Magaalada Kismaayo oo Qabanqaabo Xoogan Loogu Jiro Doorashada Madaxweynaha Jubaland State iyo Wafdi ka socdaUrur-Goboleedka IGAD oo Maanta Ka Degay Kismaayo.

Kismaayo(CakaaraNews) Khamiis May 09,2013. Sida warku nagu soo gaadhay Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa aad looga dareemayaa qaban-qaabo aad u xoogan oo loogu jiro doorashada Madaxweynaha Jubaland State ay yeelan doonto,islamarkaana gudiga doorashada iyo ergooyinkuba ay isku diyaarinayaan howlaha horyaala ee dhameystirka Maamulka Jubaland State iyo Madaxweyne Rasmi ah oo ay yeeshaan. Dhanka kale wafdi ka socda urur-Gobaleedka IGAD ayaa soo gaadhay Magaalada Kismaayo, iyagoona islamarkiiba kulumo la qaatay Odeyaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Kismaayo Goobta Shirweynuhu ka socday ee Jaamacada iyo kuwa ku sugan Garoonka Diyaaradaha ah ee loo soo xulay Ergooyinka Doorashada Madaxweynaha,

Wafdigan ka socday Urur-goboleedka IGAD ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin Xubnahii horey dhanka farsamada ka taageeri jiray Shirka Maamul usameynta Gobalada Jubboyinka. Warar kale oo aynan shabakada xogogaalonline wali xaqiijin ayaa sheegayaan in la soo diyaariyay sanaadiiqdi codbixinta doorashada madaxweynaha jubaland-state.Sidoo kale wafdigan ayaan la ogeyn inuu yahay Wafdigi xaqiiqa raadinta, Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ay u yimaadeen dhameystirka Maamulka.Shirka Maamul usamaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa Maalmahan hakad ku jiray walow ay Hada dib u soo baxeen ifafafaalooyin muujinaya Dhaqdhaqaqa Doorashada Madaxweynha iyo dhamaystirka maamulka jubaland state

Waxii ka soo kordha kala soco Cakaaranews.com

Shir Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen Shalay Ururka Dhalinyarada UK oo Qodobo Badan Lagaga Wada Hadlay.

London(CakaaraNews) Khamiis May 09,2013.waxaa maalintii shalay ahaa ka dhacay magaalada london ee cariga ingiriiska shir aad muhiim ugu ahaa Ururka dhalinyarada DDSI ee UK loona yaqaan Yes.Diaspora.Uk,iyadoona ujeedada shirku ahaa sidii loo dardargalin lahaa waxqabadka iyo xidhiidhka Ururka Dhalinyarada DDSI ee UK Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suubana Qayb libaax leh uga qaadan lahaayeen.

Guud ahaan Ajandayaashii Shirka lagu Gorfeeyay ayaa ay ka mid ahaayeen Qodobadan hoos ku Xusan:- 1.Sidii loo dardar-galin lahaa Waxqabadka Ururka Dhalinyarada Uk loona Balaadhin lahaa Qaab-dhismeedkooda. 2.Dhameystirka maamulka Hogaaminta Ururka Dhalinyarada. 3.sameynta iyo Hindisaha Mashaariic Horumar Waxtar leh iyo Wada shaqaynta Ururka Samafalka Caalamiga ah ee Silent-Cry. 4.in loo howl galo sidii Dhalinyarada ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan wadamada eruopea oo dhan loo mideyn lahaa. Qodobadan iyo kuwo kalaba ayaa si xeeldheer la isula wada gorfeeyay iyadoona la isku waafaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo gudagalo dardargalinta waxqabadka Ururka Dhalinyarada,Dadaalada ka qaybqaadashada Horumarka iyo joogtaynta xidhiidhka ururka samafalka silent-cry.

Dhanka kale waxaa lagu doortay Dhamaystirka Hogaaminta Ururka Dhalinyarada DDSI ee UK oo lagu daray 3 Gabdhood taasoo ka dhigaysa in hogaaminta Ururku ka kooban tahay 9 Qof oo ah sidan:-

1. Maxamed c/qadir-----------------Gudomiye.

2. Najiib maxamed ali----------Gud. kuxigeen

3.c/aqaadir hube ----------------dhaqale

4.c/risaq x adan muse-----------------xoghaye

5. maxamuud c/raxman --------public relation

6. c/laahi sh shire ---------------------Afhayeen

7.Nimco badal------------------

8.maryan maxamed kubra

9. deeqa maxamud

waxaa kale oo la dhameys tiray gudiga fulinta ee ururka oo ka kooban 18 qof taas loo laga rajeynayo in ey howshooda gutaan insaha alaah,ban ee ka taabo galay DDSI.

ugu danbayntii ayaa la soo jeediyay dardaaran,balanqaad iyo balan danbe oo shir guud la isugu iman doono dhawaan. iyadoona la gudagali doono Qabanqaabada Riwaayad muujinaysa Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Su waxaa kaloo inshalaah la diyaarin doona riwaayad ku saabsan hormarka iyo nabada. gaba gabadii waxaan rajeynanaa in la isigu iman doona shir guud wakhiga soo socda insha alaa. 

