adkayd ay u soo dhabar adaygeen shacabka labada jubo iyo gedo,Gudigii qabanqaabada shirka iyo Odayaashii dhaqanka ee Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,

waxaan ugu baaqaynaa inay dadaalkooda sii wadaan Cadaalad iyo isu tanaasulna ku saleeyaan dhismaha maamulka inta ka hartay islamarkaana aynan marna xagal daacinin Walaalnimada,isjacaylka iyo Midnimada ay Rabitaankooda ku muujiyeen. Jaaliyada somalida ethiopia ee kunool waqooyiga america waxay uhambalyeyneysaa soona dhaweyneynaa. codka iyo rabitaanka shacabka somaliyeed ee dariswanaaga,dhaqanka,luqada iyo walaalnimadu naga dhaxayso kuna kala duwan nahay juquraafiga ee kunool labada jubo iyo gedo oo ku midoobey jubaland state doorteyna madaxweyne ku yimid rabitaankooda oo ayna ukala hadhin ergooyinkii mudada faraha badan ku sugnaa magaalada kismanyo.

Waxaan baaq usoo jeedineynaa shacabka walaalaha somaliyeed ee kudhaqan gobolada jubooyinka iyo gedo ineyna dib ugu laabanin dhibaatoyinkii 22kii sano ee lasoo dhaafay ee Dad-Sameega ahaa,saameyey gobolada jubooyinka iyo gedo oo aan yeelanin wax maamula oo matala shacabka kasoo jeeda gobolada sadexda ah maanta ka hor oo ugacangaley dad aan kanaxeynin oo calooshood ushaqeystayaal qabqable dagaal iyo argagaxiso ahaa.

Waxaan canbareyneynaa cidwalba oo kahor imaneysa ama isku deyda iney carqaladeyso doorashadii kadhacdey jubaland state oo ahey doorasho xaq ah oo aan loo kala hadhin oo ay isuku wada raceen ergooyinkii kakalayimid 3 gobol iyo beelihii daganaa oo doortey madaxweyne ay isku waadaqsanyihiin oo kuyimid rabitaankooda una doortey madaxweyne sheekh Ahmed mohamed islaan waxaa foolxumo qaawan ah in Bilihii ugu dambeeyay ay shakhsiyaad magac beelo huwan ku mashquulsanaayeen dacaayado Raqiisa,Hanjabaad iyo Colaad Hurin iyagoona marmar DFS amar siinayayba taasoo damacoodu yahay in ay cimri dherer u helaan hantidii ay boobeen burburkii soomaaliya. Jaaliyada somalida ethiopia waxay ugu baaqayaan dawlada FS iney ilaaliso waajibaadka ka saaran midnimada somalia iyo dadka walaalaha ah ee kudhaqan wadanka somalia guud ahaan iyo gaar ahaan dadka kukalanool gobolada somalia oo ay ilaalisaa Dastuurka(Axdi Qarameedka) iyo sharciga fadaraalnino iyo rabitaanka shacabku ay kudhisanayaan maamul goboleedyadooda iyo shakhsiga ay u dooranayaan hogaaminta goboladooda si waafaqsan Axdi Qarameedka DFS uu dhigayo. Shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan ka codsanaynaa inay taageeraan Maamulka Jubaland state iyo madaxweynahooda ay kudoorteen rabitaankooda.

Waxaan madaxweynaha jubaland statena kacodsaneynaa isaga iyo maamulkiisaba iney ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka udagan wadanka somalia iyo midka jubaland state oo ay u cadaalad falaan shacabka jubaland state waxaanu kaloon Hambalyaynaynaa hadaanu nahay Jaaliyada DDSI ee Waqooyiga Ameerica Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland State General Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag.

Gudoomiyaha guurtida odayasha somalida ethiopia mudane abdi ahmed shuuriye Somali ethiopian cumunity of America

Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI iyo Generalka ugu Sareeya Ciidanka Gaarka Ah ee Liyuupolice Oo Socdaal Ka Jawaabayay Codsiyadii Shacabka Xiligii Socdaalkii Same Wade kuna Tegeen 3da Gobol(Jarar,Qoraxey iyo Doollo).

