Ramadan Kariim 



 

      

Bangiga Ganacsiga Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Wareejiyay Dhul Uu Ka Dhisayo Xarun Caafimaad

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca,3da May, 2017.Masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga  iyo masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI ayaa ku wareejiyay masuuliyiin ka socotay  bangiga  ganacsiga dalkeena itoobiya  dhul  dhan 3,000 oo kaaraamitir oo uu  bangigu  ka dhisayo xarun caafimaad oo laga hirgalinayo xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga. Taasi oo  munaasabadii lagula kala wareegayay dhulkan  ay  ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, ku simaha maayorka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri  iyo masuuliyiinta bangiga ganacsiga itoobiya laantiisa jigjiga iyo deridhawa.

Waxaana warbaahinta DDSI la hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali iyo ku simaha maayorka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane fadxi shugri kuwaasi oo ugu horayntii u mahad celiyay bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya oo ka qayb-qaadanaya hawlaha horumarka bulshada waxayna ka warbixiyeen ahmiyada ay xaruntan caafimaad u yeelandoona bulshada ku dhaqan xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga waxayna intaasi ku dareen in  ay xaruntan caafimaad ee uu hirgalinayo bangiga ganacsiga itoobiya in ay adeeg caafimaad siintoonto bulshada ku dhaqan xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga..

Dhankooda masuuliyiinta bangiga ganacsiga itoobiya laanta jigjiga iyo deridhawa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya ka qayb-qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed waxayna sheegeen in xaruntan caafimaad ee maanta lagu wareejiyay dhulkii laga dhisilahaa ay ku soo gabagabaynayaan muddo aad u kooban si ay xaruntu u bixiso adeeg caafimaad bulshada.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga ayaa siwayn u soo dhaweeyay xarunta caafimaad ee loo dhisayo, waxayna u mahad celiyeen bangiga ganacsiga itoobiya iyo xukuumada DDSI.

Tababar Kusaabsan Kahortaga Xanuunada Faafa Oo Ka Furmay Magaalada jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 3da May 2017.Waxaa maanta kafurmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga Tababar uusoo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI islamarkaana kusaabsanaa kahortaga xanuunada faafa gaar ahaan nafaqo-darada iyo shuban-biyoodka.

Hadaba, tababarkan oo ah tababarka tababarayaasha ee (TOT) ayaa waxaa looqabtay xirfadlayaal caafimaad oo kakala socday gobolada doolo,jarar,qoraxey,Erar Iyo Nogob  ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in tababarkani yahay tababarka tababarayaasha ee looyaqaano (TOT) islamarkaana ay kasooqaybgaleen  xirfadlayaal caafimaad oo kakalayimid gobolada.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sharax dheer kabixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka lagaleeyahay tabbarkan. Wuxuuna kubooriyay kaqaybgalaaysha in mudada uu socdo tababarku sifiican looga faa’iidaysto casharada islamarkaana si cilmiyaysan oo heersare ah loo gaadhsiiyo goboladii ay kakalyimaadeen xirfadlayaashu.

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii tababarkan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kasooqaybgalka tababarkan. Waxayna tilmaameen inay sifiican uga faaiidaysanayaan casharada, una sii gaadhsinayaan goobihii ay kakalayimaadeen.

Mas’uuliyiinta Ugu Saraysa Dalka Oo Garoonka Caaalamiga Ee Bole Kusoo Dhaweeyay Madaxwaynaha Dalka Somaaliya.

Addisababa(Cakaaranews) Arbaco 3da May 2017.  Mas’uuliyiinta ugu saraysa dalka oo uu ka mid yahay Raisal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn oo uu wehelinayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee bole ee caasimada dalka madaxwaynaha dalka somaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku soo gaadhay dalkeena itoobiya. soo dhawaynta ayaa dhinaca kale waxaa ku wehelinayay masuuliyiinta kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo ciyaaro dhaqameedka ku soo dhaweeyay madaxwaynaha dalka soomaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaana la filayaa inta uu joogo madaxwaynaha dalka soomaliya in uu kulamo lagu sii xoojinaya xidhiidhka labada dal la yeesho masuuliyiinta ugu saraysa dalkeena itoobiya

Kulanka Wadatashiga Yoolasha Horumarka Waara iyo waxqabadkii qorshaha (GTP2ga) Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 2da May, 2017. Waxaa ka furmay madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI kulan balaadhan oo  ah  wadatashi lagu qiimayanayo  tiirarka  yoolasha horumar waara ee afka qalaad loo yaqaano sustainable development goals   (SDG) ee sanka 2017  iyo heer daboolka waxqabadka qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaanqaadkiisa 2aad (GTP2ga) ee sanadkii 2008TI.

