Inaa-lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun ah Geeri Naxdin Leh C/yare Iimaan oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur.

Jigjiga(cakaaraTacsi)Jimce Jan 10,2013.Madaxweynaha DDSi,golaha capoinetka dawlada iyo odoyaqaldhaqameedka ayaa waxay tacsi  geeri naxdin leh u dirayaan Qouyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum C/yare Iimaan oo ku geeriyooday shil baabuur,lehna samir iyo iimaaan ilaahay ha inaga siiyo Marxuumkana naxariistii jano ilaahay ha ka waraabiyo Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Marxuumka ayaa Ku geeriyooday Shil Baabuur,iyadoona uu Marxuumku Gacantiisa ku waday gaadhiga,islamarkaana uu baabuurku xawaare dheer ku socday abaarihii 11kii Galabnimo ayay ka baxeen Magaalada Jigjiga 12kii iyo 30 Daqiiqana waxay galeen Dh/buur iyagoo ku sii Wajahnaa Birqod oo uu Marxuumku Shaqo la xidhiidha Qandaraas uu ka qaatay wakaalda enterpriseka ugu ssocday. 1dii fiidnimo ayaa ay ka baxeen Dh/buur iyagoo ku sii wajahnaa Magaalada Birqod,halkaasoo Mar uu Xawaare uu ku socday Baabuurka uu waday marxuumku uu wadadii uu ku socday Goolad gashay balse adarka Alle ayaa ka xoog badiyay oo Wadadii ayuu kala baxay baabuurkii,halkaasna waxaa ku geeriyooday C/yare Iimaan oo ahaa Wadihii Gaadhiga,halka Dhaawac uu Soo Gaadhay C/naasir Cali Daroor oo ay ilaa Ingiriiska Saaxiibo ku ahaayeen.

Sababtabshilka ayaa ah 1-gaadhiga oo darawalkii la socon oo uu marxuumku ahaa wadha gaadhiga xiligaas 2-habeenimo 3-xawaaare dheek oo ku socaday4-si kadis oo ay gooladi ugu soo baxday sababtayna in uu wadada kala baxo,iyadoona uu marxuumku rabay in haqwlo horumarineed oo la xidhiidhay mashaaiic oo uu gacanta ku hayay in uu mudadii loogu alogaly u dhameeyo balse geeri naxdin leh ayaa ku timid.

Shabakada Cakaara ayaa Iyaduna Tacsi u diraysa Geerida Naxdinta leh ee ku tiid C/yare iimaan Qoyskii eheladii,asaabtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodayba in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana naxariistii jano ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Degmada Dhanaan oo uu Ka Socdo Ololihii ugu Balaadhnaa Sanadkan Dhanka Dawaynta iyo talaalka Xoolaha Nool.

Dhanaan(CakaaraNews)Khamiis jan,09,2013.Waxaa Degmada Dhanaan gaar ahaan Ceelka Shiniile ka socda olole aad u balaadhan oo lagu Talaalayo laguna dawaynayo Xoolaha,taasoo ay wadaan Hawlwadeeada khabiirada iyo Dhakhaatiirta Xoolaha ee Xafiiska Beeraha,Xoolaha iyo Reer-guuraaga DDSI.

Goobtan uu ka Socdo Talaalka iyo Dawaynta Xoolaha oo ah Tuulada Shiniile oo Ka mida Degmada Dhanaan ayaa ay ku yaalaan in ka badan 400 oo Ceel kuwaasoo lagu magacaabo Ceelasha Shiniile,islamarkaana ay Xoolaha sida Geela,Lo'da iyo Adhiga lagaga soo Arooriyo Gobolada Qoraxey,Jarar,Fiiq iyo Godey. Ceelashan ayaa ay Xooluhu jecel yihiin Maadaama ay yihiin Ceelal laga helo biyaha Dhanaha ah ee ay xooluhu ku jeel-baxaan,ka sakow biyaha dhanaha ah waxaa laga helaa Ceelasha shiniile Carada ay Adhigu jecel yihiin ee ay ku jeel baxaan,waana ta sababtay in Xoolaha Gobolo badan ku nool ay u soo cawo-dhaxaan Ceelasha Shiniile.