Ololaha Talaalka Xoolaha iyo Daawayntooda oo ay Wadajir Ugawadaan Dhamaan Tuulooyinka Hoos Yimaada Maamulka Degmada Gunagado Xirfadlayaasha Caafimadka Xoolaha ee Xafiiska Beeraha DDSI iyo Ciidanka Liyuupolice.

Farmadow(CakaaraNews) Khamiis may 07,2013.Olole balaadhan oo ah talaalka xoolaha iyo dawayntooda ayaa ay si wadajir ah uga wadaan Dhamaanba Tuulooyinka Hoos yimaada Maamulka Degmada Gunagado Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha ee xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI iyo xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha ee ciidamada gaarka ah ee liyuu booliska DDSI.

Hadaba mar uu wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews socdaal shaqo ku tagay tuulada Farmadow ee hoos tagta Maamulka Degmada Gunagado ayaa waxa uu halkaas kula kulmay hawlgal adag oo xoolaha lagu talaalayay laguna dawaynayay,islamarkaana ay bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool agagaarka deegaanadaas ay Xoolahooda u keensanayeen in loo talaalo loona daweeyo iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada ay xukuumadu ku daryeelayso xoolahooda looguna keenay Deegaankoodii. wariyaha ayaa Goobta ay Shaqadu ka socotay kula kulmay Qaar ka mida xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha ee isugu jiray Xafiiska Beeraha DDSI iyo Ciidanka Liyuupolice xiligaas oo ay Tulada Farmadow ay Xoolahooda siinayeen Adeega Talaalka iyo dawaynta,iyagoona u sheegay wariyaha in ka sakow Qorshayaasha Xukuumada ee ay xili kasta Xoolaha Deegaanka kula soconayaan Talaalkooda iyo Dawayntooodaba in ay Ciidanka Liyuupolice dhankiisa ay Xirfadlayaashooda caafimaadka xoolaha ay Qaybwayn ka Qaataan Adeegyada Xoolaha Deegaanka si wadajir ahna ay u wada fuliyaan barnaamijkan iyadoona ay talaal noocan oo kale ah ay wadajir uga soo fuliyeen Tuulooyinka Gabo gabo, Wartagaadsan, Bali-sareedo iyo iskudhoonlay,siina wadayaan talaalka iyo daweaynta Xoolaha ayay yidhaahdeen.

Dr Xamdi Aadan oo ka mid ah dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga oo ah dhakhaatiirta hirgalinaysa Barnaamijka Ololaha Talaalka iyo daawaynta xoolaha ee Degmada Gunagado oo isana wariyuhu la kulmay isaga oo jooga tuulada farmadow oo ahayd goobta ay wakhtigaasi shaqadu ka socotay ayaa u sheegay wariyaha in ay wadaan ololahan balaadhan ka hirgalinayaan guud ahaanba gobolka Jarar wuxuuna sheegay in ay ugu horayntii ka soo bilaabeen talaalkaasi tuulooyinka hoos yimaada degmada Gunagado ayna sii wadi doonaan talaalka gaadhsiin doonaana dhamaanba degmooyinka hoos yimaada gobolka Jarar, anaga oo kaashanayna ayuu yidhi doctorku xirfadlayaasha ciidanka gaar ka ah ee LB waxaana noo qorshaysan ayuu yidhi docdorku in aan talaalno in ka badan 20 kun oo neef iyo 30 kun oo neef oo aan waawayno taasi oo aan ka daawayn doono ayuu yidhi cudurada kala duwan ee ku dhaca xoolaha deegaanka,

Isku soo wada Soohoo talaabadan Daryeelka Xoolaha Deegaanka ah ayaa waxay kuu muujinaysaa in Ciidamada Gesiyiinta Liyuupolice in ay Hirgalinta Qorshayaasha Horumarineed Qayb libaax ku leeyihiin oo ay Bulshada ka caawinayaan Dawaynta Xoolaha,Gargaarada kale iyo Hadba ka jawaabida Baahida Shacabka.