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce May 17-2013.Waxaa Socdaal Dheer oo la mataane ah Socdaalkii Madaxweynaha DDSI ku soo Maray 4ta Gobol looguna magac daray Same-wade ku tegay Gobolada kor ku xusan madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Axmed Maxamed Shukri iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Liyuupolice General C/raxmaan laba Go'le iyadoona socdaalkoodu uu jawaab u ahaa Baahiyihii degdega ahaa ee uu Madaxweynyhu ka soo balan qaaday bulshada ku dhaqan 23 Qabalee ama Tuulo oo ka mida Gobolada kor ku xusan. Socdaalkan Ayaa ay Masuuliyiintani ay Gaadhsiiyeen Shacabka ku Dhaqan Tuulooyinka ay ka mid yihiin Gobolka 1-Gurdumi,2-Dig,3-Waylo laguxidh,4-Bali sareedo,5-Farmadow,6-Miir Danbas,7-Garloogubay,8-Lahelow,9-Neef ku celiye,10-Waafdhuug,11-Garoonka,12-Laan jaleelo 13-Ceel-xaar 14-Qamuuda 15- Fooljeex,16-Bubi,17-Kudunbuur,18-Caleen,19-Laaso-caano,20-toon ceeley,21-gebo-gebo22-goodle iyo 23-Madaxmaroodi kuwaasoo dhamaantood ka tirsan Gobolada jarar,Doollo iyo Qoraxeey.

Waftigan ayaa ka jawaabay codsiyadii shacabka ku dhaqan 23kan Tuulo islamarkaana gaadhsiiyay Dawooyinka Xoolaha iyo Dadka,Talaalka Xoolaha iyo weliba 23 satelite Dish,23 Telefishan iyo 23 Generator si ay ugala socdaan barnaamijyada Horumarineed,N/galyo,hidaha iyo dhaqanka iyo Dhanka akhbaaraha wararka ee ka jira Deegaanka iyo Caalamkaba waana mid aad ku xasuusan kartaan socdaalkii sama-wade mar oday ka mida odoyaasha Garloogubay uu madaxweynaha ka codsanayay qalabkan.sidoo kale waxaa dhamaanba 23kan tuulo laga dhisay Qaab-dhismeedkii dawladeed iyadoo dhamaantood laga dhisay xafiisyadii maamulka tuulada,islamarkaana 23kan tuulo loo qoday 23 Barkadood oo ay Xukuumadu u qodayso.

Dhanka kale General C/raxmaan laba-go'le ayaa Gudoonsiiyay 23kan Tuulo Deeq Raashin dhan 1000 kiish oo sonkor ah oo ay Ciidamada Liyuupolice Mushaarkooda ugaga deeqeen Shacabka ku dhaqan tuulooyinka.

Socdaalkan ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa Tababaro iyo wacyigalin dhanka Afkaaraha Hogaamin siyaasadeed ee XDSHSI ah iyo Dhanka Horumarka iyo Adeegyada aasaasiga ahba isugu jiray,iyadoona mid kasta oo ka mida 23kan Tuulo loo tababaray 163v Qof oo ka mida dadka Tuulooyinka degan loona tababarayay tuulo kasta Maamulka,Caafimaadka Xoolaha,dadka iyo Nidaamka Kaadirnimada Xisbiga taasooy si fiican uga faaiidaysteen Sacabku waana mid sii socon doona tababarada noocan ah ee la siinayo Shacabka Tuulooyinka.

Waftiga ayaa sidoo kalana daraasaad iyo xog aruurin dhanka Horumarka ah ku soo sameeyay 23ka Tuulo iyadoona Baahiyaha aan la daboolin lagu dari doono Qorshe-miisaaniyadeedka sanadka 2006 sida uu noo sheegay madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI.

