Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabad Casho-Sharaf Ah oo Ay Wakaalada Qurbajoogta DDSI ugu Sameeyeen Hotel Hilton Qaar ka Mida Qurbajoogta DDSI.

Addis-Ababa(CakaaraNes) Khamiis June 27,2013. Munaasabadan Casho Sharafta ah ayaa uu si heer sare ah u soo agaasimay Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane C/fataax Siciid sidoo kalana uu goobjoog ka ahaa wakiilka Wakaalada Qurbajoogta DDSI laanta addis-ababa Mudane Bashiir iyadoona Xafiiska Qurbajoogta DDSI Ka Duulayay Qorshayaasha ku aadan soo dhawaynta Qurbajoogta ee Wakaaladu u dejisay,iyadoona ay Casho-sharaftan ka soo qayb galeen Maareeye kuxigeenka Wakaalada Qurbajoogta DDSI Mudane C/fataax Siciid,Madax ka socotay Wasaarada Arimaha Dibada ee DFI.Marti sharaf kale iyo Qurbajoog ka kala timid Qaaradaha aduunka.

Munaasabadan Casho-sharafta ahayd ayaa uu xafiiska Qurbajoogtu ugu Magac daray walaalayaal ku Soo Dhawaada Waa "Dalkiinii,Waa Dadkaagii" islamarkaana cashadii ka dib ayaa uu hadal ka soo jeediyay Wakiilka Xafiiska Qurbajoogta laanta Addis-ababa Mudane Bashiir oo tilmaamay doorka Qurbajoogtu ka qaadato Horumarka iyo hawlaha qaran Sida Biyo-xidheenka Abbay ka dibna codbaahiyaha ku soo dhaweeyay kuxigeenka Wakaalada Qurbajoogta DDSI Mudane C/fataax Siciid. Mudane C/fataax ayaa ugu horayn madasha ka soo jeediayay ereyo soo dhawayneed oo uu u muujiyay Qurbajogta dib ugu soo laabatay Dhulkoodii hooyo.

Sidoo kale Mudane C/fataax ayaa ku ladhay Soo dhawaynta Qurbajoogta kana marag kacay sida wanaagsan ee ay Qaar ka mida Qurbjoogta ka soo jeeda DDSI ay Doorkooda uga qaadanayaan horumarka maalgashiga, dhimista sabool nimada,abuurista fursadaha ilaha Dakhliga shaqada iyo waliba ka qaybqaadashada guud ahaanba horumarka ka socda deegaanka/. masuulka oo sii wata hadalkiisii ayaa waxa u yidhi “ mudanayaal iyo marwooyin waxaa xaqiiqo ah in Dastuurkeena dalka itoobiya uu 100% sugay sinaanta qoomiyadaha,dimuqoraadiyada,cadaalada iyo dhamaan xuquuqaha qoomiyadaha dalka itoobiya islamarkaana uu dalka u horseeday horumar balaadhan oo ka hano-qaaday guud ahaanba dalka itoobiya gaar ahaana DDSI.

mudanayaal iyo marwooyin dastuurkeena dalka itoobiya waxa uu sugay xuquuqda ay leeyihiin qurba joogta u dhalatay dalka itoobiya taasoo ah tan keentay in aad ka soo qayb gashaan shirwaynihii furitaanka lagaa hadlayay siyaasada (police ) xeerarka iyo qorshayaasha qurba joogta dalka itoobiya.

Mudanayaal iyo marwooyin waxaa marnaba lama ilaawaan ah dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada DDSI ee uu hormuud u hayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar u gashay in qurba joogta u dhalatay DDSI ay noqdaan kuwo ku baraarugsan xuquudooda ay ku leeyihiin dalka iyo deegaankaba islamarkaana ay noqdaan kuwo ka qaybqaata horumarka,maalgashiga iyo N/galyada ka hano-qaaday guud ahaan deegaanka iyo dalkaba”,

wuxuuna masuulku ugu danbayntii siwayn ugu booriyay qurba joogaasi u dhalatay DDSI in ay sii xoojiyaan ka qayb qaadashada horumarka ka socda DDSI. Sidoo kale waxaa ka hadlay maamuuska casha sharafta Agaasinka Guud ee Wasaarada Arimada Dibada DFI una Qaabilsan Waaxda Arimada Qurba-joogta Mr Mulgetu oo ka mid ahaa marti shafta ka soo qaybgalay munaasabadaasi ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay in qurba joogta DDSI si baladhan uga qab qaataan sii xoojinta horumarka ka iyo maalgashida DDSI islamarkaana ay kaalin wanaagsan kaga jiraan hirgalinta mashruuca wayn ee Wabiga Abay taasooy Tusaale Hormuud u noqday Dhamaanba Qowmiyadaha DFI.

Masuulkan ayaa wuxuu sheegay in ay qura joogta u dhatalay DDSI ay tusaale fiican u nondeen dhamaanba qurba-joogta dalka itoobiya isaga oo masuulku ugu danbaytii ugu baaqay qurba joogta u dhalatay DDSI in iyaga oo ka faa-iidaysanaya nidaamyada istaraatajiyadaha iyo siyaasadaha ku salaysan dhinacyada maalgashiga in ay kaalintooda ka qaataan si looga midho dhaliyo yoolka horumarineed ee uu dalku hiigsanayo.

Dhanka kale qaarka mid ah qurba joogtaasi ka soo qaybgashay munaasabadaasi casha sharafta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida fiican ee loo soo dhaweeyay waxayna sidoo kale xuseen in uu guud ahaan dalka iyo deegaankaba ka socdo horumar la taaban karo iyaga oo hoosta ka xaqiiqay in ay si buuxda uga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarineed si Door fiicana ka qaadan Doonaan Horumarka ka socda Dalka iyo deegaankaba. Hadaba waxaa xusid gaar ah mudan tan iyo markii la hirgaliyay nidaamka siyaasada furfuran ee arimaha dibada dalka itoobiya iyo tan deegaankaba waxaa xaqiiq noqotay in ay kaalin muuqata ku yeesheen dhinaca horumarka Dalka qurba-joogtu,tusaale ahaan labadii sano ee ugu danbaysay qurba joogta u dhatalay DDSI waxay hirgaliyeen 96 mashruuc oo horumarineed kuwaasoo ay fursado shaqo ugu abuureen in ka badan 7000 oo qof oo markii hore aan haysan shaqo iyo dhaqaale ay ku dabaraan nolol maalmeedkooda waxaana mashaariicahaasi ku baxay aduun lacageed oo dhan 6 Billyan sida la xaqiijiyay.

Isku soo wada Duuboo Qurbajoogtan oo ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu DDSI ka kooban yahay ayaa Shirwaynaha Qurbajoogta ka qaybgashay islamarkaana kulamo la yeeshay madaxda DFI kaga wada hadleen Xidhiidhka iyo Xoointa Dadaalada horumarka Qaranka Itoobiya.