Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii ay Ka Geeriyootay Cibaado Garaad Dool Garaad Xirsi.

Minniapolise(CakaaraTacsi)Isniin Jan 14,2013.Ururka Dhalinyarada Wadaniyiinta ah ee SEDYO kuna Nool Minniapolise ayaa waxay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan Qoyskii iyo Ehelkii ay ka Geeriyootay Marxuumada Cibaado Garaad Dool Garaad Xirsi oo ku geeriootay Magaalada Jigjiga.

Masuuliyiinta Sedyo ayaa Qoyskii,Ehelkii iyo Caruurtii ay ka baxday Marxuumadu leh waxaanu ilaahay ka baryaynaa in uu Samir iyo iimaan wadar ahaanteen inaga siiyo Marxuumadana Naxariistii Jano Fardawsa ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Afhayeenka Ururka SEDYO Shaalaqe Aabi.

wasiirka Horumarinta Jidadka DDSI oo Mahadnaq Balaadhan u Jeediyay Dhamaanba Qurbajoogtii Ku Gadooday Saamilayda Caadaysatay Gaboodfalada Shacabka ee UBBO.

Jigjiga(CakaaraNews)Axad Jan 13,2013.Wasiirka Xafiiska Horumarinta Jidadka Miyiga iyo Magaalooyinka Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa Mahadnaq aad u balaadhan u soo jeediyay Dhamaanba Qurbajoogtii ka kala timid Xalay Minniapolise ee ay Shucuurtooda ka muuqatay sida ay uga Gilgilanayaan Gabood-falada Waxashnimo ee ay UBBO kula kacday Shacabka DDSI sida Kufsiga Dilka,Jarjarida,Gubida iyo Daadinta Dhiiga dadka biri ma gaydada ah.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay Qurbajoogtii Xalay ee Isugu jirtay Gudiga Odoyaasha,ururka halyeeyada Sedyo,Ururka Haweenka,Jaaliyada,Qurbajoog Dumar,Rag,Waayeel,Aqoonyahan,Culumaaudiin iyo Ardayba ee Wakhtigii ay Cimilada Minniapolise ugu Qaboobayd u bababac dhigay Hanfidii Barafka Da'ayay iyagoon Marna Dareemin in ay Guteen Waajibaad Qaran-umadeed oo aan Weligeed ka tirmayn Sooyaalka Taariikheed ee DDSI Gashayna Baal dahab ah ayuu yidhi Wasiirku.

Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa ku daray Hadalkiisa in aynan Wadaniytada Reer Minniapolise waxtarkoodana horayna ay Xukuumada DDSI uga marag kacday ahaayeena Meeshii ugu horaysay ee Daahfurka Qurbajoogtu ka bilaabmay Halgan adagna la galeen UBBO oo ay ka xoreeyeen Moolka 24aad,islamarkaana Shirarkii ugu Qiimaha waynaa ay ka dhaceen.

Madaxweyne Ku xigeenka DDSI Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI oo Socdaal Dardar-Galinta Dhismayaasha Bridgeyada Maya-muluqo,Geel-doox,Qubbi iyo Salaxaad.

Fiiq(cakaaraNews)Axad Jan 13,2013.Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan Ayaa Socdaal hawleed ku Tegay Gobolka Fiiq Si loo Dardargaliyo Sidii loo Dadajin lahaa Dhamaystirka dhismayaasha Bridgeyada isku xidha Maya-muluqo,Geel-doox,Qubbi iyo Salaxaad si loogu soo xidho Maamulka Gobolka Fiiq xaruntiisa Magaalada Fiiq,oo caqabad badan dhanka isku gooshida iyo Socdaalada uu ka jiro.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa tibaaxay in xukuumadu ay ahmiyad balaadhan siisay sidii degdeg loogu dhamaystiri lahaa Mashaariicda dhismayaasha Buundooyinka isku Xidha Fiiq iyo Mayamuluqo,Qubbi,Salaxaad iyo Geeldoox oo Dhibaatooyin ba'an iyo wareeg dheer kala kulmi jiray isu talawgooda.