Ololahan ay Dhakhaatiirta Xooluhu ka wadaan Degmada Dhanaan Gaar ahaan Ceelasha Shiniile ayaa ay ku hawlan yihiin Talaalka iyo Dawaynta Xoolaha isugu yimid Ceelasha Shiniile kuwaasoo tiradooda aan la qiyaasi karin Kumanaana koru dhaafaya,iyadoona uu Gacan ku siinayo Xafiiska Beeraha,Xoolaha iyo reerguuraaga DDSI. Ceelka Shiniileee Degmada Dhanaan ayaa Deegaanka ku dhex leh taariikh soojireen ah oo uu waligiiba caan kaga ahaa Deegaanka,iyadoona sababaha wakhtigan ay xoolo intaa dhami isugu yimaadaan Ceelkan ay sababtay guulaha wax ku oolk ah ee ay Ciidamada Liyuu police ka gaadheen Arimaha Amaanka Deegaanka. Hadaba Maadaama Wariyayasha Cakaara ee ku Sugan Dhanaan ay Weli ku hawlan yihiin Xog aruursiga Talaalka Xoolaha iyo Dawaynta baaxda wayn ee ka socda Goobtaas ayaanu dib idiinka soo tbin doonaa natiijada ka soo baxda.

Inkastoo aanan Weli heshiis laga saxiixin hadana Benitez waa uu diiday in Lampard ku biiro Man United

Sport(CakaaraSport)Khamiis jan 09,2013.Tababare Rafa Benitez ayaa diiday in uu kala hadlo kooxda Manchester United saxiixa Frank Lampard kaasoo maalmahanba la hadalhayay in uu Lampard kooxda ka tagi doono una sii jeedo dhanka Manchester United.

Ciyaaryahanka Lampard wakiilkiis Steve Kutner ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay ku qasban tahay in ay heshiis cusub la gasho laacibkan oo ku soo beegmay xili ay dooneyso Manchester United .

Heshiiska noocan ah Hadii uu dhaco waxaa laga yaabaa in uu bur- buriyo taagerayasha Chelsea mana aqbali karno in taageerayasheenu niyad jabeen ayaa laga soo xigtay Benitez.

Wali waa ciyaaryahan wanaagsan waxaana uu qabanaya shaqo adag mana Kala hadli doono Man United ayuu yiri Rafa . Sir Alex Ferguson ayaa bartilmaameed ka dhiganaya laacibkaan reer chelsea franklin lampard siduu ugu gacan haadin lahaa in uu ku soo biiro Kooxda Manchester United.

Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Hambalyo u Diraya Mataanaha Ururka ee Laga Dhisay Sweden.

Minniapolise(cakaaranews)Talaado Jan 08,2013.waxaan u hambalyeeynaynaa ururka cusub ee ka curtay dalka sweden,caasimadiisa 2aad( gothenburg) ururkan wuxuu bahwadaag layahay ururka sedyo waxaana lagu magacaabaa ururka dhalinyarad qurbo joogta somalida ethiopia (sedyo sweden) shir ay isugu yimaadeen malintii sabtida ahayd tarikhduna ay ahayd.

Ururka Dhalinyarada Sedyo ayaa ku baahaya Dhamaanba Dalalka Yurub iyo Ameerika iyadoona Ururkan Dhalinyarada ee lagaga dhawaaqay Sweden uu yahay Laan Bahwadaag la ah Ururka SEDYO ee Fadhigiisa ugu wayni yahay Minniapolise.

Sidoo kale ururkan oo Tashi iyo ka baaraandagid lagaga aasaasay Sweden taariikhdu markay ahayd 30 \12\12 ayaa waxaa la isla qorsheyay in Dhismaha maamulku uu sidan noqdo ugu horeyn 1-Gudomiyaha ururka Abdi jees ahmed yusuf 2-Ku xigeenka Liibaan Aadan Guyow 3-Xoghayaha Abdi-khadar Abdulahi Haybe (caano) 4-Xiriirka Bulshada Maxamed Xassan Muxumad

hadaba Hadaanu nahay masuuliyiinta ururka dhalinyarada sedyo ee Minniapolise waxaanu si buuxda ugu hambalyaynaynaa Dareenka Wadaniyadeed ee ay Dhalinyarada DDSI ee ku sugan Sweden isugu xilqaameen in ay Danaha Deegaankooda isugu taagaan,waxaanuna leenahay noqda kuwa hawshaas ka soo baxa waana idiin hambalyeynaynaa hambalyo hambalyo.

Afhayenka Ururka Dhalinyarada SEDYO (Shaalaqe Aabi) Minniapolise

Xafiiska Ka Hortaga iyo Xakamaynta Hiv/Aids ee DDSI oo Dadaalo Wacyi-galineed ka Wada Dhamaanba Qaybaha Bulshada ee Degmooyinka.