Kulankaasi  oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada, iyo wasiiro ku xigeenada xafiisyada heer deegaan, maareeyayaasha iyo maareeyayaal ku xigeenka wakaaladaha DDSI, masuuliyiin ka socday heer faderaal oo ay ka mid tahay wasiiru dawlaha wasaarada shaqaalaha  iyo arimaha bulshada JDFI marwo Warkinash Birru , gadhwadeenada geedi socodka qorshaynta xafiisyada heer deegaan, ganacsato , wakiilo ka socday bulshada xoolo dhaqadata  iyo xoolo dhaqato beeralayda degmooyinka deegaanka, ururada dhalinyarada iyo  haweenka DDSI 

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane  Jamaal Faarax Warmooge oo soo dhawayn ka dib ka warbixiayay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi isaga oo sheegay in guulo waawayn laga soo hooyay  fulinta qorshayaasha, istaraatajiyadaha iyo yoolasha horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaanka wasiirku xigeenka ayaa intaasi ku daray in mudda uu socdo kulankani diirada lagu saari-doono fulinta qorshyaasha horumarka waara (SDG) , waxqabadka qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha (GTP2ga) ee sanadkii 2008TI  iyo sidii loogu diyaar garoobay fulinta qorshayaasha horumarineed ee soo socda.

Sidoo kale waxaa furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiiru dawlaha wasaarada shaqaalaha iyo arimaha JDFI marwo warkinash  Birru oo sheegay in guud ahaan dalkeena itoobiya ku talaabsaday taaba galinta isbadal horumarineed isaga oo ka faa’iidaysanaya koritaanka dhaqaalaha ee ay ka mid yihiin qorshaya koboca iyo isbadalka dhaqaalaha (GTP2ga) iyo qorshayaasha yoolasha horumarka waara (SDG) kuwaasi oo ay ka markhaati kaceen wadamada qaarada Africa, caalamka iyo qaramada midoobay, wasiiru dawlaha ayaa sheegtay in ay mihiimtahay in la sii joogteeyo taabagalinta qorshayaashan

 

Kulankaasi ayaa maalmaha soo socda ka sii socondooma madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

MW CMC Oo Uduulay Xarunta Dalka

Addisababa(Cakaaranews) Talaado 2da May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markuu kasoo galay socdaalkii uu xadhiga kagasoo jarayay mashaariicihii kaladuwanaa ee horumarineed xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisabab, Isagoo howlo shaqo, Shirar, Iyo Howlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa.

Kulan ku Saabsan Dar-dargalinta Shaqooyinka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.

wajaale,(cakaaranews)Talaado,2da, May, 2017. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada tog-wajaale kulan ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa tayada adeeg bixinta la gaadhsiinayo bulshada.

kulankaasi waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha maamulka magaalada tog wajaale waxaana furitaankiisii ka hadlay maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta qorshayaasha horumarineed taasina ay sal u tahay in xooga la saaro tayada adeegyada la gaadhsiinayo bulshada, wuxuuna maayorku si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankaasi  oo ah sidii ay  shaqaalaha maamulka magaalada tog wajaale u dar-dargalin lahaayeen shaqooyinka iyo adeegyada loo hayo bulshada.

 

Dhankooda shaqaalaha ka soo qaybgalay kulankaasi ayaa sheegay in ay xooga saaridoonaan sidii shacabka loo gaadhsiin lahaa adeegyo deg deg ah oo leh tayo iyo  xushmada si looga midho dhaliyo yoolasha horumarineed ee la hiigsanayo.

More Articles...