Xukuumada DDSI ayaa Sanadkan Culayska saartay Sidii loo Dhamaystiri lahaa Dhismayaasha Buundooyinka Geel-doox,Maya-muluqo,Salaxaad iyo Qubbi si loogu soo xidho Deegaanka intiisa kale oo ay ka qoqobnaayeen,Dhibaatooyin iyo caqabado badana kala kulmi jireen Socdaalada iyo safarada ay ku tagi jireen Magaalada Fiiq iyo Deegaanka intiisa kaleba oo ay Wareeg dheer u soo mari jireen Buundo la'aanta awgeed.

UBBO oo Ay Harqiyeen Mawjado Ka Dhiidhiyay Damaca Axmaqnimo ee UBBO iyo Caruurtii Qaaxo Ku Soo Aruursaday Mawlaca oo Gacmaha iskula tagtay.

Minniapolise(CakaaraNews)Axad Jan 13,2013.Ayaan Waliba Xusuus Mudane Xalay ayaa lagu xasuusan doonaa Markii ay Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI iyagoo isku duuban ay ku wayraxeen Uur ku Taaladii UBBO ay ku Xasuuqeen Shacabka DDSI,islamarkaana ku Qamaamay Mawlac uu Damacsanaa ninka 2aad ee Saamilayda UBBOoo lagu Magacaabo Qaaxo Ismaaciil in uu Qoyskiisa,eriteriyaan,Caruur iyo Waayeel ku tilmaamo muuqaal Shireed.

Inkastoo Damaca UBBO ee uu Hogaaminayay Qaaxo uu Sidaas ahaa Balse Waxaa Damiirkooda kaga hor yimid mawjado Dad ah oo ku nool Minniapolise iyo Nawaaxigeeda oo ka Gadooday Gaboodfaladii Waxashnimo ee ay UBBO Dhaxalsiisay Shacabka DDSI,taasoo Mawjadihii ku Wayraxay UBBO ay Sababtay in uu Qaaxo Xataa Caruurtiisii iyo Xaaskiisii ku Sugnaa Mawlaca uu Haleeli kari waayo kuna Noqotay Jidkii Siraadka.

Dhanka kale wararka naga soo gaadhaya Minniapolise ayaa Xaqiijinaya in Tiradii yarayd ee UBBO kuna jirtay Mawlaca hagareed in ay laba saf u kala jabeen Birtana iska aslaaxeen halkaasoo Wiil uu Dhalay Qaaxo iyo Naftii-Hure Qaadhaan Ableey Lagu hubsaday oo Dhiigu Fawda hayay,mid ka mida islaamihii ku sugnayd Mawlaca UBBO ayaa laga soo weriyay in ay ku muusanaabaysay "Aduunoow Futo-Xume".

Dhacdadan Xalay ka Dhacday Minniapolise oo ay Hogaaminayeen Guurtida Odoyaasha,Halyeeyada SEDYO,Ururka haweenka,Aqoonyahanka,Culumaaudiinka,waxgaradka iyo Ardayda ka soo Jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Baal dahab ah ka Gashay Taariikhda Xukuumada DDSI,Noqotayna Taariikh Lama ilaawaan ah Qurbajoogta ku Wayraxday Gabood-faladii UBBO kula Tacaashay Shacabka kana midka ahaayeen Kufsiga,Dilka,Gawraca,Jarjarida Xubnaha Qofka,Gubida iyo Dhaca kuwaasoo mawjado dad ah ay Harqiyeen xayntii UBBO oo xaqu ka dilaacay.

