C/nuur-yare Jawi farxad-Nabadeed si loo Abuuro waa in Maxaabiista La Sii Daayaa iyo Madaxweynaha oo Ka Aqbalay.

Jigjiga(cakaaraNews)Talaado Jan,01,2013.Hogaamiyaha Hogaaminta garabka asmara ee Wadahadalada Dastuuriga ah la galay DFI iyo DDSI Mudane C/Nuur C/laahi Faarax (C/nuur-yarae) ayaa Codsi u soo jeediyay Xukuumada DDSI ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdi Maxamuud Cumar yidhina" si loo abuuro Jawi nabadeed waxaan codsanayaa in la sii daayo Maxaabiista",taasoo ay Xukuumadu soo Dhawaysay.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Hordhigay Security Councilka ka dibna ka Aqbalay codsiga sii daynta maxaabiista uu C/nuur Yare Codsaday yidhina"Waan kaa aqbalnay Cosigaaga wayna soo dhaweeyeen Security Councilku oo sii daynta Maxaabiista ka wda hadleen islamarkaana ay abuuri doonto Jawi Xasiloon iyo Sii adkaynta Road Map Peaceka uu C/nuur Hogaaminayo,maadaama Xukuumada DDSI ay mar kasta Cafis u fidiso Mxaxaabiista oo Hada Ka horba loo fidisyay Diyaarna u tahay Wax kasta oo Nabad Lagu heli karo Dastuurkana aan ka hor imaanayn.

Dhanka kale Wariyaha Cakaara oo la xidhiidhay hay'adaha ku shaqada leh siidaynta Maxaabiista ay Security Councilka Deegaanka ee uu shirgudoominayay Madaxweynaha DDSI  Cafiska u Fidiyay ayaa Tibaaxay in lagu guda jiro Sii Daynta Maxaabiista loo haystay Falal Nabad-diidnimo.

Maxaabiistan Cafiska loo fidiyay oo u xidhnaa Arimo la xidhiidhay Nabad-diidka UBBO oo maalmahan la sii dayn doono ayaa sida warku nagu soo gaadhay ay ku jiraan Shaqsiyaad Magac ku dhex lahaa UBBO.

Tan iyo intii Wadahadalada Dastuuriga ah Ay Garabka Asmara ee uu Hogaaminayo C/nuur la galeen Wadahadalda DFI iyo DDSI waxaa isa soo Taraya Midha dhalkeeda iyadoona ilaa iyo hada ay 35 ka mida Hogaaminta Garabka Asmara ay la soo xidhiidheen cabdi Nuur kuna soo Biireen Road Mapka Nabada,sii daynta Maxaabiista ka dib ayaa la filayaa in uu C/nuur Dib ugu noqdo Kenya halkaas oo Shir balaadhan uga Bilaabmi Doono Golaha Dhexe,G/fulita,Kaadiriinta iyo Taageerayaasha Garabka Asmara kaga wda xaajoon doonaan Sidii Nabada loo sii Adkayn lahaa loogana Waantoobi lahaa Majarahabawgii 20ka Sano.

War Deg-Deg Ah Shiftay Sheekh Deeq(Dhagoole) oo Geeriyooday Maxaase Sababay Dilkiisa?

Farmadow(CakaaraNews)Talaado Janauary 01, 2013.War Degdeg ah oo dhawaan naga soo gaadhaay Deegaanka Farmadow ayaa xaqiijinaya Geerida shiftay Deeq-Dhagoole oo ay UBBO ugu yeedhi jirtay Sheekh Deeq walow aynan weli Cadayn oo aynan saldhigin waxa sababay Geerida Kadiska ah ee Ku Timid Sheeh-Deeq Dhagoole.

Geerida ku timid Dhagoole Deeq ayaa siyaabo kala duduwan lagu fasirayaa Dakuna Qaarba si ku tilmaamayaan,Halka qaar ka mida Websiteyaduna ay soo qoreen Dhimashada Deeq-Dhagoole walow ay Xukuumada DDSI ay ka gaabsatay Arintan.