Wakaalada Dakhliga DDSI oo Shir u Qabatay Dhamaan Bangiyada iyo Xawaaladaha Deegaanka.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce May 17,2013.Wasiirka Wakaalada Dakhliga DDSI Mudane Cumar Siyaad Ibraahin iyo Kuxigeenadiisa ayaa Maanta Shir balaadhan ugu Qabtay Xafiiskiisa Dhamaanba Madaxda Bankiyada iyo Xawaaladaha Deegaanka ka jira oo damaantoodba ku soo xaadiray xafiiska iyadoona uu wasiirku kala hadlayay Arimo la xidhiidha soo xaraynta Dakhliyada Baaqiga ku ah iyo ku dhaqanka awaamiiraha Sharciga ku xusan Wargayska Afka Dawlada Federaalka Itoobiya ku hadla ee lagu xeeriyay Awoodaha Deegaanka.

Mudane Cumar Siyaad Ibraahin ayaa si xeeldheer uga faalooday dardargalinta hawaha canshuuraadka,Macaashal Macaashka,Canshuurta,Shaqada,Canshuurta Dulsaar,Daymaha iyo soo xaraynta Dakhliga loona baahan yahay in Awaamiirta Sharcigu xeerinayo ee Awoodaha Deegaanada DFI dhankaCanshuuraha ay ku dhaqmaan Bankiyada iyo Xawaaladaha.

Mar uu Bangiyada DDSI ku yaala ka hadlayay ayaa waxa uu carabaabay in Bangiyada Deegaanku ay hada ka hor soo xarayn jireen kaliya canshuurta Shaqaalaha, balse sida sharcigu yahay ay wixii hada ka danbeeya soo xarayn doonaan Canshuurta Dulsaarka (Interest 5%),Canshuurta WithHolding-Tax(2%) iyo Canshuurta Deynta(Loan 1%) taasoo wareegto uu xafiisku ku soo saari doono ayuu yidhi. Sidoo kale mar uu Wasiirku la Hadlayay Xawaaladaha Deegaanka ka jira ayaa uu carabaabay in xawaaladuhu kaliya ay soo xareeyaan canshuurta Shaqaalahooda balse ay canshuuro badan baaqi ku yihiin sida Canshuurta Macaashal macaashka sidoo kalan loogana baahan ahay Xawaaladaha in ay soo xareeyaan Sharciyada heshiiskii ay la galeen DFI si loo hubiyo Aqoonsigooda sharciyeed.

Mudane Cumar siyaad ayaa u sheegay in hada wixii ka danbeeya sida ku xusan Wargayska Negarit Gazzeta ee ay ku xusan yihiin Awoodaha Dakhliga heer Deegaan in lagu dhaqmo laga bilaabo maantana canshuuraha baaqiga ku ah ama aynan soo xarayn jirin Bankiyada iyo xaaaladuhu deg deg u soo areeyaan,taasooy madaxda Bangiyada iyo xawaaladuhuba Aqbaleen soona dhaweeyaan Sharciga Canshuuraadka DDSI.

Wafti xukuumada ah oo uu Hogaaminayo Madaxweyaha DDSI ayaa DFI hor Dhigay

Addis-Ababa(CakaaraNews) Khamiis May 16,2013.;waxaa magaalada addis ababa tegay wafti uu madaxweynaha ddsi mudane cabdi maxamuud cumar oo ka qaybgalay shir lagaga wada hadlayay Arimaha la xidhiidha horumarka iyo kobaca dhaqaale ee DFi siiba Horumarinta Jidadka iyo sidii loo balaadhi lahaa shirkada Dhismaha Jidadka DDSI. Dhanka Xukuumada DDSI ayaa hordhigtay Dalada Dawlada Federaalka Qorshaha wakaalada Dhismaha Jidadka DDSI oo ka koobnaa qaybo aad u balaadhan oo ay ka mid yihiin Qalab la soo iibinayo iyo Mashaariico si ay shirkada dhismaha jiadka DDSI durba u gudagasho hawlka deegaanka dhanka jidadka,qalabkaas oo ku kacaya iibkiisu aduun lacageed oo kor u dhaafaya 500 milyan (shan Boqol oo Milyan Birr) sida aanu ka xqiijinay xukuumada.