Jigjiga(cakaaraNews)talaado jan08,2013.xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta Cudurka Dilaaga ah ee Hiv/Aids ee DDSI ayaa Dadaal Wacyigalineed oo hor leh Dhamaanba ka wada Qaybaha Bulshada ee ku Dhaqan guud ahaanba Degmooyinka DDSI,islamarkaana ay ku Wacyigalinayaan Qaybaha kala Duduwan ee Bulsada Sida Culumaa'udiinka,Haweenka,Dhalinyarada,Maamulada,Shaqaalaha Dawlada,Ururada Bulshada iyo Odoyaal-dhaqameedkaba sidii looga hortagi lahaa Viruska Gdbiya Cudurka halista ah ee Hiv/Aids oo ka yimaada galmada Xaaraanta ah,bulshadana looga wacyigalin lahaa ka feejignaanta Daqiiqadaha Bohosha kugu ridaya.

mar aanu maanta la kulanay Wasiirka Xafiiska Mudane Cabdi Adar(Hurre) ayaa waxa uu noo sheegay in Xafiisku uu olole balaadhan ugu jiro sidii bulshada mel kasta oo ay ku dhaqan tahayba loogu baraarujin lahaa ka feejignaanta Cudurka dilaaga ah ee Hiv/Aids,Maadaama meelaha Reer-guuraagu ku dhaqan yahay een lahayn Idaacado,Televishano iyo aaladaha kale ee lagu falanqeeyo Halista Cudurkan ay u fududahay in khalad Ogaansho la'aaneed kula kulmaan Viruskan waana ta sababtay in aanu olalahan balaadhan ku tagno Degmooyinka si looga wacyigaliyo Bulshada Halista Cudurkan iyo Sida fudud ee loo kala qaadaba ayuu yidhi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Carabaabay in Hawlwadeenada Xafiisku ay Seminaaro Wacyigalineed ka wadaan Degmooyinka qaarna la soo dhameeyay iyadoo casharo iyo tilmaamo la xidhiidha sida loo kala qaado iyo sida looga hortagaba la siinayo Qaybaha kala duduwan ee bulshada ayuu yidhi.

Mudane Hure ayaa Carabaabay in Xafiisku uu Qorshayaal badan oo ku aadan ka xortaga iyo xakamayntaCudurkan uu sameeyay,islamarkaana wakhti dhaw la soo fasaxi doono Global-fund oo wax wayn ka tari doona Wacyigalinta iyo ka hortaga Cudurka dilaaga ah ayuu yidhi.

Maareeyaha Wakaalada Maalgalinta DDSI oo Qado-Sharaf ugu Sameeyay Ganacsatada Reer Kenya Hotel-Nogob.

Jigjiga(CakaaraNews)Talaado Jan 08,2013.Maareeyaha wakaalada Maalgalinta DDSI Mudane C/naasir ayaa Maanta Qado-sharaf ugu Sameeyay Hotel-Nogob Ganacsatada Reer Kenya ee Maalmahanba Booqashada ku Joogtay Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga. Ganacsatadan ayaa Ahmiyad aad u balaadhan u haya sidii ay Deegaanka Soomaalida Itoobiya Maalgashi aayo leh uga samaysan lahaayeen,iyagoona Shucuurtooda ku muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin Horumarka xawliga ah ee ka taabo galay mudo yar gudaheed Deegaanka.

Mudane C/naasir ayaa Soo dhawayn heer sare ah u muujiyay,islamarkaana u balanqaaday in Wakaalada Maalgalinta DDSI ay mar walba Ahmiyad gaara siiso dadka raaba in ay Deegaanka maalgashadaan si ay uga qayb qaataan Horumarka iyo kobaca dhaqaale ee uu dalku hiigsanayo kana caawin doono xafiisku hadba wixii la xidhiidha baahidooda Maalgashiyeed.

Qurbajoogta Ganacsatada Reer-kenya ayaa aad ugu mahadceliyay sida walaalnimada leh ee ay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisuba ugu soo dhaweeyeen magaalada jigjiga slamarkaana Qaabilaada Heerka sare ah loogu fidiyay,iyagoona Sharax gaaban ka bixiyay Noocyada maalgashi ee ay rabaan in ay Deegaanka ka sameeyaan. Ganacsatadan ayaa Ganacsiyo aad u badan ku leh Dalka kenya,waana kuwan magacyadoodu.

Dalka Kenya 1-Nuur Cali Magan 2-Axmed Cabdi-yare 3-Axmed Yuusuf Mubaarak 4-Shakiib Dhowre 5-C/laahi Maxamed Cigaal 6-Cali Maxamed iyo 7-NuuxC/wahaab Maxamed.

More Articles...

