Dufcadii 3aad oo Ay Maanta Ka Qalinjabiyeen Kuliyada Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay ee Nur International College.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin June 24,2013.Waxaa Manta ka Dhacday Magaalada Jigjiga Munaasabada Qalinjabinta Dufcadii 3aad ee ka Qalinjabisa Kuliyada Caafimaadka ee Nur Iternational College oo ka mida Kuliyadaha Gaarka loo Leeyahay ee ka Jira Deegaanka iyadoona ay Xafladan Qalinjabinta ay ka soo qaybgaleen madaxa TVETka DDSI Mudane Maxamed Faatax,Hormuudka Kuliyada,macalimiinta,Waalidiinta Ardayda iyo Marti Sharaf kale.

Munaasabadan ayaa uu ka hadlay Maareeyaha TVETka Deegaanka Mudane Maxamed Faatax islamarkaana Sharax ka bixiyay qorshayasha GTP iyo ka Spmka DDSI ee ku wajahan kor u Qaadida Cududa iyo tayada si loo helo Aqoonyahan daboola Guud ahaanba Baahiyaha Deegaanka Siiba Dhanka Caafimaadka kulana Dardaarmay in Ardayda ka Qalinjabisay maanta Kuliyada caafimaadka Nuur int College Shahaada Diploma in ay Aqoontooda uga faaiideeyaan Shacabka Deegaanka islamarkaana sii kororsadaan Kor u qaadida heerka Waxbarasho ee Aqoontooda la xidhiidha Caafimaadka.

sidookle waxaa isna dhankiisa ka hadlay mareeyaha kuiyada nuur international college mudane ahmed c/rahman una habbalyeeyay ardayda sida wanagsan ee ay ugu hureen wakhtigooda waxbarashada culuunta caafimadka islamarkaana ay manta farxad utahay ardayda iyo waalidiintoodaba maadaama ay kaga dhabeeyeen Himiladoodii. Hormuudka kuliyada ayaa tibaaxay in Ardayda Dufcada 3aad ee Qalinjabisay in ay Tiradoodu dhan tahay 149 Arday isuguna jira Dhedig 73 Arday Lab 76 kuwaasoo bartay Culuunta Caafimaad ee ay ka midka yihiin Shaybaahka(Laboratory),Umulisada(Mid Wifery),Nurse,Farmasi(Pharmacy) iyo qaybo kale.

isku Soo Wada Soohoo Ardaydan oo waxbarashada Kuliyada ku jirtay Muddo 3 sano ah ayaa ugu danbayntii halkaa lagu gudoonsiiyay Abaalmarino iyo Shahaado Sharaf 10kii Arday ee Dhibcaha Sare ka keenay,macalimiin iyo hay'adihii Kuliyada ka caawiyay Practicalka Ardayda.