Dadka u dhuun-duleela UBBO ayaa xaqiijinaya in laga soo bilaabo Wadahadaladii Dhicisoobay ee Nairobi in ay Hogaanka Ciidamada Maleeshiyada UBBO ee sii dabar go'aysaa uu ka dhex aloosmay khilaaf aad u weyn oo ay kala safteen.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa ka sakow Khilaafka Hogaaminta Maleeshiyada UBBO in ay Dhamaanba Tirada yar ee Dhalinarada UBBO u xambaarisay Qoryaha ay Rajo Nabadeed galisay Markay maqleen in wadahadalo Nabadeed ay la galeen DFI iyo DDSI wafti ka mida Hogaaminta Garabka Asmara oo uu Hogaaminayay C/nuur C/laahi faarax(C/nuur Yare) halka Hogaaminta Maleeshiyada UBBO ee sii dabar go'aysa ay u kala jabeen Kuwo Garwaaqsaday una riyaaqay Ahmiyada balaadhan ee ay u leedahay Wadahadalada Nabadeed ee ay Hogaaminta Asmara ee uu Hogaaminayo C/nuur-yare ay la galeen Dawlada Federalka Itoobiya iyo Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Xaqiiqsana in UBBO aynan Waxba Gacanta ugu jirin wakti-xaadirkan oo wadada kaliya tahay wadahadal Nabadeed.iyo Qaar Weli u sii hanqal-taagaya Balagii ka Ganacsiga Dhiiga Shacabka ee ay u luleen Ina Cumar dacay iyo Ina Ruqiyo dhuubo.

Akhristoow Su'aasha Meesha ku Jirta ayaa ah Yaa Dilay Sheekh Deeq(Dhagoole)?

Hadaba iyadoo aynan weli cadayn sababta kaliftay geerida kadiska ah ee Deeq-Dhagoole in ay ku timid burburkii wadahalada nairobi iyo wadahadalada curdinka ah ee waftiga c/nuur la galay DFI iyo DDSI ayaa ay na soo gaadhayaan warar iskhilaafsan oo sababaynaya dilka.

Shaqsiyaad sheekh deeq ka ag dhawaa oo diiday in la shaaciyo magacooda ayaa sheegaya in uu Sheekh Deeq waayadan danbaba taageersanaa Nabada iyo wadahadalada Garwaaqsadayna in aynan Waxba Gacanta ugu jirin UBBO oo ay Nabadi Door Tahay,halka dad u dhuunduleelay C/kariin Qalbi-Danbas oo iyagoo Qoryahoodii wata soo xaroodayna ay sheegayaan in C/kariin Qalbi-danbas uu lahaa Sheekh Deeq Wadahadalada Nabadeed ayuu ka hor yimid walow aynan Cadayn labadooda kii nabada taageersanaa ama diidanaa Balse Sheekh Deeq ku Dhimay Tuu taageersanaaba.

Dhanka kale Hadii loo aanayn lahaa Ciidamada Liyuu-Police waxa ay Saraakiishoodu noo sheegeen in aynan wax lug ah ku lahayn Dilka Sheekh Deeq Dhagoole ee la soo sheegay wax dagaal ahna uunan dhex marin Ciidamada Liyuupolice iyo UBBO.

Sidoo Kale Shacabweynaha DDSI ayaa iyaguna Dhankooda aad ugu wada riyaaqay Wadahadalada Nabadeed ee uu C/nuur la galay DFI iyo DDSI meeshana ka saartay Cabsidii badnayd ee ay ka qabeen wadahadaladii Dhicisoobay.

Isku soo wada Duuboo Dilka Sheekh Deeq-Dhagoole Ayaa Noqotay Arin la yaab leh mar hadii Ciidamada Liyuupolice ee ay iska soo horjeedeen aynanba ka warhaynin wax dagaal ahna aynan iskaga hor imanin.