Sidoo kale habeenkan ayaa ahaa habeenkii ugu Qaboobayd Cimilada Minniapolise oo uu baraf da'ayay balse Qurbajoogta wayraxday ayaanba Dheg jalaq u siin Hanfida Qaowga oo Naftooda Qaaliga ah u Huray Shacabkooda sidii ay uga Dulqaadi lahaayeen Heeryada Xun ee ay UBBO kaga Ganacsanayso Daadinta Dhiiga Shacabka.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Fariin Qaaliga ah oo ugu Mahadnaqayo Guud ahaanba Qurbajoogtii Muujisay Xalay Damiirkooda Wadaniyadeed iyo Guud ahaanba Gudiyadii kala duduwanaa ee Soo Abaabulay Daahfurka Dareenka Wadaniyadeed ee Qurbajoogta Minniapolise iyo Nawaaxigeeda ee ka dhiidhiyay.

Isku Soo wada duuboo UBBO wadhi,dhafoorahays,Rajo la'aan,Qaadhaan la'aan,Ganacsigii Daadinta Dhiiga oo Khasaaray,Damacii shisheeye oo Xaqiiqda ku anfariiray iyo Cashar lama ilaawaan ah ayaa ka raacay Minneapolise.

MInniapolise oo Jabisay Recordka Taariikhda DDSI iyo UBBO oo Godkeedii Biyo ugu Galay(AduunoowXaalkaa Ba').

Minniapolise(CakaaraNews)Sabti Jan 12,2013.Aduunoow Xaalkaa Ba'a UBBO oo Godkeedii Biyo ugu galaeen oo ay ku mudaharaadeen Kumaankum Qurbajooga oo ka gadooday Dilkii,Kufsigii,Dhacii iyo Gaboodfalada Waxashnimo ee ay UBBO Dhaxalsiisay Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya kuna Wayraxay Mid ka mida Shaqsiyaadka Saamiyada ugu wayn ku leh UBBO oo Lagu Magacaabo Qaaxo(Mxamed Ismacil).

Qaaxo ayaa markii hore Dalka Maraykanka ku yimid Fiiso-Siyaaro balse Damcay in Mawlac ku Yaala Agagaarka annur international restaurant uu kula shiro Tiro yar oo Dad ah Isuguna Jiray Eriteriyan,UBBO,Caruur iyo Waayeel lagu Keenay Mawlaca iyagoo Garbaha la hayo,waxaase Beeniyay Malihii Qaaxo Kumanaan Shacab ah oo Faruurta Qaniinsan oo ay Uur kutaalo ku Beertay Shirkada UBBO oo Solotay Walaalahood iyo Waalidkood Welina u sii hanqal taagaya.

Waa Aduun iyo Xaalkiiye UBBO Mawlacii ay islahaayeen Waad ku dhuuman kartaana waa lagaga daba tegay,taasoo sababtay in Qaaxo oo Xidhan Dirac Hagoogtayna Shalmad oo Laafyihiisana aad Islaan Xaragoon Jirtay Waayo aad moodo uu Talaabada Hoos ka Xaday oo uu Miciinsaday Kaniisad aan ka Fogayn Goobtii Wadhidu ka Raacday ee Mawlaca ahayd.

Dhanka kale warka ayaa waxa uu warku intaa ku darayaa in uu mudaharaadkan ay Qurbajoogta Minniapolise iyo Nawaaxigeedu ku soo bartilmaansadeen Mawlac uu Qaaxo damacsanaa in uu wax u eg Muuqaal shir ah ugu Qabto dad Ajanabi ah oo ay ka mid yihiin Eriteriya,Calooshood u shaqaystayaal,Ciyaal aan Qaan-gaadh ahayn iyo Waayeel Asaasacay oo Garbaha la soo Qabtay in ay Qurbajoogta Gadooday ee u Dul Qaadankari wayday Sii jiritaanka in ay maqlaan Magaca UBBO ay Dhigeen Diiwaan ay ku saxiixayaan Dacwad ku oogista Qaaxo,Ina Cumar Dacay,Ina Ruqiyo Dhuubo iyo Saamilayda Shirkada UBBO(Petition).