OGAYSIIS: Dhamaan Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee SEDYO Ka Soo Qaybgal Shir Muhiim Ah.

Minniapolise(CakaaraNews) Arbaco May 08,2013.Dhamaan masuuliyiinta ururka sedyo gudi fulin iyo golaha dhexe ee Ururka waxaa lala socodsiinayaa iney kasoo qayb galaan shir lagaga Wada hadli doono dardargalinata ururka wax qabadkiisa laguna Qiimaynayo Waxqabadkii Ururlka sadaxdii bilood Ee ina soo dhaftay sidoo kalana diirada lagu saari doono Ka Midhodhalinta hadafka ururku hiigsanayo Dhinacyada ka Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Wacyigalinta Qurbajoogta Daafaha Dunida ku baahsan.

Hadaba waxaa mar labaad lagu wargalinayaa Dhamaanba Xubnaha Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Ururka Dhalinyarada SEDYO ka soo qaybgalka Shirkan Muhiimka ah,islamarkaana ilaaliyaan saacada shirka iyadoona Xiliga Shirku dhacayo,Goobta uu ka dhacayo iyo Saacadaba ay ku Xusan yihiin Hoos.

Gobtu waa adresska 10th franklin ave south

Maalinta waa sabti 05-11- 2013

Saacadu 2:00pm

Afhayeenka sedyo (shaalaqe Aabi)

Waxaa Maanta Lagu Maamuusay Magaalada Jigjiga Xuska Maalinta Laanqayrta/Bisha Cas ee Heer Caalami.

Jigjiga(cakaaraNews) Arbaco May 08,2013.waxaa maanta si heer sare ah loogu xusay Xarunta laanqayrta cas ee magaalada Jigjiga Munaasabada heer caalami ee ururka laanqayrta cas ee itoobiya laanta jigjiga,iyadoona ay xuskan ka soo qaybgaleen ururada kala duwan ee bulshada iyo madaxda Boardiga ururka laanqayrta/bisha cas ee magaalada jigjiga,iyadoona uu munaasabadan uu furay gudoomiyaha gudiga boardiga mudane siciid maxamed ugana mahadceliyay sida wanaagsan ee looga soo qaybgalay munaasabada xuska caalamiga ah,islamarkaana ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray ururku tan iyo markii la aasaasay,heerka uu ka ,arayo maanta Dunida iyo waxqabadka laanta jigjiga dhinacyada badbaadada bulshada,wacyigalinta,ixtitaamka xiqiiqda shaqsuga iyo gargaarka uu fidiyaba ururku.

Mudane Siciid ayaa intaa ku daray sharax Guud oo uu ka bixiyay Mabaadiida loo aasaasay Ururka laanqayrta Cas-Bisha ee Aduunka iyo xiligii la aasaasayba yidhina Ururka laanqayrta/bisha cas ee Aduunkawaxaa la aasaasay sanadkii 1863dii iyadoona ururka laanqayrta/bisha cas ee Itoobiyana la aasaasay 1934 halka Deegaanka soomaalida itoobiyana laga aasaasay sanadkii 1977dii ayuu yidhi Madaxa Gudiga Boardigu,isagoo sii watay hadalkiisiina ku daray in ay mabaadiida iyo xeerka Ururka laanqayrta/bisha cas ee Dunidu ka kooban yahay 7 Qodob oo ay ka mid yihiin 1-Insaanimo ama Binuaadanimo 2-eex-la'aan 3-Adeeg Mutadawacnimo 4-Dhexdhexaad 5-Madax-Banaani 6-Midnimo iyo 7-iyo Adeegyada Xaqdhawrka Caalami ee Bulshada loo Qabto.

Dhanka kale waxaa isaguna ka hadlay Xoghayaha Boardiga ururka Laanqayrta/bisha Cas ee Laanta Jigjiga Mudane Dayib Muxumed Jaamac wuxuuna tibaaxay in Ururku uu magaalada Jigjiga ka qabto hawlaha la xidhiidha gargaarka la xidhiidha Dhalaanka iyo Hooyada oo ay 24ka Saac siiyaan Adeega Ampulance oo saacad kasta telefoon lagula soo hadlo ulana cararta hadba meesha Dhakhtar ugu dhaw iyo Kaydka Dhiiga oo lagu caawiyo Bukaanka.sidoo kalana Ururku wuxuu ka shaqeeyaa Baafinta iyo isku keenida Dadyawga kala lumay iyo Gargaarada Degdega ah oo dhan.