Xukuumada DDSI ayaa ku guulaysatay in laga aqbalo Dhamaanba Qorshayashii ay Hordhigtay Dalada DFI ee Dhanka Horumarka,islamarkaana isbedelada Horumarineed iyo Qorshayaasha la dagaalanka Saboolnimada iyo Kobaca Dhaqaale ee Xukuumada DDSI taabogalisay lagu amaanay.

wixii ka soo kordha shirka Horumarka ee ka socda Addis ababa ee Dalada DFI waanu idinla soo socodsiin doonaa.

Madaxweynaha DDSI oo Hambalyo iyo Bogaadin u Diray Madaxweynaha Jubaland State iyo Shacabweynaha Muujiyay Midnimadooda.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis May 16,2013.madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamuud Cumar ayaa Bogaadiyay sida Midnimada iyo isjacaylka Walaalnimo leh ee ay Shacabweynaha reer Jubaland iyo Gedo ugu muujiyeen Codkooda iyo Rabitaankooda Doorashadii shalay dhacday kuna doorteen Madaxweynaha Dastuuriga ah Mudane Sheekh Axmed Maxamed islaan (Sheekh Axmed Shaboobe).

Madaxweynaha DDSI ayaa ku booriyay Madaxweynaha Jubaland in uu shacabkiisa ku hago nidaam maamul Cadaaladeed xaqsoora oo u horseeda shacabweynaha Jubaland state Midnimo,Horumar.isjacayl walaalnimo,Iskaashi,N/galyo iyo Kobac dhaqan dhaqaale oo ay ku hilmaamaan Diiftii ay mudooyinka badan ku soo jireen,sidoo kalana sii laban laabo halgankii loogu jiray ka Tirtirida Alshabaab dhamaanba Jubooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha ayaa mar labaad hambalyeeyay Natiijadii Doorahada Madaxweynaha ee ay Shacabweynaha Jubooyinka iyo Gedo ku muujiyeen Codkooda Doorashada Madaxweynaha Jubaland State,islamarkaana kula dardaarmay Jubaland State in ay Guntiga Dhiisha iskaga dhigaan dhamaystirka hawlaha qabyada ah.

More Articles...