Isku Soo Wada Duuboo Mudaharaadka ayaa weli socda,una socda si aad u Qiimo badan taasoo soo shaac bixisay Go'aankii Shacabka ee Qarsoonaa taasoo Cashir Lamailaawaan ah u Dhigtay Mala-awaalkii UBBO iyo Damaceedii Waxashnimo.

Ha ka Fogaanina Cakaara oo Heegan u ah in ay Natiijada kama Danbaysta ah idiin Soo Tebiso.

Jaamacada Jigjiga oo ay Maanta Ka Qalin Jabiyeen Arday Dhan 522 iyo Madaxweynaha DDSI oo Ku Booriyay in Aqoonta Loogu adeego Aqoonta shacabka.

Jigjiga(CakaaraNews)Sabti Jan 12,2013.Maanta ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule xasan Munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday ay tiradoodu dhanayd 522 oo isugu isugu jiray Degree iyo Diploma,ardaydan oo isugu jiray rag iyo Dumarba ayaa ka mid ahaa kuwa habeenka wax barta oo ay ka mid yihiin Shaqaalaha dawlada,macalimiinta Summerka iyo Arday Toos jaamacada u dhiganaysayba.

 munaasabadan qalinjabinta ah ayaa ay ka soo qayb galeen madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska dakhliga ddsi mudane c/xakiin cigaal cumar,madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax maxamuud xasan.Siyaasiga Ruug cadaaga ah Dr Doolaal Aadan Xaal- xaali,Waalidiinta iyo Asxaabta Qalin jabinaysay iyo Masuuliyiin kale.

Ardaydan Maanta Qalin jabisay ayaa kala ahaa lab 96 Arday halka ardayda dhediga Ama Dumarku ay a ahaayeen 126 Dumar ah,iyadoona Tirada arayda ah ee ku qalin jabisay Shahaadada Degree ay Dhan yihiin 384 halka 138ardayna ay ku Qalin jabiyeen shahaadada Diploma. Madaxweynaha jaamacada Jigjiga(Jijiga University President) Mudane Dr C/naasir ayaa ka soo jeediyay Munaasabadan qalin jabinta ah Dadaalada Qarameed ee ay DFI iyo DDSI ugu jiraan Kor u Qaadida Tayada waxbarashada Dalka gaar ahaan Deegaanka soomaalida itoobiya si loo soo saaro Cudud Shaqaale oo ku gaashaaman Aqoon iyo Xirfado ay ugu Adeegaan shacabkooda,iyadoona ay hada ka hor ka qalin jabiyeen Jaamacada Jigjiga kumaankum Arday ah oo ka kala baxday Qaybaha kala duduwan ee waxbarashada Jaamacada ayuu yidhi madaxweynaha jaamacadu.

dhanka kale madaxwetnaha DDSI mUdane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn u hambalyeeyay Ardayda Qalinjabinaysay Maanta,islamarkaana uga Mahadceliyay Dadaalka ay Wado Jaamacada Jigjga University Gaar ahaan Madaxweynaha Jaamacada Dr C/naasir oo u Guntaday inuu ka midho dhaliyo Masuuliyada ka saaran Jaamacada tayaynta Adeega Baris-Barasho ee Shacabka DDSI ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa Carabaabay in Qalin Jabinta maanta ee Jaamacada Jigjiga aysan ahayn markii ugu horaysay ee ay jireen Dufcado ka horeeyay Dufcadan Maanta oo ka Qalin Jabiyay JJU,islamarkaana ku booriyay Ardayda Maanta Qalin Jabisay in ay kaga midho dhaliyaan aqoonta ay Sanadaha ku Baranayeen jaamacada,isagoona Madaxweynuhu si gaara ugu Mahadceliyay Dadaalka shaqaalaha Dawlada Maanta Qalin jabiyay ay u galeen iyagoo Shaqadii aan Dayicin hadana dhamaystirneen waxbarashadii Jaamacada.