Mudane dayib ayaa waxa uu intaa ku daray in Hawlwadeenada,Shaqaalaha Ururka ay Xubno ka yihiin Muwaadiniinta Deegaanka iyo Ururada Bulshada Deegaanka,islamarkaana ay Guud ahaanba wada Shaqayn iyo Xidhiidh Shaqo oo toos ah ka Dhaxayso.

Kulan balaadhan oo Lagu Dardar-Galinayay Udub-dhexaadka Isbedelada Horumarka iyo maamul-Suuban ee Dawlada oo Ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka.

Jigjiga(cakaaraNews) talaado may 06,2013.Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka caruunta iyo dhalinyara kana soo qayb galeen Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirada arimaha haweenka marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe, madaxa arimaha siyaasada ee xafiiska golaha dhexe ee XDSHSI mudane suleyman Ahmed Xassan iyo 150 arday oo iskugu jira arday ka kala socotay jaamacada jigjiga, 6da kuliyadood ee ka jira deegaanka dugsiyada sare ee magaalada jijiga, dalada dhalinyarada ee ismaamulka magaalada jigjiga iyo waliba dugsiga hoyga agoonta ee magaalada jigjiga ayaa ka dhacay maanta hoolka shirarka ee xafiiska haweenka.

Wariyaha cakaara oo ka qaybgalay kulankan ayaa noo soo tebiyay in ay ujeedadiisu ahayd sidii ardayda iyo Cududa Dihin ee dhalinyarada Deegaanka loogu dar-dargalin lahaa xoojinta iyo tayaynta waxbarashada,ka qaybqaadashada horumarka iyo u diyaar garowga xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha DFI oo lagu Qaban Doono Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga.

Shirkan gogolxaadhka ah ayaa waxaa ugu horayntii ka hadashay wasiirada arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada marwo Raxma suldaan maxamuud haybe waxayna wasiiradu si qoto-dheer uga hadashay in ay lafdhabar u yihiin Dhalinyaradu Isbedelada Horumarineed iyo Maamul ee Dawladaha,islamarkaana ardaydu noqdaan kuwo ku dhiiran xoojinta waxbarashadooda kana midho dhaliyaan Hadafyada Horumar-Aqooneed ee jiritaankooda iyo Mustaqbalka Dalkooda Garwaaqsadaana in ay yihiin Mustaqbalka Cududa Dihin ee uu Dalka iyo Bulshaduba sugayaan,kuna gubaabisay dhalinyarada in ay si wayn uga soo dhalaalaan ka qaybqaadashada Dhinacyada Horumarinta,Qurxinta Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Jigjiga iyo u Faaiideynta waxbarashada Dadka Waawayn ee aynan yaraantii u suurto galin Helida Fursad waxbarasho.

Sidoo kale waxay wasiiradu siwayn uga hadashay in ay xukuumadu dadaal dheer ugu jirto in dhalinyarada la siiyo fursada ay kaga faa-iidaysaan dhinacyada,ururada Dakhi Dhalinta,Waxbarashada iyo iskaashatooyinka taasoo ay Qayb ka ahayd Yagleelida Xafiiska Amaahaha DDSI oo ay Bulshadu Dhadhansatay Faaiidada Kobaca Dhaqaale ee uu u leeyahay kana shaqeeya 9 Gobol iyo 68da Degmo.Wasiirada ayaa sheegtay in xukuumadu ay diyaargarow balaadhan ugu jirto diyaargarawga xuska 8aaad ee Qowmiyadaha.

Dhanka kale warka ayaa intaa ku daraya in uu shirkan uu ka hadlay madaxa arimaha siyaasada ee xafiiska golaha dhexe ee XDSHSI mudane suleyman ahmed xasaan wuxuuna ku booriyay Dhalinyaradu in ay noqdaan kuwo ka faaiideysta Fursadha Waxbarasho ee ay nasiibka u heleen Dheer yihiina Jiilkii ka horeeyay ee Cadaadiska Hadhsanayay,noqdaana Cududa-Ciidamadeed ee,Dhanka Horumarka,Nabadgelyada iyo maamulka-Suuban,Noqdaana-Ardayda Jaamacadaha,Kuliyadaha,Dugsiyada Sare,Ururada Dhalinyarada iyo kuwo iskuxidhan oo isku baraarujiya Doorkooda.

waxaa iyana Dhankooda ka hadlay Dhalinyarada oo bogaadiyay Fursadaha Waxbarasho,Aqooneed iyo Abuurida Kobaca Dhaqaale ee ay Xukuumadu la garabtaagan tahay,islamarkaana balanqaaday in ay qayblibaaxeed ka qaadan doona Doorka kaga aadan,horumarka,nabadgalyada,maamulka suuban iyo kor u qaadida Bilicda iyo Nadaafada magaalada Jigjiga.