  1. Suldaan C/raxmaan Bade Wuu Taabagalay Isbedel Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban oo Dhaxal-gal ah Mudadii Yarayd ee Madaxweyne CMC Talada Wadanka Hayay Bogaadiyayna.
  2. Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood iyo Guurtidiisa oo Maanta Qabtay Shir Saxaafadeed Ay Ku Taageerayaan Doorashada Madaxweynaha Jubaland State
  3. War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Jubaland State oo Loo Doortay Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed MadoobE)
  4. Shir Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen G/Fulinta iyo Golaha Dhexe ee SEDYO oo Lagu Doortay Xubno.
  5. Qiimaynta Waxqabadka 6da Bilood ee Mashruuca PSNP oo Maanta ka Bilaabmatay Magaalada Jigjiga.
  6. Safaarada DFI ee Dalka Sweden oo Martiqaad uFidisay Ururka Dhalinyarada DDSI Faraca SEDYO-SWEDEN.
  7. Dufcadii 3aad ee Tababarada Hogaaminta Dhexe oo Maanta Ka Furmay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr C/Majiid Xuseen.
  8. Tababar Kor Loogu Qaadayo Erey Bixinta iyo Curinta Afka Soomaaliga oo lagu Qabtay Magaalada Jigjiga
  9. Wasiirkii Dakhliga DFI Melaku Fanta iyo 12 Kale oo Lagu eedeeyay Musuq Loona Taxaabay Xabsiga Kana Mid Yahay Kuxigeenkii Dakhliga Gabre-waaxid.
  10. Gudiga Fulinta Ururka EPRDF oo Isugu Imanaya Shirkoodii Caadiga Ahaa Sabtida.
  11. Shir Balaadhan oo Dib Loogu Habeeyay Qaabdhismeedka Ururka Haweenka DDSI ee Uk Laguna Dardargalinayay Waxqabadkooda Ayaa Ka Dhacay Gudaha Safaarada DFI ku Leedahay London(Uk).
  12. Deg Deg: Shil Baabuur oo ay Ku Nafwaayeen 15 Qof Kana Dhacay Meer-Meertada Buuraha Dhagaxle.
  13. Boardiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa warsaxaafadeed Ku shaaciyay In Aqlabiyada Doorashadii Dhacday uu Si Buuxda Ugu Guulaystay Ururka EPRDF iyo Bahwadaagtiisu.
  14. Mancini : Sharaf ayey ii tahay in aan Sir Alex Ferguson la tartamay oo aan waliba ku garacay Old Trafford.
  15. Waxaa Maanta Uga Furmay Hoolka Shirarka Xafiiska Haweenka 7 Dugsi oo Isugu Jira Sare iyo Dhexe Tartanka Kadiska Waxbarashada iyo Aqoonta.
  16. Magaalada Kismaayo oo Qabanqaabo Xoogan Loogu Jiro Doorashada Madaxweynaha Jubaland State iyo Wafdi ka socdaUrur-Goboleedka IGAD oo Maanta Ka Degay Kismaayo.
  17. Shir Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen Shalay Ururka Dhalinyarada UK oo Qodobo Badan Lagaga Wada Hadlay.
  18. Ololaha Talaalka Xoolaha iyo Daawayntooda oo ay Wadajir Ugawadaan Dhamaan Tuulooyinka Hoos Yimaada Maamulka Degmada Gunagado Xirfadlayaasha Caafimadka Xoolaha ee Xafiiska Beeraha DDSI iyo Ciidanka Liyuupolice.
  19. OGAYSIIS: Dhamaan Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee SEDYO Ka Soo Qaybgal Shir Muhiim Ah.
  20. Waxaa Maanta Lagu Maamuusay Magaalada Jigjiga Xuska Maalinta Laanqayrta/Bisha Cas ee Heer Caalami.
  21. Kulan balaadhan oo Lagu Dardar-Galinayay Udub-dhexaadka Isbedelada Horumarka iyo maamul-Suuban ee Dawlada oo Ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka.
  22. Bulshoweynta Ku Dhaqan Degmada Raaso oo Bogaadiyay Adeeg-bixinta Tayada caafimaad ee Ay ka Helaan Xarunta Caafimaad ee Laga Dhisay Magaalada Raaso.
  23. Dhamaan Qurbajoogta:-Xafiiska Wakaalada Qurbajoogta DDSI oo Lagala Xidhiidhi Karo Kana Heli Karto Macluumaadka Aad u Baahan Tahay.
  24. Munaasabad Xadhiga lagaga jarayay Seylada Xoolaha Hargeele oo Ay u Riyaaqeen Ganacsatada iyo Shacabka Maamul-Goboleedka G/Afdheer.