Ugu Danbayntii Ayaa uu Gudoonsiiyay abaalmarinadii ay jaamacadu ugu talogashay Ardaydii ugu Dhibcaha wanaagsanaa Xiligii waxbarashada oo ay Gabadhi ka mid ahayd,islamarkaana u idmay in waxa dhiman ay gudoonsiiyaan ardayda Madaxweyne kuxigeenadu.

More Articles...

  1. wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDSI oo ka Degay Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi.
  2. Gaboodfalada Waxashnimo ee UBBO ay u Gaysatay Shacabka DDSI.
  3. John Terry oo diyaar u noqon doona kulanka Chelsea iyo Arsenal 20ka Bisha January.
  4. Man United oo ku soo biirtay loolanka Iibsiga Loogu Jiro Xidiga Reer-Belgium Marouane Fellaini
  5. Wasaarada Caafimaadka DFI oo 30 Ampulance oo Cusub Soo Gaadhsiisay Jigjiga iyo Madaxweynaha DDSI oo Ka Bixiyay Fariin u Adeegida Bukaanka.
  6. Maxaabiis Magac Leh oo Laga Keenay Xabsiga Suway oo La Fialyo in ay Ka Mid Noqon Doonaan Maxaabiis Badan oo Dhawaan Ooda Laga Qaadi Doono.
  7. Inaa-lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun ah Geeri Naxdin Leh C/yare Iimaan oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur.
  8. Degmada Dhanaan oo uu Ka Socdo Ololihii ugu Balaadhnaa Sanadkan Dhanka Dawaynta iyo talaalka Xoolaha Nool.
  9. Inkastoo aanan Weli heshiis laga saxiixin hadana Benitez waa uu diiday in Lampard ku biiro Man United
  10. Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Hambalyo u Diraya Mataanaha Ururka ee Laga Dhisay Sweden.
  11. Xafiiska Ka Hortaga iyo Xakamaynta Hiv/Aids ee DDSI oo Dadaalo Wacyi-galineed ka Wada Dhamaanba Qaybaha Bulshada ee Degmooyinka.
  12. Maareeyaha Wakaalada Maalgalinta DDSI oo Qado-Sharaf ugu Sameeyay Ganacsatada Reer Kenya Hotel-Nogob.
  13. Madaxweynaha DDSI iyo Marwadiisaoo Qado-Sharaf ugu Sameeyay Gurigooda Ganacsato Qurbajoog Ah oo Ka Kala Timid Dalalka Australia iyo Kenya
  14. Madaxweynaha DDI oo Maanta Xadhiga ka Jaray Mashruuca Wadada Cobble-Stoneka ee ay Maamulka Magaalada Jigjiga Ka sameeyeen Xarunta Maamulka DDSI.
  15. Kulan aad U Balaadhan oo Gudaha Safaarda DFI ee Uk Uga Socda WaftigaXukuumada DDSI iyo Qurbajoogta Uk.
  16. Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga oo Dibucurasho Ku Sameeyay Adeegbixinta Qaar Ka Mida Awoodahana U Dhaadhiciyay Maamulada 10ka Xaafadood.
  17. Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI oo hogaaminta Dhexe ee Tababarka Dhamaystay kala dardaarmay in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan mashruuca biyo xidheenka wabiga Abay.
  18. Madaxwayaha DDSI oo Booqday mashruuca biyo ururinta ah ee laga wado ee tuulada waaji oo ka tirsan degmada jijiga.
  19. waftigii xukuumadda DDSI oo Tegay Los-Angeles Lana kulmay Safiirka DFI u Fadhiya Los Angeles.
  20. Ogaysiis:Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenka oo London Yimid iyo Shir Ka Dhici Doona Sabtida Safaarada DFI ee London.