More Articles...

  1. Bulshoweynta Ku Dhaqan Degmada Raaso oo Bogaadiyay Adeeg-bixinta Tayada caafimaad ee Ay ka Helaan Xarunta Caafimaad ee Laga Dhisay Magaalada Raaso.
  2. Dhamaan Qurbajoogta:-Xafiiska Wakaalada Qurbajoogta DDSI oo Lagala Xidhiidhi Karo Kana Heli Karto Macluumaadka Aad u Baahan Tahay.
  3. Munaasabad Xadhiga lagaga jarayay Seylada Xoolaha Hargeele oo Ay u Riyaaqeen Ganacsatada iyo Shacabka Maamul-Goboleedka G/Afdheer.
  4. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood ee Xafiisyada Caafimaadka DDSI oo Lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Jigjiga.
  5. President Abdi Mahamud Cumar: A leader who has transformed the Somali Region of Ethiopia:
  6. Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDSI oo Loo Magacaabay Caynsane Sheekh Maxamed,Halka Kuxigeenka Komishinka Booliska DDSI loo Magacaabay General Maxamed Qayo.
  7. War Deg Deg Ah:-Shiftay Budhcad C/xakiin Yulyul oo Indhaha ay u Shideen Maleeshiyada Degmada Yoocaale.
  8. Ciidmada Liyuu Booliska oo dawayn iyo taakulan dhinaca dadka ah ka wada Tuulada Hara-digeed ee Degmada Aware.
  9. Dacdaradii Shalay Ka Muuqatay Heerka Waxbarasho ee Deegaanka iyo Fursadaha Waxbarasho La Helay Guri Ilaa Guri ee Ka Taabo Gashay DDSI kala Fiican.
  10. Shir aad u Balaadhan oo Ay Soo Agaasimeen Qurbajoogta DDSI ee Magaalada Birmingham Uk Kana Qayb Galeen Safaarada DFI iyo Maamulka Jaaliyada Uk oo Guul iyo Jawi Haboon Lagu soo Gunaanaday.
  11. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood ee Hay'adaha Nabadgalyada oo Ka Bilaabantay Jigjiga.
  12. Adeeg-bixinta Isbitaalka Caafimaadka Magaalada Awaare oo ay Shacabku u Riyaaqeen Tayada Adeeg-bixintiisa
  13. Mayorka Maamulka Magaalada Qabridahar oo Qeexay in Kor u Qaadida Bilicada Magaalada Qabridahar Xawali Ku Socoto.
  14. Madaxweynaha DDSI Oo Saaka Kula Kulmay Xafiiskiisa Abwaaniin Gudoonsiiyayna Hadiyado.
  15. 16 Sano Ka Dib Kooxda Dortmund Ayaa Iska Xaadirisay Ciyaarta Finalka Koobka Horyaalka Yurub Ka Dib Markay Real Madrid Ku Dur-Durisay Walow Ay Wadnaha Farta Ku Haysay.
  16. Odayaal-dhaqameedka iyo maamulka degmada xarshin oo tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, qaraabadii,Xuk-DDSI iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed ee uu ka tagay Qaryaan abwaan c/laahi macalin doodaan.
  17. Qurbajoogta DDSI ee Norway oo Shir balaadhan Layeeshay Wakiilada DFI ee Wadamada Scandanivianka
  18. Shir Ay Jaaliyada DDSI ee Gobolka California(M-Sandiego) iyo Jaaliyadaha Qowmiyadaha kale Isugu Yimaadeen oo Lacag aan La Cayimin Loo Aruuriyay Biyo-xidheenka Abbay.
  19. Wafti ka socday soomaliland oo ka soo qayb-galay aaskii-Qaran ee Marxuun Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo maanta kulan saacada badan qaatay la yeesheen madaxwaynah DDSI.
  20. Abla-ablaynta Xaalada Deegaanka Somalida Itoobiya kaaf iyo kala dheeri maxaa kala haysta dadkan.
  21. Jaaliyada DDSI ee Dalka Qatar oo Tacsi u Diraysa Qoyskii iyo Eheladii Marxuum Qaryaan C/laahi Macalin dhoodaan.
  22. Waxaa Galabta Si Heer Qaran ah loogu Aasay Magaalada Jigjiga Qaryaan C/lahi Macalin Dhoodaan(Geeri Arooskeed)
  23. Geeri Arooskeed iyo 10ka Galabnimo oo Si Heer Qaran Loogu aasi Doono Qaryaan Dhoodaan Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga.