  25. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood ee Xafiisyada Caafimaadka DDSI oo Lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Jigjiga.
  26. President Abdi Mahamud Cumar: A leader who has transformed the Somali Region of Ethiopia:
  27. Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDSI oo Loo Magacaabay Caynsane Sheekh Maxamed,Halka Kuxigeenka Komishinka Booliska DDSI loo Magacaabay General Maxamed Qayo.
  28. War Deg Deg Ah:-Shiftay Budhcad C/xakiin Yulyul oo Indhaha ay u Shideen Maleeshiyada Degmada Yoocaale.
  29. Ciidmada Liyuu Booliska oo dawayn iyo taakulan dhinaca dadka ah ka wada Tuulada Hara-digeed ee Degmada Aware.
  30. Dacdaradii Shalay Ka Muuqatay Heerka Waxbarasho ee Deegaanka iyo Fursadaha Waxbarasho La Helay Guri Ilaa Guri ee Ka Taabo Gashay DDSI kala Fiican.
  31. Shir aad u Balaadhan oo Ay Soo Agaasimeen Qurbajoogta DDSI ee Magaalada Birmingham Uk Kana Qayb Galeen Safaarada DFI iyo Maamulka Jaaliyada Uk oo Guul iyo Jawi Haboon Lagu soo Gunaanaday.
  32. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood ee Hay'adaha Nabadgalyada oo Ka Bilaabantay Jigjiga.
  33. Adeeg-bixinta Isbitaalka Caafimaadka Magaalada Awaare oo ay Shacabku u Riyaaqeen Tayada Adeeg-bixintiisa
  34. Mayorka Maamulka Magaalada Qabridahar oo Qeexay in Kor u Qaadida Bilicada Magaalada Qabridahar Xawali Ku Socoto.
  35. Madaxweynaha DDSI Oo Saaka Kula Kulmay Xafiiskiisa Abwaaniin Gudoonsiiyayna Hadiyado.
  36. 16 Sano Ka Dib Kooxda Dortmund Ayaa Iska Xaadirisay Ciyaarta Finalka Koobka Horyaalka Yurub Ka Dib Markay Real Madrid Ku Dur-Durisay Walow Ay Wadnaha Farta Ku Haysay.
  37. Odayaal-dhaqameedka iyo maamulka degmada xarshin oo tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, qaraabadii,Xuk-DDSI iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed ee uu ka tagay Qaryaan abwaan c/laahi macalin doodaan.
  38. Qurbajoogta DDSI ee Norway oo Shir balaadhan Layeeshay Wakiilada DFI ee Wadamada Scandanivianka
  39. Shir Ay Jaaliyada DDSI ee Gobolka California(M-Sandiego) iyo Jaaliyadaha Qowmiyadaha kale Isugu Yimaadeen oo Lacag aan La Cayimin Loo Aruuriyay Biyo-xidheenka Abbay.
  40. Wafti ka socday soomaliland oo ka soo qayb-galay aaskii-Qaran ee Marxuun Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo maanta kulan saacada badan qaatay la yeesheen madaxwaynah DDSI.
  41. Abla-ablaynta Xaalada Deegaanka Somalida Itoobiya kaaf iyo kala dheeri maxaa kala haysta dadkan.
  42. Jaaliyada DDSI ee Dalka Qatar oo Tacsi u Diraysa Qoyskii iyo Eheladii Marxuum Qaryaan C/laahi Macalin dhoodaan.
  43. Waxaa Galabta Si Heer Qaran ah loogu Aasay Magaalada Jigjiga Qaryaan C/lahi Macalin Dhoodaan(Geeri Arooskeed)
  44. Geeri Arooskeed iyo 10ka Galabnimo oo Si Heer Qaran Loogu aasi Doono Qaryaan Dhoodaan Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga.
  45. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Cariga Ingiriiska(UK) oo Tacsi u Diraysa Xukuumada DDSi,Shacabka DDSI,Qoyskii iyo Ehelkii Marxuum Xaaji C/laahi Macalin Dhoodaan.
  46. Komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa DDSI oo tababar u qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyada heer-deegaan.
  47. Jaaliyada DDSI ee Magaalda PERTH-Australia oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraysa Xukuumada DDSI,Qoyskii,Caruurtii,Ehelkii iyo Dhamaanba Shacabweynaha DDSI.