Madaxweynaha DDSI oo Farxada Sanadka Cusub Ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Shacabka DFI Gaar ahaan Shacabka DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews)Isniin Dec 31,2012.Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa mar uu saxaafada DDSI kula hadlayay Xafiiskiisa ugu ambalyeeyay Shacabka DDSI Guud ahaanba meel ay joogaanba in ilaahay Sanadkan kiisa xiga uu Caafimaad,Barwaaqo,Cibaado Suuban iyo bash Bash ku gaadhsiiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa Tibaaxay waxa Sanadkii hore lagu xasuusan karo yidhina Waa sanadkii uu Guud ahaanba Isbedel Horumarineed oo xawli ah ka Taabo galay DDSi,waa Sanadkii uu aabihii Horumarka iyo Dimoqraadiyada DFI uu Geeriyooday,Waa sanadkii Dhidibada loo taagay Telefishanka ESTV,Waa sanadkii Garabkii Asmara Ku soo Biireen Tubta Nabada iyo Dastuurka DFI,waa Sanadkii DDSI ay Tusaale Isbedel Horumarineed u Noqotay Deegaanada DFI,Waa Sanadkii Meesha laga saaray Deegaanka Dibu Dhacay loona Bedelay Deegaanka Soomaalida Ha Lagu daydo hana loo Doonto Khibrad iyo Aqoon,waa sanadkii la ansaxiyay in xuska 8aad ee Qowmiyadaha Lagu qabto DDSI,Qurbajoogtu Sanadkii ay Doorfirfircoon ka Qaateen Iibka Saamiyada Abbay Maalgashina ka Samaysteen,sanadkii Afka Soomaaliga lagu daray Imtixaanada qaranka Waxbarashada DDSI kor loo Qaaday lana Tayeeyay,sanadkii Xidhmooyinka caafimaadka La wada gadhsiiyay Degmooyinka,Sanadkii Culayska la saaray Helida Biyaha nadiifta ah,sanadkii Isgaadhsiintu wada Gaadhay Deegaanka lana balaadhiyay wadooyinka,sanadkii Gobolo Badan heleen Laydhka 24ka saac,Sanadkii la dagaalanka saboolnimada,Sanadkii 15 Degmo iyo 4 ismaamul magaalo la sameeyay,Sanadkii Ciidamada liyuupolice Sugeen Amniga Xuduudaha iyo N/galyada Deegaanka,Sanadkii la dejiyay Qorshyaasha Habka Beeraley Xoolo-dhaqato loogu bedalay Bulshada laguna guulaystay,Sanadkii Shacabku u Midoobay wax wada qabsi iyo Sanadkii tegay oo lagu xasuusan karo Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Agagarada wabiyada iyo Dooxooyinka oo uu DDSI Nqotay in lagu daydo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in guud ahaanba Qaybaha Shacabka iyo Xukuumadu gacmaha isku qabsadaan sidii looga midho dhalin lahaa Qorshyaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale loogana Xoroobi lahaa cadawga kaliya ee inagu soo wajahan oo ah Saboolnimada iyo Gaajada ayuu Yidhi.

ugu danbayntii ayaa uu Madaxweynuhu Dhamaanba Shacabweynaha DFI gaar ahaana Shacabka DDSI mar 2aad ugu Tahniyadeeyay farxada sanadka Cusub ee 2013 yidhina Sanadkan sanadkiisa ilaahay ha inagu gaadhsiiyo Bashbash,barwaaqo,Caafimaad,N/galyo taama iyo Horumar lagu tanaado meeshana ka baxdo Cabsida saboolnimada iyo Gaajada kuna biirnaa wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ayuu Yidhi Madaxweynuhu.

Ogeysiis:Jaaliyada Los-Angales Waftigii Xukuumada DDSI oo Beri Ku Qaban Doona Gudaha Qunsuliyada Shir.

Minniapolise(CakaaraNews)Isniin Dec 31,2012.Waxaa Dhamaanba Jaaliyada Lo-Angeles iyo Qurbajoogtaba lagu wargalinayaan in Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weear ay Caawa ka Soo Duuli Doonaan Minniapolise kuna soo wajahan yihiin Los-Angeles oo ay Beri 10ka Subaxnimo shir balaadhan ku qaban doonaan Gudaha Qunsuliyada Los-Angeles.

Hadaba Qunsul-xigeenka DFI u Fadhiya Los-Angeles Mudane xabiib Muxumed Yuusuf ayaa Qurbajoogta Los-angeles iyo Nawaxigeeda waxaa la socodsiinayaa ka soo qabgalka Shir Balaadhan oo Beri 10ka subaxnimo ka dhici Doona Gudaha Qunsuliyada DFI ay ku leedahay Los-Angeles.

Dhanka kale:- waftiga Xukuumada ayaa Habeen 1da Bisha Janauary 2013 ka soo Duuli doona Cariga Maraykanka kuna soo Wajahan Cariga Ingiriiska(UK-London) oo ay Joogi Doonaan 4 Cisho shirarna la yeelan doonaan Qurbajoogta,Jaaliyada,Haweenka,Ururka Dhalinyarada,Culumaaudiinka,waxgaradka,Odoyaasha iyo Ururka Dhalinyarada Silet Cry.

Gudoomiyaha Gobolka Nogob Mud: Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhay ah kusoo gaalaa bixinayey Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.

Nogob(CakaaraNews).Isniin,Dec,31,2012.GudoomiyahaGobolka Nogob Mudane Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhayn ah ku soo maray Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku isaga oo gaadhay Degmada Garbo.  halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan Degmada Garbo.