  1. Madaxweynaha DDSI iyo Marwadiisaoo Qado-Sharaf ugu Sameeyay Gurigooda Ganacsato Qurbajoog Ah oo Ka Kala Timid Dalalka Australia iyo Kenya
  2. Madaxweynaha DDI oo Maanta Xadhiga ka Jaray Mashruuca Wadada Cobble-Stoneka ee ay Maamulka Magaalada Jigjiga Ka sameeyeen Xarunta Maamulka DDSI.
  3. Kulan aad U Balaadhan oo Gudaha Safaarda DFI ee Uk Uga Socda WaftigaXukuumada DDSI iyo Qurbajoogta Uk.
  4. Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga oo Dibucurasho Ku Sameeyay Adeegbixinta Qaar Ka Mida Awoodahana U Dhaadhiciyay Maamulada 10ka Xaafadood.
  5. Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI oo hogaaminta Dhexe ee Tababarka Dhamaystay kala dardaarmay in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan mashruuca biyo xidheenka wabiga Abay.
  6. Madaxwayaha DDSI oo Booqday mashruuca biyo ururinta ah ee laga wado ee tuulada waaji oo ka tirsan degmada jijiga.
  7. waftigii xukuumadda DDSI oo Tegay Los-Angeles Lana kulmay Safiirka DFI u Fadhiya Los Angeles.
  8. Ogaysiis:Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenka oo London Yimid iyo Shir Ka Dhici Doona Sabtida Safaarada DFI ee London.
  9. Kulan Xogwaraysi iyo Wadatashi Ah oo ay Galabta Isugu Yimaadeen Dhamaan Hogaaminta Dhaqanka DDSI,Madaxweynaha DDSI iyo C/nuur-yare iyo Waftigiisa
  10. Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog Ka Timid Australia oo DDSI Maalgashi Ka Samaysanaya.
  11. Hogaaminta Sare,Kaadiriinta Garabka Asmara iyo C/nuur-yare oo Video-Conference Kula Hadlay Maanta Xukuumada DDSI.
  12. Tababarka Hogaaminta Dhexe ee Wajigii 2aad Ayaa Gebogebo Ku Dhaw iyo dardaarankii Gudoomiyaha XDHSI.
  13. Kulan ay wada yeesheen ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska aya soo gabagaboobay
  14. sagaaro Xaar Muuqday Aastaa Ubbo oo isku Dayaysa in ay u raad Gado Dilka Deeq Dhagoole 3 Cisho ka dibna Si kale U sheegto.
  15. C/nuur-yare Jawi farxad-Nabadeed si loo Abuuro waa in Maxaabiista La Sii Daayaa iyo Madaxweynaha oo Ka Aqbalay.
  16. War Deg-Deg Ah Shiftay Sheekh Deeq(Dhagoole) oo Geeriyooday Maxaase Sababay Dilkiisa?
  17. Madaxweynaha DDSI oo Farxada Sanadka Cusub Ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Shacabka DFI Gaar ahaan Shacabka DDSI.
  18. Ogeysiis:Jaaliyada Los-Angales Waftigii Xukuumada DDSI oo Beri Ku Qaban Doona Gudaha Qunsuliyada Shir.
  19. Gudoomiyaha Gobolka Nogob Mud: Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhay ah kusoo gaalaa bixinayey Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.
  20. Barnaamijka Biyo Ururinta ee Laga Wado Tuulada Waaji ee Degmada Jigjiga oo Gebo-Gebo Maraya.
  21. Falanqaynta Quruxda:-Ma La Socotaa 11ka Xidigaha Kubada Cagta ee ugu Xaasaska Qurxoon
  22. MO-Farah oo Magaciisu u Ekaaday Magac Nin Argagaxiso ah oo La Raadinayay Mudana Lagu Yara Xanibay Garoonka Diyaaradaha Portland(USA).
  23. Golaha Capinetka DDSI oo Shir Maanta Isugu Yimid Kuna Ansaxiyay Qodobo Muhiima.
  24. Wafti balaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirad ku-xigenada xafiiska madaxtooyada DDSI ayaa kormeer hawleed ku tagay Goobaha Tuulada Geri'Goan laga dhisayo Mahaariicaha Aas-aasiga ah.
  25. Deeqday Dugsiyada Hooyga Agoonta ee Jigjiga iyo Fiiq labo gaadhi, Manhaj iyo Laydhadh Solar ku Shaqeeya.
  26. Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/kuxigeenka DDSI oo Maqaaxida Molka 24aad ee Minniapolise(Shaah Macan)Kula Saaheeyay Qurbajoogta.
  27. Jaaliyaadka DDS oo ra'isulwasaare Meles kusoo dhaweeyey Columbia University, quusna galiyeen taageerayaasha mucaaradka
  28. Bishaaro War Deg Deg Ah WALAAHI SUMA WALAAHI UBO JABTAY
  29. Imtixaanka Guud ee Bari ay Ufadhiisanayaan Fasalada 10 &12 & Heerka Waxbarashada Waxqabadkii Saddexdii Sanno ee Ugu Dambaysay
  30. Doorashooyinkii X/xildhibaanada Dagmooyinka & Xaafadaha DDS oo si nabad galyo ah kusoo gabagababoobay
  31. Ciyaartooygii DDS Oo Guulo Waawayn Kasoo Hooyay Ciyaarihii Qaranka Itoobiya Ee lagu Qabtay Casimada A.A