  21. Kulan Xogwaraysi iyo Wadatashi Ah oo ay Galabta Isugu Yimaadeen Dhamaan Hogaaminta Dhaqanka DDSI,Madaxweynaha DDSI iyo C/nuur-yare iyo Waftigiisa
  22. Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog Ka Timid Australia oo DDSI Maalgashi Ka Samaysanaya.
  23. Hogaaminta Sare,Kaadiriinta Garabka Asmara iyo C/nuur-yare oo Video-Conference Kula Hadlay Maanta Xukuumada DDSI.
  24. Tababarka Hogaaminta Dhexe ee Wajigii 2aad Ayaa Gebogebo Ku Dhaw iyo dardaarankii Gudoomiyaha XDHSI.
  25. Kulan ay wada yeesheen ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska aya soo gabagaboobay
  26. sagaaro Xaar Muuqday Aastaa Ubbo oo isku Dayaysa in ay u raad Gado Dilka Deeq Dhagoole 3 Cisho ka dibna Si kale U sheegto.
  27. C/nuur-yare Jawi farxad-Nabadeed si loo Abuuro waa in Maxaabiista La Sii Daayaa iyo Madaxweynaha oo Ka Aqbalay.
  28. War Deg-Deg Ah Shiftay Sheekh Deeq(Dhagoole) oo Geeriyooday Maxaase Sababay Dilkiisa?
  29. Madaxweynaha DDSI oo Farxada Sanadka Cusub Ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Shacabka DFI Gaar ahaan Shacabka DDSI.
  30. Ogeysiis:Jaaliyada Los-Angales Waftigii Xukuumada DDSI oo Beri Ku Qaban Doona Gudaha Qunsuliyada Shir.
  31. Gudoomiyaha Gobolka Nogob Mud: Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhay ah kusoo gaalaa bixinayey Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.
  32. Barnaamijka Biyo Ururinta ee Laga Wado Tuulada Waaji ee Degmada Jigjiga oo Gebo-Gebo Maraya.
  33. Falanqaynta Quruxda:-Ma La Socotaa 11ka Xidigaha Kubada Cagta ee ugu Xaasaska Qurxoon
  34. MO-Farah oo Magaciisu u Ekaaday Magac Nin Argagaxiso ah oo La Raadinayay Mudana Lagu Yara Xanibay Garoonka Diyaaradaha Portland(USA).
  35. Golaha Capinetka DDSI oo Shir Maanta Isugu Yimid Kuna Ansaxiyay Qodobo Muhiima.
  36. Wafti balaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirad ku-xigenada xafiiska madaxtooyada DDSI ayaa kormeer hawleed ku tagay Goobaha Tuulada Geri'Goan laga dhisayo Mahaariicaha Aas-aasiga ah.
  37. Deeqday Dugsiyada Hooyga Agoonta ee Jigjiga iyo Fiiq labo gaadhi, Manhaj iyo Laydhadh Solar ku Shaqeeya.
  38. Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/kuxigeenka DDSI oo Maqaaxida Molka 24aad ee Minniapolise(Shaah Macan)Kula Saaheeyay Qurbajoogta.
  39. Jaaliyaadka DDS oo ra'isulwasaare Meles kusoo dhaweeyey Columbia University, quusna galiyeen taageerayaasha mucaaradka
  40. Bishaaro War Deg Deg Ah WALAAHI SUMA WALAAHI UBO JABTAY
  41. Imtixaanka Guud ee Bari ay Ufadhiisanayaan Fasalada 10 &12 & Heerka Waxbarashada Waxqabadkii Saddexdii Sanno ee Ugu Dambaysay
  42. Doorashooyinkii X/xildhibaanada Dagmooyinka & Xaafadaha DDS oo si nabad galyo ah kusoo gabagababoobay
  43. Ciyaartooygii DDS Oo Guulo Waawayn Kasoo Hooyay Ciyaarihii Qaranka Itoobiya Ee lagu Qabtay Casimada A.A