Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mooyaale Iyo Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Oo Lasoo Gabagabeeyay

Mooyaale(Cakaaranews) Sabti 8da April 2017. Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay qalniinkii iyo Daawayntii indhaha ee maalmahanba kasocday degmada mooyaale kaasoo looga faaiidaynayay bulshada kunool degmada Mooyaale iyo nawaaxigeeda ee Gobolka Daawa islamarkaana lagu guulaystay qorshihii loogu talagalay degmada 100%.

Hadaba  Shacabka Ka Faaiidaysanayay Qalniinkan Iyo Daawaynta Indhaha oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay inay aad oogu  riyaaqeen adeeg bixintan bilaashka ah ee ay Ka Heleen Xaruntani Caafimadka Ee Degmada Mooyaale Qalniinkani Lagu Fulinayay, Waxayna intaa ku dareen in allah garab qabto xukuumada na garabqabatay ee aragaanagii indhaha dib noogusoo celisay.

Geesta Kale Iskuduwaha Kahortaga Indha La Aanta Ee Xafiiska Caafimadka DDSI DR Axmed Bade Ducaale Iyo K'S Xafiiska Caafimadka Ee Degmada Mooyaale Mudane Cali Aadan ayaa sheegay in qalniinkani intii uu socday ladaaweeyay 1265 qof halka qalniin lagu sameeyay bulsha Dhan 535 qof taasooy ka dhigan tahay in lagu guulaystay 100% Qalniinkii iyo daawayntii kasocotay degmada Mooyaale waxayna  Dhakhaatiirta Caafimadka Indhaha ee Wareega ay usii Gudbi Doonaan maalinta bari ah degmada hudhet.

 

 

 

Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI iyo Doorasho ay ku Dooranayeen Gudiyada Dib-umeelaynta Shaqaalaha.

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 7da April 2017. Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha heerarkooda kaladuwan ee xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay doorashada gudiga dib u meelaynta shaqaalaha qaabdhismeedka cusub ee barnaamijka looyaqaano qiimaynta shaqada iyo darajo siinta Job and Evaluation Grade  (JEG) ayaa si heer sare ah uga dhacay hoolk shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa  shir-gudoon ka haa wasiir kuigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (heeryo) wuxuuna sheegay in shrkan ujeedadiisu tahay sidii loodooran lahaa gudiyada kaladuwan ee dib umeelaynta shaqaalaha xafiiska qaabdismeedka cusub ee barnaamijka JEG iyo gudiga cabashooyinka. Wuxuuna intaa kudaray in barnaamijkani yahay barnaamij aad muhiim ugu ah dhamaan shaqaalaha dawlada islamarkaana sanadihii ugu danbeeyay uu dalku ku hawlanaa. Hadana aytahay wakhtigii laga dhaqan galin lahaad dhamaan deegaanada dalka.

Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in maanta ay  dhisayaan gudiyada dib umeelaynta shaqaalaha iyo waliba gudiga cabashooyinka si maalma gudahood loo dhamaystiro dib umeelaynta shaqaalaha xafiiska waxbarashada. Iyadoo si cadaalad ah loogu tartami doono boosaska cusub ee qaabdhismeedka JEG. Islamarkaana ay lagama maarmaantahay in ladoorto gudi cadaalad ah oo si cadaalad ah dib u meelaynta ugusameeya shaqaalha.

Kadibna, shaqaalaha ayaa doortay 2dii gudi  ee gudiga dib-u meelaynta iyo gudiga cabashooyinka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

Ugudanbayna wasiir-kuxigeenka ayaa la dardaarmay gudiyada isagoo xusay in si wadaniyad leh oo cadaalad ah ay xikaas uga soo baxaan. Shirka ayaana kusoodhamaaday jawi wanaagan oo shaqaalaha wajigooda farxadi kamuuqato.

MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Dhanaan

Garbo(Cakaaranews) Jumce 7da April 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku guda jira socdaalkoodii dheeraa ee ay ku marayeen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa markii uu galay degmada dhanaan ee gobolka shabeelewuxuu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Xadhiga ka jaray mashruuc biyogalin biyaha macaan ah oo ay si dhiig joojin ah xukuumadu ooga hirgalisay degmada dhanaan, Magaaladan oo kamid ah magaalooyinka oogu fac wayn magaalooyinka deegaanka ayaa waxaa markii oogu horaysay taariikhda abid xukuumadu ka hirgalisay mashruucan biyo galinta oo ay ku baxday lacag dhan 30 milyan oo birr oo lagasoo jiiday qabalaha bacaad oo 32km oo jira degmada dhanaan tasoo ka jawaabaysa baahida bulshada ee dhanka abaarta.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo bulshada kula hadlay goobtaas ayaa sheegay inuu mashruuca rasmiga ah ee laab dhanaan uu yahay mid ay xukuumadu dhamaystirayso si uu xalwaara oogu noqdo biyo la aanta mudad dheer kusoo noqnoqotay bulshada, mashruucana uu yahay mid si ku meelgaadh ah loogusii sameeyay bulshada maadaamo lagu jiro xaalad abaareed. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in ay biyahani yihiin biyo fiican oo dadka iyo duunyaduba isticmaali karaan, isagoo madaxwaynuhu ubalan qaaday bulshada inay cabi doonaan  biyaha macaan ee wabiga shabeele.

Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu booqday haanta kaydka biyaha ee magaalada dhanaan isagoo sheegay inay biyahan ka yimaadeen qabalaha bacaad oo 32km ujira degmada dhanaan islamarkaana ay biyahani ku yimaadeen qulqulka biyaha oon wax kale oo awood ah ubaahnayn tasoo ka dhigan in guul laga gaadhay mashruucan.

Intaas kadib ayaa wuxuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada dhanaan isagoo si qoto dheer ooga xog waramay ujeedada socdaalkooda iyo xaalada abaarta. Iyada oo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar usheegay bulshada inay samaystaan waxsoo saar dhinaca beeraha ah maadaama ay degmada dhanaan ku wanaagsantahay dhul beereedka islamarkaana ay dhanaan noqon doonto meel  lagu daydo oo  laga quudiyo goobaha kale. Wuxuuna madaxwaynu xusay inay xukuumadu qaadatay qorshe la yidhaahdo (BAABACO) oo micnaheedu yahay Biyo Baad Caafimaad ama biyo beer  calaf, ama biyo beer cilmi.

Dhinaca kale qaybaha kaladuwan ee bulshada dhanaan ayaa bogaadiyay xadhig ka jarka mashruucan biyo galinta oo uu fuliyay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI islamarkaana u mahad celiyay xukuumada iyagoo intaa ku daray inay ka faaiidaysan doonaan qorshayaasha horumarineed ay xukuumada DDSI kawado guud ahaanba deegaanka.

Ugu danbayna Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa kulanka kadib uqaybiyay bulshada ku dhaqan magaalada dhanaan raashin, biyo calafka xoolaha, dawada dadka iyo ta duunyadba.. Iyagoo magaalada dhanaan ooga ambabaxay dhinaca degmada garbo ee gobolka nogob, Waxayna intii ay dhexda kusii jireen sii mareen tuulooyinka Shiniile, Burqayar iyo higlaalabiir oo ay uqaybinayeen raashin, biyo calafka xoolaha, dawada dadka iyo ta duunyadba. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa usoo dheelmaday degmada garbo ee gobolka nogob oo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin.

 

Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka MMJ Oo Beeralayda Ugu Baaqay In Laga Faa’iidaysto Roobabka

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 7da April 2017. Madaxa Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilalinta Deegaanka Maamulka magaalada jigjiga marwo Ayaan Maxamuud  Cabdi oo u warantay warbaahinta degaanka ayaa sheegtay in dhamaan bulshada deegaanka ee beeralayda ah ay kafaa’iidaystaan ramxadaha roobabka ee kabilawday deegaanka qaybo kamid ah. Waxayna si gaar ah ulahadashay beeralayda kudhaqan nawaaxiga magaalada jigjiga. Iyadoo xustay in roobabka ka bilawaday caasimada iyo nawaaxigeeda ay bulshada beeralayda ahi kafaa'iidaystaan.

Sidookale, marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in ka xafiis ahaan ay maalmahanba kuhawlanaayeen qaybinta siidhka tayaysan islamarkaana ay qaarkamid ah bulshada beeralayda ah ee kudhaqan nawaaxiga MMJ u qybiyeen siidhadh tayaysan.

Ugudanbayna, waxay ku boorisay dhamaan bulshada kudhaqan nawaaxiga caasimada ee beeralayda ah in cashar laga barto roobyaraantii sanadkii hore islamarkaana si faacan looga faaiidaysto robabkan kabilawday deegaanka Si ay uga hortagaan ceesh iyo calaf la’aan intaba.

Mooyaale Iyo 1,095 Ruux Oo Aragoodii Indhaha Dib Uhelay

Moyaale(Cakaaranews) Khamiis 6da April 2017. Waxaa maalintii 3aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada mooyaale iyo nawaaxigeeda iyadoo maalmahii ugu danbeeyayba laga waday howlaha bulshada loogu soo celinayo aragooda, Ayaa waxaa indhaha loo qalay bulsho tiradoodu dhantahay 285 qof halka 810 qof laga daawaayay indhaha tasoo wadartoodu tahay in 1,095 qof dib uheleen aragooda indhaha.