  48. TACSI:-Qunsulka DFI,Jaaliyadaha DDSI ee Minniapolise,Seattle,Los-angeles,Sandiego-California iyo dhamaanba Qurbajoogta DDSI ee Cariga Maraykanka oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  49. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Dalka Yemen oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  50. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Dalka Jabuuti oo Tacsi Diraya.
  51. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Melbourne oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  52. TACSI:Ilaahay Samir iyo iimaan Ha Inaga Siiyo Marxuum Abwaan Cabdulaahi Macali (Dhoodaan)
  53. Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh Abwaan Abdulahi Macalin(Dhoodaan) oo ku Geeriyooday Diredawa.
  54. Jaaliyadda DDSI ee Dalka Qatar ayaa maanta ka qayb gashay Munaasabad Dalka Qatar Dib Looga Furayay Safaarada DFI ay Ku Lahayd Oo Waayadanba Diyaargarow Baladhan Loogu Jiray Furitaankeeda.
  55. Wadada Isku Xdha Fiiq iyo Qubbi oo Dhamaatay iyo Maamulka Gobolka Nogob oo Booqasho Ku Tegay Degmada Qubbi.
  56. Messi Guul-daradii ugu Xumayd ayaa Xalay Naga Soo Gaadhay Ciyaartii Kooxda Bayern-Munich.Xidiga aduunka Lionel Messi ayaa walaac ka muujiyay natiijadii
  57. Ciyaartii Semi-Finalka Lugta 1aad ee Horyaalada Yurub oo Ay Bayern-Munich Bog u Cusub u Furtay Kooxda Barcelona 4-0.
  58. Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Loo Magacaabay Aamina Jawaahir Maxamed oo Ka Soo Jeeda Somalida Waqoyi-Bari(Gaarisa).
  59. Wafti Qurbajoog ah oo Ay Hogaaminayeen Wasiiro oo Booqday Isbitaalka iyo Dugsiga Sare ee Magaalada Dh/buur Dhagaxii Ugu Horeeyayna Dhigay Dhismaha Dugsi Sare iyo Library.
  60. Qiimaynta Waxqabadka Hay'adaha Adeeg-bixinta Heer Federal oo Maanta Ka Dhacday Hoolka Shirarka ee Xarunta Dhexe ee XDSHSI.
  61. Golaha Gudiga Fulinta Jaaliyada DDSI ee UK oo Ansixiyey Qorshayaasha Waxqabadka Jaliyada iyo Xeer-Nidaam.
  62. Wafti Qurbajoog Ah oo Ay HogaaminayeenQaar ka Mida Masuuliyiinta Xukuumada DDSI oo Maanta Si Weyn Loogu soo Dhaweeyay Degmada Dh/buur.
  63. Ka Faaiideysiga Xoolaha Deegaanka iyo Tayaynta Caafimaadka Waxsoosaarkooda.
  64. HOGAAMIN UBO OO GACANTA LAGU DHIGAY IYO FILIN CUSUB iyo TUULADA AABAHAY GABLAN
  65. Maalgashiga Qurbajoogtu Wuu Tisqaaday Shirkada Blue-Nile oo Balaadhisay Waxqabadkeeda Kuna Soo Biirisay Transportation.
  66. Wafti Qurbajoog Ah oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Wakaalda Qurbajoogta DDSI oo Booqday Jaamacada Jigjiga.
  67. Iskaashatada Suuq-gaynta Xoolaha oo Laga Furay Magaalada Qabridahare.
  68. Ogaysiis:-Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo La Balaadhiyay Kuna Wareegaya Dhisme Cusub.
  69. Faaqidaada Ciyaaraha:-Warbixin 10-Xaqiiqood oo Lagu Saadaalin Karo 4ta Kooxood ee Isugu Soo Hadhay UEFA-Champions League
  70. Kulan ay Isugu Yimaadeen Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Nogob oo Ka dhacay Sydney.
  71. Kulan Lagaga wadatashanayay Kor u Qaadida Bilicda Magaalooyinka iyo Doorka Ganacsatada oo Maanta Ka Dhacay Hoolka Shirarka(SMCX)
  72. Tababar La Xidhiidha Maaraynta Maaliyada oo Shaqaalaha 10 Ka Mida Xafiisyada Horumarinta DDSI Loo Qabtay.
  73. Tartanka Kubada Cagta Xulalka 9ka Degmo ee Gobolka Shabeele oo Ay Finalkii Isugu Soo Baxeen Xulka Degmooyinka Ceelwayne iyo Godey.
