Ramadan Kariim 



 

      

Odoyaal-Dhaqameedka iyo Qaybaha Bulshada ee Beesha maalin-Guur ooShir Balaadhan Ku Yeeshay Nairobi Kuna Baaqay In Tiir Adag Loo Noqdo Ka Qayb qaadashada Horumarka iyo N/galyada Ka Tabogaly DDDI lagana Feejignaado 4ta Beenquute ee kaliya Ka

Nairobi(CakaaraNews) Talaado June 24,2013.Waxaa shir balaadhan ku qabtay magaalada nairobi Ugaas Axmed Yusuf habane,Mahdi ayuub iyo waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Qaybaha Bulshada ee ka soo jeeda Gobolka Nogob Gaar ahaan Beesha Maalinguur,kuwaasoo Baaq ay u midaysn yihiin ka soo saaray kuna taageeray horumarka,n/galyada iyo Maamulka suuban ee ay Mudo gaaban ku dhaqan galisay Xukuumada uu Hogaanka u Hayo Madaxweyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa hubaal ah in aan la iska indho tiri Karin Hormarka, Nabad-galyada iyo Isbadalka dhaqaale ee ka hana qaaday DDSI, kaas oo ku socda Xawli, runtiina maraya meel uu horay uga sii socdo mooye uunan dib uga naqon Karin. Hadaba shirkan ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, oo ay hogaaminayeen, Ugaaska Beesha Ugaas Axmed Yusuf, Iyo Duq Mahdi Ayuub, dhalinyaro Qurba joog ah, ayaa waxay Beeshu kaga tashanaysay Sidii ay Horumarka DDSI,N/galyada iyo Maamulka Suuban Deeganka iyo Degmooyinka ay Beeshu dagto uga qayb qaadan lahaayeen Siiba dhinaca Maalgashiga, iyo Isbadalka Horumarineed eek a socda Deegaanka.

Kulankan waxaa Sidoo kale looga tashanayay sidii dhalinyarada Beesha ka soo jeeda ee ay UBBO khaladay kana dhigatay Bullet proof ama Xabada iskaga dhigaan,Qaxootigana ku ah Wadankan sidii ay wadankooda ugu soo noqon lahayaan, ulana noolaan lahaayeen ehelkoodii Baalna ka Raacaan Horumarka iyo N/galyada Deegaanka.. Hadaba shir ay Yeehsan Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqonyahanka, Ururuda Haweenka, Dhalinyarada iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ee ku kala nool 5 ta qaradood ee aduunka ayaa waxay ka Soo Saareen Baaq Isugu Jira Canbaarayn iyo Bogaadin Maanta ooy Taariikhdu Tahay 22/6/2013.

Baaq:- Kadib markii ay tashi dheer ka galeen beesha Malingur ee ku kala nool 5 ta qaradood ee aduunka, ogaatayna dhibka ay ku Hayso UBBO shacaybwaynaha Maalinguur Siiba Dhalinyarada Anfici lahaa Waalidkood iyo Dalkooda, Runtiina ay ka hor istaageen Hormarka ka hana qaaday Gobalada kale ee Deegaanka meelna kaga dhaceen, taariikhdii Beeshu ay ku la’hayd Deegaanka, ayay shir balaadhan ku qabteen magalada Nairobi shirkaasoo looga gol lahaa in beesha hada waxii ka danbeeya aynan marna u noqon dooni Xaabo ay shitaan 4 afar Awrkiraale oo UBBO ah Naf la caari ahna, ee gabalkoodii dhacay. hadaba waxaa lagama marmaan noqotay in besha inteeda samaha jecel ee wax garadka ah iyo hogan-dhaqameedkeeda isugu yimadan si ay uga hortagaan Majarahabaabinta Dhaan Dabangaale ee Beenquutayaasha la cidhib tiray Cudud ahaan,Dhaqaale ahaan iyo Jiritaankoodiiba.

Canbarayn: 1-Waxay Beesha si kulul u Canbaraynaysaa 4ta Qawlaysatada UBBO oo runtii Gabood falo u Gaystay Beesha 2-Waxay Sidoo kale Beesha halkan ka Canbareyn uga Jeedin Heynaa shakhsiyaadka ay ku adeegato UBBO ee sheegta Magaca Beesha.

3- Sidoo kale waxay Beeshu Canbaareyn Haysaa Websiteyada sida khaldan wax u faafiyo, Beeshan ka dhigtay Biibida ama Buufinta Curuurtu ku ciyaarto 4. Waxan sidoo kale oo aanu si adag Beeshu Ucanbaareynaysaa kuwa kasoo horjeeda Horumarka,Maamulka Suuban iyo Nabada ka hana qaaday DDSI.. 5- Ugu danbayntii waxaan leenahay dhamaan waxii ka soo Jeeda beesha In aynan UBBO danbe xaabo u noqonin, Shakhsiyaadka Meelahaa ka hadlayana ka waantoobaan kana feejignaadaan Mala awaalka 4ta Noloshoodu ku tiirsan tahay Dhiiga Dadka ee laga faquuqay Dalka iyo Dibadaba Bogaadin: 1-Waxay Beeshu Bogaadin iyo Taageeraba u Diraysaa madaxweynaha DDSI Mudane CMC iyo Xukuumadiisa oo mudo Gaaban isbedel la taaban karo oo xawli ah ka taabogalisay Guud ahaan Deegaanka gaar ahaan Gobolka Nogob(Fiiq Laydhka 24ka,saac,Buundooyinka,wadada iyo kaabayaasha dhaqaale). 2-Waxay Beeshu Bogaadinaysaa Dhamaan Bulsho waynta Jaceyl Nabada, Horumarka iyo xasiloonida ka hanaqaaday DDSI. 3-Waxay Sidoo kale beeshu bogaadinaysaa Odayaashii isxilqaamay, iyo Cid kasta oo soo abaabulay Shirwaynahan, hada kadibna halka lagasii wado.

4-Waxay beeshu bogaadinayasaa hawlaha iyo qorshayaasha Hormarineed ee ay Xukuumada DDSI ka Taabogalisay Guud ahaan Deegaanka si siman, Sidoo kale Beeshu waxay boogaadinayasaa Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumer ayna leeyihiin Illaahay hakula garab galo. 5-Sidoo kale Waxay beeshu bogaadinaysaa isfahanka wanaagsan eek a soo baxay Shirkii Nairobi, iyo,baraarugga Guud ahaanba Shacabka DDSI iyo gaar ahaan ka beeshu ka soo Jeedo.

5.ugu danbayn Waxaanu balanqaadaynaa in aanu Si midaysan Xoogayaga,Maskaxdayada,Wakhtigayaga iyo Dhaqaalahayagaba kaga Qaybqaadan doono Doorka Nagaga aadan Hawlaha Horumarka,Maalgashiga,N/galyada,Maamulka Suuban iyo iskaashiga walaalnimo ee Guud ahaan Shacabweynaha Soomaalida Itoobiya gaar ahaan kuwa aanu Deegaanka iyo Daaqsinkaba wadaagno.