CIID MUBAARAK



 

      

Madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Xaf,Horumarinta,Magaloyinka,Dhism iyo warshadaha oo Xadhiga Ka jaray Warshad Nooca Daqiiqda oo Ay ku Bahoobeen Dhismaheeda Maalqabeeno Ka Soo Jeeda Gobolka Sitti.

Marmarsa-SITTI(CakaaraNews) Isniin June 24,2013.Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo warshadaha DDSI Mudane C/xakiin Cigaal Cumar ayaa ka qaybgalay Munaasabad uu Xadhiga kaga jarayay Warshad Cusub oo ah Nooca Ridiqda(Samaysa) daqiiqda ama Burka oo ay wadajir iskaga kaashadeen Hantiilayaasha ka soo jeeda Gobolka SITTI ee ku dhaqan DDSI iyo Dalka dariska ah ee DJibouti lagana dhisay warshadan Tuulada Marmarsa oo ka mida Degmada Shiniile.

Iyadoona Ay Dhidsmaha Warshadani Qayb Ka Tahay dadaalada Maalgashi Ee Ay Xukuumada DDSI ugu baaqday Maal Qabeenadu Ay Kaga Faiideysan lahaayeen Khayraadka Dihin ee Dalkooda ugana Samaynsan lahaayeen maalgashi udub-dhexaad u noqda Qorshayaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale ee ay Xukuumada DDSI ku talo jirto hrgalintooda Mudo gaaban.

Warshadan Daqiiqda Ee Marmarsa Ee Dhismaheeda Laga Hirgeliyey Degmada Shiniile Ayaa Waxaa Si WadaJir Ah Xadhiga Uga Wada Jaray Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Horumarinta Magalooyinka Dhismaha Iyo Warshadaha DDSI Mudane; C/Xakiin Cigaal Cumar,wasiirka Xidhiidhka Arimaha Dawlada iyo dalxiiska DDSI Mudane Maxamed Guure Bisle Iyo Qunsulka Djibouti U Fadhya Ismaamulka Diridhaba Mudane : Aadan Muuse Caaraale Iyadoo Intaa Kadibna Masuliyintii Iyo Martisharaftii Ka Soo Qayb gashay Munaasibadan Xadhig Ka JarKa Ah Ay Indha-Indhayn ku Soo Mareen Gudaha Warshada Iyo Wax-Soosaarkeeda Iyadoo Warshadan Daqiiqda Ee Marmarsa Ay Awood U Leedahay Soo Saarida Inka Badan 400 Kintaal Oo Daqiiqa ah Malintiba .

Ugu Horeynnti Ayaa Waxaa Hadala Kooban Ka Soo Jeediyey Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Horumarinta Magalooyinka Dhismaha Iyo Warshadaha DDSI Mudane; C/Xakiin Cigaal Cumar Isagoo Sheegay In Warshadani Ay Ku Soo Korodhay Warshadihii Horey Uga Jirey DDSI Doorna Ka Qaadan doonto Shaqo Abuurka Iyo Is dhexgalka Iyo Isku Soo Jiidida Labada Shacab Isagoo Intaa Ku Daray In Warshadani Ay Qayb Muhiima ka Tahay Dadaalada Ay Malqabeenadu Kaga Qayb Qadanayaan Horumarinta Dalkooda Iyo Degankoda.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ugu danbayntii Mahadnaq u soo jeediyay Maalqabeenada iska aashaday kuna dhiiraday Maalgashiga Dalkooda taasoo la jaanqaadi doona Qorshayaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale eeDalka uguna Baaqay Maalqabeenada ka soo jeeda DDSI in ay dadaal la mid ah kan ay Deegaankooda ku maalgashadaan kana faaiidaystaan Khayraadka Dihin ee alle ku manaystay DDSI.

Wasiirka Xidhiidhka Arimaha Dawlada Mudane Maxamed Guure Bisle ayaa isaguna u Mahadnaqay Maalqabeenada iska kaashaday Dhismaha warshadan,islamarkaana xukuumada DDSI ay mar kasta soo dhawaynayso maalqabeenada ka soo jeeda DDSI iyo kuwa kalaba ee Raba in a DDSI maalgashi ka samaystaan gacana lagu siinayo ayuu yidhi wasiirku.

Dhanka Kale Waxaa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Qunsulka Djibouti U Fadhiy Diredawa Mudane: Aadan Muuse Caaraale Isaga Oo Tilmaamay In Warshadani Ay Tusaale U Tahay Xidhiidhka Iskaashi Iyo Wada Shaqeyneed Ee U Dhaxeeya Labada Shacab ee DDSI iyo Djiouti. Dhankooda Mulkilayaasha Daqiiqda Ee Marmarsa Ayaa Iyaguna Tilmaamay in aanu Hamigoodu Ku Kobnayn Warshadan Oo Kaliya Balse Ay U Qorsheysan tahay In Warshado Kale Ay ka Hirgleyaan Deegaanka,islamarkaana Dadaalo Ugu Jiraan Sidii Ay Uga Qayb qaadan Lahayeen Horumarka Degaanka ka socda Una Dabooli Lahayeen Baahida Shacabka Haday Tahay Shaqo Abuur Iyo Wax-Soo Saarkaba.

Dhanka Kale Shaqaalaha Durba ka hawlgalay Warshadani ayaa Sheegay In Ay Fursado Shaqo Abuur Balaadahan Ay Ka Heleen Aadna Ugu Faraxsanyihiin Kuna Booriyey Malqabeenada Kale Inay Ku Daydaan Maalgashadayaashani Kana Qayb qataan Horumarka Degaankooda ka Taabogalay.

Isku Soo Wada Duboo Warshadan Daqiiqda Ee Laga Hirgeliyey Qabalaha Marmarsa Ee Degmada Shiniile Ayey Ku Baxday aduun Lacageed oo Dhan 400 Milyen Sida Ay Shegeen Mulkilayaasha Warshadani.