  74. War Deg-Deg Ah:-Hantidii UBBO Cobale Ka Dhacday(2bo Dhashiike),Muxumed ANNI oo LagaDhex Baadhayo Hogaamin Indhaha loo Shiday iyo 4 God oo La Helay.
  75. Madaxwaynahya DDSI oo Caawa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI Gaar ahaan Gobolka Sitti.
  76. Shaqo-abuurida Qorshayaasha Xukuumada Dhanka Haweenka oo 104 Dumar Gobalka Shabeele Tababar uga Socdo Kuliyada Farsamada iyo Xirfaaha DDSI.
  77. Waxaa Saaka loo Dareeray Cod-Bixinta Doorashada Baarlamaanka Degmooyinka,Maamulada Magaalooyinka iyo Tuulooyinka DDSI.
  78. Munaasabada iyo Tahniyada Meherka Caruus Cabdi-Shukri C/Lahi Cumar(Silen-Cry) oo Si Qurux Badan Uga Dhacay Magaalada Jigjiga.
  79. Tacsi:Tacsi loo Dirayo Qoyskii iyo Eheladii Marxuum aadan Cismaan(Aadan Waris).
  80. Wasiirka Wakaalada Qurbajoogta oo Garoonka Wiilwaal Ku soo Dhaweeyay Wafti Qurbajoog Ka Soo Jeeda Ma'ayso oo Ka Timid Maraykanka Kana kooban 8 Qof.
  81. Codbixinta Doorashooyinka Heer-Degmo,Magaalo iyo Tuulo oo Loo Dareeri Doono Subaxnimada Axada.
  82. Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadkii 9ka Bilood ee Degmooyinka Gobolka Shabeele oo Ku Soo Gabagaboobay Magaalada Godey.
  83. Gudoomiyaha Gobolka Nogob oo Waraysi Dheeli Tiran Siiyay Shabakada CakaaraNews.
  84. Halgankii Sheekh Axmed-Madoobe uu ku burburiyay Xoogii Al-Shabaab Waa Mid Taageero Mudan.
  85. Shir ay isugu Yimaadeen Xafiiska Ka Hortaga iyo u Diyaargarawga Masiibooyinka DDSI iyo Xafiisyada Bah-wadaagta la ah oo Lagu soo Saaray Qorshe-Tuse.
  86. Waxaa Maanta Si Aan Caadi Ahayn(Heer Sare) Loogu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal International Asli Xasan iyo Qurbajog Reer-Sweden Ah
  87. Inaalilaahi Wa Inaa eleyhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh:Aadan Waris Oo Ku Geeriyooday Jigjiga.
  88. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bileed ee Gobalka Qoraxay oo Lagu Soo Gabagabeeyay Degmada Shilaabo.
  89. Gudoomiyaha Degmada Mersin oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Sanadkan.
  90. Tartanka Kubada Cagta 6da Xaafadood ee Maamulka Magaalada qabridahar oo Soo Gabagabooyay Kuna Guulaysatay Xaafada 6aad.
  91. Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadkii 9kii Bilood ee ismaamulka magaalada jijiga oo la soo xidhay.
  92. Ra'iisal Wasaaraha DFS oo kulamo is daba joog ah madax sare sare kula yeeshay Addis Ababa *
  93. Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDSI oo Kormeer Hawleed Iyo Badhi-gantaalid Hawlaha Dibu-dejinta Gobolka Afdheer Ku Tegay.
  94. Casha-Sharaftii Xukuumada DDSI iyo Waftiga Soomaaliya Oo Si Habsami Leh Uga Qabsoomatay Rassind-Blue Hotel.
  95. Jaaliyada Melbourne oo Soo Dhawaysay Aas-aasida Meles-Foundation Board iyo Ka Mid Noqoshada Madaxweynaha DDSI.
  96. Casho-Sharaf Sal Balaadhan oo Ay Madaxda Xukuumada DDSI iyo Waftiga Raysalwasaaraha DFS Ay Caawa ku Yeelan Doonaan Hotel rassind-blue.
  97. Deg-Deg: Madaxweynaha DDSI iyo Raysalwasaaraha DFS oo Kulan ku dhexmaray Sheraton Hotel Lagagana Wada Hadlay Arimaha Kismaayo.
  98. GABADHII UGU HORAYSAY AFRIKA EE PILOT NOQOTAY ASLI XASAN CABAADE OO KU SOO FOOL LEH DALKA ITOOBIYA.
  99. Raysal-wasaaraha DFI,Madaxweynaha DDSI iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo Maanta La Kulmay Waftiga Somaliya ee uu Hogaaminayay Raysalwasaare Saacid.
  100. Meles-Foundation oo La Doortay 13 Xubnood oo Ah Hogaminta Boardiga Kana Mid Yahay Madaxweynaha DDSI iyo Dalal Lacag Ku Biiriyay.