Hadaba qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada mooyaale iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

Ugu danbayn mashruucan qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee deegaanka ayaa ah mid ku wareega degmooyinka deegaanka iyagoo wakhti xaadirkan ku sugan degmada mooyaale ee gobolka dhaawa iyagoo oogasii gudbi doona degmooyinka kale ee deegaanka ee qorshaysan.

MW CMC Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Dhalinyarada Ku Dhaqan Qabridahar.

Dhanaan(Cakaaranews) Khamiis 6da April 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kugada jira socdaalkoodii dheeraa ay ku marayeen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka maalmahana ku sugnaa magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey ayaa kulan la yeeshay ardayda wax ka barata kuliyadaha kaladuwan ee magaalada qabridahar.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheer ka bixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI,iyo waliba in aqoonta waxbarasho ay tahay ta kali ah ee lagaga bixi karo jahliga iyo saboolnimadka oo ah cadawga koobaad aynu leenahay, Wuxuuna  madaxwaynuhu intaa ku daray in xooga xirfada dhalinyaradu yahay midka ka midho dhalinaya guud ahaanba qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo deegaanka u dajisan. Madaxwaynaha ayaa ku booriyay dhalinyarada in aqoontan xirfadeed ee ay baranayaan noqoto mid wax wayn ku biirisa xawaare galinta geediga horumarka deegaanka. Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu xusay inay ardaydani ka nasiib badan yihiin ardaydii xiliyadii hore oon run ahaantii aan helin fursadan, Iyadoo madaxwaynuhu ku adkeeyay dhalintan inay aqoontoodu noqota mid horumarisa bulshadeena reer guuraaga ah.

Ugu danbayna kulankaas kadib ayaa waxay waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uga ambabexeen magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxay dhinaca degmada dhanaan ee gobolka shabeele. Waxayna maqribnimadii caawa galeen magaalada dhanaan halkaas oo la filayo in ay xadhiga ka jaraan mashaariico horumarineed.

 

 

 

More Articles...