  1. MW CMC Iyo Waftigii Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka.
  2. Deeq Caafimaad Oo Ay DDSI Gaadhsiisay Markii 3aad Magaalada Buuhoodle Ee Dalka Aan Dariska Nahay.
  3. Kulan Lagaga Hadlayay Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha oo ka dhacay jigjiga
  4. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariico Kaladuwan Oo Horumarineed.
  5. Sanadguuradii 7aad Ee Xuska 7aadka Cadaalada Oo Siwayn Looga Xusay Deegaanka
  6. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariicaha Waawayn Ee Waraabka
  7. Xuska 7aad Ee Todobaadka Forumka Magaalooyinka Dalka Oo Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Gondher.
  8. MW CMC Oo U Amba Baxay Xadhig Kajarka Mashaariicaha Waawayn
  9. Madaxwaynaha Golaha Sare Arrimaha Islaamka Dalka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka
  10. MW CMC Oo Sheekh Maxamed Xuseen Alaamudiin Uga Mahad Celiyay Deeqda Uu Soo Gaadhsiiyay DDSI.
  11. Wafti Ka Socday Mashruuca DRSLP Oo Kulan La Yeeshay Mas’uuliyiinta Xukuumada DDSI.
  12. Tababar Loo Qabtay Kabineega Iyo Hormuudka Golaha Horumarinta ee Tuulooyinka Degmada Qalaafe
  13. Tababar Ku Saabsan Maaraynta Cudurada Dilaaca Oo La Soo Gabagabeeyay.
  14. Gudi Ka Socday Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada DDSI.
  15. Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka.
  16. Tababar kusaabsan kafaaiidaysiga waxsoosaarka calafka iyo dalagyada kaladuwan
  17. Ciidanka Difaaca Qaranka Dalkeena Qaybtiisa Qoraxay Oo Deeq Raashin iyo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Senterka Ceelbakool
  18. Kulan hoos loogu Dhaadhicinayay Hirgalinta Heshiiskii Labada Deegaan Oo ka Dhacay Deridhawa.
  19. Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca (DRDIP) Oo Ka Qabsoomay Magaalada Qabribayax
  20. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Magaalada Dire Dawa
  21. Senterka Daarusalaam Iyo Deeq Raashin Ah Oo La Gaadhsiiyay
  22. Tababar Ku Saabsan Isticmaalka Aalada Computerka Oo Loo Furay Maareeyayaasha Tuulooyinka
  23. Jaamacada Qabridahar Oo Dhismaheedu Meel Fiican Marayo
  24. Shirwaynihii 7Aad Ee Tayada Waxbarashada Jaamacadaha Dalka Oo Ka furmay jigjiga.
  25. Xuska Maalinta Cidhibtirka Gudniinka Fir-cooniga Ah Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusya jigjiga.
  26. Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah DDSI Oo Loo Qabtay Xirfadlayaasha Iibka Iyo Xisaabaadka PSNP
  27. MW CMC Oo Kahadlay Hirgalinta Heshiiska iyo Digniin kuwajahan
  28. Garoonka Caalamiga Ah Ee Sida Casriga ah Loo Dhisayo Oo Si Habsamileh Usocda
  29. MW CMC Oo Faahfaahiyay Heshiiskii Soohdinta Labada Shacab
  30. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Caasimada Deegaanka.
  31. Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada Ayaa Ka Qabsoomay Boqolmaayo
  32. Filtu Oo Lagusoo Gabagabeeyay Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Gobolka Liibaan
  33. Ololo Balaadhan Oo dhanka Nadaafada Ah Oo Kadhacday Degmada Qalaafo
  34. Kulan Ku Saabsan Hirgalinta Xidhmaha Horumarinta Dhalinyarada Oo Ka Dhacay MM Wajaale
  35. Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 4aad
  36. Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada.
  37. Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culumo Owdiinka MMJ
  38. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada (PFM) Oo Loo Qabtay Xubnaha Anshaxa Degmooyinka Deegaanka.
  39. Ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 2aad
  40. Tartan Aqoomeed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada MMJ
  41. Filtu Oo Uu Ka Bilowday Ololaha Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ah
  42. Hogaaminta XDSHSI Ee Diri-dhabe Oo Lacag 800,000 ah Ugu Deeqay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay
  43. MMJ iyo Kal-fadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada
  44. Cuspitaalka MM Godey Oo Ay Ka Qalinjabiyeen 20 Umuliso Dhaqameed
  45. Tababar Kusaabsan Wacyigalinta Guurka Degdega Ah
  46. Gobolka Siti Oo Bilaabay Goynta Calafka Xoolaha Oo Ay Ugu Deeqayaan Gobolada Ay Saamaysay Abaartu
  47. Degmada Hudhet Oo Lagusoo Gabagabeeyay Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa.
  48. MW CMC Oo U Duulay Xarunta Dalka Ee Addisababa
  49. MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan Iyo Odayaasha
  50. Munaasabad Lagu Sagootinayay Dhakhaatiirtii Deegaanka Axmaaradu U Soo Diray DDSI.
  51. Mas’uuliyiinta Degmada Hudhet Oo Kawarbixiyay Faaiidooyinka Laga Helay Dibudajinta