Gudoomiyaha gobolka nogob oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa kulamo is dabajoog ah la yeeshay maamulka degmada, shaqaalaha, iyo bulshada qaybaheeda kala gadisan Wuxuuna maanta si rasmi ah shir uga qabtay hoolka shirarka ee magaalada Garbo. shirwaynihii wadatashiga maamulka iyo shacabka Degmada Garbo iyo Dardar-galinta Horumarka, Nabadgaliyada iyo Maamulka Suuban. Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Odoyaasha , Ugaasyada, Salaadiinta, Dhalinyarada, Hooyooyinka iyo dhamaan wax garadka Degmada Garbo. Waxaa halkaa ugu horayn qodobo dhaxal gal ah oo meelo badan taabanaya kasoo jeediyey gudoomiyaha gobolka Nogob Mudane Maxamed Cabdi Mowsar isaga oo si faah-faahsan ugu dhigdhigay kasoo qayb-galayaashii shirkan, waxqabadkii ay DDSI soo gaadhsiisay Bulshada ku dhaqan Degmada Garbo.

Kadibna waxaa makarafoonka la wareegay bulshadii kasoo qayb-gashay shirka oo ka marag kacay wax-qabadka ay soo gaadhsiisay DDSI sheegayna in ay kasoo kabanayaan hagardaamadii ay u gaysatay hadhaaga nabadiidka ah ee UBBO.

Gudoomiyaha gobolka  nogob ayaa kulamo noocan oo kale  ah ka qaban-doona dhamaan Degmooyinka uu ka kooban yahay  gobolka Nnogobi.

 

Barnaamijka Biyo Ururinta ee Laga Wado Tuulada Waaji ee Degmada Jigjiga oo Gebo-Gebo Maraya.

Waaji-Jigjiga(cakaaraNews)Axad Dec 30,2012.Barnaamijka biyo ururinta oo ah mid xukumadu ay Ahmiyada koobaad siisay Qorshayaasha Dhanka Biyaha si bulshada looga haqabtiro baahidoodadhinaca biyaha una helaan biyo nadiif ah. Guud ahaanba degaanka ayaa laga hirgaliyo barnaamijka biyo ururinta oo ah mid la rabo in kor loogu soo qaado Helida bulshada iyo xoolahaba Biyo Nadiif ahislamarkaana loogu abuurayo fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda ayaa waxaa mid ka mida mashruuca laga hirgalinayo tuulada waaji oo ah biyo xidheen. Mashruuca biyo-xidheenka Tuulada Waaji ayaa maraya gebo-gabo iyadoo mashruucani biyo xidheenka ahi ee laga wada Waaji uu yahay ka ugu weyn Degmada Jigjiga ee Gobolka Faafan cabirkiisuna dhanyahay 280 kun oo metercube (M3)islamarkaana la rabo in lagu kaydiyo biyaha si bulshadu looga faaideeysato xilliyada abaaraha.

Shacabka ku dhaqan tuulada Waaji aya dareen farxadeed ku soo dhaweeyey barnaamijka biyo ururinta oo ay ka heleen fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda islamarkaana ay aad u booriyeen barnaamijkani biyo ururinta iyagoo oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin hirgalinta mashruucani . Mashruucani biyo ururinta ee laga wado tuulada waaji ayaa waxaa si balaadhan uga wadashaqeynayaa bulshada ku dhaqan waaji iyo ciidanka rijmintiga 25 aad Liyuupolice ee agaasi dagan oo si balaadhan uga qaybqaadanaya horumarka noocyadiisa kala duwan eek a socda Goobahaas.

Hadaba Mar uu waraiyaha cakaara wareysi gaaban la yeelaney Shaalaqaha Rijmintiga 25aad shalaaqe Xasan ayaa uu warbixin kooban ka siiyey wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka ka dhaxaysa ee ku saleysan barnaamijka biyo ururinta laga wado sentarka Waaji.

Barnaamijka biyo ururinta ayaaay xukuumada haatan Talada degaanka haysaa qorshaha 1aad ka, 2aad ,3aad ka dhigatay dhinaca biyo ururinta sidii bulshada looga haqabtiri lahaa biyo nadiifa oo daboola baahidooda,islamarkaana fursado shaqo looga abuuri lahaa Bulshada halka wakhtiyadii hore ay qaadan jireenn Qandaraaslayaal aan faaido iyo manaafacaadtoona aan Bulshada waxba ugu filnaan jirin, taasoo ay xukuumadu go’aan ka qaadatay sidii loo galin lahaa jeebka lacagta mashruucan bulshada,si ay Shacabku uga helaan fursado shaqo wadajir ahaana looga faaidayn lahaa barnaamijka biyo ururinta oo ah mid la rabo in kor loogu qaado dhinaca biyo galinta ee laga wado degaanka .