Ciyaartooygii DDS Oo Guulo Waawayn Kasoo Hooyay Ciyaarihii Qaranka Itoobiya Ee lagu Qabtay Casimada A.A

altAdis-Ababa (CakaaraNews)Xafiiska Dhalinyarada Ciyaara Isboortiga ayaa shaaca ka qaaday in Tartamadii Ciyaaraha kala duwan ee kasocday Caasimada Adis-Ababa ay guulo waxku oola kasoo hoyeen iydoo dhalinyaro badan oo DDS kasocday loo qaatay Xulalka Qaranka iyo Naadiyada Ciyaaraha kala duwan.

Warkankan oo aan khadka Taleefanka kula xidhiidhnay Masuuliyiin Xafiiskasi kasocday oo ku sugnaa gagada ciyaarahaasi ka dhacayeen ee Adis Ababa oo kala ah Mudane C/risaaq Xasan Madaxa Fadareeshinak Ciyaaraha DDS, C/casiis Cismaan Nuur Agaasinka Tobabarada iyo Tartamada Xafiiska Dhalinyarada Isbooriga iyo Ciyaaraha DDS, iyo Dr Cali Xasan Siciid oo ahaa Kalkaaliyaha Dhinaca Caafimadka uga socday Deegaanka. ayaa waxa ay noo sheegeen in tartanka feedhka uu wacdaro ka dhigay Feedhyahanka DDS umatalayay.

Feedhyahankan oo final kii  utaagan ayaa waxa lafilayaa in maalinta Axada ah uu Deegaanka usoo hoyo Koob Dahaba ama Qalin, isagoo lafeedhtami doona Feedhyahanka Deegaanka Oromada.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in tartamadii kala duwanaa ee Ciyaaryahanada DDS kasocday ay ukala dhaceen sida tan:-
1- Kubada Cagta Wareegii 1aad DDS=0  Debub=1      W/2aad DDS=1 Amaara=1  W/3aad DDS=1 Gambela=1
2- Hand Boll Wareegii 1aad DDS=39 Benshangul=11  W/2aad DDS=24 Debub=26 W3aad DDS=24 Tigree=23
3- Basket Boll Wareegii 1aad DDS=32 Harari=36  W/2aad  DDS=56 Oromia=60
4- Tartankii Feedhka Wareegii 1aad DDS= Yes DDawa=No W/2aad DDS=Yes AA=No W/3aad  DDS & Oromo Final oo axada dhacaya
5- volley Boll W/1aad DDS=2 Tigray=3  W/2aad DDS=2 Tegray=3 .

Tartankii ay layeelan lahayeen Gambeelaha ayaa si aan cadaali ahayn forfe loosiiyay gambeela iyadoo wakhti khaldan uu sababay.

Hadaba ciyaaraahan oo bilaabmay 3 Bishan lana soo gabab gabaynayo 18 Bishan ayaa waxa loo qaatayalt Toobabaraha Xulka Qaranka ciyaartoyga Kubada Gacanta 17 jirada koobka Afrika uga qayb gala dalkani Itoobiya Mudane Wandhasan Jaane oo ah Toba barihii Kubada Gacanta ee DDS.

Sidoo kalen  ciyaartoyga DDS laga xushay iyo Kalaabyada kala qaatay waxa ay kala yihiin 1- Robel Masaay 2- Rudwaan Maxamad  3- Cabdi Maxamad iyo 4- C/rashiid Cali waxaana kala qaatay xulalaka qaranka ee ciyaaraha kala duwan halka Xamse C/casiis oo kubada cagta inuu u ciyaaro ay uqateen Nadiga Omedla Sisaay iyo Fahmina Harar Biraa iyo Nadiga bangiga (Bang Celeb ) ay baasked boll ka ay uqateen inay u ciyaaraan.alt

Ugudanbayntiina waxaa malinta bariya lafilayaa inuu dhici doono Tartanka Orodka Curyaamina oo ay DDS na ay xubno Rag iyo Dumarba leh uga qayb gali donaan.

Tartamadan ayaa waxa Xafiiska Dhalinyarada Isboortiga iyo  Ciyaaraha ee DDS unoqonayaan markii ugu horaysay ee guulo caynkanoo kale ah heer Qaran kasoo hoyaan.