  1. Xubnihii Ka Socday Midawga Axsaabta siyaasadeed ee dalka Oo kulan la Yeeshay Xukuumada DDSI.
  2. Wafti Kasocday Safaarada Maraykanka Iyo Hay’ada USAID Ayaa Kulan Laqaatay MW CMC
  3. Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada Koonfurta Jigjiga Oo Ku Boorisay Shacabka In Ay Ka Faa’iidaysaan Xili-Roobaadka.
  4. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed.
  5. Shir Lagu Qiimaynayo Mashruuca PCDP Oo Kadhacay Degmada Hargeele
  6. MW CMC Oo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalka Germany Ku Soo Dhaweeyay Qabridahar.
  7. Dood Cilmiyeed Kusaabsan Geedka Garanwaaga Ah Oo Kadhacay Magalada Jigjiga
  8. Qabridahar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.
  9. Kulan Lagaga Hadlayay Xoojinta Hawlaha Horumarka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.
  10. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Awaare
  11. Gaashaamo Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.
  12. Kulan Kusaabsan Ganacsiga Sharcidarada Ah Oo Loo Qabtay Ganacsatada MM Wajaale
  13. Gudiyada Dib U Meelaynta Shaqaalaha Xafiisyada Heer Deegaan Oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyay.
  14. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Marsin
  15. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada Oo Loo Qabtay Qaarka Mid Ah Shaqaalaha Xafiisyada heer deegaan.
  16. Shir balaadhan Oo loo Qabtay Ururada Federtionka Ee Dhalinyarada Koonfurta jigjiga
  17. Tababar Kor Loogu Qaadayo Awooda Fulineed Ee Fudaydiyayaasha ABE yada
  18. Danood Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC
  19. Wasiirka Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Kulan dar-daaran ah la yeelatay kooxo loo dirayey gobolada deegaanka.
  20. Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka Oo Booqasho Kutagay Qaar kamid ah Degmooyinka Deegaanka Iyo Mashaariicaha Waawayn
  21. Dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee inooga timid deeganka amxaarada
  22. MW Kuxigeenka DDSI Oo Bulshada Deegaanka Ugu Baaqday Ka Faa'iidaysiga Xili Roobaadka
  23. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Wardheer.
  24. Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca Oo Ay Siteen Wafti heer Deegaan Ah Oo Dawooyin iyo Nafaqada Caruurta Gaadhsiiyay Degmooyin Kaladuwan Oo Deegaanka ah.
  25. MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Ku Sugan Caleen
  26. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia
  27. Wafti Ka Socday Dalka Jabuuti Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed Ee DDSI
  28. MW CMC iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Qabridahar.
  29. MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka.
  30. K/S Maayorka MMJ Oo Xadhiga Kajaray Huteel Cusub
  31. MW CMC Iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Darsaya Xaalada Abaarta
  32. MW Kuxigeenka DDSI Oo Dib Ugusoo Laabatay Xarunta Deegaanka
  33. Kulan Wadatashi Ah Oo Lala Yeeshay Maamulayaasha, Iyo Kormeerayaasha MM Jigjiga
  34. Shir Wacyigalinta Nadaafada Ah Oo kadhacay Degmada Doolo-Bay
  35. MM Tog-Wajaale Oo Deeq raashin Ah U Qaybiyay Bulshada Danyarta Ah.
  36. Tababar Ku Saabsanaa Fayadhawrka Dugsiyada Deegaanka Oo Lasoo Gabagabeeyay
  37. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Degaanka.
  38. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Qiimaynta Iyo Darajasiinta Shaqada Oo La Soo Gabagabeeyay.
  39. Tababar Ku Saabsan Daraasaadka Nidaamka Baris Barasho Ee Deegaanka
  40. Deegaanka Canfarta Oo 26 gaadhi Oo Calafka Xoolaha ah Soo Gaadhsiiyay DDSI
  41. Mas’uuliyiin Kasocday Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah (DFID) UK Oo Kulan La yeeshay Xafiiska Waxbarashada DDSI
  42. MW CMC Oo U Duulay Dhanka Xarunta Dalka.
  43. MW CMC Oo Kulan Wada Tashi Ah La Yeeshay Shaqaalaha Iyo Odayaasha Deegaanka
  44. Mas’uuliyiin kasocotay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah (DFID) Oo Soo Booqday Xafiiska Caafimaadka DDSI
  45. Munaasbad Loogu Dabaal Dagayay Sanad-guurada 19aad Ee XDSHSI Iyo MW Ku Xigeenka DDSI Oo Ka Qaybgashay.
  46. Senterka Caleen Iyo Deeqihii Kala Duwanaa Ee Bulshada La gaadhsiiyay
  47. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood Ee Kuliyadaha Deegaanka Oo Ka Furmay Jigjiga
  48. MW CMC Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Mas’uuliyiin Kasocday Hay’ada UNICEF
  49. Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Oo Deeq Kaladuwan Gaadhsiiyay Bulshada Kudhaqan Senterka Garloogubay iyo Yucub