  24. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Cariga Ingiriiska(UK) oo Tacsi u Diraysa Xukuumada DDSi,Shacabka DDSI,Qoyskii iyo Ehelkii Marxuum Xaaji C/laahi Macalin Dhoodaan.
  25. Komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa DDSI oo tababar u qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyada heer-deegaan.
  26. Jaaliyada DDSI ee Magaalda PERTH-Australia oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraysa Xukuumada DDSI,Qoyskii,Caruurtii,Ehelkii iyo Dhamaanba Shacabweynaha DDSI.
  27. TACSI:-Qunsulka DFI,Jaaliyadaha DDSI ee Minniapolise,Seattle,Los-angeles,Sandiego-California iyo dhamaanba Qurbajoogta DDSI ee Cariga Maraykanka oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  28. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Dalka Yemen oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  29. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Dalka Jabuuti oo Tacsi Diraya.
  30. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Melbourne oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  31. TACSI:Ilaahay Samir iyo iimaan Ha Inaga Siiyo Marxuum Abwaan Cabdulaahi Macali (Dhoodaan)
  32. Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh Abwaan Abdulahi Macalin(Dhoodaan) oo ku Geeriyooday Diredawa.
  33. Jaaliyadda DDSI ee Dalka Qatar ayaa maanta ka qayb gashay Munaasabad Dalka Qatar Dib Looga Furayay Safaarada DFI ay Ku Lahayd Oo Waayadanba Diyaargarow Baladhan Loogu Jiray Furitaankeeda.
  34. Wadada Isku Xdha Fiiq iyo Qubbi oo Dhamaatay iyo Maamulka Gobolka Nogob oo Booqasho Ku Tegay Degmada Qubbi.
  35. Messi Guul-daradii ugu Xumayd ayaa Xalay Naga Soo Gaadhay Ciyaartii Kooxda Bayern-Munich.Xidiga aduunka Lionel Messi ayaa walaac ka muujiyay natiijadii
  36. Ciyaartii Semi-Finalka Lugta 1aad ee Horyaalada Yurub oo Ay Bayern-Munich Bog u Cusub u Furtay Kooxda Barcelona 4-0.
  37. Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Loo Magacaabay Aamina Jawaahir Maxamed oo Ka Soo Jeeda Somalida Waqoyi-Bari(Gaarisa).
  38. Wafti Qurbajoog ah oo Ay Hogaaminayeen Wasiiro oo Booqday Isbitaalka iyo Dugsiga Sare ee Magaalada Dh/buur Dhagaxii Ugu Horeeyayna Dhigay Dhismaha Dugsi Sare iyo Library.
  39. Qiimaynta Waxqabadka Hay'adaha Adeeg-bixinta Heer Federal oo Maanta Ka Dhacday Hoolka Shirarka ee Xarunta Dhexe ee XDSHSI.
  40. Golaha Gudiga Fulinta Jaaliyada DDSI ee UK oo Ansixiyey Qorshayaasha Waxqabadka Jaliyada iyo Xeer-Nidaam.
  41. Wafti Qurbajoog Ah oo Ay HogaaminayeenQaar ka Mida Masuuliyiinta Xukuumada DDSI oo Maanta Si Weyn Loogu soo Dhaweeyay Degmada Dh/buur.
  42. Ka Faaiideysiga Xoolaha Deegaanka iyo Tayaynta Caafimaadka Waxsoosaarkooda.
  43. HOGAAMIN UBO OO GACANTA LAGU DHIGAY IYO FILIN CUSUB iyo TUULADA AABAHAY GABLAN
  44. Maalgashiga Qurbajoogtu Wuu Tisqaaday Shirkada Blue-Nile oo Balaadhisay Waxqabadkeeda Kuna Soo Biirisay Transportation.
  45. Wafti Qurbajoog Ah oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Wakaalda Qurbajoogta DDSI oo Booqday Jaamacada Jigjiga.
  46. Iskaashatada Suuq-gaynta Xoolaha oo Laga Furay Magaalada Qabridahare.
  47. Ogaysiis:-Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo La Balaadhiyay Kuna Wareegaya Dhisme Cusub.
  48. Faaqidaada Ciyaaraha:-Warbixin 10-Xaqiiqood oo Lagu Saadaalin Karo 4ta Kooxood ee Isugu Soo Hadhay UEFA-Champions League
