CIID MUBAARAK



 

      

Habeenkii Masraxa Hodan C/Raxmaan iyo Wacdaraheedii Bandhig-faneedkeedii Xalay Ka Dhacay Magaalada Jigjiga oo Buux Dhaafiyay Hoolka SMCX.+(Sawiro)

Jigjiga(cakaaraNews) Axad June 23,2013.Waxaa habeenkii Xalay ahaa Show ku Qabatay Magaalada Jigjiga Hobolada Caanka ah ee Hodan C/raxmaan oo Waayadan Danbe ay Dhalinyaradu ka daba dhaceen Halalaasiga Codkeeda iyo Heesaheeda ku Duxa Qalbiga Dhalinyarada. Al fanaanad Hodan C/raxmaan ayaa habeenkii Xalay ahaa soo bandhigtay Masrax faneed soo jiitay dhamaanba dadwaynihii Magaalada Jigjiga iyo Nawaaxigeeda oo buux dhaafiyay Hoolka sayidka halka Ay dadku qaarna kala socdeen Sameecadaha Dibada ka dib markii ay waayeen taako ay cagaha ka galiyaan hoolka.

Dadweynaha ayaa Stageka ay ku heesaysay Hodan C/raxmaan aanan Marna ka faaruqin ilaa iyo saqdii dhexe oo ay Heesba Hees u sii dhiibaysay kuwaasoo Qoob ka ciyaar kula jiibinayay Heesaha Fanaanada.

Dhanka kale waxaa iyaguna Doorkooda ka qaadanayay Fanaaniinta iyo Kooxaha DDSI ee looga daba hadhay Luuqda,Curinta iyo Dhaantooyinka Casriga ah kana mid ahaayeen Abwaan A.Budul,Fahiima,fadumo,Cali Dhaanto iyo qaar kale kuwaasoo Ruxay Dhamaanba Dadweynihii masraxa ku sugnaa oo Casharada iyo hab ciyaareedka Dhaqanka waayadan danbe ka loox jiita hadba Fanaaniinta ku talax tagay Ciyaaraha Dhaqanka Soomaalida iyo Murtida Curintaba.

Isku Soo wada soohoo Hodan C/raxmaan oo ka Mida Ururka halinyarada SEDYO ee ka Dhisan Minniapolise ayaa Taageerayaasheeda Dhinaca Fanka ee Ku Dhaqan Deegaanku ay Xalay Buux dhaafiyeen Hoolka SMCX iyaduna ay Ka haqab tirtay Heeso,Gubaabo iyo Dhaanto Casri ah oo ay Shacabkeeda taageera ugu talogashay.