  50. Wafti Isku Dhaf ah Oo Kormeer Hawleed Ku Tagay Degmada Fiiq
  51. Xukuumada DDSI Oo 2 Milion Oo Birr Ugu Deeqday Qoysaska Dadkii ku Dhintay Dhacdadii qashin Dunka Ee Qooshe Caasimada AA.
  52. Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka MMj Ayaa Sheegay In Uu Bilaabay Dardargalin Cusub Oo Gaadiidka ah
  53. Soo Dhawayntii Minneapolis Ee Madaxwayne Kuxigeenka DDSI Oon Loo Kala Hadhin
  54. Tababar Loo Qabtay Madax Xafiiseedyada Xafiisyada Ganacsiga Gobolada iyo Degmooyinka DDSI Oo Ka Furmay Jigjiga.
  55. Mas’uuliyiinta Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Wacyigalin Ah La Yeeshay Ardayda Dugsiga Hoyiga Agoonta Ee MM Jigjiga
  56. Masuuliyiin Ka Socday Hay’ada Qaramada Midoobay Oo Soo Gaadhay Jigjiga.
  57. Kulan Lagaga Hadlayay Socdaalka Sharcidarada ah iyo dhibaatooyinkiisa
  58. Kulanka Qiimaynta Qotada Dheer Oo U Bilaabmay Barayaasha Iyo Hawlwadeenada Jaamacada Jigjga
  59. Kulan Lagaga Hadlayay Xaaladaha Abaaraha Oo Ka Dhacay Jigjiga.
  60. Maareeye yaasha Senterada Degmada Qalaafe Oo Tababar Loo Qabtay
  61. Kulan Loogu Diyaar Garoobayay Xuska 7aadka Maagaalooyinka Dalka
  62. MM Godey Iyo 600 oo Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta
  63. MM Qabridahar Iyo 526 Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta
  64. MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiin Kasocday Qaramada Midoobay
  65. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaankka
  66. Deeqaha Xukuumada DDSI Gaadhsiinayso Shacabka Abaaruhu Saameeyeen.
  67. Nidaamka Rimay Gacmeedka Oo Tababar Lagu Siiyay Macalimiinta Kuliyada TVET ka Ee MM Godey
  68. Socdaalka Gurmadka Abaaraha Iyo Doolo.
  69. Kulan Ay Yeesheen Xafiiska Beeraha DDSI, Kooxo Ka Socday Wasaarada Beeraha Ee Heer Federal Iyo Koox Ka Socday Hay’adaha Deeqbixiyayaasha Ah.
  70. Socdaalo Deeqo Lagu Gaadhsiinayo Bulshada Abaaruhu Saameeyeen.
  71. Degmada Qalaafo Oo Lagu Qabtay Tababar Kusaabsan Ladagaalanka Caadooyinka Xunxun
  72. Khibrad Wadaag Ay Wada yeesheen Masuuliyiinta Cilmibaadhista Deegaanka Iyo Hogaaminta Macadka Cilmibaadhista Malka Warar
  73. MM Qabridahar Oo Si Balaadhan Looga Xusay Maalinka Haweenka Aduunka
  74. Munaasabada Maalinta Haweenka Aduunka Oo JigJiga Laga Xusay.
  75. Xuska Sanad-guurada 41aad Ee Maalinka Haweenka Aduunka Oo Siwayn Looga Xusay MM Dhagaxbuur
  76. Dire Dawa Oo Si Balaadhan Loogu Xusay Sanad Guurada 19aad Ee X.D.SH.S.I.
  77. MMJ Oo 10 Force Ku Wareejiyay 10 Xaafadood Oo MMJ Ah
  78. Munaasabada Xuska Sanadguurada 19aad Ee XDSHSI Oo Si Heer Sare Ah Looga Xusay MM Wajaale
  79. MM Dhagaxbuur Iyo Tababar Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo
  80. Degmada Qalaafo Oo Si Heersare Ah Looga Xusay Sanad-guurada 19aad Ee XDSHSI
  81. Munaasabada Xuska 19aad ee X.D.SH.S.I Oo Si Meeqaam Sare ah Looga xusay jigjiga.
  82. MM Dhagaxbuur Iyo Munaasabadii Xuska 19aad Ee XDSHSI
  83. Dhakhaatiir Jaamacada Jigjiga U Diray Gobolka Doolo oo Gaadhay Xarunta Gobolka Ee Wardheer.
  84. Munaasabada Xuska 19aad Ee X.D.SH.S.I Oo Si Balaadhan Loogu diyaar Garoobay.
  85. Kulan Looga Hadlayay Ka Hortaga Socdaalka Sharcidarnada Ah Oo Ka Furmay jigjiga.
  86. Tababar Kusaabsan Nidaamka Ilaalinta Deegaanka Schoolada Iyo Guud Ahaanba Nadaafada Dugsiga Iyo Ardayda.
  87. Socdaalo Lagu Darsayo Xaalada Abaarta
  88. MW CMC Iyo Mas’uulyiin Heer Federal ah Oo Dhawaan Booqan Doona Goobaha Ay Abaartu Saamaysay Ee Deegaankeena
  89. Tababar Kusaabsan Nidaamka Faayo-dhawrka Ee WASH
  90. MW CMC Oo U Amba Baxay Xarunta Dalka
  91. Gudoomiyaha Gobolka Doolo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xirfadlayaal Caafimaad.
  92. Munaasabad Abaalmarin Lagu Gudoonsiiyay Ardayda Kaalmaha Hore U Galay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Dr Cabdulmajiid Xuseen
  93. Degmada Qalaafo iyo Qoysas Kabadan 60 kun Oo Qoys Oo Sifiican Uga Faa’iidaystay Barnaamijka Damaanad-qaadka Cunada PSNP
  94. Kulan Lagaga Hadlayay Arrimaha Xuquuqul Insaanka Oo Ka Furmay Jigjiga
  95. Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Sheegay In Uu Xoojinayo Daryeelka Caafimaadka Bulshada.
  96. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Ka Hortaga Musuqa Oo La Soo Gabagabeeyay.
  97. Bulshada kudhaqan Degmada Bilcil-buur Oo Bogaadisay Taakulaynta Iyo Daryeelka Loo Fidiyay
  98. kal-fadhigii Caadiga ahaa Ee Golaha Dhexe Ee XDSHSI
  99. Dowlada Federalka Ah Oo 16 Gaadhi Oo Raashin Ah Ugu Deeqay Somaliland
  100. Kulankii Wadatashiga Iskaashiga DDSI Iyo Somaliland Oo Ka Furmay Jigjiga.