  49. Kulan ay Isugu Yimaadeen Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Nogob oo Ka dhacay Sydney.
  50. Kulan Lagaga wadatashanayay Kor u Qaadida Bilicda Magaalooyinka iyo Doorka Ganacsatada oo Maanta Ka Dhacay Hoolka Shirarka(SMCX)
  51. Tababar La Xidhiidha Maaraynta Maaliyada oo Shaqaalaha 10 Ka Mida Xafiisyada Horumarinta DDSI Loo Qabtay.
  52. Tartanka Kubada Cagta Xulalka 9ka Degmo ee Gobolka Shabeele oo Ay Finalkii Isugu Soo Baxeen Xulka Degmooyinka Ceelwayne iyo Godey.
  53. War Deg-Deg Ah:-Hantidii UBBO Cobale Ka Dhacday(2bo Dhashiike),Muxumed ANNI oo LagaDhex Baadhayo Hogaamin Indhaha loo Shiday iyo 4 God oo La Helay.
  54. Madaxwaynahya DDSI oo Caawa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI Gaar ahaan Gobolka Sitti.
  55. Shaqo-abuurida Qorshayaasha Xukuumada Dhanka Haweenka oo 104 Dumar Gobalka Shabeele Tababar uga Socdo Kuliyada Farsamada iyo Xirfaaha DDSI.
  56. Waxaa Saaka loo Dareeray Cod-Bixinta Doorashada Baarlamaanka Degmooyinka,Maamulada Magaalooyinka iyo Tuulooyinka DDSI.
  57. Munaasabada iyo Tahniyada Meherka Caruus Cabdi-Shukri C/Lahi Cumar(Silen-Cry) oo Si Qurux Badan Uga Dhacay Magaalada Jigjiga.
  58. Tacsi:Tacsi loo Dirayo Qoyskii iyo Eheladii Marxuum aadan Cismaan(Aadan Waris).
  59. Wasiirka Wakaalada Qurbajoogta oo Garoonka Wiilwaal Ku soo Dhaweeyay Wafti Qurbajoog Ka Soo Jeeda Ma'ayso oo Ka Timid Maraykanka Kana kooban 8 Qof.
  60. Codbixinta Doorashooyinka Heer-Degmo,Magaalo iyo Tuulo oo Loo Dareeri Doono Subaxnimada Axada.
  61. Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadkii 9ka Bilood ee Degmooyinka Gobolka Shabeele oo Ku Soo Gabagaboobay Magaalada Godey.
  62. Gudoomiyaha Gobolka Nogob oo Waraysi Dheeli Tiran Siiyay Shabakada CakaaraNews.
  63. Halgankii Sheekh Axmed-Madoobe uu ku burburiyay Xoogii Al-Shabaab Waa Mid Taageero Mudan.
  64. Shir ay isugu Yimaadeen Xafiiska Ka Hortaga iyo u Diyaargarawga Masiibooyinka DDSI iyo Xafiisyada Bah-wadaagta la ah oo Lagu soo Saaray Qorshe-Tuse.
  65. Waxaa Maanta Si Aan Caadi Ahayn(Heer Sare) Loogu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal International Asli Xasan iyo Qurbajog Reer-Sweden Ah
  66. Inaalilaahi Wa Inaa eleyhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh:Aadan Waris Oo Ku Geeriyooday Jigjiga.
  67. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bileed ee Gobalka Qoraxay oo Lagu Soo Gabagabeeyay Degmada Shilaabo.
  68. Gudoomiyaha Degmada Mersin oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Sanadkan.
  69. Tartanka Kubada Cagta 6da Xaafadood ee Maamulka Magaalada qabridahar oo Soo Gabagabooyay Kuna Guulaysatay Xaafada 6aad.
  70. Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadkii 9kii Bilood ee ismaamulka magaalada jijiga oo la soo xidhay.
  71. Ra'iisal Wasaaraha DFS oo kulamo is daba joog ah madax sare sare kula yeeshay Addis Ababa *
  72. Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDSI oo Kormeer Hawleed Iyo Badhi-gantaalid Hawlaha Dibu-dejinta Gobolka Afdheer Ku Tegay.
  73. Casha-Sharaftii Xukuumada DDSI iyo Waftiga Soomaaliya Oo Si Habsami Leh Uga Qabsoomatay Rassind-Blue Hotel.
  74. Jaaliyada Melbourne oo Soo Dhawaysay Aas-aasida Meles-Foundation Board iyo Ka Mid Noqoshada Madaxweynaha DDSI.