  52. Qiimaynta SM 2009 T.I Oo Kabilaabatay MMJ
  53. MM Godey Iyo Tababar Kusaabanaa Tacadiyada Kadhanka Ah Ee Jinsiga
  54. Hudhet Oo Uu Qalitaankii Iyo Daawayntii Indhaha Maalintii 2aad Galay.
  55. Imtixaanka Tijaabada Ah (Model Exam) Oo Ka bilawday Dugsiyada Sare Ee Deegaanka
  56. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo KuSoo Laabtay Xarunta Deegaanka.
  57. Qaliinka iyo Daawaynta Indhaha Oo Degmada Hudhat Si Rasmi Ah Uga Socota
  58. Dawlad Deegaanka Axmaarada oo Deeq Raashin Ah soo gaadhsiiyay DDSI
  59. Mashruucyadii Waa waynaa Oo Gabagaboobay iyo Political leaderskii Dhamaystiray Oo ay Xukuumadu Amaan Usoo Jeedisay
  60. MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Korucelis
  61. MM Jigjiga Oo Talaalka Iyo Daawaynta Xoolaha Ka Fuliyay Tuulooyinka Hoosyimaada.
  62. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ceel-biyoodkii 7aad Xadhiga Ka Jaray
  63. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Deeqo Raashin Ah Gaadhsiiyay Bulshada Gosoolalay.
  64. Mooyaale Iyo Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Oo Lasoo Gabagabeeyay
  65. Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI iyo Doorasho ay ku Dooranayeen Gudiyada Dib-umeelaynta Shaqaalaha.
  66. MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Dhanaan
  67. Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka MMJ Oo Beeralayda Ugu Baaqay In Laga Faa’iidaysto Roobabka
  68. Mooyaale Iyo 1,095 Ruux Oo Aragoodii Indhaha Dib Uhelay
  69. MW CMC Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Dhalinyarada Ku Dhaqan Qabridahar.
  70. Xubnihii Ka Socday Midawga Axsaabta siyaasadeed ee dalka Oo kulan la Yeeshay Xukuumada DDSI.
  71. Wafti Kasocday Safaarada Maraykanka Iyo Hay’ada USAID Ayaa Kulan Laqaatay MW CMC
  72. Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada Koonfurta Jigjiga Oo Ku Boorisay Shacabka In Ay Ka Faa’iidaysaan Xili-Roobaadka.
  73. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed.
  74. Shir Lagu Qiimaynayo Mashruuca PCDP Oo Kadhacay Degmada Hargeele
  75. MW CMC Oo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalka Germany Ku Soo Dhaweeyay Qabridahar.
  76. Dood Cilmiyeed Kusaabsan Geedka Garanwaaga Ah Oo Kadhacay Magalada Jigjiga
  77. Qabridahar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.
  78. Kulan Lagaga Hadlayay Xoojinta Hawlaha Horumarka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.
  79. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Awaare
  80. Gaashaamo Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.
  81. Kulan Kusaabsan Ganacsiga Sharcidarada Ah Oo Loo Qabtay Ganacsatada MM Wajaale
  82. Gudiyada Dib U Meelaynta Shaqaalaha Xafiisyada Heer Deegaan Oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyay.
  83. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Marsin
  84. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada Oo Loo Qabtay Qaarka Mid Ah Shaqaalaha Xafiisyada heer deegaan.
  85. Shir balaadhan Oo loo Qabtay Ururada Federtionka Ee Dhalinyarada Koonfurta jigjiga
  86. Tababar Kor Loogu Qaadayo Awooda Fulineed Ee Fudaydiyayaasha ABE yada
  87. Danood Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC
  88. Wasiirka Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Kulan dar-daaran ah la yeelatay kooxo loo dirayey gobolada deegaanka.
  89. Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka Oo Booqasho Kutagay Qaar kamid ah Degmooyinka Deegaanka Iyo Mashaariicaha Waawayn
  90. Dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee inooga timid deeganka amxaarada
  91. MW Kuxigeenka DDSI Oo Bulshada Deegaanka Ugu Baaqday Ka Faa'iidaysiga Xili Roobaadka
  92. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Wardheer.
  93. Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca Oo Ay Siteen Wafti heer Deegaan Ah Oo Dawooyin iyo Nafaqada Caruurta Gaadhsiiyay Degmooyin Kaladuwan Oo Deegaanka ah.
  94. MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Ku Sugan Caleen
  95. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia
  96. Wafti Ka Socday Dalka Jabuuti Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed Ee DDSI
  97. MW CMC iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Qabridahar.
  98. MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka.
  99. K/S Maayorka MMJ Oo Xadhiga Kajaray Huteel Cusub
  100. MW CMC Iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Darsaya Xaalada Abaarta