  75. Casho-Sharaf Sal Balaadhan oo Ay Madaxda Xukuumada DDSI iyo Waftiga Raysalwasaaraha DFS Ay Caawa ku Yeelan Doonaan Hotel rassind-blue.
  76. Deg-Deg: Madaxweynaha DDSI iyo Raysalwasaaraha DFS oo Kulan ku dhexmaray Sheraton Hotel Lagagana Wada Hadlay Arimaha Kismaayo.
  77. GABADHII UGU HORAYSAY AFRIKA EE PILOT NOQOTAY ASLI XASAN CABAADE OO KU SOO FOOL LEH DALKA ITOOBIYA.
  78. Raysal-wasaaraha DFI,Madaxweynaha DDSI iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo Maanta La Kulmay Waftiga Somaliya ee uu Hogaaminayay Raysalwasaare Saacid.
  79. Meles-Foundation oo La Doortay 13 Xubnood oo Ah Hogaminta Boardiga Kana Mid Yahay Madaxweynaha DDSI iyo Dalal Lacag Ku Biiriyay.
  80. Wakaalda Dhismaha Hawlaha Biyaha DDSI(Somali Regional Water Works Construction-enterprise) oo Samaysatay Website Lagala Socon Doono Waxqabadkeeda Dhanka Biyaha Iyo Kaleba.
  81. Wasiirka Arimaha Bulshada DFI oo Maanta ku Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Addis-Ababa Raysalwasaaraha DFS iyo Wasiirada Arimaha Dibada Somaliya.
  82. Berito oo Lagu Aasaasi Doono Addis-Ababa Baarlamanka Meles-Foundation iyo 12 Dal oo Ay Dawlada Federalka Somalia Ka Mid Tahay oo Ka Soo Qayb-Galay.
  83. Isku-shaandhayntii Xukuumada Xafiisyadee Laga Dheehan Karaa In Si Weyn Loo Xoojiyay Dhanka Waxqabadka iyo Qiimaynta Natiijada Xafiisyada Ay Ka Midka Yihiin.
  84. Wafti Shirkdaha Ka Ganacsada Xoolaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo uu qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalda DDSI.
  85. Waxaa Maanta uu Madaxweynaha DDSI Xadhiga Ka Jaray Wadooyin Nooca Coble-stone iyo Taalo Loo Sameyay Raysal-wasaarihii Hore ee DFI.
  86. Madaxweynaha DDSI oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maanta Odoyaal Ka Socday Deegaanka Gobolka Doollo.
  87. Deg-Deg:kalfadhigii 14aad ee Xisbiga iyo Xukuumada oo Caawa lagu ansaxiyay Magacaabista iyo Iskushaandhaynta Golaha Xukuumada
  88. Xafiiska Wakaalada Qurbajoogta DDSI oo Loo Magacaabay Cabdi-Bari.
  89. Dufcadii 8aad ee Ciidamada Gaarka Ah ee Liyuu-Police oo Maanta Ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada ee Shaalqe Mahad soofe.
  90. Olole Dhanka Xoolaha ah oo Isugu Jira Dawayn iyo Talaalka Xoolaha Ayaa Ka Socda Degmada Galaadi.
  91. Qurbajoogta DDSI ee Ku Dhaqan Magaalada Perth-Australia oo Bogaadiyay Socdaalkii-Sama-Wade Hambalyana U Diraya Qurbajoogta Melbourne.
  92. Shirkii Ugu Weynaa Abid ee Ka Dhaca Sweden Soona Agaasimeen Dhalinyarada Ururka Sedyo-Sweden.
  93. Kulan aad U Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Degmooyinka Xarshin,Daroor iyo Gaashaamo oo Lagu Taageerayo Socdaalkii Sama-wade.
  94. TACSI: Haji Hassan Sheikh Abdi Sheikh Abdulle Sheikh Hassannur oo ku geeriyooday DireDawa
  95. Jaaliyadda DDSI ee Melbourne oo Fashilisay Shirkii Kooxda Asmara ee Pacifiga
  96. Kulan Balaadhan oo Ay Xukuumada iyo Qurbajoogtu Kaga Wada Tashanayeen Dardar-galinta Mashaariicaha Horumarineed oo Ka Dhacay Hotel-Nogob.
  97. Kulan lagu taageerayay ururka horumarinta soomalida itoobiya oo ka dhacay Degmada Awbare.
  98. TababarKu Saabsanaa Dalaga Beeraha iyo Waxsoosaarka Iskaashatooyinka Gursum oo Soo Gabagaboobay.
  99. Adeeg-bixinta Caafimaad ee Xarunta Caafimaadka Senterka Ayinle ee Degmada Filtu oo Ay Shacabku Bogaadiyeen.
  100. Ra'yiga Dadweynaha ee Ku aadan Socdaalkii Sama-wade.